SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MADAXWEYNE


Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad


YAA MADAXWEYNE KU HABOON

<><><> 

Su’aasha muhimka ah waxay tahay. Maanta baahida ay Soomaali qabto marka laga hadlayo sidee dowlad-nimo loo helaa? Ma’in dhaqaale loo raadiyaa? Si dalka iyo dadkaba loo nooleeyo? Taas waa maya, oo Soomaalidu dhibta haysata, dhaqaale xumi ma’ahan, marka xagga Gacanasiga laga fiiriyo, Soomaalida weyba ku firfircoon yihiin, inta hadda ka khaldanna haddii dowlad loo helo wey u sii hagaagi lahayd. Ma nabad galyo la’aan oo kaliyaa? Taasna waa may, maxaa yeelay dadka nabad la’aanta noo horseeda waa hogaanka aan anagu usacbinno, marka dhibta inagaa isu keenay ee Qab-qable nooma keenin. Markii aan baarintaan cilmiyeysan ku samaynay qodobkan waxaa noo soo baxday jawaabtan biyo kama dhibcaanka ah.

Soomaali maanta waxay u baahantahay hogaamiye leh tilmaamihii hogaaneed oo noqon kara ninkii maanta Soomaali badbaadin lahaa. Firkadan waxaa saldhig u ah. Soomaali dhibta ku dhacday iyadaa gacmaheeda ku kasbatay. Beel kasta oo Soomaaliyeed waxaa hogaamiya ninkii ugu itaal-yaraa. Haddey tahay aqoonta. Haddey tahay shakhsiyadda. Haddey tahay Siyaasadda. Hadey tahay nabad raadinta. Haddey tahay hormarinta bulshada. Iyo haddey tahay u qalmid hogaamineed. Ceebtu waxay sii laba jibaar-matay markii la’arkay Profesar Soomaaliyeed oo gacanyare u ah Qabqable dagaal, waliba afmugii ku leh isagoo miyir qaba. Ninkan waan ogahay inuu jaahil yahay, laakiin maadaama ay R/Hebel iska soo saareen kii ugu Jaahilsanaa, waa inaan uhelnaa ninkii la xisaab-tami lahaa oo isaga ay isku luqad noqon lahaayeen. Isweydiintu waxay tahay, hadduuba isagu qabiil kale uga dayanayo xumaanta! Muu isagu nin fiican soo doorto si beelaha kale ay ugu daydaan. Waxaan filayaa inaad baraha Internet-ka inaad ku aragtay nin magaciisa laga hormarinayo Profesar, kadibna jagada uu ku magacaaban-yahay ay tahay Afhayeenka Hogaamiye hebel.

Waxaad arkeysaa Wadaad magac ku dhex leh bulshada, oo u taagan inuu jago u raadiyo Dagaal-ooge ay isku beel yihiin. Markaad si hoose ula sheekaysatana, wuxuu ku leeyahay. Waan ogahay inuusan ninkan diinta ku fiicneyn, laakiin waa nin adag oo kuwa kale oo isagoo kala ah cadkiisa ka goosan karo, ama wuxuuba ku dhihi isagoo hadalkiisa inuu diimeeyo raba. Ma’ogtahay sheekhoow dhiigga in ilaaliyo ayaa muhim ah, ninkii rabo dowlada haqabsadee wax un aan helno. Wuxuusan ku baraarug-sanayn in taladiisan aysan ahayn mid saxsan, hadana uu qayb kayahay wax sii burburinta, isagoo waliba si ku talagal ah ugalaya. Wadaadka kale ee kaas caksiga ku ahna wuxuu qabaa fikradan. Sheekhoow Siyaasad lama dhex galo, waa golo sheeydaan, waxan waxba haku darsan, dantaada iyo diintaada ilaasho. Laakiin nasiib darro waxaad arkeysaa isagoo hadana Siyaasaddii ku dhex jira oo leh: Kaasi waa Gaal. Kaasi waa Mujrim. Waxay ahayd inuu marka hore ka qayb qaato sidii uu dalka ugu dhiibi lahaa hogaan muslim ah oo diinta iyo dalkaba aan cadow ku ahayn, taariikhdusana aysan madoobeyn.

Ganacsadihii Soomaaliyeed markii dowladda la burburinayeyna qayb weyn buu ka qatay, iyagoo islahaa haddii M/S/Barre dalka ka tago ganacsi furan baad heli doontaan, laakiin sirixkii baa dib iyaga ugu soo laabtay. Hadana waxaa marqaati madoonto ah in Dagaal-ooguhu uusan dhaqaale ka fakarin, illeen wuxuu ogyahay in ganacsatada beeshiisa ah ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin. Inta badan tujaarta Soomaalida dhaqaalaha ay bixiyaan kan ugu niyad wanaasan ayaa lacagta usiiye Qab-qablaha isagoo u niyoonaya Sadaqo ama qaaraan toleed.

Qofkasta waajib diini ah iyo mid wadani ah ayaa ka saaran inuu raadiyo ninkuu isleeyahay maanta Madaxweyne ayuu ku haboon-yahay. Mahadaad diyaar u tahay inaad mar walba tijaabo gasho? Ama aad u sacbiso nimaad ku ogtahay khayr darro? Adigoo isleh wax un hadhismaan. Taasi talo nin garaad lihi ma’ahan, ee bal aan isla goob-goobno ninkaan ka dhigan-lahayn Madaxweynaha.

Maqaallada soo socda waxaan ku falanqayn doonno ragga maanta urashaxan jagada Madaxti-nimada Soomaaliya, ee shirka Nairobi ka socda doonaya inuu dhamaado isagoo Madaxweyne laga dhigay. Wuxuuna noqon doonaa qoraal furan oo soconaya inta ay uu ka dhamaanayo shirka Kenya.

Maqaalkan kan xiga qof qof ayaan usoo qaadan doonnaa ragga ugu cad-cad jagada madaxti-nimada dalkaaga.

Ilaahay ka bari inay Soomaali hesho ninkii Taariikhda gali lahaa, oo loo soo xusuusan lahaa sidii Asaasa-yaashii S.Y.L. iyo raggii maalin Soomaali wax u taray.  

Qaybta 1aad oo ku saabsan C/Qaasim Salaad Xasan ... GUJI

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | June 24, 2004

URL: www.SomaliTalk.com/fahad


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
Allah Is Great



HTML CD