SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AMIIN

Amiin Yuusuf Khasaaro, Muqdisho.
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Maxaad ka taqaannaa dadka dunida ugu hantida badan?

7-qof oo ka mid ah dadka aan u dhalan Ingiriiska oo ka mid noqday 10-ka qof ee ugu hantida badan Ingiriiska!

Waxaa daaha laga rogay magacyada dadka ugu hantida badan dalka Ingiriiska, taas oo ay soo bandhigtay Jariidadda lagu magacaabo "Sunday Times", waaxana in la xuso mudan in toddobo ka mid ah tobanka qof ee Ingiriiska uguhantida badan ay yihiin dad koyto ah oo aan dalka u dhalan.

          Kaalinta 1-aad waxaa galay nin Hindi ah oo lagu magacaabo Lakshmi Mittal, ninkaas oo leh warshadaha sameeya Birta, iyadoo wargeysku uu hantidiisa ku qiyaasay 14,8-Milyaar oo Giniga Istarliinka ah, waxaa kaalinta 2-aad ku jira ninka u dhashay waddanka Ruushka ee imminka dunida ku can baxay ee ah ninka la wareegay kooxda Kubadda Cagta Chelsea oo hoggaanka u heysa Horyaalka Ingiriiska (Kolleyba waa lacagta waxa kaalinta hore geliyey), waxaana ninkaasi lagu magacaabaa Roman Ibrahimovic wuxuu leeyahay shirkado dhinaca Shiaalka ah waxaana hantidiisa wargeysku uu ku qiyaasay 7,5-Milyaar oo Giniga Istarliinka ah.

          Warbixintu waxaa kale oo ay sheegtay in laba nin oo hantidooda u dhexeyso illaa 40-Milyaard oo Giniga Istarliinka ah ay ku nool yihiin waddanka Ingiriiska, waxaana guud ahaan lagu sheegay isku darka hantida 10-ka qof ee ugu hantida badan dalka Ingiriiska in ay gaareyso illaa 52,5-Milyaard oo Giniga Istarliinka ah, tiradaas oo 10-jibbaar ka badan ugu yaraan 200-qof ee ugu hantida badnaa dalka Ingiriiska 10-sano ka hor, sidoo kale qiyaastii sanadkii hore ee tobanka qof ee ugu hantida badnaa dalka Ingiriiska waxaa ku kordhay 23,3%.

          Waxaa sanadkan liiska hantiileyaasha 10-ka ah ee dalka Ingiriiska ku soo biiray Hal Abuure James Daison, nin ka mid ah Bahda Warfaafinta oo lagu magacaabo Richard Dezmond iyo Millionaire-ka dhalashadiisa Ciraaqiga tahay ee Naadimi Cutshi.

          Ninka ugu hantida badan dalka Ingiriiska ee Hindiga ah ee lagu magacaabo Miitaal waxaa la sheegaa in uu aad gua faa'iideystay kor u kaca qiimaha birta adduunka, taasoo hantidiisii aad u laba-laabtay, hadda waxaa la sheegaa in uu deggan yahay guriga ugu qaalisan dalka Ingiriiska kaasoo qiimihiisu gaarayo 70-Milyan oo Giniga Istarliinka ah, balse Haweeneyda dhanka sare uga jirta liiska hantiileyaasha dalka Ingiriiska waxaa lagu magacaabaa Christiana Green, waxaana hantideeda lagu sheegay 4,85-Milyaard Dollars.

          Waxay kaloo warbixintan liiskeeda dhirirka badan ku xustay 1000-qof oo 750-ka mid ah ay hantidooda ka soo gashay kireynta iyo iibinta dhulka iyo guryaha iyo weliba dhinaca Bankiyada, iyadoo qiyaasta uu qofka hantiilaha ah ugu biiri karo liiska Hantiileyaasha dalka Ingiriiska ay tahay in uu qofku haysto ugu yaraan lacag caga-cageyneysa 50-Malyuun oo Giniga Istarliinka.

          Wargeysku waxaa kale oo uu xusay in Fannaanka lagu magacaabo Sir Elton John in uu yahay heesaaga ugu hantida badan dalka Ingiriiska, iyadoo hantidiisa lagu qiyaasay 185-Milyan oo Giniga Istarliinka ah, isagoo 12% hantidiisa ka tirsan faraha ka saara hay'adaha gar-gaarka, sidoo kale ninka lagu magacaabo Tom Hunter isagana waxaa hantidiisa lagu qiyaasay 50,2-Milyan oo Giniga Istarliinka ah, iasgoo 7,4% hantidiisa ugu deeqa hay'adaha samafalka, ninkan wuxuu hantida ka sameeyey ama ka abuuray qalabka Isboortiga.

          Naagta Heesaaga Mareykanka ee Madonna iyo ninkeeda Jay oo u dhashay dalka Ingiriiska oo isku adrka hantidooda lagu qiyaasay 235-Milyan oo Giniga Istarliinka ah, waxayna liiska hantiileyaasha ka galeen kaalinta 207, sidoo kale gabadha jilaaga ah ee lagu magacaabo Catherine Zita Johns ee ka soo jeedda Wadadnka Wales iyo ninkeeda u dhashay dalka Maerykanka Michael Douglass oo isna jilaa ah waxa ay galeen kaalinta 285, waxaana hantidooda lagu qiyaasay 170-Milyan oo Giniga Istarliinka ah, halka David Beckham oo Khadka dhexe uga ciyaara xulka Qaranka Ingiriiska iyo kooxda Real Madrid iyo xaaskiisa oo hore u ahaan jirtay heesaa Victoria Beckham ay galeen kaalinta 654-aad iyagoo urursaday hanti gaareysa 75-Milyan oo Gini.

          Liiska dhirirka badan ee hantiileyaasha dalka Ingiriiska waxaa ku jira illaa 18-Dumar ah oo marka la fiiriyo sanadkii hore ay saddex hablood oo dheeraad ah ku soo biirtay sanadkan.

          Naagta qorta Buugaagta carruurta ee lagu magacaabo "Harry Porter" ee lagu magacaabo J. K. Rowling ayaa gashay kaalinta 96-aad marka la fiiriyo hantida guud, waxayna kaalinta 9-aad kaga jirtaa Dumarka maal qabeenka ah, waxaana hantideeda sanadkii hore lagu qiyaasay 435-Milyan oo Giniga Istarliinka ah, iyadoo sanadkan 2005 hantideedu ay gaaraty 500-Milyan oo Gini.

  Boqoradda dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II ayaa kaalinta 180-aad ka gashay marka laga hadlayo hantiileyaasha guud, balse kaalinta 15-aad ayay ka xiratay haweenka ugu hantida badan dunida, iyadoo hantideedana lagu qiyaasay 170-Milyan oo Gini.

Maxaad Ka Taqaanaa Hantiilayaasha Dunida Ugu Hantida Badan?


Bill Gates

Bill Gates ayaa weli kaalinta 1-aad uga jira liiska hantiilayaasha dunidda, waana ninka iska leh shirkadda weyn ee soo saarta barnaamiyada Microsoft, waxaana la sheegaa in Bill Gates uu afarta boqol  ee dunnida ugu hantida badan uu ugu sareeya, iyadoo weliba aan marnaba laga hanti badin 11-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa kaalinta 2-aad ku jira miyooneerka lagu magacaabo Warn Pavet oo hantdiisa lagu qiyaasay illaa 41-milyaar oo dollar-ka Mareykanka ah, balse ninka dunnida ugu hantida badan waxaa lagu sheegaa 48-Milyaar oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Isku darka hantida afarta boqol ee dunida ugu hantida badan waxaa la sheegay in ay gaareyso 1-Tirilyon oo Dollar, waxayna hantidan 45-Milyaar oo dollar dheer tahay isku darka lacagtii sanadkii hore ay lahaayee afartaa  boqol  ee Hantilayaasha ah, wuxuuna wargeysku soo bandhigay arrintan oo lagu magacaabo Forbis uu ku sheegay kor u kaca lacagtaasi in ay ka timid xaaladaad dhaqaalaha dunnida oo sanadkaan aad u wanaagsanaa.

Dadka hantidooda ay Milyaaraadka gaartay ee uu soo bandhigay wargeyska Forbis isku darka lacagtooda waxa uu ku sheegay illaa 313-Milyaar oo dollar,

Marka laga hadlayo dhinaca shirkadaha ugu hantida badan dunnida, waxaa warbixintu tilmaanta in shirkadaha ku howlan dhinaca Technology ay yihiin kuwa ku jira liiska halka ugu sareeya, inkastoo qaarkood ay sandkii hore la kulmeen dhibaatooyin.

        Waxaa kaalinta 3-aad ee hantiilayaasha dunnida  ku jira mid ka mid ah ragga ka qayb qaatay aas-aaska shirkadda magaca weyn ee Microsoft, kaas oo lagu magacaabo Paul Allen , halka uu kaalinta 9-aad galay ninka iska leh shirkadda Dell ee lagu magacaabo Michel Dell, halka kaalinta 10-aad uu galay ninka iska leh shirkadda Oracle ee lagu magacaabo Larry Ellison.

Markii ugu horeysay ayaa liiska hantiilayaasha ugu hantida badan dunidda  ay ku soo biireen labada nin ee aas-aastay web-ka wax  laga baarto ee www.google.com  ee lagu kala magacaabo Sergey Brin iyo  Larry Page, labadan nin oo lagu sheegay in ay yihiin labada nin ee ugu da’day yar hantiilayaasha ugu hantida badan dunidda ayaa waxay galeen kaalinta 43-aad, iyadoo hantidooda lagu qiyaasay 4-Milyaar oo dollar.  www.bbcarabic.com

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro, Muqdisho.
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2005


Akhri: Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka

Akhri: Xaalad Nololeedkii Muqodisho ee 2001.

QISADII MADHOODHOW: Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada