SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

NOLOSHA SOOMAALIDA:SOMALI LIFE FOR DUMMIES.

~ Geedaha dhulkaaga jar, dhuxushiisana u dhoofi waddan kale,  si dadkiisu qabowga uga nabadgalaan, adigana qorraxdu kuu gubto !!!. 

~ Habeenkii qof dil , subixiisana salaadda ciid wax kasoo tuko, adoo faraxsan una qaba in camalkaaga la aqbalayo!!!. 

~ Habar miskiin ah ka oohi adigoo raba inay wiilasheedu kaa baqaan ama ay kuu-dabagalaan !!!. 

~ Adduunka weeynee, aakhirana u-urag wax aan hadda indhahaagu arag sidaas darteed aan muhiim  ahayn !!!.  

~ Qabiilkaad shalay isdhamayseen berri xulufo lanoqo, Kii horana dhabarka ujeedi, si loo arko inaad  siyaasi dhinacyo badan noqon kartid !!! . 

~ Nin aad horay isu necbaydeen haddii uu wasiir kaadhigo, noqo mid gobolkaaga kusoo dara dowladdiisa, kaddibna faaniya !!!. 

~ Qofka ragga ugu shiishka badani waakan salaada kaddib madaxa ka-toogta nin miskiin ah oo masaajid kasoobaxay !!!. 

~ Haddaad xildhibaan tahay, shan-codsi markii laguu soo jeediyo afar-diid si laguu barto, idaacadana lagaaga waraysto !!!. 

~ Waddankaaga ka-dhamee ragga si loogu bixiyo:DHULKII HAWEENKA & CARRUURTA !!!. 

~ Waxkasta oo xumaan ah,  dheh waxaa sameeyey culimadiinna, si culimadaada aad uga yeeshid rag cambaar leh aduunkana looga ceebeeyo !!!. 

~ Labo wadan oo wadankaaga aad uga baqi jiray, udhaaf labadii gobol ee ay kaahaysteen, kaddib markii ay kuugu badaleen inaad seexan karto hoteelladooda, marina karto dariiqyadooda!!!. 

Qore: Maxamed Axmed
 Toronto, Canada
alhudaa1@yahoo.ca

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2005 |sixid: Feb 3, 2005

QORAALADII HORE EE MAXAMED AXMED

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD