SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

YAA GABLAMI, YAASE GOOD DILI?  

Qore: Dr. Cabdullaahi Xasan Maxamuud
(Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es 


Raabeh
Sawirka Jeldiga Buugga Dr. Raabeh...

Eeg Sawirka oo weyn....

HORDHAC 

Maanta isaga warramimayno in uu Soomaaliya 16 sano ka socdey dagaal sokeeye oo meelaha qaarkood umula doox gaadhey. Kaasi, wuxu jid u furay dhimasho ka sokow, wax allaale wixi dagaal belo barbar gasha oo ay ka mid yihiin: Burburka, qaxa, dhaca, kufsiga, gaajada, haraadka, cudurka iwm. Wuxuu kale oo kan sokeeye kaga sii xagjiraa oo isaga u gaar ah: kala aarsiga oo keenta in jaarkaa ama saaxiibkaa, kaa wargeeya si lagu dilo ama isagu cid kuugu soo horeeyo oo ku dilo. Waxa dhibka dagaalka sokeeye ugu daran boogihiisa oo aan hore u bogsan. Taa waxa sabab u noqda cidii wax dhintay iyo cidii loo dhimay oo laga yaabo in ay noloshooda in badan is arkaan, arag kastana nabarkii dib u damqado. Qofka dagaalka sokeeye qabsadaa wuxu waayaa geed uu ku gabado ama ku dhuunto oo ku badbaado, inta badana waxa dila qofkii badbaadadiisa xilkeedu saaraa. Ruuxa dagaal sokeeye la soo kulamay kase badbaadey, waxa dhacda in uu aakhirutaanka dadkiisa noco, dalkiisana noco, naftiisana noco oo noloshiisu qiima beesho, uuna go’aansado in wixii soo maray wax ka xumi aysan weligiis soo maridoonin oo jirin. Xumo iyo geeri kasta oo loo soo sheegona uu sidii xuunshadii la yiri: Xuunsho hooyadaa baa dhimatay, ee tiri markay noolaaydba saxaradaan cunijirey, ama awelba saxaradaan cunayey.  

Hadaba, inaga oo dhibkaasi ina haysto, dareenkeenuna sidaa yahay, baa waxa maanta inoo raacday oo dalkeenii ku soo kordhay dagaal cusub oo kii sokeeye oo aynu ku hoobanay mid shisheeye ku daray. Waxa laga yaabaa intaa dhib aan soo sheegay dadkeena qaar badan oo ka mid ahi in ay mar kale kow ka bilaabaan. Laakiin ogaada, Xabashi hoos tag xaar cunna waa ka liidataa qofkii saa u fekerayow. Dhanka kale, Diyaaradaha Xabashida oo dalkeena duqaynaya iyo ciidamada tira dhaafka ah oo dhulkeena lagu soo fasaxay welina ku soo qulqulaya iyo maydka Soomaaliyeed oo qolyaha iska soo horjeeda ee Soomaaliyeed (DFKM iyo MI) qoloba dhan inaga tustay markaan arkay, baan waxan xasuustay qoraal uu waa hore qoray waayeel, waxgarad iyo aqoonyahan Soomaaliyeed oo digniin ahaa. Waxaa si gaara ii hor yimi laba sawir ama muuqaal oo qoraalkaasi ku jirey.

Digniintaa hore iyo dagaalkii sokeeye iyo kan cusub markaan isu eegay, waxa ii muuqday saddex arrimood: (a) Sawiradaasi in ay waqtigoodii ka horeeyeen oo aqoonyahankaa Soomaaliyeed uu dadka badankiisa ka il dheera. (b) Isla markaa waxaan arkay arrinkii dhabta ahaa oo sawiradaasi ka digayeen in uu mar hore bilowday, iminkana dhamaystirkii lagu jiro. (c) In Soomaalida dagaalka sokeeye daashadey qaarkood ay u arkaan in Xabashidu dagaalkan ay daacad ka tahay oo dawladoodii dhexe oo ay wax ka burburisey ay baadidoonkeedii u ordayso.

Aragtidaa u dambaysa baa waxay i sii xasuusisay abwaanadeeni hore laba ka mid ahi mar gabay wax isugu tebinayeen (Cali Dhuux iyo Qamaan), oo qamaan ku eedaynayey Cali dhuux in uusan daacad ka ahayn arrinta ay ka wada hadlayeen, buu wuxuu tiriyey Qamaan gabay ay ereyadani ka mid ahaayeen:

 Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badane
Aan doonahayn inaad heshona daayin abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan wax u dahsoonayne

Maanta waxaynu odhan karnaa raiisul wasaaraha Itoobiya, wuxu iska dhigayaa nin dawladii dhexe ee Soomaaliya ka luntay u ordaya helitaankeedii oo si dhab ah wax raadinaya. Run ahaanitiina waxaabad moodaa in uu Geedi iyo Yuusuf isagu ka daal badan yahay. Laakiin marka aynu dib u fiirino taariikhdeena guunka ah, waxaynu dareemi karnaa in Itoobiya dan Soomaaliyeed aysan lugooyo mooyee marna ladqabo ka gelayn soomaaliga uga fadhiyaana uusan habeen jirin.

Waxan ku dadaali in aan qoraalkan oo aan badhkiis ka soo xiganayo kan aan kor ku soo sheegay in aan ku muujiyo qaybo ka mid ah qorshaha gunta fog ee Itoobiya u xariiqan.

Qaybta xigtana waxan si kooban ugu taaban doonaa haddii eebbe idmo, jidkaa xabashidu jeexatay iyo qorshahaa la dejey waxa maanta ka hirgalay.

Xidhitaankana waxaynu ku maraq furaynaa cinwaanka qoraalka oo waxaynu kaga jawaabi su’aasha aynu iswadiiney. 

DHULDHACA HA LA HUBSADO

Raabeh
Dr. Cumar Cusmaan Raabeh

Qoraalkaa aan qayb ka mid ah halkan ku soo qaadan doono waxa soo bandhigay Dr. Cumar Cismaan Raabi. Waqtiga qoraalkan la soo bandhigay (1989), wadankeena waxa ka jirtey dawlad dhexe. Waxay Soomaalidu tiraahdaa “fiintu roobka soo socda bay ka oydaa”. Sida muuqta Dr. Cumar wuxu markaa ka digayey ama ka dardaarmayey waxa imandoona oo 16kii sano ee u dambeeyey qaybi ina soo martay, qaybina maanta joogto, dhamystirkiina dhiman yahay.  

Wadanka aan ku noolahay baa wuxu leeyahay maah maah odhanaysa: Hal sawir ama muuqaal wuxu ka qiimo roon yahay kun kelmadood.

Hadaba, iyada oo aan hubo in aanay tafsiir u baahnayn sawiradan aan soo bandhigayaa, tusaale cadna inooga noqon doonaan in Itoobiya ku hawlanayd 200 ee sano ee ugu dambeeyey sidii ay Soomaaliya geeska Africa ugu tirtiri lahayd. Waxan isku deyi in qaybta u horaysa qoraalkan ay horyaal u noqdaan sawiradu. Waxaynu isla markaa raacin hadal gaaban oo daah ka fayd ugu filan markii horena qaarkii la socdey. 

Sanadihii sideetanadii aakhirkoodii baa aqoonyahankaa Soomaaliyeed, Soomalinimaduna ku dheertahay wuxuu soo bandhigay aragti iyo odoros aad u gun fog. Aragtidaasi waxay ku aadanayd  sida Somaaliyi ku dambayn doonto mustaqbalka dhow iyo kan dhexe haddii aanay iska garan gabtidaa. Ninkaa wax garadka ahi wuxu raadkeeda ku joogey siyaasad guun ah oo weligeed jirtey, qarnigii 19naadna si rasmi ah dhidibada loogu aasay oo ku aadan sidii Soomaali jiritaankeeda lagu tirtiri lahaaa. Marka uu qoraalka soo saarayo, waxaynu taariikhda ka dheegan karney in mashruucaas  60% la fuliyey iyadoo shisheeye reer galbeed ah la kaashanayo.  

(Sawirka I), wuxuu ka tarjumayaa dagaalka sokeeye oo aynu ku hoobanay oo markaa saansaankiisu indheergaradka u muuqdey, maantana Soomaali ku kalifey in ay beerka ku socoto. Qofka sawirkan sameeyey wuxuu waqti aan dhibteenu muuqan, aqoontiisa iyo aragtidiisa ka dharuuray, in Soomaaliyi sidaa aynu hadda ku jirno ku dambayn doonto. Waxa u muuqatey in qaabkii dabka lagu hurin lahaa iyo xaabadiiba Itoobiya meel isugu geysey, waxa keliya oo u dhinaana uu ahaa dogobkii weynaa oo noolayska u noqon lahaa oo ay markaa qawsaaro Soomaali ka dhashay oo Xabashi u adeegayey soo sideen iyo qarafkii lagu qaban lahaa oo uu la dul fadhiyey Xabashigu.

Maanta Soomaaliyey markaad u fiirsataan (Sawirka I), qofkii dhiig Soomaaliyeed iyo wadaninimo iyo dadnimo ku jirto marka hore timahaa istaagaya. Marka labaad waranka ku soo socda ama walaalki ku socda markuu arko wadnahaa boodaya. Marka saddexaad marka uu hoos fiiriyo oo bahalaha dhaawaciisa ama maydkiisa sugaya arkona waxa ku soo dhacaysa qolada hoos tegidoonta ha ku biirine, si kastana yeel oo dhaawac iyo dhimashoba iska ilaali oo xaalku ha noqdo “Geeriyi geeljire iyo guryo kaa dheer bay ku fiicantahay”.

Waxaad moodaa Abwaankii iyo wadanigii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdullahi Suldaan Timacade markuu ereyadan soo socda yiri in arrintani u muuqatey: 

Garbaduub haddii loo xidhaad gaadhna ka ahaato
Gacantii nin lihi goynayaa waa gumudantaaye
Nin walaalki geed ugu jiraa geesi noqon waaye

Soomaalay, Ma dabinkan baa cadow inoo dhigay? 

raabe 

Aniga shaqsi ahaan murugada muuqaalka sawirkani i baday iyo sida uu xaqiiqa jirta ugu taagan yahay markaan dhuuxay waxay iga keentay intan: 

  • Qab qab dhaafay soomaaliyey qaran ma noo diidey?
    Qaashkiyo bilaawaha miyaa la isku qaaxeeyey?
    Qaarqaadka dhaawaca miyaa qawyo laga daadshey?

  • Qoorgooyadeenii miyaa xabashi qoondeeyey?
    Qabriguna sad weeyee dugaag maydka ma u quudhnay?
    Qufta iyo waraabaha miyaa qaarar kala jiitey?
    Ma qasaareheenaa waxgarad qoomamada ooyey?

Sawirkaa waxan jecelahay in aan intaa ku dhaafo oo maanta cidna loo fasiri maayo, wuxuuna tusaale cad u yahay dabin laynoo dhigay oo aynu si hawl yar qoobka ugu ridaney. Qof kasta oo Saamaaliyeedna waxan odhan lahaa si fiican ugu fiirso, waraabayaasha hoos jooga oo maydka iyo dhaawaca sugayana kan ugu weyni waa jaarkeena oo markii horena waranka iyo tooreyda isugu keen dhiibey.  

(Sawirka II), kani labaad wuxu ka koobanyahay 9 qaybood oo isku xidhan oo ka tarjumaya siyaasad ugu yaraan 200 oo sano ka hor dhidibada loo aasay oo taliskii Xabashidu qarniyo hore dejitsey marnana aanay ka tanaasulin, ahna majaraha u xariiqan oo nin kasta oo madax ka noqdaa raaco fulintiisuna waajib ku tahay, bal isna ila arka:  

(1) Tan ugu horaysaa waxay ina tusayaa taariikhdaas halkii boqortooyada Abasiiniya ay geeska Afrika kaga tiil iyo intii dhul u ahayd. 

(2) Waxay ina tusaysaa muddo sodon sano ka yar halkii ay gaadhey iyadoo adeegsanaysa hubkii ay gumaystayaashu reer Yurub ku caawiyeen gaar ahaan (Ingriis, Faransiis iyo Ruush), Waxaadna arkaysaan sida 30 sano mudo ka yar dhulkeedii u afar laabmay. 

(3) Iyadoo ujeedadeeda weyni tahay in ay xalaalaysato oo looga hadho wixii ay dhul maroojisey waqtigii xukunkii Minilik, waxay Qaramada Midoobey waydiisatey in wadamadii talyaanigu xukumayey lagu wareejiyo (Somalia iyo Eriteria ), halkaana mashruucii inta ka hadhsan ka dhamaystiro oo badda CAS iyo Badweynta HINDIYA halkaa gacanta kala gaadho. 

(4) Eriteria way ku guulaysatey badda casna jid bay u heshay dhulkii ay hore u boobtayna waa u xasiley. Waxana arrintaas si gaara gacan ugu siisay dawladda Maraykanka oo ku hawlanayd markaas dagaalkii Kuuriya oo isagana loo balan qaaday in qaacidad laga siin doono Badda Cas ee Eriteria marka ay xukunka amxaarada hoos timaado. 

(5) Intii u dhexaysey 1960-77, waxa gacanta gumaysiga ka xoroobey saddex qaybood oo ka mid ah qaybihii isticmaarkii reer Yurub iyo Amxaaro u qaybiyeen dalka Soomaalida.  

(6) Xaile Salaase wuxuu sheegtay markii u horaysey in xeebta Soomaaliyeed ee faransiisku gumaysto ay tahay gobol ka lumay. Wuxuuna soo jeediyey in ama gumaysiga Fransiisku sii joogo ama isaga lagu soo wareejiyo. 

(7) Waa sida Abasiiniya noqon la hayd haddii ay u hirgeli lahayd sheegashada Xayle Salaase. Isla waagaa, Xabashidu waxay balan qaaday in goor ay noqotoba ay Jabuuti gacanteeda soo geli doonto. Laakiin shacabka reer Jabuuti way ka tashadeen in aanay qawlalada waraabaha ku dhicin, ilaahna waa ku guuleyey. 

(8) Xabashidu iyada oo aad moodo in ay si fiican u dhuuxday murtida Soomaaliyeed oo leh: Gudiney gobolkay baa kugu jiree ima goyseen, bay waxay heshiis la gaadhey Jabhadii la odhanjirey SNM. Warkaasi wuxu ku soo baxay wargeysyo kala duwan uu tusaale u yahay (Cosmopolite n.6, Abril 1986).

Heshiis kaasi wuxu dhigayey in: (I) Amxaarku taageero buuxda siiyo sidii ay u samayn la haayeen “Northern State” oo ka gooniya Jamhuuriyadda Soomaaliya kana go’da oo ka kooban waqooyi galbeed. (II) In amxaaro markaa ka dib ay xoogaa ka mid ah hawdka uu ugu soo daridoonto. (III) Taasina ay ku xidhantahay in dawlad ku sheegaa cusubi uu dhexdhexaad ka noqdo waxa dhex mari doona xabashi iyo Jamhuuriyadii Soomaaliya waxa ka hadha oo ay ku duuli doonto.  

(9) Jidka Xabashi u jeexani wuxuu ahaa in marka hore iyada oo waqooyiga la adeegsanayo Soomaali laba loo kala gooyo. Marka xigta in koonfur lagu duulo oo la qabsado. Intaasi markay isku dubadhacdo in waqooyi la yiraahdo adna qaranka cusub ku soo biir. Run ahaantiina qofka Soomaaliyeed oo Xabashi daboor u noqdaa mashruucaas uun buu wax ka fulinayaa. 

Aniga oo laga yaabo in aanan ereyada sidoodi u qoran ee macnaha soo qaatay, intaa waxaa ku eg, aragtidii qotada dheerayd oo Dr. Cumar soo raaciyey khariidada aynu ku magacownay (Sawirka II).  

Soomaalay, ma laga yaabaa in sidan laynala damacsanyahay?
raabeh
(Sawirka II)
 

Aniguna waxan khariidadan raacin lahaa intan yar oo tii hore ku xidhan qardhaas iyo belo xijaabna ilaahay inooga dhigi doono insha allaah:

  • Kama quusto qawlkii alliyo qadanka diineede
    Nin quraanka tuugaan waqiis eebbe qadinayne
    Qaylada badhkeen diri miyaa qiima gelidoonta? 

  • Hadimadan la qoofalay miyaan dib u qarsoomaynin?
    Qaradkaa shisheeyaha miyaan waana qumidoonin?
    Qatartiyo dhibaatada miyaa waaxid naga qaadi? 

  • Qoqobadan na loo dhigay miyaan qeydo noqondoonin?
    Qoyskiyo dirkaan nahay miyaan kala qaloondoonin?
    Qaybaha israacood miyaa nacab qamuunyaysan? 

  • Qader lama tilmaamiyo wedkoo soo qandoodsaday e
    Qorrax soo baxdaba xaajo waa qaalmarogataaye
    Qani iyo faqiir baa mar qudha qalin isdhaafshaaye  

  • Qalbacyada intuu lohod ku jiro qudhi itaalkiise   
    Mar haddii libdhada loo qayoxo waa qalalayaaye
    Intaad aniga nabar lay qarshiyo qodaysi iilkayga 

  • Quruumahan “melesow” kun sano qoolka lagu roorshey 
    Oo quudhsi awgii dadnimo loo qaderinwaayey 
    Qanidigay dhigaan baa ku filan salabna qaatane  

  • Qaskaad nagu wadaa weyneheen qoorta kuu geline
    Idinkaa qiyaastiyo xilliga qaamudkiin galay e
    Ha ka qoomamoon waxa dambayn qaranjabkiiniiye

Waxan qaybtan ku xidhayaa, waxa la yiri gabadh Soomaaliyeed baa cayaar inta si fiicaan ugu bogtay ka boodey oo tiri: sidi sidi, sidi sidi, markaasaa oday yiri: gabadhey dhuldhacaaga hubso. Haatan dadka Soomaaliyeed ee waxa dhulkeena ka socda u sacabaynaya, waxan odhan lahaa: xaalkiinu yuu noqon: nin daad qaaday xumbo cuskey, oo dagaalka sokeeye oo ina daashadey iyo dhibaatada inagu raagtey iyo jacaylka aynu u qabno dawlad dhexe, yay inaga daahin ku tumashada Itoobia oo taageerada loo soo ekaysiiyey. 

Waxanna idinku raacsanahay haday sida aad wax u aragtaan wax u jiraan oo amuuri sida laydinku qanciyey ku dambayso khadar baa samada laynooga soo dejey baynu odhan karnaa. Laakiin Soomaali nasiibkeeda baan aqaanoo hawl yari waxba kuma hesho oo xitaa qaalinta geela ah oo ay dhalashadeda ilaa curashadeda ku soo hawshoodaan, ilaa caanabare sibraha loogu xidho oo lagu farabaro caana kama maalaan. Marka waxan odhan la haa, ha degdegina, hana is indhatirina ee dhuldhaca hubsada. 

MAXAA U HIRGALAY? 

Waxa la yiri: Nin carabtii hore ah oo wiilal badan leh baa markuu gaboobey oo dardaarankiisii joogey isugu yeedhay wiilashiisii. Wuxu yiri nin waloba intaas oo laamood oo duur ah ii keen. Markii wiilashii mid waliba duurkiisii keenay buu yiri: Isku wada xidha duurka, markaasaa laysku wada xidhay. Isaga oo curadka ka bilaabaya buu yiri nin waloba markaaga isku day duurka in aad jebiso. Raggii mid xoog weynaa iyo mid xoog yaraaba waa isku dayeen duurkii in ay jebiyaan waana jebin kari waayeen.

Markii ay ka quusteen buu yiri nin walowba duurka qaybtaadii qaado oo gooni u xidh. Markii nin waliba qaybtiisii gooni u xidhay buu yiri hadaba mid waloba kaaga isku day in aad jebiso. Kolkaasa ileyn midkiiba dhawr laamood bay ahaayeene, mid waliba kiisii jebiyey. Odaygii markaasuu yiri hadaba iska daadiya duurka oo i dhegaysta. Duurku markuu isku wada xidhnaa sow ma aydaan jebin kariwaayin? Wiilashiina haa bay ku jawaabeen. Markii mid waliba kiisii gooni u xidhayna sow mid waliba kiisii ma jebin, haa bay ku jawaabeen.  

Odaygii wuxu yiri duurkaasi idinkuu ahaa:  

  • Haddii aad wada jirtaana cidi idin jebin mayso
    Haddii aad kala jirtaana saas saad u jabaysaan.    

Raabi
Sawirka Jeldiga Buugga Dr. Raabe

Eeg Sawirka oo weyn....

Anigu waxan is idhi sheekada waa laydinka xaday ee odaygaasi Soomaalida aabeheed buu ahaa muqaalafa xumadooduuna ogaa. Waxaase ka faaiidaystey jaarkeena oo isaguna markii odaygu inala dardaarmayey inaka ag dhowaa.  

Dib hadaynu ugu laabano sawiradii aynu soo bandhignay, waxaynu daaha ka faydi karnaa qorshahaa Soomaali tirtirkeeda loo dejiyey bal waxa ka hirgalay. Waxa sideetanadii muuqdey in xabashidu mindiyaha u lisanaysey Jamhuuriyadda Jabuuti sidii ay canka u gashan lahayd. Hase ahaatee duruufo iyo isbedelo siyaasadda aduunka soo maray darteed, Jabuuti oo markaa laan curdin ah ula ekayd Xabashi, waxay isu rogtey laan gahaydh ah oo dimcad ku taal. 

Waxa isla sanadahaas taa la barbar wadey sidii Soomaali laysaga horkeeni laha qarankeedana loo dumin la haa. Hadaba, (Sawirka I) wax u eg si loo gaadho oo dagaal sokeeye oo aynu cadow isugu noqno looga dhex rido Soomaali waxa badan baa lagu soo jeedey dhaqaalena la geliyey. Aakhirutaankiina waxa lagu guuleystey in aynu haddaynu Soomaali nahay birta iska asalo. Taasi waxay ahayd talaabadii u horaysey oo duminta qaranka Soomaaliyeed laga bilaabay. Waxaynuna wada ognahay, Soomaaliduna maah maah qurxoon ka leedahay in aan ruqo ninkii lahaa dabada hayaa kicin. Qarankii Soomaaliyeedna, waa sidii cadowgu rabey e wuxu noqday ruqo ciddii lahayd markay kicid holiso ama hinqatoba uu fadhiga ku celinayo.  Sidaasna waxa lagu aasay dawladii dhexe ee Soomaaliyeed, dadkeediina nacayb baa la dhex dhigay.  

Talaabadaasi markii ay hirgashay, waxa la bilaabay talaabadii labaad ee uu dhigayey heshiiskii aynu hore ku soo sheegnay oo jabhaddii S.N.M iyo dawladii Xabashida dhex maray oo ahaa in Jamhuuriyaddii Soomaaliya laba loo kala gooyo. Maanta iyo maalintii dawladii dhexe ee Soomaaliyeed burburtay Xabashi iyo hogaamiyayaasha maamul goboleedka la baxay Soomaali-land, arrintaa isku fikrad bay ka ahaayeen, Xabashiyina taageero xooggan bay u fidisay si ay u hirgasho. Laakiin nasiib wanaag, caalamka kale bay ka waayeen ictiraaf.  

Markii la arkay in taasi sidii la moodayey ay noqon weydey oo waqtigii fulinteeda iyo ka gungaadhkeedu dheeraaday baa tabtii la bedeley.           

Waxaynu kor ku soo sheegnay in ballantu ahayd marka wadanka Soomaaliya la kala gooyo, waqooyi galbeedna dawlad madax banaan laga aasaaso. Talaabada xigtaa waxay ahayd in Xabashiyi ay qabsandoonto qaybta koonfureed oo dalka Soomaaliya. Isla markaa waqooyi galbeedna uu ka noqondoono daawade sida walaalohood loo cunayo. Taa shaki kuma jiro oo waxaa 10kii casho ee u dambeeye indheheenu arkeen, wax dhawr iyo toban sano ka hor ma dhacdo u ekaa. Waa diyaaradaha Itoobiya oo magaalo madaxdii Soomaalida duqaynaya. Waxa maanta aan muran ka taagnayn oo aynu dhamaanteen markhaati ka nahay in Xabashi koonfurta Soomaaliya ku soo duuley si kastaba aduunka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ha looga gadee. Waxa iyana muuqata in gobolkii waqooyi galbeed ee gooni isu taaga rabey uu sidii ballantu dhigaysey daawade ka yahay oo aan hal eray afkooda laga hayn. Haddii barnaamijku sida Xabashi u dhigay ku socdo, waxa hubaal ah in maalinta iyaga la weeraro ay odhan doonaan sidii dibigii ugu nolol dambeeyey sheekadii saddexda dibi iyo libaaxa: Xabashiyey maanta ima aad qabsane maantaan koonfur kuu daayey in aad qabsato baad i qabsatay. 

Weedhaa u dambaysey iyo kuwa ka horeeyey oo ay higsanayso dhaxalkooda waxa ina tusaya (Sawirka  III). Kolkaynu u fiirsano sawirkaa, waxa inoo muuqanaysa qaybtiisa hore in ay u taagan tahay sida maanta xaalkeena guud yahay ama heshiiska degsan oo lagu socdaa dhigayo. Waxaana loo baahanyahay in aad wada aragtaan in heshiiska qaybihiisi sidii uu u yiil loogu socdo oo aan waxba iska bedelin. Qaybta dambena waa sida uu berri noqondoono, haddii mashruuca Xabashidu sida ay ugu tala galeen u fulo, qawsaaro Soomaaliyeedna ku taageeraan sida hadeer muuqata.

Hadaynu nidhi qorshihii guud ee Xabashida 20 sano ka hor wuxu marayey oo ka fuley 60%, markhaatina ay u tahay 1884 halka taliska Xabashidu ku ekaa. Maanta waxaynu odhan karnaa intii hadhsanayd 75% baa hirgalay. Waayo dawladii dhexe in la rido waa lagu guulaystey, wadankiina laba qaybood baa laga dhigay, qaybtii koonfureedna waa lagu soo duuley. Waxa keliya oo dhimanina waa waqooyi oo lagu darsado.

Waxan kale oo jeclaan lahaa in aan dib idiin xasuusiyo in aan la dhayalsan khariidadii xildhibaanada Xamar joogey inoo soo gudbiyeen oo geeska afrika Soomaalida laga masaxay. Sida aad aragtaan waxay ka mid tahay wadadaa Xabashi iyo dhoobiyadu xariiqdeen halka ugu dambaysa oo lagu socdo. Aniga aragtidaydana waa wax caqliga geli kara in laga helay xafiis dad Soomaali metelayaa leeyihiin.

Soomaalay, indhaha fura yaynaan sidan ku dambayne

(Sawirka III)

GEBAGEBADII 

Hadaynu taariikhada dib ugu noqono, waqti dhawr iyo toban sano laga joogo, waxa xeeb u ahayd Xabashi xeebta Ereteriya. Itoobia iyada oo taas leh baysan ku qanacsanayn oo waxay doonaysay in ay gacanta ku dhigto Jabuuti oo ay gaadhey in ay aduunka kaga dacwooto in ay iyadu leedahay oo Jabuuti tahay gobol ka lumay. Iyadoo taa ku hungowdey, xoog in ay ku qabsatona ku dhiciweydey, baa dagaaladii sokeeye oo iyaga ka dhexdhacay ka dib, waxa cagtii dhawr iyo todobaatanka sano lagu hayey ee gumaysiga ka hoos baxday Ereteriya. Markay xeebtii yarayd ka farabaxsatay, Itoobia talaa ku cadaatay, waxaana u muuqatay in 75ka malyan oo qof oo wadaankoda ku nool, xagga wax soo saarkana aad uga liitaa aysan bad la’aan noolaan karayn. Waxaa taa u raacda, ileyn waa ummad xaqdarro lagu soo koriyey e, wadamada ay jaarka yihiin oo badda leh dhamaantood xidhiidhkoodu waa xun yahay oo iskuma halayn karto. Waxay taasi ku kaliftey in ay heshiiska qayb ka mid ahayd ee dhigaysey in ay koonfur qabsato ay ku talaabsato. Waagii heshiiska la gelayey cadaawad bay ka ahayd oo Casab iyo Musawacba iyadaa ka talinjirtey, Jamhuuriyadda Jabuutina mindiyaha ayay u lisanaysey, sidaa darteedna baahi badan uma qabin. Laakiin maanta sida muuqata dan culusina waa jirtaa, cadaawadiina waa halkeedii siyaasadda fooshaxun ee aduunkuna waa u fududaysay in ay ku dhiirato kuna talaabsato.  

Hadaba, aniga oo aan intaa ku soo koobayn, waxan odhan karaa ujeedooyinka Itoobia oo duulaankan ka dambeeya wax ka mid ah kuwan soo socda:

  • Muslin la dilo, la duleeyo oo dadkiisa soo kacaya la majara habaabiyo sidaasna janada gaaladu aaminsanyihiin lagu galo.

  • Soomaali oo colaado guun ahi ka dhexeeyeen oo 1400 ee sano ee u dambeeye dagaalo dhexmarayeen ka ciil beel maantaad awoodaaye.

  • Xaqdarrada iyo gumaadka iyo gumaysiga ay dadkeeda ku hayso oo ay ku daboosho duulaanka ay inagu soo qaaday.

  • Ururo aragaixiso baan idinka horjoogaa oo ay wadamada reer galbeedka magac iyo maamuus iyo dhaqaale kaga hesho.  

  • Soomaali oo ay marna cagta hoosteeda gelin kariweydey oo ay maanta fursad u heshay in ay gumaysato, xeebeheedana dadkeeda nolol tay ku jiraan ka fiican uga samayso, taasoo ahayd yoolka fog oo asaaska u ahaa hashiiskii aynu soo sheegnay. Isla markaana taageerada ay maanta haystaan aanay ku ekayn madaxda maamul goboleedka la baxay Somali-land e hadaynu tira koob ku dayno aynu arki lahayn in dhoobiyadu aad u tarmeen.

Waxaan qoraalkan ku soo xidhayaa haddii eebbe idmo, ujeedada ka dambaysa cinwaanka maqaalka. Su’aashu waxay ku timi labada raiisul wasaare ee Somalia (Mr. Geedi) iyo Itiobiya (Mr. Zenawi), sida uu mid walba ku yahay duulaankan iyo dadka dhintay iyo kuwa dhiman doona.

 Yaa gablamay? Hadaynu ka jaawaabno, waxa gablamay Geedi oo la gumaaday garabkiisii iyo gaashaankiisi. Waxa la gumaaday ama cimaamado ha siteen ama yay sidane waa dadkeenii. Run ahaantii wuxu gablamiyey dalka iyo dalka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna qoysaska iyo waalidka Soomaaliyeed oo inta geeryootey ciidanka iyo cududa u ahaayeen. 

Yaa good diley? oo la micne ah yaa bahal hoose diley? hadaynu ka jawaabno waxaynu odhan karnaa, ninkii cadowgiis diley oo jebiyey baa bahal hoose diley. Itoobia iyo Zenawi, waxay iska qabteen cadow Soomaaliyeed oo intaanu gahaydhin oo adkaan ka hortageen oo curdinka ku qalajiyeen. Waxaase taa uga sii farxad badan, kii ka celin lahaa baa raali ka ahaa kuna garab taagnaa cidhibtirka, khaayaamo qaran iyo mid qoysna ku talaabsaday.  

Abwaan Soomaaliyeed oo la odhanjirey Faarax Nuur baa mar khayaamada ka hadlayey wuxu yiri:  

  • Qosol beena fool wada qayaxan qiil aan garanaayo
    Booraan afkii laga qafiley qabarna hooseeyo
    Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane
    Ma anaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono?

Waxan idin odhan lahaa Soomaaliyey ogaada, waxa laydiin qarinayaa waa mindiyo laydinku qali doonee, qawsaaro ina ka dhashay baana wax ka afayna oo lagu soo gabanayaa. 

Waxa Soomaali inta indhuhu u kala furan yihiin ogyihiin in aan adduunka cid wax bilaash ah oo aan dan ka dambaysa ku salaysnayn cidina bixin. Iska daa cid kalee qofka muslinka ah oo ilaahay hanuuniyey baan bilaash wax u bixin. Run ahaantii sadaqadana ku dhehoo, wax kasta oo la bixiyo ama hawl kasta oo la qabto waa la gataa. Yaa igu diidaya in sadaqada hadaan ajar laynoo balan qaadin in bilaash cidi xooleheeda u bixin lahayd.  

Marka halkaa laga eego, Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa u dhexeeya iyo waxa ina soo kala marayna aynu ognahay, yoolka fogna aynu soo taabanay, tabeheedana aynu sanadihii ugu dambeeyey oo aynu agoomowney u wada jeedney. Qof Soomaali ah oo caqligiisa qaba oo aan kursi iyo mansab indha tirin, ma ka suurowdaa in uu aamino ama rumaysto Itoobiya baa Soomaali asxaan u gelaysa oo dad uga dhimanayaa? Aniga aragtidayda waa maya. Waxaanse kaga baxayaa, waxa la sheegay Wiilwaal in uu yiri: War haadkaasii muxuu ku dhacyaa? Markaasuu ku jawaabey ninkii uu u dan lahaa; hadba keenii eega buu ku dacayaa. Ma rabo in aan u galo waxa wajigood gubeyga Xabashida wata afkooda laga sheegay, laakiin maanta Soomaaliyey wuxuu haadku ku dhacayaa, Soomaaliga is faramadhnaysiiya iyadoo dalkiisa Xabashi la gudoonsiiyey. 

Soomaalay marka su’aasha soo socotaa jawaabteedu haa noqoto baynu Xabashi aamini karnaa oo wanaag iyo walaalnimo ka dhawri karnaa. 

Waraabaa hal diboodiyo baadi soo dawinaaya

Oo inta geedaha daaqo darib geel nicidoona

Dad maw qaadanayaa?. 

Dr. Abdullahi Hassan Mohamud
(Abdullahi Spanish).
Email: indhagube@yahoo.es

________________________________________________________
Dr. Cabdullaahi Spanish Qoraaladiisa kale waxaa ka mid ah: AW JAAMAC CUMAR CIISE: DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH