SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOORAMA

Cisbitaalkii u Horeeyay ee Dhimirka oo Boorama laga Furay

G/xigeenka Gobolka Awdal Mudane Moxamed Xasan Jabane oo Khamiis 27, 2005 Magaalada Boorame xadhiga kaga  jaray isbitaalkii u horeeyay ee xanuunka dhimirka amaba dadka maskaxda wax uga dhiman yihiin; xafladaasi waxaa ka soo qaybgalay dadwayne farabadan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee buslshada  ku dhaqan magaalada Boorama  oo ay ka mid ahaayeen aqoon yahayano , culamaa udiinka, dhakhaatiirta , maamulka goblolka iyo ka degmada Boorama , ururada  wadaniga ah iyo kuwa  caalimaga ahba.

Waxaa  hadalkii ugu horeeyey soo jeediyay xubin ka mid ah ururka Gargaar ee wadaniga ah  Xasan Axmad oo xusay in ujeedada ururkan uu yahay  in uu horu mariyo nidaamka ah ‘’Cummunity based’’ oo macnaheegu yahey in bulshadu wax qabsan karto oo ay is caawin karto oo si mutadawacnimo ah horumar loo gaadhsiin karo bulshadda iyadoo lagu xisaabtamayo waxqabadka iyo wada shaqeynta bulshada.  Waxaana uu xusay in wax kasta oo lagu fikiro horumar laga gaadhi karo. Waxa kale oo uu xusay in baahi fara badan oo loo qabo dhakhtarka dhimirka oo ka maqan magaalada Boorama ay jirto sidaa aawadeed ururka wadaniga ah ee GARO ee wadaniga ah wuxuu ku fikiray in uu aas aaso dhakhtar dabooli kara baahidaas iyada ah isagoo la kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada. Fikirkaa kadib waxaan la kaashanay Dr.Abdirisaq Ibraahim Isaaq (Dhakhtar xanuunka waalida ku takhasusay oo ka yimaada magaalada hargeysa todobaadkii laba jeer).

Fikirkii markii aanu u bandhignay isaga iyo shaybaadhiiste la socda way naga ogolaadeen waxaanuna samaynay in aanu u diyaarino dadka buka ee Boorama goob uu ku baadho magaalada Boorama, mudo saddex bilood ah ayaanu hawshaas ku jirnay si tabaruc  ah hada waxay nala gaadhay in aanu diyaarino adeegii aan cisbitaalka ku furi lahayn maadaama aan haysano dhakhtarki kalkaaliyayaashii iyo waliba dawadii, iyo adeegayaal dhawr ah oo dhamaantood diyaar u ah inay u tabarucaan dadka tabaalaysan ee cisbitalka gudihiisa la dhigi doono. Dadweynaha reer Borrama waxey muujiyeen tageero dhinac walba ah in ayla garab taagan yihiin oow aliba ay soo gudbiyeen deeqahoodii iyo waliba balan qaad yadoodii. ka dib waxaanu ku talaabsanay talaabo kale oo ah inaan heli karno goob weyn oo la seexiyo oo cisbitaal ah.  

Dhamaan hawshaasina waxay ahayd hawl ururkan wdanaiga ah ee GARO qabtey  isagoo lakaashanaya duqeyda iyo waliba indheergaradka iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada magaalda Boorame iyo waliba balanqaadyo iyo taageero dal iyo dibadba ah uu isagu soo abaabulay. Waxaa kale oo isna halkaasi ka Hadley Dr.Abdirisaq Ibraahim Isaaq oo ah dhakhtarka ku takhasusay xanuunka ee fadhigiisuna yahey magaalada hargeysa ahna madaxa cisbitaalka dhimirka ee magaalda Hargeysa isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi aad bey u balaadhan tahey baahida loo qabo cisbitaalka furitaankiisu maadaama dadka xanuunkani uu hayo lagu qiyaasi karo in ka badan sadex boqol oo qof. Waxa uu dhakhtarku xusay in fikirka cusbitaalka lagu furay ay ii soo bandhigeen ururka wadaniga ee ah GARO taasoo markii aan eegay in bahiyihii cisbitaalku lahaa in ay intii ugu muhiimsaneyd ay u dhan yihiin sida hoygii; shaqaalihii caafimaadka  ayaa waxa aan gartey in aan la shaqeeyo ururkan.

Waxaan ku boorinayaa dadweynaha iyo waliba hayafddaha wadaniga ah iyo waliba kuwa caalamiga ahba ee daneeya hawlaha noocan oo kale ah in ay taageero siiyaan cisbitalkan sii uu uguto hawlaha uu u hayo bulshada. Waxa uu dhakhtarku u soo jeediyay amaan iyo boogaadin dadkii soo abaabulay hawshan dhabarkana u dhigatey culayskii dhaqaale eee ay hawshani laheyd.  

Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka Hadley isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Haddi oo isaguna amaan iyo bogaadin u soo jeediyay hawlwadeenanadda ururka wadaniga ah ee GARO; wuxuuna xusay in ururkani kaga duwan yahey waxyaalo dhawr ah ururo hadda ka hor ka shaqeeyay hawlo noocan oo kale ah  sida shaqaalaha caafimaadka, dhakhtarka, shaqaalaha kale ee maamul iyo waliba hawlwadeenadda kale ee cisbitaalka ka hawlgalaya aritaasina waxey igu dhiirigalisay in aan siiyo ruqsadda furitaanka cisbitaalka; anigoo aaminsan in dadkani yihiin kuwii la sugayay mudaba ee hawshan dhimirka wadi lahaa. Waxaa hubaal ah in dadka cudurkan qabaa ay aad u tira badan yihiin daryeel xumana hayso, waxaanan qiyaasayaa tiraddadadka cudurka qabaa ay kor usii dhafeyso in ka badan sadex boqol oo qof; in kastoo tiro koob cayiman laga hayn. Isuduwuha wasaaradda caafimaadka ee gobolka  Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac wuxuu ku guubaabiyay bulsho weynta Soomaliland iyo gaar ahaan dadweynaha reer Boorama in hawshan ay waddo hayadda wadaniga ah ee GARO ku garab istaagaan haddii ay noqon laheyd taageero hiil iyo hoo ba leh; wuxuuna balan qaadey in wixii cisbitaalkani u bahan yahey aanu waxba kala hagraneyn. 

Waxaa halkaasi ka Hadley Suxufiga Prof. Daahir Muxumed Xaddi  ayaa wuxuu soo jeediyay amaan iyo bogaadin fikirka lagu asaasey cisbitaalkan waxaanu sheegay in uu isagu si gaar ah u dareemayey muhiimadda iyo baahida loo qabo cisbitaalka dadka dhimirka qaba. Prof. Daahir Muxumed Xaddi  wuxuu ku deeqay cispitaalka in uu bixin doono konot doolar. 

Waxaa kale o halkaasi ka Hadley Cali Daahir cilmi oo ah waalidiinta  Dr.Abdirisaq Ibraahim Isaaq uu u daweeyay ubadkooda; waxanu cali tibaaxey in wiilkiisa oo la yidhaahdo cabdi wahaab Cali uu xanuun sanayay muddo ka badan  shan sanno isagoo walibana  kala quustay in uu wiilkiisa dawo u helo geeyayna goobo farabadan oo dakka gudihiisa iyo dibadiisaba. Nassib wanaag markii dr. cabdirisaaq yimiday magaaladda Boorame; wiilkaygu waxa uu ka mid ahaa dadkii u horeeyay ee loogeeyay dhakhtarka kuna caafimaadey muddo bil ka yar markii uu qaadanayay dawadaasi. Waana wax lagu farxo oo alleh loogu mahadiyo. 

Eng. Abdi Axmed Geedi ayaa isaguna halkaasi ka sheegay in wiil uu adeeer u yahey oo xanuunsanayayna  muddo ka badan shan iyo toban sanno oo uu geeyay Jabuuti, Hargeysa, Diridhaba iyo addisababa si uu daawo ugu helo wiilkaasi uu gu danbeyntii ku caafimaadey gacanta Dr.Abdirisaq Ibraahim Isaaq isagoo markaasi qaadanayay dawada muddo dhan shan maalmood gudahood, kharashka ku baxeyna uu ahaa mid aad u yar. markii aan maqley furitaanka cisbitaalka cusub ayaan waxaan gartey in ku caawiyo dhul banaan  oo cisbitaalka looga dhiso dhisme hawshan iyada ah u khaas ah. 

Sheekh maxamed Siccid Saaweer oo ku hadlayay magaca culimaa udinka ee magaaaladda Boorama e ayaa ku nuux nuuxsadey in cudurka waalidu ay culimaddu aad u dareen san tahey o uu aadd ugu badan yahay xitaa masaajiddada gudahoodu; dadkaasi oo muuqaalkoodu uu iska fiican yahey ayaa waxey ku waydiinayaan maxaad iiga furtay shhekhow xaaskayga iyo kuwa lamid ah; wxaanuna ka baqana dadkaasi in ay dadka tukanaya dhibaateeyaan.  Ilaahey quraankiisa wuxuu ku yidhi quraankiisa ruuxa u gargaara ruux daranyeysan isagana ilaahey ayaa u gargaaraya. 

Gudoomiyaha shirkadda biyaha ee SHABA Mr. Mohamed Nour Fahiye oo halkaasi ka Hadley ayaa sheegay maanta in xafladani tahey mid aad u qiima badan faaiidada uu dhakhtarkani xambaarsan yaheyna waa mid aan cidna loo sheegayn. Laakiin waxaa muhiim ah in aan is waydiino maxaynu qaban karaa; isagoo halkaas ka duulaya wuxuu bixiyay boqol doolar isagoon kala tashan shirkadda  waxuuna balan qaadey in uu arintan hordhig doon shirkadda biyaha ee SHABA ee uu gudoomiyaha ka yahey; bulshada kale ee ku dhaqan Booramena in ay muujiyaan taageero hiil iyo hoo ahba oo ay ku caawinayaan horumarka cisbitaalkan. Waxaannu ugu danbeyntii hanbalyo usoo jeediyay ururka wadaniga ah ee GARO oo muujiyay in si mutadawacnimo ah horumar loo gaadhsiin karo bulshadda iyadoo lagu xisaabtamayo waxqabadka iyo wada shaqeynta bulshada. 

Gabagabadii munaasibadaasi qiimaha leh waxaa ka hadely G/xigeenka Gobolka Awdal Mudane Moxamed Xasan jabane oo isaguna goobtaasi ka sheegay in uu ururkan wadaniga ah ee GARO  ururkii koowaad ee uu fikirkiisa iyo waxqabadkiisa u bogo. Wuxuu u mahad celiyay dadkii soo abaabulay xafladan isagoo raaciyay in adeega cisbitaalka la gaadhsiiyo ilaa heer tuulo oo gobolka ka mid ah. Waxaanu balan qaadey in uu la garab taagan yahey taageeero dhinac walba ah; wuxuuna halkaas ka sheegay in uu ku caawiyay konton doolar oo jeebkiisa ah kana codsadey bulshadda in ay taageero buuxda siiyaan. 

Xassan Axmed Caynaan ( Xassan Jacayl).
Abdirahman119@hotmail.com

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
Abdi Ege | abdirashid9@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2005



Xukumada Riyaale Daacad ma ka tahay in la qabto Doorshada Baarlamaanka... Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD