SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG
Daabaco Boggan | Print

Buug sheeko cusub oo afsoomaali ah

WAR SAXAAFADEED – May 14, 2005 (6 Rajal Hore 1426)

RSOL-05/2005-1 

Buug sheeko cusub oo afsoomaali ah (A new Somali novel) 

Pisa (RSOL). Shirkadda buugaagta ee Ponte Invisibile Ed. waxa ay ugu bishaaraynaysaa akhristayaasha in ay maanta soo saartay buugga cusub ee la magac baxay “LADH”. Waa sheeko Af Soomaali ah oo uu qoray Cabdillaahi Cawed Cige. (edleh@hotmail.com)

Buuggani wuxuu kow u yahay taxane sheekooyin ah oo la magac baxay “Cirsankayeedh”. Waa suugaan dhiskeedu ku salaysan yahay hindisaha iyo male-awaalka abwaanka curiyay. 

Qoraagu waa gabayaa in badan warbaahiyayaasha internetka iyo wargeysyadu ay daabaceen gabayadiisa. “LADH” waa buuggiisii u horeeyey. Waxa uu si farshaxannimo leh ugu soo bandhigay sheeko male-awaal ah (novel). Waa qiso murugo leh oo uu gebi ahaanba hindisay qoraagu, balse aad ugu dhow xaqiiqooyin badan oo dhacay sannadihii u danbeeyey. “Waa sheeko qof wal oo soddonkii sannadood ee u danbeeyey garaad lahaa uu iska dhex arki karo” sidaa waxa yidhi Jama Musse Jama oo soo akhriyey buugga, kana mid ah madaxda shirkadda Ponte Invisible Ed.  

Dalabka LADH, laga bilaabo maanta, waxaa loo diri karaa e-mail ahaan slbooks@redsea-online.com. Faahfaahin dheeraad ah iyo habka dalabaadkaba ka eeg bogga internetka ee http://www.redsea-online.com/books/ladh 

Warbixinta buugga oo kooban:

Summadda: ISBN 88-88934-04-9 (pbk)

Jimidh: cm 12.2x19.6; 179 pp,

Daabiciddii kowaad: Rajal Hore 1426 / May 2005.

Qiimaha: US$ 14.50. 

PONTE INVISIBILE Ed.

Waa shirkad soosaarta buugaagta dhaqannada iyo afafka kala duwan oo fadhigeeda dhexe uu yahay magaalada Pisa ee carriga talyaaniga. Xagga afsoomaaliga si gaar ah waxay isugu howshaa ururinta, faafinta iyo dhiirrigelinta suugaanta iyo qoraalada afsoomaaliga ah. Ka eeg faahfaahin dheeraad ah http://www.redsea-online.com.


Qoraaga Buugga:::

Cabdillahi Cawed Cige wuxuu muddo ku beegan sannadkii 1965kii ku dhashay goob u dhow jeexa Ceel Madoobe oo boqol iyo waxoogaa km dhinaca Hawd ka xigta magaalada Burco.

Wuxuu waxbarashadiisii ugu horraysay ka bilaabay mareegta maqasha halkaas oo uu ka qaybqaadanjiray qool gelinta naylaha yaryar. Wuxuu u gudbay barashada sida Waxaraha yaryar qalwada loogu guro. Waxa taas u xigtay raacista maqasha oo khibradihii uu ka korodhsaday ay ka mid ahayd in marka dhalcadu kululaato maqashu haraaryo u go'do.

Muddooyinkii ku xigay wuxuu u tallaabay mayricista adhiga, isaga oo ugu dambayntii gaadhay heer uu ka qaybgalo aroorka.

Sannadihii u dhexeeyay 1975 - 1984 wuxuu sida farta loo qoro ku bartay dugsiyada Shiikh Ibraahim iyo Farsamada Gacanta ee Burco(ITB). Sannadkii 1985kii ayuu ka gudbay badaha wuxuuna u tallaabay carriga Ingiriiska oo uu qaxooti ku yahay.

Qoraaga Cabdillaahi Cawed Cige kala xiriir emailka: edleh@hotmail.com


IIDHEH: Daabacaad SomaliTalk.com | May 15, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD