SOMALITALK.COM | RAMADAN | SIIRO | SAXAABADA | SALAT ZAKAT 
 

A
B
U
B
A
K
A
R

 AS-SADIQUE ISLAMIC CENTER

 

MASHRUUCA ABUUBAKAR SIDIIQ
Abuubakar As-Sadique Islamic Center
325 Cedar Ave S Suite 4 Minneapolis MN,  55454 USA
Tel: 612-310-3833 : Office: 612-333-2341 : Fax: 612-252-6803
E-mail:
hajiissa@hotmail.com
 

Soomaalida Minneapolis oo $160,000 ugu Deeqay Mashruuca Abuubakar

SomaliTalk.com | September 6, 2004

Muslimiinta xalay isugu yimid mu'tamarka ka socda Minneapolis ayaa waxay mashruuca Abuubakar ee laga hirgeliyo Minneapolis ugu deeqeen lacag cadadkeedu dhan tahay $160,000 (Boqol iyo lixdan kun), lacagtaas waxaa goobta lagu bixiyey 10,000, inta kale waa ballan qaad ay Soomaalidii mu'tamarka isugu timid ku ballan qaadeen in ay bixin doonaan.

Mashruuca Abuubakar waxaa ku bixi doona lacag dhan $2,500,000.00 , waxaana markey taariikhdu ahayd August 31, 2004 mashruuca bangiga u taaley lacag dhan $1,027,000.00.  Waxaa halkaas ka muuqda in weli ay dhiman tahay lacag badan oo mashruucu u baahan yahay si uu u hir galo, Taageerada Muslimiinta ayuu mashruucaasi sugayaa.

Hoos ka akhri faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan mashruuca Abuubakar.


MASHRUUCA ABUUBAKAR

Xarunta Abuubakar Sidiiq waa jamciyad Islaami ah oo kheyri ah oo u taagan u adeega Muslimiinta Gobolka Minnesota. Waxaana jamciyadan laga sharciyeeyey Minnesota bishii November ee sannadkii 2001. Maadaama magaalooyinka mataanaha ee St.Paul/Minneapolis ay ku nool yihiin Muslimiin aad u tiro badan, waxaa muhiim noqotay baahida jamciyad noocan ah.

Dhismaha Xarunta Abuubakar ee Minnesota:::

Mashruuca Abuubakar as-Sadiq waa mashruuc loogu talagalay inuu noqdo meel ku filan umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota. Mashruucani wuxuu isugu jiraa:

  • Masaajid
  • Xarunta Jaaliyadda [community center]
  • School ama Madariso
  • meel maydka lagu dhaqo

Raadinta Goobta Masjidka:::

Waa arin hawl adag u baahan sidii lagu heli lahaa goob baaxad leh ama dhul ballaaran oo laga dhiso xarunta mashruuca Masjidka Abuubakar. Arimaha adkeeyey in xaruntaas si fudud lagu helo waxaa kamid ah:

  • Goobta [Zoning]::: Magaalada ayaa ogolaanshaha bixisa, waa inta aan booska lala kala wareegin. Ururada kheyriga ah (ama non-profit organization) ma bixiyaan lacagta cashuur celinta (ama Tax), sidaas daraadeed degmadu waxa ay ka cago jiidaa in ay ogolaanshaha dhulka siiso ururada laga dhaafay cashuurta, arimo la xiriira xagga dhaqaalaha awgeed.
     
  • Parking::: Goobta gawaarida la dhigto waxay ka mid tahay caqabadaha ugu waaweyn ee lagu waayo goob ku haboonaan lahayd dhisme mashruuc Islaami ah.
     
  • Qiimaha Dhulka::: Dhulka ama guryaha magaalooyinka mataanaha waa kuwo aad qaali u ah. Jaaliyadda oo aad u ballaarana waxay u baahan tahay goob baaxad leh. Dhismaha mashruuca loo raadinayo waa: 35000 ilaa 40000 sq feet [feet laba-jibaaran]. Dhulka baaxadaas lehna waxa uu ku kacayaa qiime aad u sareeya - hoos ayaad ku arki doontaa laacagta ku bixi doonta iyo inta hadda la hayo..
     
  • Fogaanta::: Jaaliyadda badan keedu waxa ay ku nool yihiin koonfurta magaalada Minneapolis. Waxana ay jaaliyadu raabaan xarun u dhow in masaajidka looga dhiso. Dhulka riqiiska ahna waxaa laga heli karaa meelaha geesaha magaalada ka ah kuwaas oo ka fog meesha ay jaaliyaddu u badan yihiin.

Xaaladda Dhaqaale ee Mashruuca:::

Allah mahaddiis, mashruuca waxaa si joogta ah sadaqo ugu bixiya walaalaha muslimiinta, rag iyo dumar. Markey taariikhdu ahayd August 31, 2004 lacagta mashruuca bangiga u taaley waxay ahayd $1,027,000.00. Waxaana mashruuca ku bixi doon lacag dhan $2,500,000.00. Halkaas waxaa kaaga muuqata cadadka lacagta loo baahan yahay.

Codsi:::

Waxaan dhammaanteen ognahay in hir gelinta mashruuc noocaan oo kale ah uu u baahan yahay hawl adag, taageero iyo iskaashi, hawshaas oo marka ay hir gasho tusaale wanaagsan u ah in aan gaarey yoolkeenii ahaa in aan xafidano diinteena Muslimka iyo dhaqankeena oo aan reebnay hidde wanaagsan. Halkaas waxaad ka garan kartaa baahida loo qabo dhamaystirka mashruucaas. Baahidaas oo muhiim ka dhigeysa in laguu baahday in aad gacan ka geysatid mashruuca, Allah hortiis adigoo ula niyoonaya sadaqada aad ku bixisid hir gelinta mashruuca Abuubakar.

Haddaba sadaqada aad ku darsaneysid dhismaha Guriga (ALLE) - Masjid Abuubakar ee Minnesota, fadlan kusoo dir Cinwaanka hoose:::
Abuubakar As-Sidique Islamic Center
325 Cedar Ave S Suite 4
Minneapolis MN 55454
Tell:612-310-3833
Office: 612-333-2341
Fax: 612-252-6803
E-mail: hajiissa@hotmail.com 

XUSUUS-1:: Meelkasta oo aad dunida ka joogtid waad ka qayb qaadan kartaa mashruuca Abuubakar, sadaqada waxaad soo marin kartaa xawaaladaha, adigoo kusoo hagaajinaya cinwaanada sare.

XUSUUS-2:: Haddii aad ballan qaaday in aad sadaqad bixineysid, fadlan fuli ballantaas adigoo fulinaya ballantaas aad Allah la gashay.

http://www.abuubakar.com/mashruuc/

 

MASHRUUCA ABUUBAKAR
Mashruuca Abuubakar

Ka qayb qaadashada mashruuca Abuubakar waxaa lagala soo xiriiri karaa cinwaankan:

Abuubakar As-Sidique Islamic Center
325 Cedar Ave S Suite 4 Minneapolis MN 55454
Tel: 612-310-3833
Office: 612-333-2341
Fax: 612-252-6803
E-mail: hajiissa@hotmail.com
 

 

 

 

 

 

 

 


 

(C) SomaliTalk.com | Daabacaad:: Sept 6, 2004