SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Bosaso: Nin u dhashay dalka Thailand oo lagu Afduubay Magaalada Bosaso ...

  • Warar dhowaan SomaliTalk.com ka soo gaarey ilo wargal ah ayaa sheegay in ninka reer Thailand sabata loo afduubay ay tahay mid la xiriirta saddexda Soomaalida ee ku jira xabsiga dalka Thailand kuwaas oo hore looga afduubay xeebta Soomaaliya..

Nin u dhashay dalka Thailand ayaa habeenimadii Sabtidu soo geleysey (oct 21, 2006) ay Dableey Hubaysani Afduub ugu gaysteen Hotelkii uu ka daganaa magaalada Bosaso ee Hotel Huruuse xili ay dadku hurdeen.

Dablaydan Afduubka ugu gaysatay ninkan u dhashay dalka Thailand ayaa ku hubaysnayd hubka noocyadiisa kala duwan  waxayna xoog ku galeen Hotelka sida uu  sheegay maamulaha Hotel, C/qaasir maxamed.

 Maamulaha Hotelka ayaa intaasi ku daray in ninkani uu ahaa nin maskii ah kana xoogsan jiray gudaha magaalada Bosaso, uusana wax danbi ahna gali, maamuluhu wuxuu ka codsaday dawlada Puntland in ninkan loo sooceliyo xoriyadiisii, ciidamaduna ay u hawlgalaan sidii ay uga soo qaban lahaayeen burcada caadaysatay dhaca  iyo baarashada  islamarkaana lala tiigsado sharciga.

Wararkale ayaa sheegaya in Ninkani uu ka mid ahaa shaqaalaha maraakiibta kaluumaysiga ee shirkada Somcana oo ah shirklada ilaalada xeebaha Puntland.

Warka ayaa intaa ku daraya in Ragga wax afduubay ay yihiin ehelada 3 (saddexda) nin oo u dhalatay puntland kana mid ahaa ciidamada ilaalada xeebaha puntland oo horay dalka uu ninkani ka soojeedo ee Thailand ay 10 sano oo xariga ugu xukumtay, taasina ay ka mid tahay sababaha loo afduubanayo Ninkan u dhashay dalka Thailand.

3da nin ee ka tirsanaa ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaan ilaa iyo hadda wax war ah aysan ka soo saarin xukuumada DGPL xarigooda. Waxaana xukumada lagu dhaliilayaa ka gaabinta ay ka gaabisay muwaadiniita puntland ee sida sharci darada ah dal shisheeye loogu xiray iyaga oo aan wax danbi ah ka galin dalkaasi Thailand iyo dalkale toona.

xaalka ragaasi ayaan lagaranayn waxa u ku sugan tahay waxayna hada ku xiran yihiin mudo halsano ah xabsi ku yaala dalkasi Thailand.

  • WARAR DHEERAAD AH:: Dhanka kale warar dhowaan soo gaarey SomaliTalk.com ayaa sheegay in ninka loo afduubay sabatoo ah in saddex Soomaali ah ay ku afduuban yihiin dalka Thailand, waa sida warku u dhigay'e, kuwaas oo ku jira xabsi dalkaas Thailand.
  • Warar kale ayaa tibaxay in ragga afduubay ninka reer Thailand ay ka tirsanaan jireen ciidanka daraawiishta Puntland ee ay ka tirsanaayeen saddexda dhallinyarada ah ee ku afduuban Thailand.

Saddexda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga dalka Thailand magacyadoodu waa:
1) Mr. Yusuf Aden Seed, 37-jir
2) Mr. Mohamud Abdullahi Jama, 23-jir
3) Mr. Hussen Abdullahi Aden, 22-jir

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Qoraal hore: Shirkadda Ilaalada Xeebaha Puntland

Sawirada hoose waa ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland oo saaran markab SOMCAN.





 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2006

»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland [Dhegeyso]


Warqado is Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand....

Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

THAILAND WAA WADDAN CAYNKEE AH......