SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?

A.D. Elmi
adelmi@hotmail.com


 

 Haddey in badan dibad joog ahayd, haddey in badan foolanaysay, haddey curatoo is keentay, waxaa la is weydiinayaa maxay dhashayoo banka keentay, hooyadu ma caafimaad qabtaa, cunuggu ma nool yahay, ma dhicis baa mise waa dhamays, mase caaafimaad qabaa, ma dhedigbaa mise waa lab? Waa su’aalaha caadiga ah ee dadku is weydiiyaan....

 

Dib u heshiisiintii ugu waqtiga dheereyd ee abid loo qabto dadka ay dilootay darxumooyinka ay dagaalada sokeeye sababeen ee ku dhaqan geeska Afrika, ayaan ilaa iyo  hadda u horseedin wixii ay hiyiga iyo laabta ku hayeen, in badan oo Soomaali ahi waxay ku fekerayeen in uu soo gabagboobay waqtigii fowdada iyo kala dambeyn la’aanta, loona gudbayo wixii haatan ka dambeeya horumar iyo hannaan dowladnimo oo ku salaysan hab wanaagsan oo loogu magac daray Federaal, kaas oo ku cusub guud ahaan gobolka Bariga Afrika oo dhan.

 

Waqtiga oo ah waxa ugu qiimo badan ee shakhsi banii’aadam ah ama wax ka badan soo mara, ayaa si xun loo isticmaaley, kaddib markii ilaa laba sanadood la fadhiyey dalka dariska ah ee Keenya oo naf ahaantiisa ay ragaadiyeen maamul xumo iyo musuq maasuq gaarsiisan heerka ugu sareeya, waxaa la kharash gareeyey lacago aad u tiro badan oo loo weecin karay dhinaca samafalka ee inta ku tabaalaysan gudaha dalka Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee waqtigii iyo kharashkiiba waxaa loo adeegsaday si aan tashiil iyo talaba ku dhisneyn, inkastoo haddana aan beesha caalamka wax badan lagu eedayn karin.

 

Waxaa la yagleeley Baarlamaan la sheegay inuu ku dhisan yahay 4.5 oo loola jeedo awood qeybsiga beelaha dalka Soomaaliya oo dhammaantood doonaya inay ka soo muuqdaan nidaamka Soomaaliya yeelanayso, waxaa la doortey madaxweyne, waxaa la magacaabay ra’iisul wasaare ka dibna waxaa la dhisay gole wasiiro oo iyaguna habka awood qeybsiga salka ku haya, ugu dambeyntii waxaa laga maarmi waayay in gudaha dalka Soomaaliya la soo caga dhigto, waa la soo guurey si habqan ah oo aan nidaamsanayn iyadoo weliba niyad samina aysan jirin.

 

Haddaba soo guuridii dowladda ka gadaal waxaa jira su’aalo badan oo shacabka Soomaaliyeed ay is weydiinayaan: Dawladdani sidee u shaqayn doontaa, iyaga gudahooda ma ka heshiin karaan, xubnaha galay dawladdaan qeybaheeda kala gadisan ma yihiin shaqsiyaadkii u qalmay inay wax u qabtaan shacabka mas’uulka looga dhigay, ma bed qabaan  maskax ahaan, nidaamka ay sameeyeense ma yahay mid saamaxaya in dalka iyo dadka uu horumar ku talaabsado? intaas oo su’aalo ah waxay ka dhex guuxayaan maskaxda dadka caadiga ah ee dowlad  doonka ah, waana kuwan iyagoo ka jawaabaya:

 

1-     haddey in badan cidla joog ahayd: mudadii dheereyd ee ay Kenya joogtay dhib badan ayaa soo gaaray (waxaa la dilay oo shirqool loo maleegay in badan oo ka qeyb qaadanaysay hannaankii dib u heshiisiinta, kuwo kale waa la garaacay oo waa la jir dilay, kuwo waa la xiray, kuwo kale waa la sharaf dilay waxaa ku dhacay  wixii dhibaato ahaa ee uu la kulmi lahaa qof dhulkiisii ka maqan deegaanka uu tegayna aan laga xurmeyneynin).

2-     Haddey in badan foolanaysay: wey saxriirtay, majiirashadii iyo docashadii mudada dheereyd, wey daashay oo diihaal fara badan ayaa ka muuqda, weyna danqanaysaa haatan.(waa dowlad magac ahaan u taagan oo khatar ugu jirta inay fashilanto)

 

3-     Haddey curatoo is keentay: halkii ay gurguurasho iyo socod barad ka noqon lahayd ayaa hal mar lala booday waana la orodsiiyay ilaa ay iska hortimaaddo iyadu.

4-      Maxay dhashayoo banka keentay: waxey banka keentay noole aan la aqoon wax lagu suureeyana aysanba jirin (dastuur aan lagu dhaqmeyen,sharcigoo lagu tunto madax iyo maamul aan kala dambeyn laheyn oo is wada qaniinsan, is qoonsan oo qalbigoodu uusan saafi isu ahayn).

 

5-      hooyadu ma caafimaad qabtaa: Xaggey caafimaad ku aragtay weligeedba maskax xanuun iyo xanaaq joogto ah kama aysan buskoone, in ka badan 14 sano ayay colaad iyo rasaas is qabeen, ma iyadaaba xasishayba .

6-      cunuggu ma nool yahay: cunuggu  waa nool yahay, maxayse  noloshiisu kuu tartaa? (hadii dowladdu aysan itaal laheyen, shacabkii kala tagayna isu keeni karin oo iyadii in leysu keeno u baahan maxay golayaasheeda iyo habka loo dhisay kuu tarayaan).

7-      ma dhicis baa mise waa dhamays: waa dhicis maadaama ay meesha ka maqan yihiin maamulka haatan ka jira Waqooyiga Soomaaliya, isla markaana aysanba jirin meel ay ka taliso).

8-      mase caaafimaad qabaa: xagguu caafimaad ka keenayaa hooyadii dhashaanba weligeed caafimaad arage (Dawlad dagaal ooge dhalay uuna soo dhoodhoobtay ma rajaad ka sugaysaa mise fiyoobi iyo wax qabad).

9-      ma dhedigbaa mise waa lab: Midna maaha iska dheh,  (Waa dawlad aan la garan karin waxa ay tahay ma federaal baa, ma Jamhuuriyad baa (Rebuplic) ma boqortooyaa, ma dimuqraadibaa, ma shuuciyad baa, ma ismaamul Koonfureedbaa maxay tahay, maxay ku dhaqmi doontaa, ma Diin mise Distuur..?).            

 

Sagaalkaan qodob oo laga yaabo in dadka qaar riwaayad u qaataan, ayaa waxey yihiin su’aalihii iyo jawaabihii dhamaan ka wada imaanayay dadka Soomaaliyeed qaarkood oo iyagu haatan dhaliilsan sida wax u socdaan, halka dadka qaarkiisna ay ka cabsi qabaan in dowladdani ay mar kale dalka u horseeddo dagaal sokeeye, waxaa haatan gobolka Banaadir ka soo cusboonaadey dagaallo wajiyo cusub leh oo aan horey uga dhicin dalka Soomaaliya kuwaas oo ay hal abuurkooda iska leeyihiin qabqablayaasha dagaalka, gaar ahaan kuwa Muqdisha, iyagoo weliba maanta xambaarsan xilal qaran, dagaalka ku salaysan in lala dagaalamo wax loogu yeero argagixiso aan la garanayn halka ay joogto oo lagu baadigoobayo madaafiic culculus iyo wax loogu yeero gaalo raac oo iyagana lala beegsanayo hub culus, ayaa dhexdooda waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo ruux oo ah shacab aan waxba galabsan, waxaana daqiiqad kasta la filan karaa inuu dagaal kale qarxo oo dad kale ay ku le’anayaan, dhaawacmayaan ayna ku barakacayaan. 

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqanaysa in dowladdani ay ku fashilantay wixii loo dhisay, ayna waqtigeeda ku dhamaysan karto inta ka hartay iyadoo wareegaaleysanaysa tuulooyinka dalka Soomaaliya, waxaana la oran karaa haddii ay shalay cidla joog ahayd oo ay iska fadhisay dalka dariska ah ee Kenya, maantana waa tuulo joog aan wax qabad lahayn. 

W. Q. A.D. Elmi
adelmi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2006