SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DIRIDHABA - HARGEYSA:
Daabaco Boggan | Print

Sannad Ka Dib 29 Sept 2005 Maalintii Shacabka Somaliland U Dareeren Codbixinta Doorashadii Wakiiladda Maxaa Isbedelay Maxaa Soo Kordhay

FAALLO::::

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Hargeisa, Somaliland
Mobile: 00-252-2-406745

E-mail:
diridhaba@gmail.com



Haddaan waayey roob da'ay
Dayra-dhaafka jiilaal
Guri laga dugaashado
Aqal laba deryaala ah
Dadabtiisu nooshahay
Celin kara daroorraha
Docaha iyo raartiyo
Dhan kastaba ka dalab tiran

Ummadduna dugsoonkaas
Dermo qaran ku jiifaan
Bulshadoo dar hoogiyo
Taalla dooxa geerida
Hadii daad u soo galo
Miyaan waayey deelkiyo
Dareensiinta dhiillada
 

Waxaa Laga Jooga Muddo Hal Sanno ah Berri oo kale oo ay ku beegnayd 29 Bishii September sannadkii 2005 maalintii shacabka reer Somaliland ay u dareereen codbixintii doorashada golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland.


 
Haweenka Somaliland Oo ahaa Laf Dhabarta Codbixiyayaasha Doorashada Golaha Wakiiladda Oo goob Ka Mid Ah Caasimadda Hargeysa Line Dheer U Taagan Si Codkooda ay u Bixiyaan

Waxay ahayd maalin ku weyn dhammaanba shucuubta reer Somaliland oo ka soo faraxashay soddon maalmood oo buuq, sawaxan iyo ciil tir siyaasadeed ah, badiba Hargeysa oo ah Xudunta dalka intiisa kale laga dheehdo Caawa oo kale waxay Hargeysa la heehabaysay Cid la'aan iyadoo dadweynaha ku dhaqan oo %60 lagu tiriyo inay gobolada kale ee dalka ka soo jeedaan ay u kala jarmaadeen, isagoo qof weliba maanka wakhtigaasi ku hayey inuu codkiisa kula hubsato Musharaxa uu bidaayey inuu hawsha qarranka ka soo dhalaali doono.

29 September waxay ahayd Maalin dhaqaale ahaan dalku uu meel hoose maraayey iyadoo shacabku waxay dheef iyo dhaxdin lahaayeen u hureen nimankii iyaga mataalayey, caawa oo kale sannad ka hor  saan saanta dimuqraadiyadda iyo sahaminta doorashadu waxay ahayd mid si u cakirayd, xiniftanka iyo xafiiltanka siyaasadeed ee Xisbiyada Qarranka ayaa ahaa mid cirka ku shareerna Warbaahinta ayaan iyaduna ka madhayn wajigani xuub siibadkii 3-aad ee dimuqraadiyadda Curdinka ah iyadoo qaybta ugu weyn Xanbaarsnayd.

Sacabka, durbaanada iyo heelooyinka kala duwan ee lagu habaayey Musharaxiintii u taagnayd doorashadaasi ayaa waxay ahaayeen qaar gallabnimadii 28 September sida biyo shalwanaaya lagu qiiro kicinaayey taageerayaasha dhinacyadii iska soo horjeeday, markaad u timaad Musharaxiinta ka tartamaayey dhinaca Mucaaridka waxay qabeen shaki weyn oo ah cadaalad darro iyo musuq maasuq uu Xisbul xaakimku kula kaco, balse haddana yididiiladu waxay ka imanaysay gadh hayeenada Xisbiyada oo ku dhiiri gelinaayey inay yahiin kuwa laga jecelyahay nimanka ay Muxaafidku soo sharaxeen.


 
Odayaasha iyo Dhalinyarada Ragga Ah Oo Line dhaadheer ugu jira Codbixinta goob ka mid ah Magaalada Burco ee Xarunta Togdheer

Doorashadaasi ayaa guud ahaan waxaa ku baxay kharash dhaqaaleedkii ugu tirada badnaa marka loo eego labadii doorasho ee ka horeeyey, waayo waxaa madasha taagna 200 iyo dheeraad Madaxweyne oo mid kastaaba dhaqaale gooniya oo uu raaskiisa iyo beeshiisa ka soo uruuriyey uu kula cayaar tagay, dadka sahamiya isla markaana odorosa dhaqaalaha ayaa waxay ku sifeeyeen kharash dhaqaleedkaasi ka fara siibtay musharaxiintii u taagnayd doorashadii golaha Wakiiladdu inay dhammayd cel celis ahaan adduun dhan 50,000,000 (Konton malyuun oo dollarka maraykanka ah) taasi oo laba jeer ka badan dakhli miisaaniyadeedka Qarran ee Somaliland, haddaba qormadani waxaynu ku ifafaalaynaynaa guud ahaanba bal Hal Sanno ka dib golahii Maal iyo muruq bulshada Somaliland u hurtay waxay soo kordhiyeen, waxaa laga filaayey ee aan u suurtagelin iyo waxay ahayd inay qabtaan.

Hal Sanno ka dib Maxaa U Suurtagalay Golahani Wakiiladda

 


 
Muuqaalka guud ee Fadhigii 1-aad Ee Mudanayaasha golaha Wakiiladdu Iskugu Yimaadeen.

31 November Sannadkii 2005 ayey ku beegnayd kal fadhigii ugu horeeyey ee golaha Wakiiladdu maalintaasi oo Madaxweyne Rayaale iskugu yeedhay dhammaanba Mudanayaashii nasiibka u hellay inay hantaan kuraasta 82-ka ah ee golaha Wakiiladda, maalintaasi waxaa loo ballansanaa in la dhaariyo xildhibaanada sidoo kalana la gudo gallo doorashada shir guddoonka golaha Wakiiladda, abaaro 9:45 daqiiqo ayaa Mudanayaashu waxay soo camireen kambuulka aqalka Golaha Guurtida oo fadhigoodii ugu horeeyey ka qabsoomay maadama la sheegay in gurigoodii uu ku socday qabyo tir dhinaca dhismaha ahi.


 
Dhexda Midig Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilanyo, Bidix Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Lagu Casuumay Fadhigii ugu horeeyey ee aqalka Wakiiladda

Isla aroortaasi waxaa iyaguna lagu casuumay Madasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyahii hore ee Maxkamadda Sare Faysal Xaaji Jaamac Geedi oo isagu ahaa masuulka dhaarinaayey xildhibaanada, guddoonka kambuulka ayaa waxaa isa soo taxay Madaxweyne Rayaale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare faysal Xaaji Jaamac, Guddoomiye KU Xigeenkii hore ee golahii wakhtigiisu dhamaaday Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, xaaladda guud ee golahu waxay ahayd mid xiisad ahaan kor u kacsan, mudanayaasha Xisbiyada Mucaaridka iyaga waxaa ku taagna ee maankooda iyo maskaxdoda buuxiyey waxay ahayd inay ka dhabeeyaan hiyigoodii ahaa ku hubsashada Masraxa hagista golaha seddex Mudane oo Mucaarid ah markii hore, dhinaca Muxaafidka guud badani waa jiray balse ma caddayn hankoodu, kollayse wax qarsoon waa jiray, waxaa dhabawday dabahuwantii Hadraawi ku lahaa

Rag darmaano soo fuul
Ragna dalawadiisii
Iyo doobigii keen
Ragna deer-cadkiisoo
Baar-baq dooblyayaa wado
Bandhigii ku soo daa

 


 
Ka Bilaw Midig Muuqaalkani Faysal Xaaji Jaamac Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Axmed Yuusuf Yaasiin M/weyne ku Xigeenka, Madaxweyne Rayaale Oo Khubadii Fadhiga 1-aad Jeedinaaya, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, iyo Saleebaan Maxamuud Aadan Gaal, Guddoomiyaha Guurtida.

Madaxweyne Rayaale ayaa isagu wuxuu ka jeediyey Madasha Khudbad weedhaha ku jira aanay ku cusbayn shacabka iyo siyaasiyiinta kale ee iyagu madasha fadhiyey, wuxuu muujinayey baahida loo qabo wada shaqayn dhex marta golahani la doortay iyo Golahiisa fullinta balse haddana madaxweynahu usha diirkeeda daboolka kama furayne weedhahiisu waxay ahaayeen qaar u eeg uumi digsi duugawday ka soo baxaya, dareenka Xildhibaanada ayaan iyagu u dheg taagaynba weedhaha afka madaxweynaha ka soo baxaya, waxay fiiro gaar ah ku hayeen Seddexdii nin ee ay la doonayeen kasbashada hogaanka golahani, muddo 10 daqiiqo ah ka dib markii Madaxweyne Rayaale khudbadiisaasi dhamaystay ayaa wuxuu ka baxay madasha isagoo ay gelbinayaan sida u caadada ah boqolaal askartiisa duubka cagaaran wata ah, Guddoomiye Faysal Xaaji Jaamacii hore ee maxkamadda sare ayaa wuxuu ku wergeliyey mudanayashu inay usoo kacaan gobol, gobol, ka dibna waxaa bilaabantay in koox


 
Xildhibaanada Gobolka Sanaag oo uu ka Dhex Muuqdo Mudane Dhaadheere Oo Ku Dhaaranaya Kitaabka Ilaahay

koox loo dhaariyo, markii madashii loo dhamaystiray kob iyo calleenba, ayaa Guddoomiye Faysal Xaaji jaamac wuxuu waraaq baalkiisa midig taalla usoo qaaday si degen isagoo afkiisana ay ka soo baxayeen weedho ah waxaan guddoonka madasha ku wareejinayaa xildhibaanka ugu da'da weyn sida sharcigu dhigaayo, wuxuu xaadirayey magaca Mudanaha Ibraahim Dhaadheere oo uu ku sheegay da'diisa 80 Jir Reer Sanaag ah.

 


 
Ibraahim Maxamed Xasan (Dhaadheere) Oo Xidhay Kalfadhigii Ugu Horeeyey Ka dib 10 Daqiiqo Oo Uu Si Ku Meel Gaadh Ah U Hayey Shirguddoonka golaha Wakiiladda

Ibraahim Dhaadheere wuxuu soo fuulay madasha sare ee golaha Wuxuu jeediyey hadal socday toban daqiiqo oo kaba baxsana maxsuulka madasha looga fadhiyey, ka dib wuxuu gacantiisa laba jeer ku dhuftay kursigii horyaallay isagoo leh kelmadahani "golahu waa inuu xidhanyahay.... waxaynu iskugu soo noqnayna fadhiga xiga", markaasi ka dib waxaa madasha ka bilaabmay buuq, sawaxan iyo qallaalase saaqayba kambuulkii uu fadhigu ka socday, "Car bax.. Car Bax.. Ma Bixi kartid.. Ya ku yidhi.. Bax" "golahuu waa xidhanyahay isii daa waar shaadhka ha i qabsan car i qabso" fadhiiso ma xidhmi karo fadhigu wallahi ayaanu xidhmi karin" " sii daa guddoomiyaha shirka waarya sii daa" " waa xaaraan fadhiiso warya waynu dooraynaa shir guddoonka, ma bixi kartid" iyo weedho ka sii xasaasina ayaa madasha la isla jibaaxay, kuraastii ayaa laga wada kacay, xaaladda guud ee maalintaasi weedho iyo hadal midna laguma soo koobi karo, Ibraahim dhaadheere wuxuu sheegay in shirku xidhanyahay isla


 
Fadhigii Ugu Horeeyey Ee Golaha Wakiiladda Oo Cirka Iskula Baxay Sawaxan, Buuq iyo In Xaaladdu Gacan Ka Hadal Gaadho Ka Dib Markii Gudd. Ku Meel gaadhka ahaa Shirka Si Kadis Ah U Xidhay.

markaana wuxuu u dhaqaaqay kadinka laga baxo kambuulkii shirku ka socday, waxay is qabsadeen Mudanayaashii Mucaaridka ahaa oo iyagu ka cadhaysnaa hannaanka loo xidhay shirka iyadoo dastuurku dhigayo siday sheegayeen in maalintaasi fadhiga lagu doorto shir guddoonkana, waxaa iyagu madasha si dahsoon uga muuqday gadh hayeenada Xisbiyada Mucaaridka ah Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe.

 Ibraahim Dhaadheere kambuulkii ka bax, waxaa ka daba baqoolay dhammaanba 33 Mudane ee UDUB iyo 2 Mudane oo Xisbiga UCID ka soo jeeday, waxaa madasha iskugu soo hadhay Xildhibaanadii Mucaaridka ahaa oo sharci ahaan aqlabiyad kambuulka buuxinaysa ahaa, waxay iska dhex xusheen ninkii ugu da'da weyna oo ay u doorteen Xildhibaan Professor Maxamed Cumar Jiir.

Todobaadka Soo Socda Waxaynu Qormadani Qaybteeda Labaad ku eegi doona Doorashada Shir Guddoonka iyo Hawlahii u qabsoomay golaha Wakiiladda iyo khilaafyadii ka farcamay golaha Dhexdiisa Kala Soco Somaliland.Org......

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Somaliland.Org, Hargeisa

diridhaba@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 29, 2006

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

N.B: Haddii aad jeceshahay hogaamiyayaasha adduunka iyo xulashadooda soo booqo web link: www.somalitalk.com/diridhaba

TUUGTII KARACHI MA SAFIIRO AYEY DALACEEN: MUUQLAY WAR-LAY MA LAGU WARAMAY

TAARIIKHDA DALKA CIRAAQ..... GUJI
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD