SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Xafladda habeenka Waxbarashada Soomaaliyeed ee Minnesota

 
Sanadkii shanaad ayaa la qabanayaa xafladdan 2006
 
Waa xaflad loogu talo galay in lagu dhiiriyo ardada iyo waalidiinta Soomaaliyeed sidii ay u kordhin lahaayeen dadaalkooda waxbarasho.  Sida caadada noqotay waxaa hebeenkaas dhici doona carwo jaamacadeed.  Waxaa goobta wada iman doona inta badan hay’adaha culuumta sare iyo machadyadyada badan  ee gobolka Minnesota.  Waxaa halkaas qudbado dhiirigelin ah iyo warbixin muhiim ah ka soo jeedin doona waalidiin iyo xeeldheerayaal xagga waxbarashada iyo marti sharaf badan.
 
Sanadkan qudbad gaarv ah waxaa soo jeedin doona
James McCormick – Chancellor of the Minnesota State Colleges and Universities - MNSCU
 
Goobtu waa:
Somali Education Center
2200 Nicolet Ave South
Minneapolis, MN   55404
 
Goorta:
Galabta Jimcaha oo ay bisha tahay June 2, 2006  saacaduna tahay 4:30 galabnimo
 
Xiriirinta waxaa daadihinya
Abdimalik Askar:  Metro Alliance Outreach Coordinator – MNSCU
 
Xubnaha ka hadli doona waxaa ka mid ah
Professor Ahmed Osman – Somali Education Center, Minnesota
James McCormick- Chancellor of the Minnesota state colleges and Universities-MNSCU
Phillip Davis – President of Minneapolis Community and Technical College- MTCT
Director Whitney Harris, Diversity and multicultural - MNSCU
Abdikarim Haile, President of Minnesota Somali Students Union
Amina Duale – Somali Action Alliance and a Somali Parent
Dr. Siad Gelle – Owatona Human Rights Commissioner
 
 
Wixii xog ah oo ku saabsan habeenka waxbarasha Soomaaliyeed ee 2006 kala xiriir Abdimalik Askar  612-428-6963
 
Waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey:    Minneapolis Community and Technical College & Somali Education Center

 

Ogeysiis ku jeeda Soomaalida Minnesota (Midtown Exchange/ Global Market)

 
Soomaalida Minnesota waxaa la ogeysiinayaa in agagaarka Masaajidka cusub ee la gaday ee Abubakar al sidiiq agtiisa laga dhisay guryo la kireysto weliba dadka dan yarta ah qayb loogu talo galay.  Gurigaas oo aad u weyn waxaa uu ku yaalaa 2929 Chicago Ave South Minneapolis  Gurigan waxaa uu ku yaalaa meel u dhaxayso labo masaajid kuwaas oo kala ah Masji Abubakar iyo Masjid al Iimaan.  Waxaa kale oo aan ka dheerayn masaajidyada Umatu Muxammad, Al-towxiid, iyo masjid Cumar iyo labada suuq ee aadka u waaweyn ee Soomaaliyeed Karmal Mall iyo Mallka 24ka.
 
Gurigan dib u habaynta lagu sameeyay waxaa la yiraahdaa Midtown Exchange Apartment.  Ka dib markii la arkay horumarka iyo soo noolaynta ay immigrants ku sameeyeen Lake Street muhaajiriintaas oo u badan Latino iyo Somali ayaa ganacsato kaashanaysa shirkadda weyn ee Allina iyo madaxda magaalda Minneapolis iyo Congressmenka Minnesota oo ay ka mid yihiin Senator Coleman, Senator Dayton, Congressman Sabo waxaa suurtogal noqotay in Midtown Echange dib loo dhiso weliba Global Market uu noqon doona suuq caalami ah marka la furo.
 
Global Market waxaa talada lagu dhisay wax ka lahaa nin Soomaaliyeed oo la yiraahdo Hussein Samatar oo ah madaxa hayada African Development Center. Degaankan waa mid afka Soomaaliga lagu qoray meelkasta maalinta furitaanka  Amiin Caamir ayaa ku soo bandhigi doonaa farshaxan Soomaaliyeed.  Waxaa kale oo ka soo qaybgeli doona madaxda gobolka iyo dadweyne badan.
 
Xafladda furitaanka
 
Midtown Exchange  & Global Market.
 
June 3, 2006    saacada markay tahay 10:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo
 
Kala xiriir Guryaha Midtown Echange 612-823-1104
Global Market business  African Development Center 612-333-4772
 
Waxaa soo tebiyey: Maxamuud Wardheere
mnwardere@yahoo.com