SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal casriya oo Hargeisa laga furay.

Indhuhu waa nimcooyinka Rabbi bixiyo kuwa ugu qaalisan.Waxaana dareemi kara qofka aragiisa waaya iyo qofka haya.Culayska qofka indhaha li’i kuma koobna isagoo keliya laakiin waxuu saameeya inta la nool oo waxuu u baahan yahay qof si joogto ah u gacan qabta oo ugu adeega. Sidaa awgeed waa culays haysta qofka, qoyska iyo bulshadaba.

Waxaa 04/05/2006 laga hirgeliyey magaalada Hargeysa Cusbitaal Casriya oo ku qalabaysan qalabkii ugu dambeeyey ee ah adeegga indhaha, Cusbitaalkan oo uu maal-geliyey Ururka Samafalka ee Manhal.

Cusbitaalkan oo laga heli doonno adeegga indhaha 95% sida uu noo xaqiijiyey Dr. Maxamuud Axmed Maxamed Shiine oo ah dhakhtar ku takhasusay Indhaha ahna maamulaha Cusbitaalka Manhal, mar aannu Dr. Shiine wax ka waydiinnay kharashka ku bixi kara tusaale ahaan qofka la qalayo iyo qiimaha uu debedda ka joogo? Ayaa wuxuu Dr. shine noo sheegay in haddii qofka loo qaado debedda uu noqonayo kharashkiisu ugu yaraan $2000.00 halka ay iyagu ku qalaan oo qudha $30.00.

Mar aannu wax ka waydiinnay isna Eng. C/raxmaan Xuseen Axmed oo ka tirsan madaxda sarsare ee ururka Samafalka ee manhal oo isna goobta ku sugnaa ayaa wuxuu sheegay in uu cusbitaalkani yahay mid casriya oo loogu talo galay inay dadka danyarta ahi ka faa’iidaysataan, isaga oo qalabka yaallaa uu yahay kuwa ugu dambeeya ee dunida casriga ah laga isticmaalo, waxana laga yaabaa qalabka cusbitaalkan yaalla inaanay waddamo badan oo aduunka ka midi haysan.

Waxaa cusbitaalka manhal iminka ka socda qalliin bilaasha oo ay maalgelinayaan WHO, Manhal Charity Organization, Hargeisa Group Hospital, Arab Medical Union.

Dr. Maxamuud Shiine oo ka waramaya xaalladda indha la'aanta iyo sida wax looga qaban karo ayaa wuxuu yidhi: "Ka warran haddii dadkaa indhaha la’ 80% in ka badan aragoodii dib loo soo celin karo, oo weliba qiimaha aragooda loogu soo celinayo uu ka yar yahay qiimaha aad ku qadaysiiso Asxaab aad jeceshahay inaad maalin wada qadeysaan, mase ogtahay inta aad qadeynaysaan in ugu yaraan labo qof aragooda la soo celin karo.

Magaalo kasta oo dalkeenna ka mid ah waxaa laga helayaa boqolaal qof oo indhahoodu u cadilan yihiin wax aan ka badnayn $30. Ma kula tahay inaan si wadajir ah uga wada qayb qaadanno sidii dadkaa loo caawin lahaa,oo mugdiga ay ku jiraan looga soo saari lahaa, ifkana dib loogu soo celin lahaa.

Intaa waxaa dheer daaweynta qofka indhuhu bukaan waxaa lagu soo koobi karaa $1. Taa micnaheedu waa $100 waxaad indhaha ugu jeexi kartaa  Saddex qof oo indha la’, waxaadna ku daaweyn kartaa 10 qof oo indhuhu bukaan. Miyaanay aheyn  wax lagu farxo inaad aragto qof shalay la hagayey oo maanta  indhihiisii ku soconaya aan cidna u baahnayn.

Ismail Hussein Mohammed

manhalhospital@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2006

XAYAYSII