SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
Sawir Laga Qaaday waxa yar ka hor intii aysan Degin Doontii Soomaaliya Ka baxday | April 29, 2005
Sawirkan waxay hay'adad wararka ee AP ka heshay U.S Navy, waxana uu  muujinayaa doon yar (doontii soomalaiya ka baxday) oo ag maraysa markabka Jaarmalka ee FGS, meel 25 km u jirta xeebta Soomaaliya, waxaana sawirkaas la qaaday in yar ka hor intii aan doontaasi degin Jimcadii April 29, 2005. 89 qof ayaa ka badbaadey, shan qofna waa ku dhinteen. Maraakiibta Maraykanka ee kala ah USS Typhoon iyo USS Firebolt ayaa ka qayb qaadatay daad gurarynta dadkii doontaas saaraa, kaddibna waxay dadkaas la keenay Boosaaso, sida ka muuqata warbixinta iyo sawirada hoose.. Sawirka AP | Yahoo

Dadkii ka badbaaday iyo Dhaawacii iyo Dhimashadii oo la keenay Magaalada Boosaaso

"Dadkii Doonta ka badbaadey iyo Dadkii Doonta Wadey oo lasoo Taagi Doono Maxkamad" Taliyaha Qaybta Booliska G-Bari Axmed Cali Madoobe

Daawo Sawirada Gurmadkii Dadka ka soo badbaadey Doonta

  • Warbixintii: CabdiFataax Jaamac | SomaliTalk | Bosaso
    Email: abdifatah_pl@somalitalk.com | April 30, 2005


Taliyaha Qaybta Booliska G-Bari Axmed Cali Madoobe oo ka qayb qaadanaya gurmadkii dadka soo badbaadey

Xoghayaha Dowlada Hoose ee Boosaaso oo gurmad Daawo iyo cunto u samaynaya dadkii soo badbaadey

Bashiir Barre oo kamid ah ganacsatadii u gurmatey dadkii kasoo badbaadey doonta ku qarqantay badda

Waxaa maanta (April 30, 2005) Gabal Gaabadkii soo garay Dekada magaalada Boosaaso Dadkii ka badbaaday, Doontii Tahriibta ahayd iyo Dhaawacii iyo Maydkii Doontii Tahriibta ee ku qalibantay Bada Cas kuwaas oo ay gurmadeen Ciidamada Maraykanka iyo Jarmalka ee ku sugan Xeebaha Bada Cas, Dadkaa ayaa intii ka badbaaday ay ku sugan yihiin Gacanta Maamulka DGPL kadib markii ay maanta soo gareen Dekedda Magaalada Boosaaso.


Markabkii Maraykanka oo taagan xeebta Badda cas, meel u dhow Boosaaso, markii uu doonta ku wareejinayey dadka

Doontii dadka ka soo qaaday Markabka maraykanka, doonta oo kusoo xiranaysay Dekeda Boosaaso

Dadkii soo badbaadey oo dhex fadhiya doontii ka soo qaaday markabka Maraykanka

Mar aan wax ka waydiiyay sida ay ugu Gurmadeen Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Wacees Dhado ayuu waxuu ii sheegay in ay soo gaarsiiyeen Ciidamada Maraykanka Warka Dadkaan Doonta la Qalibantay kadibna ay u direen Doon markay ahayd Subax nimadii Doontaana ay keentay Dekada Magaalada Boosaaso Dadkaa ayaa Tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 89 Nool oo qaar ay dhaawac yihiin iyo 5 Mayd ah, 41 kalena waa la layahay oo maydkii ayay raadinayaan Maraakiibta Maraykanka iyo Jarmalka, waxaa kaloo ayagana ka mid ahaa Maamulka oo Gurmadka u taagnaa Wasiirka Diinta iyo Owqaafta DGPL, Wasiir ku xigeenka Dekadaha DGPL, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari iyo Ganacsatada DGPL.


Gabdhihii ka soo badbaadey doonta ku qaraqanta badda oo Boolisku ka qorayo magacyadooda

Raggii soo badbaadey oo loo sii wado saldhigga Booliska ee magaalada Boosaaso

Shacabkareer Boosaaso oo taagan xeebta Badda cas ayagoo sugaya dadkii soo badbaadey

Mar uu warbixin nasiiyay Taliyaha Qaybta Booliska G-Bari Axmed Cali Madoobe ayuu noo sheegay in ay Dadkaa ka badbaaday iyo Ragii Doonta waday ay hor keenidoonaan Maxkamad kuwa ku guda jirana ay doonayaan in ay soo Xirxiraan, mar ay wax ka waydiisay SomaliTalk sida ay markii hore ay uga hor tagi wayeen tahriibta ayuu noo sheegay in ay Xeebta aad u balaaran tahay lakiin hadana ay intaa qabtaan Tahriibta ayna Dib ugu celiyaan meeshii ay ka yimaadeen.


Wiil faraxsan kaddib markii la keenay Xeebta dekeda Boosaaso

Dadkii soo badbaadey oo laga soo dejinayo doontii 

Gabar kamid ah dadkii soo badbaadey oo Booliska DGPL ay caawinayaan

Waxaan Dadkii Tahriibayaashaa qaarkood aan wax ka waydiinay dhibka sidaa uu ku bilowday ay noo sheegeen in ay Mowjad ku kacday kadibna ay dooontu ay aad u tabar yareyd ayna ka tan badnayeen tirade saarneyd oo dhameyd 113 Qof anagoo ku dhibana waxaa na soo dul istaagtay Diyaarad wax ay nagula hadleen Sameecado Cod waaweyn oo ay na yiraahdeen xagee u socotaan waxaa u jawaabay Ninkii Doonta waday waxa uu ku yiri waxaan u soconaa Yaman kadibna waxa ay yiraahdeen Bada waa kacsantahay doon yarna waa wadataan ee dib u noqda ninkii Doonta waday waa diiday, Cabaar markaan soconayna Doontii ayaa nala Jabtay oo matoorkii ayaa ka istaagay, Cabaar markaan meel aan aadno Garan waynay ayaa Mowjadii naga xoog badatay oo Doontii Rogtay kadibna Saacad aad u badan kadib ayaa Maraakiib iyo Doomo ay wataan Ciidamo Jarmal ah ayaa na badbaadiyay inteenaa iyo Maydkaa la soo helay markaa kadib ayay waxa ay nagu soo wareejiyeen Ciidamada Mareykanka Maraakiibtooda oo nalaku daaweeyay oo nala siiyay Bustayaal iyo Barkimo.


Gabar kamid ah dadkii kasoo badbadey doontii ku qaraqantay badda

Ninkii dhalay canuga 6-jirka ah, canugii masoo badbaadin

Qaar kamid ah dhallinyarada soo badbaadey, oo mid dhaawac yahay

Waxaa isgana aan wax ka waydiiyay Abahii wiilkii 6 sano jirka ahaa, aabaha oo ah dadka Doonta ka badbaaday, waxa uu ii sheegay in uu doonayey in ay tahriibeen isaga iyo Xaaskiisa iyo Wiilkiisa lakiin uu hada iskaga Sabraayo Wiilkiisa waxa uu ii shegay in ay Wiilka ugu Dambaysay markii Doontu nala qalibantay uu mardambe helay Xaaskii uu soo dabashiiyay wiilkiina loo keenay Maydkiisa.


Qaar kamid ah ragi so badbaadey oo ku faraxsan xeebta ay yimaadeen

Mid kamid ah dadkii soo badbaadey oo lagu daweynayo Cisbitaalka Boosaaso

Xarunta la geeyey Gabdhahii kasoo badbaadey doonta

Dadkaa ayaa qaar ka mida oo ay wax ka waydiisay SomaliTalk waxa ku kalifay tahriibta ayay waxa ay u shegeen in ay raadinaayaan Nolol ka duwan tan ay hadda ku nool yihiin oo ah sida ay sheegeen Ninkii Xoogleh ayaa Xaajo u toostaa oo macnaheedu yahay inta aan hubaysnayn waxba kuma laha Maanta Soomaaliya.


Meydka afar qof ee ku dhintay doonta [Wiil 6-jir ahaa iyo saddex dumar ah]

Waxaa Maamulka DGPL uu ragii ka badbaaday Tahriibta ku xirxireen Saldhigyada, Dumarkiina Xarun lagu magacaabo Xarunta Bulshada, Dhaawacii iyo Dhimashadii ayay ay ku hayaan Hospital-ka Boosaaso.

Tahriibta ayaan istaagayn illaa lahelo Dowlad Dhexe oo ilaalisa Badaha ama shaqo u Abuurta Dadka sida uu ii sheegay sarkaal ka mida Maamulka DGPL.

Daawo Sawirada Gurmadkii Dadka ka soo badbaadey Doonta

Warbixintii: CabdiFataax Jaamac | SomaliTalk | Bosaso
Email: abdifatah_pl@somalitalk.com | April 30, 2005


Puntland iyo ka Ganacsiga Tahriibayaasha
Haddaan ku hormaro macnaha kalimada Tahriib oo qeexid yar ka bixino, Tahriib waa ladhuumasho, labaxsasho, is qarin, ama waa in wadan lagu galo sharci daro xagga badda iyadoo laga dhuumanayo ilaallada Badda, haddaan sikale u fasirona waa [is daldalid, isqarxin iyo is qarqin] macnahaan danbe waxaan usiinay waa natiijada ay la kulmaan dad badan oo tariiba, ama dhibaatada uu sababo tahriibku oo keena dhimasho badan oo lamida kuwa sameeya magacyada aan soo maray... Febraayo 2005


Shan Qof ayaa Ku Dhintay Doon Ku Degtey Badda Soomaaliya

Warar laga soo xigtey militariga Maraykanka ee gaaf wareega xeebaha badda cas ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen, islamarkaasna aan la la'yahay 41 qof, kaddib markii ay doon ku degtey baadda Soomaaliya maanta oo Jimce ah (April 29, 2005). Waxaana doontaas laga badbaadiyey siddeetan iyo sagaal qof. waxaana dadkaas doonta ka daad gureeyey maraakiibta Jarmalka iyo kuwa Maraykanka ee jooga badda cas.

Waxaa la sheegay in doontaas (dhow) ay saarnaayeen 135 qof.


Aan la dagaalano Anshax xumida: sidaas waxa laga sheegay shir ka dhacay Boosaaso oo... Guji...

Galabnimadii Jimcada ayaa markabka Jarmalka ee loo yaqaan "FGS Karlsruhe" iyo markabka Maraykanka ee loo yaqaan "USS Firebolt" ee ku sugan badda u dhexaysa Yemen iyo Soomaaliya, waxay arkeen doon biyaha kusii qaraqmeysa oo aan u jawaabayn baaqa markabka Jarmalka.

Markabka "Firebolt" iyo markabka kale ee "USS Typhoon" ayaa dadkii ka soo guray doontii marka ay degtey. Waxaana badda laga soo saaray shan qof oo meyd ah. 84 kamid ah 89kii qof ee badbaadey waxaa lagu wareejiyey markabka kale ee Maraykanka ee loo yaqaan "Normandy" halka shanta qof ee kale ay aad u dhaawacmeen oo si degdeg ah loo qaaday.

Meesha ay doontani ka timid, iyo sabata ay u socotey weli lama sheegin. Dadka kale ee weli badda ku maqana sidii loo badbaadin lahaa ayaa lagu raad joogey.

Isha: AP | Tarjumadii SomaliTalk.com | April 29, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...

Maalinta Dhirta Adduunka oo laga Xusay Gobolada Puntland
Xaflado lagu qabtay Boosaaso iyo Galkacyo.. Guji Apr 18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD