SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Salaaddiinta iyo Aqoonyahannada Digil oo Ku Baaqey In Kaalmo Lala Soo Gaaro:
  • Golaha Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed oo kaalmooyin Gaarsiiyay Dad ay waxyeello u Geysteen Fatahaadaha Webiyada.

Golaha Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed oo kaalmooyin Gaarsiiyay Dad ay waxyeello u Geysteen Fatahaadaha Webiyada.

Muuse maxmauud Jiisow | Somali39@hotmail.com
Muqdisaho somaliya | 0025215576666/002521653623

Guddoomiyaha Golaha Samafalka iyo horumarinta Soomaaliyeed Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan oo maanta ka warbixiyay fatahaadaha iyo dhibaatooyinka ay ka geysteen Gobolka Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose ayaa sheegay in golahoodu uu gargaar gaarsiiyay dadka ay waxyeelleeyeen fatahaadaha.

Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay in ku dhawaan 1030-Qoys oo dhibaato ba’an ay u geysteen fatahaadaha webiyada ay gaarsiiiyeen kaalmooyin kala duwan oo isugu jira Timir, Baco iyo Alaabo kale, wuxuuna xusay in goobahaas ay geeyeen gargaarkaas ay yihiin Shabeellada Dhexe, gaar ahaan Balcad iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

Sidoo kale; wuxuu sheegay Guddoomiyuhu inay dhanka Shabeellada Hoose ay maalinta berri ah u ambabaxayaan isla markaana ay gaarsiin doonaan raashin iyo gargaar kala duwan, wuxuuna sheegay in gargaarka ay gaarsiinayaan Shabeellada hoose ay bixinayaan guddiga fatahaadaha iyo gargaarka deg-degga ah oo ay Maxkamaduhu dhawaan ku dhawaaqeen.


Sawirada oo Weyn halkan ka daawo.....

Warbixinta Golaha uu soo saaray:

Golaha Samafalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed ayaa gaarsiiyay deeq timir ah oo dhan 10-Tan meelo ka mid ah gobollada Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose, Tuulooyinka la gaarsiiyay deeqdan ee gobolka Sh/Hoose waxaa ka mid ah: Habawshe & Garawlaay, Tuulooyinkan oo raacsan Kurtunwaarey ayaa la gaarsiiyey 6-tan oo timir ah, waxaana ka faa’iideystay ilaa 800-boqol Qoys.

Dhinaca Balcad ee gobolka Sh/Dhexe waxaa laga qaybiyey 4-Tan oo timir ah Tuulooyinka ay ka mid yihiin Mukay-dheere, Kooreebe, Mareereey, Xanley, Wargaabo, waxaana ka faa’iideystay 1030 Qoys.

Deeqdan timirta ah oo uu Goluhu ka qaybiyay goobaha aan kor ku sheegnay waxaa ku tabarrucay Hay’adda BISHA CAS EE U.A.E, Xafiiskeeda Muqdisho, sidaas darteed Goluhu wuxuu uga mahad celinayaa Hay’adda BISHA CAS EE U.A.E deeqdaas wax ku oolka ah ee ay bixiyeen.

Wixii Tabarucaad ah ee fatahaadaha ku saabsan iyo wixii kale oo kaalmooyin ah ku soo hagaaji.

Accounada, G.S.H.S

Qaran Express ..... 117
Dahabshiil Bank: 2283
Amal Bank:   11073
Global Money Transfer : 21042
Mustaqbal Bank: 22315
Tawakal Bank: 309

Muuse maxmauud Jiisow | Somali39@hotmail.com
Muqdisaho somaliya | 0025215576666/002521653623

Salaaddiinta iyo Aqoonyahannada Digil oo Ku Baaqey In Kaalmo Lala Soo Gaaro:

Qaar ka tirsan Salaaddiinta ,Aqoonyahannada iyo Culumaa’uddiinka Beelaha Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta shir ballaadhan ku yeeshey, magaalada Muqdisho waxayna ka arrinsanayeen Dhibaatooyinka Fatahaadda labada webi iyo daadaka Roobabku u geysteen deegaannada Koonfurta Soomaaliya Gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose .Masuuliyiinta ayaa caddeeyey inay gobolkaas ka jirto masiibo bani’aadanimo oo ay sabaabeen fatahaadda webiga shabeelle,waxayna waxgaradkani ku doodeen inaan wax gurmad ah oo dadkaas la gaadhsiiyey aysan jirin hay’ad ama shaqsi iyo maamul intaba.



Salaaddiinta qaarkood oo shirka kaga qaybgaley qaab taleefoon ah ayaa codkooda waxay ku biiriyeen baaqyada qayllo dhaanta ah ee ay sida wadajirka u soo saareen Aqoonyahananada iyo Culumaa’uddiinak Beelaha Digil.Waxayna Codsi u direen Hayadaha Calamka ,NGOyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka shabeellada Hoose ee qurbaha ku nool iyo kuwa wax haysta ee gudaha ku nool inay dadkaas dhibaateysan la soo gaaraan kaalmo degdeg ah .

Waxaana shirkaas lagu magacaabey guddiyo iskugu jira salaaddiin iyo aqoonyahahnno iyo culumaa’uddiin ,kuwaas oo la socon doona soona qiimeyn doona Baaxadda Dhibaatada ee soo gaadhey shacabka Gobolka shabeellada Hoose ku dhaqan.Masuuliyiinta ayaa waxay codsigooda ku sheegeen in wixii gurmad ah ee loo fidinaayo shacabka gobolka loo soo marsiiyo Jamciyadda Suuban Alkheyriyah “Suuban Chartiballe Cosity” oo ah jamciayd ka howlgasha Gobolka Shabeellada Hoose ,islamarkaasna mashaariic fara badan ka fulisey gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka Baaqa Soo saarey waxay Magacyadooda kala Yihiin:

1- Sulddaan Buuwe C/lle Buuwe
2- Sulddaan Siideey Maxamednuur
3- Jeylaani Maxamed Oofoow
4- Sheekh C/khaaliq C/llaahi Xamza
5- Sheekh Xasan Siid Cali
6- Sheekh C/llaahi Sheekh Ibraahi
7- Maxamed Yuusuf Max’ed

Shabakadda Warqabadka DMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006


DADKA REER AFGOOYE OO CABSI KA MUUJIYEY IN WABIGA SHABEELE UU KU FATAHO. 

Nov 22, 2006

 Walaac xoogan oo  isasoo tarayo ayaa ka soo baxaya  in wabiga Shabeele uu ku fataho deegaamo ka tirsan degmadaasi. 

Tuulooyin fara badan ayaa waqti xaadirkaan go'doonsan kadib markii fatahaado wabiga Shabeele uu qasaarooyin u geystay, iyadoo dadka ku dhaqan deegaamadaasi ay haatan heysato dhibaatooyinka ay u geysteen biyaha ku soo fatahay dhulalkaasi, waxaana intaa u sii dheer in wadooyin fara badan oo gali jiray tuulooyin hoos yimaado Afgooye  ay xiran yihiin sida ay dadka degmada Afgooye u xaqiijiyeen Talaadadii. 

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa sheegay inay cabsi lixaad leh ka heysato in wabiga Shabeele uu ku soo fataho degmadaasi kadib markii biyaha wabiga uu soo gaaray qarka wabiga, waxayna taasi kor u sii qaaday cabsida la xiriirta in wabiga soo fataho, iyadoo fatahaadu ay bur burisay dhul beereed baaxad leh oo ku yaalay degmada Afgooye. 

Qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee u dhow wabiga ayaa durbadiiba waxaa soo gaaray biyaha wabiga, taasoo muujineysa inay macquul tahay in wabigu uu ku soo fataho deegaamo hor leh, iyadoo guryaha ku yaalo agagaarka wabiga ay soo galeen biyuhu, laakiin dadka qaar ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya in ay adag tahay sida ay biyuhu u soo galan degmada Afgooye, iyagoo sabab uga dhigaya in degmadu ay ku taalo meel sare juqraafi ahaan. 

Hadaba walaaca iyo cabsida laga qabo in biyuhu ay soo gaaraan degmada Afgooye iyo deegaamada la xiriira ayaa ku soo beegmeysa xili ay dadka soomaaliyeed bilaabeen inay isu gurmadaan, iyagoo horaanba iska ururiyay deeqo kala duwan oo loogu yaboohayo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay fatahaada wabiga Jubba iyo Shabeele.  



Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com

Muqdisaho somaliya
0025215576666/002521653623


Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa ka jira fatahaad aad u balaaran taaso geysatay Khasaaro naf iyo maalba leh.

 Waabarigii (Nov 12) ayaa magaalada B/weyne waxaa hal mar is qabsaday sawaxanka dadka magaalada oo guryahooda ka qaxayo dhibaatada fatahaada awgeed, dadkani ayaa waxay durbaba bilaabeen in ay adeegsadaan gaari dameero iyadoo ay adkeed in ay galaan gawaaradia inta badan xaafadaha magaalada B/weyne. 

 Xaafada sida aadka ah ay fatahaayadu u waxyeeleeyeen ayaa waxa ka mid ah xafadaha Irid Aamin, Xaawa taako, Kutiimbo, Buundaweyn, Duunsubagle iyo xaafado kale. 

Dadka qaxaya aya waxay u qaxayeen banaanka magalada B/weyne iyo buuraha sare ee aysan biyu gari Karin iyadoo Xaafada Howlwadaag ee Dhanka Galbeed magaalada B/weyne ay noqotay xafada kaliya ee Fatahaada ka bad baaday marka looo eego xaafadaha kale ee Fatahaadu waxyeelaysay. 

Intabadan ganacsatada magaalada B/weyne ayay waxyeelo ka so gaartay Fatahaadahani kuwasoo sida ay sheegen bakhaaradoodii ay biyaha ugu soo galeen.  

Waxaa adkeyd sakaay magaalada B/weyne in aad hesho baabur kuu qaado alaabto iyadoo ay circa isku shareereen kirada Gaaridameerada kuwaasoo ah kuwa kaliya ee sida tooska saakay ay dadku ugu qaxayee. 

Muuqaal ahaan ayaa sakay waxaad dareemaysaa in uu qax balaaran ka jiro magaalda iyadoo sida caadada ka ah gudaha Soomaaliya ay dadku ka qaxi jireen dagaalo sokeeye ayaa saakay waxaa si aad ay dadka reer B/weyne ka qaxayeen Fatahaada webiga. 

 Xarunta dhexe ee gobolka magaalada B/weyne aya saakay waxaa galay biyaha wabiga uu soo tufay, xaruntani ayaa waxay saldhiga maamul u aheyd Maxkamadda Islaamiga ee B/weyne balse saakay ayay halkaasi isaga huleeleen dhamaan dadkii ka shaqeynayay, goobtaasi oo aheyd goo ay subax kastaa ka socon jireen dhamaan dacwadaha ay isu qabaan dadka iyagu is daceynayay sidoo kale waxay goob maamul u aheed  maamulka maxkamada B/weyne. 

Waxaa saakay sidoo kale magaalada ay dadku ka cabsi qabeen in ay Go’do Buundada Liiqliiqato oo ah Buundada isku xirta Dhanka Bari iyo kan Galbeed ee magaalada sidoo kale mid taas le’eg ayaa ka jirtay dhanka Buundada lagu magacaabo Buundoweyno oo labaduba ah kuwa kuwa ku dhexyaala gudaha magaalada halbowlana u ah isku xirka dadweynaha magaalada B/weyne.  

Dadka sida weyn ula socda taariikhda magalada B/weyne aya waxya sheegeen in dhibaato tan oo kale ah ay magaalda ugu dambeysay sanadkii 1997-kii balse waxay qiyas ka bixiyen sababta keenta in markastaa oo uu webigu buuxsamo  ay halis gasho deganaanshaha magaalada in ay tahay wabiga oo magalada B/weyne u mara qabka xarafka S-(ES). 

C/naasir Sheekh Axmed (Cawaale)
B/weyne Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2006


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD