SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII MAY 14, 2006
  • Cabdi Qaybdiid “waan la socdaa ballankii aan qaaday laakiin haatan waxaa la isugu yimid..
  • Kulanka Baarlamaanada Adduunka ee Nairobi oo lagu go’aamiyay in taageero loo fidiyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed..
  • Mareykanka oo warar kala duwan oo la xiriira Soomaaliya ay ka soo baxeen..
  • Jaamacadda Carabta oo sheegtay in Argagixisada Soomaaliya ku sugan la qaban karo haddii la taaageero Dowladda Federaalka..
  • Madaxweye C/llaahi Yuusuf oo Baaq u soo jeediyay Kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho ..
  • Maamul u sameynta Gobalada Baay oo la isku maandhaafsan yahay...
  • Manhal Speciality Hospital waa cusbitaal casriya oo Hargeisa laga furay.
  • DEEQO KALA DUWAN OO LAGU WAREJIYEY G.G.A.S
  • Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal casriya oo Hargeisa laga furay.

Cabdi Qaybdiid “waan la socdaa ballankii aan qaaday laakiin haatan waxaa la isugu yimid..

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa shalay hadal ka soo saaray dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ee u dhexeeya Isbahaysiga uu xubinta ka yahay ee la dagaalanka Argagixisada iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna Cabdi Qaybdiid sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid lagu baacsanayo kooxo iyagu doonaya in ay gabaad siiyaan wax uu ugu yeeray Kooxo argagixiso ah. Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in Isbahaysiga la dagaalanka Aragagixisada uu doonayo in uu nabad ku soo dabaalo dalka isla markaana uu Bulshada dhibaateysan ka dul qaado kooxaha dhibaatada ku wada oo uu ula jeeday Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, wuxuuna tilmaamay in uusan isagu jecleyn in dagaal uu ka huriyo dalka Soomaaliya isla markaana uu galo dagaal dambe laakiin uu haatan ka fursan waayay, isagoo sheegay in uu horey uga balanqaaday shacabka Soomaaliyeed in uusan gali doonin dagaal dambe oo dhaca. “waan la socdaa ballankii aan qaaday, laakiin haatan Nafsadeyda ayaa la iigu yimid oo waxaa la doonayaa in nala waxyeeleeyo Aniga iyo Shacabka” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid oo intaa ku daray “Waxaa soo baxay koox ujeedo gaar ah wadata balse ku gambaneysa magaca Maxkamadaha Islaamiga ah”. Cabdi Qaybdiid ayaa ku tilmaamay in heshiis laga gaaro Dagaalada Muqdisho ay ku imaan karto in Maxkmaduhu ku laabtaan fariisimahooda isagoo ku eedeeyay in ay caadeysteen weeraro ay ku soo qaadaan Isbahaysiga, dhinaca kale Maleeshiyad ka amar-qaata Isbahaysiga ayaa la dhoobay wadooyinka ka soo gala Magaalada Muqdisho dhinacyada Afgooye, Koontaroolka Balcad, Dayniile, wadada Xeebta iyo Ceel-Macaan ah ee Marka taasoo cabsi weyn ku sii dhalisay dadkii awalba ka rajo qabay in ay hakadaan dagaalada.

Kulanka Baarlamaanada Adduunka ee Nairobi oo lagu go’aamiyay in taageero loo fidiyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed..

Kulankii Baarlamaanada Adduunka ee ka soconayay todobadii casho ee la soo dhaafay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya ayaa gebgabadiisii shalay lagu go’aansaday in la taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mr. Kibere oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa ugu baaqay xubnihii Baarlamaanada Adduunka ee ka qaybgalay shirkaasi in ay taageeraan Dowladda Federaalka, maadaama ay ka soo kabaneyso Dagaalo sokeeye, ayuu sheegay in ay u baahan tahay oo keliya taageerada beesha Caalamka.

“Waxaan waddo dheer u soo marnay sidii aan Soomaalida qaybaheeda kala duwan u heshiisiin lahayn, waxaana muuqata in aan miraheedii helnay, hadidi aan nahay Beesha Caalamka, waxaa loo baahan yahay in aan taageer-no Dowladda Federaalka” ayuu yiri Mr. Kibere.

Guddoomiye Shariif Xasan ayaa isna muujiyay sida ay Dowladda Federaalka ugu faraxsan tahay ka qaybgalka kulanka Baarlamaanada Adduunka, taasi oo uu ku tilmaamay in ay horseedi karto Dimuquraaiyad ka dhalata Geeska Afrika. Qaar ka tirsan Wadamada Afrika ayuu ku dhaliilay Guddoomiyuhu in ay iska iloobeen arrimaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin K/Afrika, Muzanbiik, Naamiibiya, Eriteriya iyo Jabuuti oo uu sheegay in xornimadooda ay Soomaalidu qayb libaax ka qaadatay.

Mareykanka oo warar kala duwan oo la xiriira Soomaaliya ay ka soo baxeen..

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ka soo baxay warar is khilaafsan oo la xiriira dhinaca Dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo horey loogu eedeeyay in uu Mareykanku lug ku leeyahay sii socoshada dagaalka u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada, iyadoo taasi jirto ayaa waxaa wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxayay Dowladda Mareykanka u muuqdaan kuwo iska hor imaanaya. Magaalada Washington ayaa ninka u qaabilsan Dowladda Mareykanka Qaramada Midoobey John Bolton uu beeniyay warar sheegayay in Mareykanku uu taageero siinayo Kooxaha Qabqablayaasha dagaalka ee Soomaaliya, waxa uuna ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona laheyn, waxaa iyana dhankeeda ka hadashay gabadha ku xigeenka uga ah Mareykanka Howlgalada Geeska AFrika ee Ururka Al-Qaacidda lagula dagaalamayo iyadoo sheegtay in Mareykanku uu taageero hiil iyo hooba la garab taagan yahay kuwa iyagu doonaya in ay Argagixisada ka sifeeyaan Soomaaliya, waxayna sheegtay in Mareykanku si kasta oo uu uga hortagi karo Argagixisada ku dadaali doono.

Hadaba Wararkaan is khilaafsan ayaa ku soo beegmay kaddib markii horey Mareykanka loogu eedeeyay in uu taageero siinayo Kooxaha Dagaal oogayaasha ah ee Soomaaliyeed

Jaamacadda Carabta oo sheegtay in Argagixisada Soomaaliya ku sugan la qaban karo haddii la taaageero Dowladda Federaalka..

Samiir Xusni oo ah Mas’uulka ugu qaybsan Jamaacadda Carabta arrimaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay sahlan tahay gacan ku dhigista ragga argagixisada ah ee Caalamka ka baadi goobayo Soomaaliya, taasoo uu tilmaamay in la hirgelin karo haddii taageero farsamo iyo mid dhaqaale loo fidiyo Dowladda Federaalka KMG ah fadhigeedu yahay Baydhabo.

Mas’uulkaasi ayaa carabka ku dhiftay in ay jirtay tababar yari haysata Xukuumadda Federaalka taasoo uu u aaneeyay isla wasiiro Xukuumaddaasi ka tirsan oo ku dhawaaqay Isbahaysi dagaalna kula jira Maxaakiimta Islaamiga.

Samiir Xusni oo u waramay Taleefishinka Al-Jasiira ayaa sheegay in Caalamku uu ka gaabiyay wax ka qabshada arrimaha Soomaaliya, “Dowladda Federaalka si ay gacanta ugu soo dhigto ragga la doon doonayo ee baxsadka ah waa in la taageeraa” ayuu yiri Samiir Xusni, wuxuuna rajo ka muujiyay in dagaalada Muqdisho ay soo afmeermi karaan haddii ay gacmaha la gasho Beesha Caalmka xaaladda adag ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya.

 

Barre Hiiraale “Ragga isaga soo horjeeda Muqdisho waa kuwo aan ka naxeyn shacabka dhibaateysan ee...

Wasiirka Dib u dhiska iyo dib dejinta Dowlada Federaalka Barre Aadan Shire (Barre Hiraale) oo maalintii shalay ahayd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ee Gobalka J/hoose ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo arrimo baryahan dambe ku soo kordhay Magaalada Kismaya oo Xagga amniga la xiriira.

Barre Hiiraale ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho, taasoo uu sheegay in waxa wax ku noqonaya ay yihiin shacaka maatada ah ee aan waxba galabsan, wuxuuna Barre sheegay in haddii ay dirirtaasu ay sii socota ay keeni karto burbur cusub oo ku yaamada Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo dadkeeda oo barakac hor leh uu ku dhaco.

“Ragga isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho, waa kuwo aan ka naxin shacabka tabaaleysan ee dagaaladu galaafteen, ee u baahan in la samatabixyo, balse aan u baahneyn dab hor leh oo lagu sii horiyo” ayuu yiri Barre Hiiraale oo ugu baaqay labada kooxood in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyaan dagaalada isla markaana ay wixii khilaaf ah ku xaliyaan wada hadal.

Dhanka kale Barre Hiiraale waxa uu ka hadlay amni darada soo food saartay Magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu howlgali doonaan ciidamada Nabad sugida deegaankaasi ayna waxyaabo badan ka bedeli doonaan xagga isku socodka Magaalada gudaheeda, uuna maamulkoodu qorshe u sameyn doono si loo xaqiijiyo nabadgelyada si aysan ugu soo dusin waxa uu ku tilmaamay in ay carqalado ka dhex wadaan Maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo waliba Shacabka.

Madaxweye C/llaahi Yuusuf oo Baaq u soo jeediyay Kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho ..

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada ka socda Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in ragga wasiirada isku sheegaya ee dagaalada ka wada Muqdisho aysan sheegan karin Dowladda, isagoo sheegay in Dowladdu aysan waxba u dirsan, aysanna wakiil ka noqon karin.

“Ragga Muqdisha dagaalka ka wada waa kuwo ka goostay dowladda, oo aanna diyaar u ahayn maslaxadda ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono, inkastoo uu sheegay in wixii talaabo ah ee laga qaadayo arrintaana ay u taalo Xukumadda iyo Baarlamaanka, balse uu isagu aad uga xun yahay dhiigga ka daadanaya shacabka aan waxba galabsan ee Magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo ambabaxay Liibiya ayaa Uganda u yimid si ay uga qaybgalaan kulanka Madaxda IGAD oo ka dhici doona halkaas.

Maamul u sameynta Gobalada Baay oo la isku maandhaafsan yahay...

Waxaa wali uu is qabqabsi ka taagan yahay sidii maamul loogu sameyn lahaa Gobalka Baay, iyadoo uu soo dhawaaday waqtigii loo ballansanaa in maamulka degmooyinka la dhiso, inkastoo darraad lagu guuleystay in maamul loo sameeyo Magaalada Buur-Hakaba.

Muranka ugu balaaran ayaa la sheegay in uu ka taagan yahay degmooyin ay ka mid yihiin Qansax Dheere iyo Diinsoor oo ka wada tirsan Gobalka Baay, murankaas oo ku saabsan soo xulidda xubnihii ka mid noqon lahaa maamulka cusub ee loo sameynayo Gobalka Baay.

Warar ayaa waxay tibaaxayaan in ay jirto rajo ah in la xaliyo murankaasi si loo meel mariyo hadafka maamulka loogu sameynayo Gobalka Baay.

Mar sii horeysay ayuu Madaxweynaha Dowladda Federaalka ugu baaqay Odoyaasha iyo Siyaasiyiinta Baay in ay si deg deg ah u dhisaan maamul uu yeesho Gobalka oo wax ka tara arrimaha amniga.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal casriya oo Hargeisa laga furay.

Indhuhu waa nimcooyinka Rabbi bixiyo kuwa ugu qaalisan.Waxaana dareemi kara qofka aragiisa waaya iyo qofka haya.Culayska qofka indhaha li’i kuma koobna isagoo keliya laakiin waxuu saameeya inta la nool oo waxuu u baahan yahay qof si joogto ah u gacan qabta oo ugu adeega. Sidaa awgeed waa culays haysta qofka, qoyska iyo bulshadaba.

Waxaa 04/05/2006 laga hirgeliyey magaalada Hargeysa Cusbitaal Casriya oo ku qalabaysan qalabkii ugu dambeeyey ee ah adeegga indhaha, Cusbitaalkan oo uu maal-geliyey Ururka Samafalka ee Manhal.

Cusbitaalkan oo laga heli doonno adeegga indhaha 95% sida uu noo xaqiijiyey Dr. Maxamuud Axmed Maxamed Shiine oo ah dhakhtar ku takhasusay Indhaha ahna maamulaha Cusbitaalka Manhal, mar aannu Dr. Shiine wax ka waydiinnay kharashka ku bixi kara tusaale ahaan qofka la qalayo iyo qiimaha uu debedda ka joogo? Ayaa wuxuu Dr. shine noo sheegay in haddii qofka loo qaado debedda uu noqonayo kharashkiisu ugu yaraan $2000.00 halka ay iyagu ku qalaan oo qudha $30.00.

Mar aannu wax ka waydiinnay isna Eng. C/raxmaan Xuseen Axmed oo ka tirsan madaxda sarsare ee ururka Samafalka ee manhal oo isna goobta ku sugnaa ayaa wuxuu sheegay in uu cusbitaalkani yahay mid casriya oo loogu talo galay inay dadka danyarta ahi ka faa’iidaysataan, isaga oo qalabka yaallaa uu yahay kuwa ugu dambeeya ee dunida casriga ah laga isticmaalo, waxana laga yaabaa qalabka cusbitaalkan yaalla inaanay waddamo badan oo aduunka ka midi haysan.

Waxaa cusbitaalka manhal iminka ka socda qalliin bilaasha oo ay maalgelinayaan WHO, Manhal Charity Organization, Hargeisa Group Hospital, Arab Medical Union.

Dr. Maxamuud Shiine oo ka waramaya xaalladda indha la'aanta iyo sida wax looga qaban karo ayaa wuxuu yidhi: "Ka warran haddii dadkaa indhaha la’ 80% in ka badan aragoodii dib loo soo celin karo, oo weliba qiimaha aragooda loogu soo celinayo uu ka yar yahay qiimaha aad ku qadaysiiso Asxaab aad jeceshahay inaad maalin wada qadeysaan, mase ogtahay inta aad qadeynaysaan in ugu yaraan labo qof aragooda la soo celin karo.

Magaalo kasta oo dalkeenna ka mid ah waxaa laga helayaa boqolaal qof oo indhahoodu u cadilan yihiin wax aan ka badnayn $30. Ma kula tahay inaan si wadajir ah uga wada qayb qaadanno sidii dadkaa loo caawin lahaa,oo mugdiga ay ku jiraan looga soo saari lahaa, ifkana dib loogu soo celin lahaa.

Intaa waxaa dheer daaweynta qofka indhuhu bukaan waxaa lagu soo koobi karaa $1. Taa micnaheedu waa $100 waxaad indhaha ugu jeexi kartaa  Saddex qof oo indha la’, waxaadna ku daaweyn kartaa 10 qof oo indhuhu bukaan. Miyaanay aheyn  wax lagu farxo inaad aragto qof shalay la hagayey oo maanta  indhihiisii ku soconaya aan cidna u baahnayn.

Ismail Hussein Mohammed

manhalhospital@hotmail.com


Tel:  658565,  253638,  920202:  Mobile:  577471, 524621, 286606  Email: kaalmeeye@hotmail.com

       Ref: G.G.A.S/43/06                         Date: 13/05/2006   15/04/1427.H.   Muq.Somalia.


DEEQO KALA DUWAN OO LAGU WAREJIYEY G.G.A.S

Waxaa lacago kala duwan la gudoonsiiyey G.G.A.S. Kuwaas oo wax loogu qabanaayo dadka abaaraha & macluushu haleeshay waxeyna lacagaasi ka kala yimaadeen:-

1.Urur dalka Holand ka dhisan oo la yiraahdo Islamic Human Relief wuxuuna bixiyey (11630$) isagoo horeyna ku deeqay dhar 101 bandal ah dharkaas oo dib loogu iibiyey lacag dhan (8080$) waxaana lacagtaas markii lacag kale guddigu ku daray lagu iibiyey 1500 bacood oo loo qaybiyey qaxootiga magaalaga muqdisho, Hadaba isu geynta labadaas lacagood ee holand ka timid waa (19710 $).

Waana dalkii labaad ee ugu deeqda badnaa dhinaca jaaliyadaha ilaa iyo hadda.

2. waxaa kale mar 3-aad g.g.a.s ku wareejiyey ururka Talyaaniga ah UNA SCUOLA PER LA VITA, isagoo soo marsiiyey wakiilka ururkaas Sareedo cali Abiikar, lacag gaareysa (40,000$) Taasoo raashin lagu iibiyey laguna qaybiyey meelo ka mid ah Gobolka G/Gaduud Sida; Mareergur , Guriceel, Ceeldheere, Matabaan, Dhuusomareeb, Gadoon, iwm.

3. Dalka UK, gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool Magaalada SHERFIL ee dalka Ingiriiska waxay G.G.A.S Soo gaarsiiyeen 05/05/06, lacag tiradeedu dhan tahay ($1857), Waxaana ku saxeexnaa lacagtaas Cali Mowlid.

Mahad celin Guddiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliyeed waxay Jaaliyadaha soomaaliyeed ee dalalka aan kor ku soo sheegnay uga mahad celinayaan deeqdaas wax ku oolka ah ee ay u soo direen walaalahooda soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobollada ay abaaruhu wax yeeleeyeen.

Waxaanuna balan qaadeynaa inaan si deg deg ah u gaarsiin doono meelihii loogu talo galay deeqdaas, Inshaa’Allaah.


BAAQ XABAD JOOJIN OO DEG DEG AH.
 
URURKA USC\SNMC BEESHA MEHERI EE KOONFURTA SOMALIYA CARAB YAXYE SAALAX OO BAAQ NABADEED U JEEDINAYA LABADA ISBAHEYSI.
 
Waxaan baaq nabadeed oo deg deg ah ugu baaqeynaa labada isbahaysi ee maxaakiimta islaamiga ah iyo isbahaysiga kale in aay si rasmi ah u joojiyaan dhiiga qulqulanayo aayna badbaadiyaan masaakiinta rayidka ah ee maatada ah kana soo qaxaya guryahoodii iyagoo meereysanayo dariiqyada magaalada muqdishu.
 
Ma waadan illaah ka baqeynin ma waadan xasuusan suuratul maa’ida aayada 31 oo dhaheysa qofkii qof dilaa waxa uu la mid yahay in uu dadka oo dhan dilay, qofkii qof badbaadiya waxa uu la mid yahay asaga oo dadka oo dhan badbaadiyay, hadaba alle ka baqa oo joojiya xabada walaalayaal.
 
Dhiiga aad daadineyso iyo shacabka aad dileyso waa walaalkaa, waa aabahaa, waa hooyadaa, waa owoowgaa, waa caruurtaada, waa walaashaa, marka miyaadan damiir laheyn aad dadkaada ku bad baadiso war xayawaankaba wuuw badbaadiyaa dadkiisa haddii la soo weeraro caruurta aay dhaleen.
 
Hadaba is xisaabi intii uu alle ku xisaabinin joojina xabada shacabkaadana badbaadi.
 
Wabillaahi Toowfiiq.
 
Assalaamu Caleeykum Wr Wb
 
Dr Saciid Xusen haashim
drsaciid_xussen@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2006

XAYAYSII