SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Kenya iyo Uganda oo ku Muransan Jasiirad Yar oo ku Dhaxtaal Harada Victoria...

Uganda waxay Kenya ka difaacanaysaa 240 mitir oo Jasiirad ah, halka DFKMG ay Kenya ka ogolaatay in muran la geliyo dhul-badeed Soomaaliyeed....

  • Tarjumadii /faalladii: SomaliTalk.com | April 18, 2009

Jasiirad yar oo lagu magacaabo Migingo oo ku dhax taal harada Victoria ayaa waxaa ka taagan muran weyn oo u dhaxeeya Kenya iyo Uganda, murankaas oo ku saabsan cidda leh jasiiraddaas.

Dawladda Uganda waxay si weyn ugu adkaysanaysaa on Jasiiraddaasi ay xigto xadka dhanka dalkeeda, sidaas daraadeedna ay ka tirsan tahay dalka Uganda. Laakiin taas waxaa diidan Kenya oo ku doodaysa in jasiiradaas ay Kenya leedahay. Arrintan oo muran xoog weyn dhex dhigtay labadaas dal.


Jasiirada Migingo waxaa ka dhisan isku-raran: Isha" www.monitor.co.ug

Jasiiradda la isku haysto waxaa lagu qiyaasay in ay  leegtahay ballaca Garoon Kubbada Cagta labadiis. Waana jasiirad laga kalluumaysto oo ku dhex taal harada Victoria ee u dhaxaysa Kenya-Uganda-Tanzania.

Sida ay qortay jariidadda Monitor ee ka soo baxda Uganda (cadadkeedii Feb 24, 2009), waxay Kenya damacday in ay jasiiradda Migingo ku darsato dhulkeeda kaddib markii Arbaca Febraayo 18, 2009  ay xoog jasiiraddaas ku galeen 14 gaari oo hubaysan oo ah Booliska Kenya, waxayna calanka Kenya ka dhex taageen jasiiradaas. Taasi waxay dhallisay in Khamiistii Feb 19, 2009 ay Uganda halkaas u soo dirtay ciimadama badda iyo Booliska rabshadaha la dagaalama. Laakiin ciidamadii Kenya waxay halkaas dib uga baxeen Jimcadii Feb 20, 2009.

Sarkaal reer Uganda ah oo xagga aamaanka qaabilsan oo la hadlay jariiradadda Monitor ayaa sheegay in Kenya ay doonayso in ay sheegto dhul ka baxsan xadkeeda, sababtoo ah, ayuu yiri "Kenya waxay biyaha Harada Victoria ku leedahay boqolkiiba 6% oo kaliya, halka Uganda ka leedahay  boqolkiiba 42% iyo Tanzania oo leh boqolkiiba 52%, sidaas daraadeed waxaa dhici karta in Kenya ay doonayso jasiiradda Migingo sababtoo ah waxbay u siyaadinaysaa".

Ra'iisul Wasaaraha Kenya, Raila Odinga, oo arrinta jasiiraddaas ka hadlay (April 2, 2009) ayaa sheegay in jasiiradaasi ay ka tirsan tahay Kenya, waxana uu taas sabab uga dhigay in ay jiraan akhbaar iyo khariidado ku simaan sannadkii 1926 kuwaas oo muujinaya in jasiiraddaasi ay ka tirsan tahay Kenya. Waxana uu intaas ku daray "Qaybta ay Kenya ku leedahay Harada Victoria waa boqolkiiba 6% oo kaliya, sidaas daraadeed caddaalad ma aha in dalalka deriska ah oo haysta baaxad aad u ballaaran ay qaybtaan yar ku darsadaan," ayuu yiri Odinga.

Jasiiradda Standard ee ka soo baxda Nairobi waxay April 4, 2009 qortay in uu sii qoto dheeraaday muranka la xiriira jasiiradda Migingo, kaddib markii Uganda ay ra'iisul wasaaraha Kenya u sheegtay in uu iska ilaawo sheegashada jasiiraddaas.


Jasiiradda la isku haysto: isha: TV-ga KNT .. Hoos ka daawo.

Dhanka kale, qoraal ay April 18, 2009 qortay Daily Monitor, ayaa sheegay in Uganda ay dhaar ku martay in calankeedu ka dul babab doono jasiiraddaas. Sarkaal u hadlayay qaybta saxaafadda Uganda ayaa yiri "Waxaan rajaynaynaa in arrinta jasiiradda lagu xalliyo kala calaamadin xadka, ee aan lagu xallin dagaal. Inta arrintaas ka horaysa calanka Uganda ayaa ka dul baban doona jasiiradda."

Arrimahaas marka si qoto dheer loogu fiirsado waxaa ka soo baxaya in waxa la isku hayaa uu yahay dhul iyo halka uu marayo xadka labada dal.

Dhulka la isku hayo oo lagu qiyaasay ballaca garoonka kubbada lagu ciyaaro labadiis. Arrintaas oo muran xoog weyn ka dhex abuurtay laba dal. TV-ga KNT ee Kenya waxa uu sheegay in muranka ka dhashay Jasiirada ay dhici karto in lagu kala baxo Maxkamadda Caalamiga ah ee Adduunka.

Waxa kale oo TV-gu sheegay in arrinta keentay in jasiiraddaas la isku qabsado ay la xiriirto kalluun farabadan oo laga helo biyaha ku xeeran jasiiraddaas. Halkaasna waxaa ka soo ifbaxaya sababta dhul-biyoodka loo raadinayo in ay la xiriir.

Wargayska Monitor oo ka hadlayey sida ay u korortay tirada dadka East Africa, gaar ahaan Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania iyo Burundi waxaa uu sheegay in sannadkii 1980 ay tiradii dadka ee ahayd 57 million ay sannadkii 2007 gaartay 125 million. Waxaana la qiyaasayaa in sannadka 2030 ay tirada dadka ee dalalkaasi  gaarto 190 million. Taas oo sii xoojinaysa muhiimadda uu yeelan doono dhulku.

DFKMG oo Saxiixday in Muran la Galiyo Dhul-Badeed Soomaaliyeed oo Baaxad Wayn

Hadaba, haddii aan jalleecno dhinaca Kenya iyo Soomaaliya iyo xuduudaha biyaha: waxaa bishii April 7, 2009 magaalada Nairobi qoraal loogu yeeray is afgarad ay Kenya ka saxiixatay DFKMG ee Soomaaliya, heshiiskaas oo si qeexan muran u galinaya dhul-Badeed Soomaaliyeed oo aad u baaxad weyn. Taas oo talooyin badan oo loo jeediyay DFKMG aaan la garanayn sababata ay uga noqon la'dahay.

Kenya iyo Uganda waxaa muranka ka dhex dhaliyey dhul ballaciisu yahay 240 mitir oo ah haro-biyood, halka "Dawladda" FKMG ay saxiixday "is-afgarad" muran gelinaya dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxadiisu ka badan tahay 38,000 Kiiloomitir oo labajibaaran.

Waxaa mudan in si gaar ah loo fiiriyo arrinta ay Kenya cuskanayso marka ay la xaajooneyso Uganda, waxay tiri waxaa "Jira akhbaar iyo khariidado ku simaan sannadkii 1926" kuwaas oo Kenya ku doodeyso in ay muujinayaan in jasiiradda Migingo aysan lahayn Uganda ee ay leedahay Kenya. Haddaba maxaa madaxda Soomaaliyeed u diiday in ay Kenya xusuusiyaan Heshiiskii Talyaaniga-Ingriiska ee 1924 oo si qeexan u kala calaamadiyay badda Kenya iyo Soomaaliya.

  • FG: Sida caadiga ah cabbirka ugu weyn ee garoonka kubbadda cagtu waa: 120 mitir dherer x 90 mitir ballac.

Daawo Wararka ku saabsan Muranka Kenya iyo Uganda.

Sidoo kale daawo

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: