SOMALITALK.COM

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
TALO - BIXIN

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faallooyinka iyo Ra'yiga

_____________________________________________
WQ. Maxamed Cali [SomaliTalk Editor-in-chief]
webmaster@somalitalk.com ama somalitalk@hotmail.com 

Minneapolis, Minnesota, USA | March 8, 2003 | Sixid: Maarso 22, 2004 | Agoosto 2006 | Nov 2006 | Dec 2007 | March 2009

"Internet-ka waxaad beryahaan ku arkeysaa qoraalo, faallooyin iyo warar ay adag tahay in la fahmo, sababtoo ah waxaa khaldan qaabka, naxwaha iyo higgaadda lagu qoray, taas oo mar-mar aad ka shakineysid in aysanba Af-Soomaali ku qornayn". Hadalkaas mid u dhigma waxaa yiri walaal Soomaaliyeed oo aad ujeclaan lahaa in uu arko qoraallo arrimahaas toosinaya ama saxaya. Sababtaas ayaa igu dhalisay in aan qormadan u soo bandhigo akhristayaasha iyo qorayaasha SomaliTalk.com. 

Qormadan waxaan kusoo bandhigayaa qodobbo haddii la raaco ay qoraallada, wararka iyo faallooyinku noqonayaan kuwo xiisa u yeelan kara akhristaha. Waana kuwan qodobbada aan kusoo ururiyey nuxurka qoraalka:

1- Qoraalka u samee cinwaan soo jiidasho leh.

2- Qoraalku ha noqdo mid si fudud loo akhrin karo.... kadhig qoraalka mid fudud. Adeegso weero (ama tuduc) gaagaaban oo macne ahaan isku xiran.

3- Xarafka u horreeya qoraalka ama tuduc kasta (ama baaragaraaf kasta) ha noqdo xaraf weyn, waana in baaragaraafku ku dhammado joogsi ama dhibic (.). Marka weero isku xiran dhammaadaana kusoo gabagabee joogsi (.). Sidoo kale ha ilaawin meelaha ku habboon hakad (,), laba-dhibcood (:), iwm. Ufiirso labada tusaale ee soo socda sida ay muhiimka u tahay in la hubiyo meesha hakadka la gelinayo:

(a): Waxaan doonayaa in aan maqaal kusoo qoro wargeyska kalluumaysiga oo qayb ka ah barnaamijka waxbrashada dalka....
(b): Waxaan doonayaa in aan maqaal kusoo qoro wargeyska, kalluumaysiga oo qayb ka ah barnaamijka waxbrashada dalka....
[Tusaalayaashaasi waxay muujinayaan in meesha hakadka la dhigay ay bedeleyso macnaha guud ee qoraalka. Sidaas darteed qoraalka ha ka ilaawin joogsiga iyo hakadka.]

4- Xarafka ugu horreeya ee magaca (sida magac qof, magaalo, dal ama qaarad) waa in uu noqdo xaraf weyn. Tusaale ahaan haddii magaca qofku uu yahay "quwaax qurac qansax" waa in la qoro "Quwaax Qurac Qansax", sidoo kale haddii magaca magaaladu uu yahay "jeerin", waa in la qoro "Jeerin". Ufiirso: magacyada dalalka soomaaliya, jabuuti waa in loo qoro: Soomaaliya, Jabuuti.

FG: Waxaad mararka qaar arkeysaa qoraal xaraf kasta uu yahay mid weyn, sida "Waxaan Qorayaa Maqaal Shalay, Maanta iyo Berri". Arrintaasi marka keliya oo la samayn karo waa cinwaanka qoraalka. Laakiin qoraalka dhexdiisa looma baahna in xaraf kasta kelmedda ugu horaysa la weynaysiiyo. Haddii sidaas la yeelo, "Oo Kelmed Kasta Oo Qoraalka Ah La Weynaysiiyo" waxayn hoos u dhigtaa xawaaraha akhrinta qoraalka. Sidaa daraadeed qoraalka dhexdiisa kelmed kasta ha ku bilaabin xaraf weyn, wixii aan ka ahayn arrimihii aan kor kusoo xusnay, sida bilowga qoraalka, kelmed muujineysa magac, iyo kemeda ka dambaysa joogsiga.

5- Sadarka bannaan ee u dhexeeya laba baaragaraaf waxa uu qoraalka ka dhigaa mid markiiba la fahmi karo, sidaas darteed waxaa haboon in aan taas la yaraysan.

6- Weeraha iyo kelmedaha la adeegsanayo waa in ay noqdaan kuwo aad looga fiirsaday, oo si hagaagsan la isu raaciyey. Ka feker in erayada aad adeegsatey si kale loo fahmi karo ama ay macne kale leeyihiin, taas oo ay dhici karto in ay qoraal kaaga ka dhigto mid ka tarjumaya ujeeddo ka duwan tii aad ugu talo gashay.

7- Higgaadda oo khaldan waa waxa ugu weyn oo qoraalka ka dhiga mid aan lasii wadin akhriskiisa, sidaas darteed ka taxadar higgaadda. Marka aad dhammaysid qoraalka inta aadan dirin ama daabacin mar labaad akhri si aad u saxdid wixii higgaadda ama macne ahaan khaldan.

8- Iska ilaali xarfaha lasoo gaagaabiyey, kuwa aad adeegsatidna si qeexan u sharax. [Tusaale: Mashruuca Quwaax Qurac Qansax (QQQ) waxaa laga hir geliyey xaafadda Jeerin. Waxaa kale oo mashruucaas QQQ hadda dalbaday xaafadda aagga Sarmaan.] - Ufiirso: QQQ marka koowaad ayaa la qeexay sidaas daraadeed marka dambe oo la qoro waxaa la qorayaa xarfihii oo soo gaabsan, akhristuhuna markaas waa fahmayaa waxa loola jeedo QQQ.

9- Ku xisaabtan qoraalada aad ku qortid Internetka in ay akhrisan doonaan dad aan adiga wax aqoon ah kuu lahayn. Ka feker qof aan aqoon kuulahayn oo maalinta koowaad fahmi waayey qoraal kaaga, waxaa dhicikarta in uusan dib dambe u akhrin qoraalkaaga halkaasna aad ku weydid wax qoraalladaada xiiseeya.

10- Haddii aad daabacaysid qoraal uu xanaaq ku dheehanyahay, inta aadan daabacin biririf ka qaado wax qorista, cabbaar kaddib kullaabo qoraalkii adigoo akhrinaya inta aadan dirin, waxaad arki doontaa in aad waxbadan ka bedeli doontid qoraalkii hore ee aad carada ku qortay.

11- Ka fogow erayada wax u dhimaya shakhsi bini aadam ah; haddii aad qof ku sifayneysid waxa uu yahay had iyo jeer xusuusnow caddaalada. Hana ka weecan runta, qoraalkana ka ilaali kelmedaha xambaarsan dareenka waqtiga dhow ee haddii aad ka fiirsan lahayd aad si kale u cabiri lahayd. 
[Walaal Soomaaliyeed oo akhriyey qoraalka markii aan daabacay ayaa jeclaan lahaa in aan ku daro erayadan:  Waxaan kaloo beryahaan dambe qoraallada qaarkood ku arkaa hadalo colaadeed ama nacayb, taas ayaan kugu darsan lahaa. Mar hadii wax la qorayo waa in aan shaqsi ama koox wax loo dhimin, si caddaalad ahna waa in wax loo sheegaa inta la awoodo oo Illaahay kula og yahay.]

12- Qoraalku ha lahaado ujeeddo uu ku socdo: Qiyaas haddii aad waqti badan ku bixisid qoraal oo gabagabada qoraalkaas aad ogaatid in uusan wax ujeedo ah lahayn, sow waqtigaagii ma khasaarin -- haddaba taas akhistayaashaada ka ilaali, oo qoraalkaaga ka dhig mid leh ujeedo bilow ilaa dhammaad isku xiran.

13- Tixraacu waa muhiim: Ha ilaawin in aad xustid meelaha aad soo xigatey, buug, wargeys, website, iwm.  Tix-geli xuquuqda qoraagii asalka ahaa , hana daabacan qoraal aadan xaqiisa sheegin.
[Xuquuqda qoraalada ka akhri: www.somalitalk.com/copyright ]

14- Qoraalku haddii uu dheer yahay waxaa habboon in cinwaanno yaryar oo kala qaybiya loo sameeyo, ama qoraalka laga dhigo mid dhawr qaybood ah si aan loogu daalin akhriskiisa.

15- Warku waa wax dhacay oo laga war-bixinayo; Faalladu waa wax-jira oo la falanqaynayo; Ra'yiguna waa fikrad u gaar ah qof ama koox oo lagu cabirayo aragtidaas gaarka ah. Haddaba waxaa habboon in aan fikrad laga dhigin war. War-kana waa in aan loo leexin sidii ladoono, ee waa in loo sheegaa sida uu u dhacay.

16- Wararku waa in ay ahaadaan kuwo sugan oo biyo kama dhibcaan ah, isla mar ahaan taana xaaladda laga warbixinayo ka eegaya dhinac kasta oo warkaasi saamayn ku yeelan karo. Waa in la cadeeyaa meesha warka laga soo xigtey. Haddii qofka warka laga xiganayaa codsado in aan magaciisa la sheegin sababo jira oo ay ugu horeyso ammaanka qofkaas awgeed, waa in sidaas lagu caddeeyaa qoraalka. "Marka qof hadalkiisa toos loo soo xiganayo" waa in la muujiyaa in uu qofkaasi hadalkaas yiri. Waa in aan qof hadal uusan dhehin laga sheegin.

17- Haddii khalad la ogaado markii la daabacay ka dib, waa in markiiba la saxaa khaladkaas, akhritayaashana lagu baraarujiyaa khaladkaas dhacay ee hadda la saxay.

18- Haddii aad qoraalka u adeegsatid erayo fac-weyn [ama qadiimi ah], ama erayo aan si fudud loo fahmi karin, waxaa markaas habboon in aad raacisid eray bixin aad ku sharaxeysid waxa aad ula jeedid kelmedaha aad adeegsatey.

19- Ka taxadar in aadan isku khaldin xarfaha KH & Q. Waayo waxaa dhowaan soo baxay dhibaato weyn oo qorayaasha Soomaalida ka haysta xarfaha (KH & Q), taas oo aad arkeysid meeshii laga rabey "KH" in la qoray "Q", sidoo kale meel laga rabey "Q" in la qoray "KH". Tusaale ahaan meeshii laga qori lahaa "Akhri" ayaad arkeysa in la qoray "Aqri" - Sidaas daraadeed hubi xarfaha sida fudud la isugu khaldi karo, gaar ahaan "Q & KH".

20- Ka taxadar in aad isku khaladid shaqallada OO iyo UU. Waxaa beryahan dambe qoraallada Afka Soomaaliga lagu arkay meel loo adeegsan lahaa "OO" in qorayaashu ay ku qoraan "UU", sidoo kale meel lagu qori lahaa "O" in ay ku qoraan "U", sidaasna ay kelmeddii macneheedu isu bedelo, ama la fahmi waayo waxa looga jeedey. Tusaale ahaa: "Guul"... waxaad arkeysaa in loo qoray "Gool". Sidaas daraadeed hubi shaqallada loo adeegsanayo qoraalka.

21- Ugu dambayn, ma jeceshahay in dadku u arkaan qoraalkaagu in uu yahay mid nidaamsan oo la fahmi karo, taas waxaa laga dheehan karaa ama laga arki karaa qaabka aad wax u qortid. Haddaba ku dadaal in qoraalkaagu noqdo mid faa'iido u leh akhristaha, isla mar ahaantaana naxwe ahaan iyo higgaad ahaanba sax ah oo weliba si fudud loo akhrin karo, isla markaana si nidaamsan u qoran.

Si aad u fahamtid ujeedadii aan ka lahaa qormadan, fadlan akhri labada qoraal ee hoos ku qoran, kuwaas oo mid kamid ah uu yahay qoraal nidaam wanaagsan u qoran, kan kalena yahay qoraal jacbur ah -- Waxaa cad in labadaas qoraal oo isku wax ka hadlaya ay ku kala duwan yihiin qaabka loo soo bandhigay. 

Qoraal Habaysan / Nidaamsan Qoraal aan habaysnayn/Nidaamsanayn
Khayraadka Dalka Soomaaliya
WQ. Magaca Qoraaga
Email: emailka qoraaga

Taariikh: March 8, 2003

Hordhac:

Soomaaliya waa dal kuyaal geeska Afrika, waxaana deris la ah Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Dhanka badda waxaa deris kala ah Yaman. Dhererka xeebta Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 3332km.

Khayraad:

Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya waxaa kamid ah: Xoolaha nool, beeraha, kalluunka, macdanta, iwm.

Gabagabo:

Khayraadka baaxadaas kor ku xusan leh dadka Soomaaliyeed sidii la rabey ugama faa'iideystaan, waxaana ugu weyn sababta aan looga faa'iideysan waa colaadda.

Wq. Magaca Qoraaga

ISHA/TIXRAAC:   Meeshii laga soo xigtey
FAAFIN: Meesha lagu faafiyey
AFEEF: Haddii loo baahdo afeef

-Dhammaad-

khayraadka dalkaa Sooomaaaliya

soomaaliya waaa daal kuyaal geeska Afrikaas waxaana deris la ah Jabuuti Itoobiya  Kenya  dhanka badda waxaa deris kala ah Yaman  hhererka xeebta Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 3332km
hayraadka daabiiciga ah ee soomaaliya waxaa kamid ah: xoolaha nool beeraha kalluunka iyo macdanta.
khayraadka baaxadaas kor ku xusan leh dadka Soomaaliyeed sidii la rabey ugama faa'iideystaan, waxaana ugu weyn sabta aan looga faa'iideysan waa colaadda.

 

Qoraaga halkan magaciisa.

Ugu dambayn, waxaan rajaynayaa in qoraalkani faa'iido u yeelan doono qof kasta oo raba in uu war, maqaal, aragti/ra'yi, ama faallo ku qoro shabakadaha Internet-ka ama wargeys-yada. 

Wixii talo iyo tusaale ah oo la xiriira qormadaan, fadlan iigu soo hagaajiya cinwaanka hoose.

WQ. Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com
FAAFIN: SOMALITALK.COM

 [@@ sixid... eeg  xagga hoose ee qormadan]

ERAY BIXIN:

Tuduc: Waxaan kelmedda tuduc u isticmaalay halkii aan ka isticmaali lahaa kelmedda afka ingiriska u ah: Paragraph. Kelmeda Tuduc waxaa inta badan loo adeegsadaa gabayada iyo geeraarada. [Tuduc = Paragraph, laakiin qofkii haya kelmed taas kaga haboon fadlan iisoo sheeg].

Weer: Waa oraah ama kelmed ama hadal macne samaynaya ama la fahmi karo... weer-tu waa xarfo la isu geeyey.
Weer: Qaamuuska afsoomaaligu wuxuu weer ku macneeyaa sidan: Weer waa erayo taxan oo macne buuxa leh; hawraar; tix; hadal

TIXRAAC 1:

TIXRAAC 2:

<><><>

SIXID

[@@ sixid: markii aan qoraalka daabacay waxyar kadib waxaan furay emailkayga, waxaana ka helay email walaal Soomaaliyeed iisoo diray oo u qoran sidan: Asalaamu calaykum Wr Wb, walaal waxaan akhriyay qoraalkaaga ka hadlaya sida wax loo qoro, waanad ku mahadsantahay sida fiican ee aad u soo bandhigtay sida wax loo qoro, intaas ka dib waxaan fahmi waayay qormo amaba sadar ka mid ah qoraalkaaga waxaana uu u qoranyahay sidan.* Ugu dambayn, ma jeceshahay in dadku kuu arkaan qof aan nidaamsanayn, taas waxaa laga dheehan karaa qoraalka aan nidaamsanayn. walaal ma fahmin waxaa aad ka wado waxaanan filayaa in uu qofkastaa jecel yahay in uu nidaamsanaado walibana uu qoraalkiisu nidaamsanyahay.]

Eeg hadaba akhristow qoraalkaas waxaan ku bedeley sidan: * Ugu dambayn, ma jeceshahay in dadku u arkaan qoraalkaagu in uu yahay mid nidaamsan oo la fahmi karo, taas waxaa laga dheehan karaa ama laga arki karaa qaabka aad wax u qortid.

<><><>

TALO BIXINTA AKHRISTAYAASHA:

Walaal waad ku mahadsan tahay sixidaada, anigaa ayaa kow ka ah dadkaas, waanan kaaga mahadcelinyaa sida akhyaarnimada ah ee aad dadka aaraada dhiibta oo aan ka mid ahay ugu soo bandhigtay fikirkan wax qorida ku saalaysan talona ah.

mahadsanid
WQ. Walaashaa Soomaaliyeed.

<><><>

War bixintan waa war bixin aad u muhiim ah, waad ku mahad san tahay sida mar walba aad Ummadda Soomaaliyeed u baraarujisey iney u xajistaan luqaddooda, ayna dhawraan naxwe ahaan iyo higgaad ahaanba.

Waan kaaga mahad celinayaa
Wq. Walaalkaa Soomaaliyeed

<><><>

Walaal, Maxamed, waxa aan aad ugu boggey qoraalkaagii aad dhawaantan ku soo qortay Bogga SomaliTalk, ee ku saabsanaa hanaanka iyo shuruucda looga baahan yahay qofka markaa wax qoraya. Max'ed walaal, waad ku mahadsan tahay dadaalkaaga iyo dhiiri gelintaada aad walaalaha Soomaaliyeed wixii wanaagsan ugu soo ban dhigtaan mar walba; waana waajibaad iyo xil koley qof kasta saaran inuu wixii saxar-keeni kara ka hortago qof walba, haddii uu awoodo. Waad mahadsan tahay mar labad Maxamed.

wq. walaalkaa Soomaaliyeed

<><><>

Mudane, Runtii waxaan aad uga helay Qormadii Qaymaha badnayd, Xaqiiqdana ku fadhiday oo aad ka qortay qaabka loo qoro "Wararka, Maqaalada iyo Aaraa'da Dadweynaha". Waxay ahayd Xaqiiq Qalbigeyga Gashay, Waxayna Daaha ka rogeysay Qoraalada aan qaymaha ku dhisnayn oo Maanta Buuxiyey Meelo badan oo kamida Internetka.

wq. Walaalkaa Soomaaliyeed

<><><>

@@@@ SIXID: Maarso 22, 2004 @@@@

Waxaan marka hore salaan u dirayaa bahda SomaliTalk.com iyo walaalkay (Maxamed Cali) oo qoraal uu ku qoray boggan si fiican aan uga helay. Qoraalkaas oo aan filayey inuu Maxamed ugu gurmanayey Af-soomaaliga oo ka sii laad-laada gebi dheer."waxaa qoraalkaasi ku saabsanaa qaabka loo qoro wararka, faalooyinka iyo ra'yiga".waxaa qoraalka walaalkay ku jiray erayo badan oo uu dadka ku tusmeynayey sidii wax qoridda looga fiirsanlahaa,oo weliba loo siin lahaa waqti dheeraad ah,qoraalka naftiisa iyo weliba akhris dheer oo ka danbeeya waxa aad qortay.

Waxaan maqli jirey shiikh ayaa ardadiisii ku yidhi "khud cilmii walaa tacmal camalii",oo aan filayo inay yihiin erayo carabi ah; oo aan filayo weliba inaan si khalad ah u qoray ee iga raali ahaada intiina ku hadasha afka carabiga. waxaanna filayaa inuu macnaha ula jeeday "qaado cilmigayga ee ha ku dhaqmin camalkayga".

Waxaan taas uga jeedaa qoraalkii aan ka helay ee walaalkay "Maxamed cali" waxaa ku jirey erayo badan oo ah kuwii Maxamed nagala hadlayey oo ah kuwii ka keenay qoraalkan.haddii aan erayadaa qaarkood xuso waxaa ka mid ahaa kuwan hoos ku qoran: Waxaan tuduca koowaad ku arkay eray u qoran sidan"sabataas" oo aan filayo inuu qoraagu ula jeedo erayga ah(sababtaas).waxaa isla tuducaa sadarkiisa lixaad ku jira "akhrsitayaasha" oo aan filayo inuu maxamed ula jeedo erayga(akhristayaasha). tuduca saddexaad sadarkiisa saddexaad waxaa ku jira eray u qoran sidan"baahana" oo aan filin inuu maxamed ula jeeday sidan(meelaha u baahanna). waxaa jira eray ku jira tuduca kow iyo tobnaad sadarka afraad oo u qoran sidan "xilaran" oo aan filayo inuu walaalkay ula jeedo sidan(xiran)

Markii aan akhriyey cinwaanka yar ee ka hadlaya "qoraal habaysan/nidaamsan. markii aan hoos usii akhriyey qoraalka waxaa sadarka kowaad ku arkay eraygan "waxaan" oo aan filayo in qoraagu ula jeedo sidan(waxaana) deris la ah.

Qaybta gebagebo:
Waxaa ku jira eray u qoran sidan "sabta" oo aan filayo inuu ula jeedo (sababta) aan looga faa'iidaysan.

Hadaba waxaasi igama aha dhaliil, afwaajin ama dood aan ka qabo qoraalka maxamed ama dood ku saabsan qoraalkan ee waxay iga tahay saxiddii oo halkii ka sii socota.
sidaa iyo nabad gelyo.

Qoraa Soomaaliyeed

<><><> 

@@@@@@@SIXID:: Nov 20, 2006@@@@@

Assalaamu caleykum,
 
Salaan kadib walaal markaan akhriyay qoraalkaagii (qaabka loo qoro wararka, faallooyinka iyo ra'yiga), waxaan khalad yar ku arkay gabo gabadii qoraalkaaga. Waxaad kusoo gabo gabeeysay (Ugu danbayn, waxaan rajaynayaa in qoraalkani faa'iido u yeelan doono qof kata oo raba in uu war, maqaal, aragtid/ra'yi, ama faallo ku qoro shabakadaaha Internet-ka ama wageys-yada.
 
Hadaba ereyadaan baan khalad ku arkay (kasta, aragti, iyo shabakadaha).
 
wabillaahi towfiiq,

Qoraa Soomaaliyeed.

<><><>

@@@@@@@@SIXID:: DEC 21, 2007 @@@@@@@@@@@@@

Talo Bixin

Ugu horayntii maxamed Cali CIID WANAAGSAN (waxay ku beegnayd Cidul Adxa 1428), waxaan kaaga mahadcelinayaa qoraalkaadi aad ugu yeertay:- Qaabka Loo Qoro wararka, Faalooyinka,iyo Ra,yiga. Kaasoo run ahaantii waxtar uleh dad fara badan oo aan anigu kamid ahay.

Waxaa hubaal ah in qoraa kasta uu la kulmo qaladaad, hase yeeshee ujeedadaydu ma,aha inaan ku dhaliilayo ee waa saxid walaalnimo sidaa awgeed waxaa qoraalkaada ku jiro wax yaabo yar yar oo dadku aanay wada arki karin kuwaasoo kala ah:-

1): Waxaa qoraalaalkaada ku jirtay kelmad aad dhawrjeer ku soo celcelisay ee ah "Higgaadda"oo aad ka waday Higgaadda waa "G"da kasakow "D"duna way laba laabantaa.

2): Waxaad qoraalkaada tirsigiisa lixaad ama nambarka lixaad nooga digtay in qofka wax qorayo uu iska ilaaliyo in qoraalkiisa loo fahmo micnihii uu u waday mid ka duwan, hase yeeshee nambarka lixaad ee qoraalkaada ee aad noogu digaysay waxaa ku jira kelmad aad qoraalkeeda qaladay haddii sida aad u qortay la fiiriyo micnihii aad u waday mid ka duwan yeelan karta;
waxaa ku jiray laba kelmadood oo isla socda oo midu qalad tahay kuwaasoo ah; ujeedo Khaldan oo aad ka waday ujeeddo khaldan waayo "D" way laba laabantaa u fiirso labadaas kelmadood af soomaali ahaan farqiga u dhexeeya:
Ujeedo: wuu ujeedaa, wuu arkaa wax ku saabsan muuqaal iyo aragtidiis.
Ujeeddo: ula jeeddo , kawadid, u waday inkastoo mararka qaarkood kelmadaas aad soo qortay ee Ujeedo ee yeelan karto micna aha. kawadid ,ula jeeday hadana isma raaci karaan afsoomaali ahaan labada kelmadood ee Ujeedo iyo Khaldan ee waxaa is raaci kara ujeeddo iyo khaldan .

3): Qoraalkaada qeybta eray bixin waxaa ku jirto kelmad aad u qortay Tudud oo aad ka waday tuduc.
Inkastoo aad noo sheegtay sababta aad u isticmaashay kelmada baaragaraaf ee luqadda afka ingiriiska ah hadana ogow dadka soomaalida kelmaddaa 80% micnaheeda ma yaqaanaan oo waxaa la qaatay inaad si kumeelgaar ah u isticmaasho tuduc ama gabay ha loo istimaalo ama guuroow e inta aad ka helayso kelmad ku haboon.

4): Qoraalkaada qaybta ugu dambaysa ee aad leedahay qoraal habaysan qaybta Gebogebo waxaa ku jirto kelmada Colaada oo ad ka waday Colaadda u fiirso farqiga u dhexeeya micnahooda af soomaali ahaan:

Colaadda: Dagaalada Sokeeye
Colaada: waxuu noqon karaa magaca qof dumar ah sida Fariid iyo Fariida ay u yihiin magac labeed iyo mid dhedig ayay colaad iyo colaada u yhiin magac lab iyo mid dhidig.

Ugu dambayntii aad iyo aad ayuu qoraalkaadu bulshada ugu leeyahay waxtar. Hase yeeshee aan kula kaftamee inkastoo qaabka wax loo qoro ay tahay wax la barto ogow inay jiraan dad badan oo naxwaha afka soomaaliga kaa badiyo intaas waa kaftan !!!!!!! HA HA HA HA.

Qoraa Soomaaliyeed

<><><>

A/C MAXAMED CALI. Salaan qaali kadib ah waan arkay sida aad u habaysay iyo waliba inaad soo qortay tala bixintaydii run ahaantii qoraalkaasi waxuu kamid yahay qoraalada aan ku arkay webside soomaalida kuwa ugu waxtarka badan, sidaa aawadeed ayaan marlabaad kaaga mahadcelinayaa anigoo ku faraxsan sida aad u habaysay.

Mahadsanid | Walaal Soomaaliyeed..

@@@@Qaabka qoraallada looqoro:::@@@@

SCWW.

Marka koowaad waxaan kaaga mahadcelinyaa sida wanaagsan ee aad u soo bandhigtay qoraalkaagii aad ku soo qortay Somalitalk ee ka hadlaayey habsamida loo qoro wararka ama akhbaaraadka kale waana aan la dhacay run ahaantii ajar Allaha kaa siiyo.

Aniga shakhsi ahaan aad ayaan uga faa-iideystay maqaalkaagii waxaana jeclaan lahaa inaad qorid intaa iyo in kabadan hadii rabi idmo.

Qoraa Soomaaliyeed.

MAHADNAQ

Waxaan halkan uga mahad celinayaa Allaha xaqa lagu caabudo oo ii saamaxay in aan qoraalkaan halkan kusoo tebiyo, waxa kale oo aan u mahad celinayaa dhammaan akhristayaasha qiimaha badan, waxaana si gaar ah ugu mahadnaqayaa inta qoraalkaan talo bixinta iyo mahadnaqa iiga soo diray, waxaana dhammaantiin leeyahay khayr Allah ha idiinku bedelo waqtigiina qaaliga ah.

Waxaan xusid mudan in qormadan oo aan qoray 2003 in ilaa hadda ay akhristayaashu saxayaan. Taas waxay daliin u tahay in qoraal marka aad qortid loo baahan yahay in qof kale akhriyo si loo arko wixii aad gaftey, markaasna loo saxo.

Ugu dambayn, waxaan ku faraxsanahay in qoraalkaan laga fa'iideystey.

Wabillaahi Towfiiq

Wq. Eng. Maxamed Cali | March 9, 2003 | Qoraal ku kordhin: March 11, 2003 | Sixid: Maarso 22, 2004 | Agoosto 2006 | Sixid: Nov 2006 | Dec 2007 | March 2009

-dhammaad-

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com