SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DR. CUSMAN

Saliidda [Batroolka] ku jira Soomaaliya

Waraysi: Dr. Cusmaan Salaad Xersi

September 28, 2000

HiltonLONDON, ONTARIO- Waxaa bahda Somalitalk.com u suurta gashay in aan waraysi layeelano Dr. Cusmaan Salaad Xersi oo kamida aqoonyahannada Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. Waraysigan waxa uu ka dhacay Hotel Hilton oo kuyaal magaalada London, Ontario, halkaas oo Dr. Osman uu kaga qaybgalay shir looga hadlay joolojiga, waxaana laqabtay shirkaas September 24-27, 2000.

Dr.OsmanSomalitalk: Marka ugu horreysa Dr. Osman warbixin kooban naga sii sida uu mu'tamarkii (shirkii joolojiga) u dhacay iyo sida ay dadkii ka soo qaybgalay kaaga guddoomeen farriintii ku saabsanayd batroolka Soomaaliya?

Dr. Osman: Shirkan American Association of Petroleum Geologists (AAPG), Eastern Section, waa shir sannadkiiba mar la qabto oo ay isugu yimaadan dad joolojistayaal ah oo ka kala socda waqooyiga America. Shirkan oo ah mid qaab goboleed ah ayaa aniga oo ka shaqeeya Quebec iyo Ontario la igu casumey in aan ka soo qeyb galo, waxna ka sheego jiyoolijiga Quebec/Ontario ee Canada. Ka dib markaan helay casuumaddan ayaan waxaan anigu ku lifaaqday hadlakeygii tan soomaliya oo aan ka codsaday gudugii meesha maamulayey. Gudigii waxay igu yiraahdeen in arinteydan aysan suurto gal ahayn maadama meesha ama shirku ku saleysan yahay jiyoolijiga North America. Balse waxay ii soo jeediyeen in aan arrinkeygan (jiyoolijiga soomaliya) u soo bandhigo sida boostarka (tabeelaha) halkaas oo lagu muujindoono wixii khuseeya joolojiyada caalamiga (International presentations) iyo kuwo Waqooyiga Amerikaba ah. Sidaas oo aan yeelay. Waxaa kale oo sidaa wax u soo bandhigey dad ka socday Afganistan.

Dadkii igu soo booqday qaybtaas (boostarka) aad iyo aad ayey u xiisenayeen joolojiga soomaliya, dadkani waxay isugu jireen dad ka socday jaamacadaha, dawladaha (sida USGeological Survey, Ohio Department of Natural Resources, Ontario Geological Survey, Nova Scotia Petroleum Directorate..), shirkado (e.g., Talisman Energy), iyo dad joolojistayaal ah oo madax bannaan. Shirkadihii aan aad u xiisaynayey inaan la kulmo waxaa ka mid ahaa Canadian Occidental oo Yemen wax ka qoda, hase ahaatee aan cidi ka joogin shirka, iyo Talisman Energy oo Sudaan wax ka soo saarta oo aan dad ka socda la kulmay.

Somalitalk: Maxay adiga (Dr. Osman) kula tahay sida ugu habboon ee looga faa'iideysan karo kheyraadka iyo macdanta ku jirta Soomaaliya?

Dr. Osman: Waxaa hubaal ah in soomaaliya kheyraad badan leedahay kheyraadkas oo isugu jira macdan, batrool, iyo biyo badan iyo kaluun aan weli lala bixin (inkasta oo ay dadkale ku qubeen toxic badaheena). Sida dadkeenu u yar yahay iyo gaajada naga haysa khayraadka Eebbe nagu mannaystay waa kaaf iyo kala dheeri. Aqoonyahanadeena oo yar iyo maamul xumo dowladeed iyo dawlad la'aan 10 kii sando ee dambe ayaa maaanta nagu noqotay caqabad. Si loo soo saaro khayraadka dalka waa lagama maarmaan in la helo dawlad maamul wanaagsan iyo kambaniyo (shirkadao) caalami ah oo lagala xaalo soo saaridda khayraadkaas. Xukumad wanaagsan oo adduunku aqoonsanyahay ayaa loo baahanyahay si wax looga qabto baahida aan u qabno khyaraadkeenna, la'aanteedna wax suurto gali kara ma jiraan.

Su'aasha ugu horeysay ee dadkii igu soo booqday halkaan (boosterkeyga) waxaay ahayd nabad meesha maka jirtaa? iyo xukuumad noocee ah ayaa ka jirta?. Inkasta oo ay jiraan meelo badan oo deggan oo soomaliya ka mid ah, sida somaliland iyo puntland iyo goboollo kaleba, ayaa hadana waxaan jirin wax ku soo dhiirranaya meel aan dawlad caam ah oo adduunka laga aqoonsanyahay ka dhisnayn. Gobollada deggan waxaa lugta jiidaya kuwa aan xasilloonayn, taasoo ay sababtay in Somalia ay ka dhismiweydo dawlad dadkuna ku qanacsanyihiin adduunkuna icrtiraafsanyahay. Haddii uusan hanqaraarac hal lug ah u dhutin, gobollada Somaliyeed waa isu dhutinayaan oo haddii midi shiddeysanyahay xasillooni iyo xukuumad caam ah la heli mayo. Taasna waxay sababaysaa inaan cidi ku soo degdegin maalgashiga iyo soo saaridda khayraadka dalka, gobollada deggan iyo kuwa aan degganaynba.

Somalitalk: Taariikh ahaan shirkan ku saabsan saliidda (Petroleum) ma kii ugu horreyey baa ee aad ka qayb gasho? Ma noo sheegi kartaa haddii ay jiraan kuwo kale oo qorshaysan ee aad ka qayb gelidoontid?


Dr. Osman Salad Hersi oo sharaxaya khayrdaadka Soomaaliya.
London, Ontario, canada
Sawirka: Somalitalk
Warbixinta shirka hoos kaakhri...

Dr. Osman: Aniga oo markaygii ugu horeysay ahaa ardadii ka tirsaneyd jaamacada ummadda Soomaaliya, ka dibna la ii qaatay bare-kaaliye, ayaan waxaan u aaday waxbarasho waddanka talyaaniga . Intii aan joogey talyaaniga waxaan ka qeyb galay laba shir oo aan ka jeediyey jiyoolijiga meelo ka mid ah soomaliya. Shirkii ugu horeeyey waxaa lagu qabtay magaalada Budabest ee wadanka Hungry sandkii 1990, shirkii labaadna waxaa lagu qabtay magaalda Bolonyo (Bologna) ee waddanka talyaaniga isla sannadkii 1990. Shirarkaas aan ka qeyb galay waxaan kaga hadlay "teesigeygii (thesis)" Ph.D ga oo ku saabsanaa jiyoolijiga meelo ka tirsan waqooyiga Soomaliya. Waxaan halkaa ka soo jeediyey wixii aan ka soo helay Bosaaso iyo lasqorey, cinwaanka tiisiskeygna wuxuu ahaa : 'Geological Evolution of sedimentary basins in northern Somalia and their relation with the opening of the Gulf of Aden'. Maxsuulkiina waxaan ku daabacay meelo kala geddisan.

Waxaan shir saddexaad ka qeyb galay 1993 oo looga hadlaayey jiyoolijiga waqooyi-bari ee Africa oo ay ka soo qeyb galeen Sudan, Somalia, Egypt, Eriteria, iyo Kenya waxaanan halkaa mar labaad kaga hadley qaybo ka mid ah maxsuulkii tiisiskeygii oo ku saabsanaa jiyoolojiga waqooyiga (Bosaso - Lasqoray) soomaliya.

Kani waa kii afraad, waxaa kale oo jirey bandhigyo (arintaan la xiriira) oo aan kasoo jeediyey Jaamacad Carleton (Ottawa). Bandhiggaan aa ka soo jidiyey shirkan afraad waxaa ila wadaaga Dr. C/rahman Hilowle oo hadda waxbarasho iyo shaqaba ka haya isla Jaamacadda Carleton ee Ottawa (Canada). Wax hadda ii qorshaysan oo shirar ah oo aan ka jeedindoono joolojiyada iyo suurtagalka jiritaanka shidaal ma jiraan hase ahaatee haddii Eebbe idmo dadaalka waan wadi hadbana meeshii aan is iraahdo way ku habboontahay waan ka jeedin khayraadka lagu tuhunsanyahay inuu ceegaano dhulkeenna hoostiisa.

Waxaan jecelahay in aan qoraallo isku ururiyo oo aan u haysanno tixraac (reference). Waxaa jirtey in mar maamulka Puntland nin ka socda ila soo xiriiray oo ku saabsanaa macluumadka xagga jiyoolojiga, waana u gudbiyey wixii talooyin iyo dokuments ahaa ee aan hayey. waxaan kale oo aan isku dayey in aan wax u sameeyo jaamcada Camuud, nasiibxumo ma aysan lahayn qeyb qaabilsan jiyoolijiga.

Somalitalk: Ma jiraan wax ballan qaad ah oo aad ka heshay shirkadihii halkaas isugu yimid? Haddiise ay jiraan wax shuruudo ah oo ay kugu xireen ma jiraan?

Dr. Osman: Su'aasha ugu horreysa ee la iweydiiyey waxay hayd xasillooni ma ka jirtaa Soomaaliya iyo dawlad noocee ah ayaa ka jirta dalka?. Waa in run la'isu sheegaa, Waxaana u sheegay in Soomaaliya in aysan wada xasilloonayn iyo in aan dawlad caam ah oo adduunku aqoonsanyahay aysan jirin. Inkasta oo ay jiraan meelo xasillooni iyo maamullo ka jiraan haddana la'aanta dawlad somaliyeed ayay la wadaagaan meelaha shiddeysan ee adduunku maalin walba dhibtooda maqlayo. Sidaa daraaddeed cid ii muujisay rajo maalgashi degdeg ah ma jiraan.

Ujeedadadayda ugu weyn waxa ay ahayd joolojiga Soomaaliya iyo rajada laga qabi karo in shidaal ka jiro dalka in aan u sheego dadkii meesha isugu yimid taas oo ahayd xiiso gelin, ogeysiin, iyo baraajujin.

Somalitalk: Dr. Osman ma noosheegi kartaa gobollada Soomaaliyeed ee aad ku tuhmaysid ama aad adigu xaqiiqo u ogtahay in saliid badani ku jirto?

Dr. Osman: Saliiddu waxay ku samaysantaa dhagaxa loo yaqaan dhadhaab lakabeedka (Sedimentary rock). Soomalaiya badankeeda dhagaxaasi waa ka buuxaa marka laga reebo meelo kooban (sida Buur Hakaba, buuraha Shiikh iyo meelo badan oo ka mid ah xiriirta buuraha Golis, Dhalan iyo Majiyahan oo ku kala beegan koofurta Ceelaayo iyo Bosaaso).

Soomaaliya waxaa lagaqoday ceelal ka yar 70 ceel oo shidaal baaris ah, sidaas daraaddeed macluumaad badan lagama oga. Waxaase jira meelo badan oo lagu tuhmayo calaamado na dhiirri gelinayana lagu arkay, waxaana ka mid ah;

  • Berbera Basin: nawaaxiga Bixinduula iyo Dhagax Shabeel oo ku beegan koofurta Berbera, waxyaabaha muujinaya in saliid kujirto waxaa kamida in (1) Saliid bannaanka usoo baxda (oil seeps), (2) ceelal laga qoday oo muujiyey saliid iyo habsocodka dareeraha oo aad u wanaagsan (well permeablity).
  • Badda Laasqoray (Off Shore) iyo agagaarka Beder Bayla oo ceelal laga qoday muujiyeen jirtaanka saliidda.
  • Ceelal iyagana laga qoday Qoryooley iyo Afgooye ayaa muujiyey jiritaanka gaaska dabiiciga ah (Natural Gas).
  • Waxaa kale oo ilo la rumaysan karo ii sheegeen in shirkadda Conoco ay saliid ka heshay ceel ay ka qodday meel la yiraahdo Tuka-raq oo ku u dhexaysa Garoowe iyo Lascaanood. Hase ahaatee ilaa iyo hadda lama hayo wax dhaqaale ahaan ganacsi gal ah.
Intaasi waa inta aan hadda ka xusuusto.

Qaabka, nooca, iyo saliida kamuuqada marka la isku daro waxay muujinayaan rajadu in ay badantahay.

Tankale marka Soomalaiya la barbardhigo Yemen, waxaa la arkayaa sida ay isu mid yihiin cimilada iyo joolojiga. Balliyada Yemen iyo Soomaaliya (gaar ahaan woqooyiga Soomaaliya) aad ayey isu dhow yihiin. Yemen saliida lagahelay waxay tilmaameysaa rajo weyn oo laga qabo in Soomaaliya ay saliidi kujirto.

Somalitalk: Maxaad kulatalin lahayd dawladda Soomaaliyeed sidii ay gacan weyn uga geysan lahayd soo saaritaanka batroolka Soomaaliya?

Dr. Osman: Dawlad Soomaaliyeed aad baan ugu hanweynahay. Dawlad Soomaliya kadhalata waxaan jeclaan lahaa in ay noqoto mid ku mashquusha horumarinta dadkeeda, una indhafuran horumarinta khayraadka wadanka.

Fiiri xeebta, xoolaha, biyaha iyo baadka, iyo beeraha. Waxaa inaka badan khayraadka dabiiciga ah sida batroolka, macdanta iyo biyaha.

Dawlada waxtarka leh (ideal) waa tii usoo jeedsata horumarka dadkeeda. Waxaa inasoo maray khibradii dawladihii hore ee kow iyo labaatanka sano, iyo tobankii sano ee kadambeeyey.

Ammaantu dhacdhac maaha (dadku waxa ay aaminsanaayeen hebel meel dhacdhac leh ayaa lageeyey). Wasaaradu waa in aysan noqon dukaan. Wadanku waa faqiir ee waa in faqiirnimadu kamuuqataa dawlada halkii ay dadka ka muuqan lahayd. Mas'uuliyiintu waa in ay iyagu dareemaan gaajada. Qofna naftiisa biyo kama hagrado. Sidaas ayaa dalku ku hormarayaa. Ilaah xaqa hanagu toosiyo.

Waaxaa waraysiga Dr. Osman layeeshay Mohamed Abdullahi iyo Mohamed Ali oo katirsan bahda Somalitalk.com

September 28, 2000

SomaliTalk.com | Canada


Shirkan lagaga hadlay khayraadka saliida (Petroleum) ee kujira Soomaaliya.

[September 25, 2000]

Shirka "Association of American Petroleum Geologists" ayaa Sept 25, 2000 kafurmay Hotel Hilton oo kuyaal bartamaha magaalada London, Ontario. Waxaana gaar ahaan shirka lagu qabanayaa Qolka weyn ee loogu talagalay shirarka ee lagu magcaabo "CENTRE POLL-ROOM" (Conference Room).

Shirkan arinta ugu muhiimsan ee lagaga hadlaya waa khayraadka saliida (Petroleum) ee kujira Soomaaliya. Waxaana halkaas ka hadli doona Dr. Osman Salad Hersi oo kasocda Soomaaliya isla mar ahaantaana ah xubinta ugu muhiimsan shirkan marka laga hadlayo Saliida Soomaaliya.

Dr. Osman Salad Hersi oo xalay yimid magaalada London, Ontario, waxa uu mardhowed nagala soo xiriiray Hotel Hilton oo ah meesha lagu qabanayo shirka, waxaana uu noo sheegay in lafilayo in ay shirka kasoo qayb galaan shirkado caalami ah kuwaas oo xiisaynaya Saliida Soomaaliya.

Dr. Osman oo aqoon sare uleh cimiga Joolojiga waxa uu noosheegay in qorshihiisa uguweyn ee maanta uu yahay in uu muujiyo khayraadka Soomaaliya, isla mar ahaantaana uu sharraxaad kabixindoono Joolojiga Soomaaliya iyo sida ay suurta galka u tahay in saliid xaddi badan leh ay dhex jiifto dhulka Soomaaliya.

Dr. Osman Salad Hersi oo kamida abaabulayaasha shirkan waxa uu noosheegay in waqtigaan ay sahlan tahay in shirkadaha saliida qoda lagu qancin karo in Soomaaliya ay kujiraan saliid xadi wanaagsan ah maadaama ay Soomaaliya Jooliji ahaan u dhowdahay wadanka Yemen halkaas oo cilmi baarisbadan oo lagusameeyey (waa Yaman'e) ay kasoo bexeen maxsuul aad u wanaagsan.

Dr. Osman waxa uu intaas kudaray in shirkani yahay hordhac aad u wanaagsan iyo guul weyn oo ay gaareen Soomaalida aqoonta uleh cilmiga Joolojiga, taas oo uu yiri waxaan fileynaa (insha Allah) in arrintani ay horseedo in Soomaaliya ay noqon doonto dhul hodon ah oo khayraadka dhex-jiifa looga faa'iideyn doono ummadda Soomaaliyeed.

Wixii macluumaad ah ee arrintaas kusoo kordha waan idiin soo tebin doonaa insha Allah. Waxaana qiyaaseynaa in Abdullahi Abukar uu tegi doono shirka si uu war inookaga soo tebiyo, haddii ay usuurta gashona waxa uu halkaas kusoo arko waan idiin soo tebin doonaa.

Magaalada London, Ontario waxay kutaalaa qiyaastii 200 km koonfurta Toronto, sidoo kale waxay qiyaastii wooqooyiga 200 km ka xigtaa magaalada Detroit ee Gobolka Michigan, USA. Tirada dadka kunool magaaladaas waxaa lagu qiyaasaa 300,000 (saddex boqol oo kun) qof. Soomaalida magaaladaan deggan aad uma badna, waase dad aad isugu xiran oo ay Soomaalinimadu ku weyntahay, waxayna u badan yihiin qoysas.

Waxaa kale oo jira arday koox ah oo wax kabarta Jaamacada magaaladaan oo lagu magcaabo "University Of Western Ontario", Jaamacadaan waxaa lagu tiriyaa jaamacadaha ugu horreeya wadankaan Canada.

Somalitalk team (London, Ontario)


CV-ga Dr. CUSMAAN::

Waxaa sharaf u ah bahda Somalitalk in aan halkaan idiinku soo tebino taariikh kooban (CV) ee Dr. Osman Salad Hersi oo kamida aqoonyahaynka Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. Waanakane CV-gii oo kooban;

Magaca: Cusman Salad Xiris,

Magaca hooyo: Dahabo Adan-Cadde Warsame

Dhalasho: Galkacyo, Mudug, 1959

Dugsi Qur'aan iyo hoose: Galdogob, Mudug

Dugsi Dhexe: Bardacad, Galkacyo

Dugsi Sare: Cumar Samatar, Galkacyo, 1979

Shaqo Qaran: (1979 - 1980) Dugsiga hoose / Dhexe ee Dogob, Mudug.

Jaamacad: Jaamacadda Ummadda Somaliyed (JUS), Laamaha Cilmiga ee Gahayr, Kulliyadda Joolojiyada, Muqdisho (1980 - 1984).

Bare kaaliye : JUS, Kulliyadda Joolojiya (1985 - Qaraxii Somalia).

Wax-barasho "Dottorato di Ricerca" (italian PhD): Jaamacadda Florence, Florence, Italy. 1987-1990.

Cilmi-baaris (Post-doctorate Researcher): Jaamacadda Florence, Florence, Italy (1991 - Bartamihii 1992).

U-guurid Canada: June 1992

Waxbarasho, cilmi-baaris iyo Bare-kaaliye (Teaching Assistant): PhD hor leh ka dib markii tii talyaaniga la iigu qiimeeyey MSc, Carleton Universiy, Ottawa, Ontario, Canada. 1993 - 1997

Cilmi-baare (Researcher): Quebec Geoscience Center (Quebec University + Geological Survey of Canada), Quebec City, Quebec, Canada. 1998 - ilaa hadda (Eebbe mahaddi).

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD