SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ASAD
Dhiiranaanta Fahad, iyo Saxaafada Curdinka ah ee Soomaalida

Asad Caddaani Ibraahim
Laascaanood . Puntland
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
assadlaska@yahoo.com


Waxaynu la soconaa intii warbaahintu ka hanaqaaday dalka soomaliya guud ahaan gaar ahaana soomaalida dibada ku dhaqan oo ay aad uga faa’iideysteen qalabka casriga ah ee bulshooyinkii aduunka ka dhigtay in ay ku sugan yihiin tuulo yar oo la yidhaahdo Internet, taas oo uu qofku iska dhexmushaaxo, hadba wuxuu raba uu ka raadsado, wax faa’iido leh iyo wax uu ku indha daalo, maqal iyo muuqaalba. 

Waxaana aad uga faa’iideysteen Qalabka casriga ah ee Internetka Soomaalida dalka dibadiisa ku nool iyo kuwa gudaha oo si fudud isugu dhaafsada xogaha, waayo maanta hadii aad maqaal ku qortid web ka mid ah webebka Soomaalida waxaa laga yaabaa qofka Laascaanood Jooga iyo kan London Joogaa in ay  isku hal mar wada Akhristaan. 

ABSHIR BACADLE: GABYAAGII WAHAABIYADA MAXAA HADAL LOOGA WAAYEY
Waxaad tahay gabyaa ay dadbadani sugayaan ee intaanoo dhacdo wax ka dheh... Guji... | Fahad

FAALLO::: WAXAAN QOONSADAY QORMADA FAHAD | Xoday

Waxaan hadaba qormadaydan doonayaa in aan maanta kaga hadlo Dhiiranaanta Suxufiga da’da yare ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo isagu ah maanta suxufiyiinta ugu Caansan sufuyiinta Soomaalida, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxa uu had iyo jeer qoraalo ka qoraa arrimo u baahan in ay dadka wax ka ogaadeen hasa yeeshee dadka qaarkood u haystaan lama taabtaan  , oo ay u arkaan in uu daahsaaran yahay loona baahnayn in laga qaado.

Waxaynuna manta ku jirnaa casri xogtu ay aad u sahlan tahay in uu qofku helo, xidhiidhka degdega awgii. 

Waxa uu fahad dhawr jeer qoraalo ka qoray sidaan hore u soo sheegnay arrimo ay bulshadeena Soomaaliyeed ay aad ugu ooman tahay in ay wax ka ogaadaan, aniga oo waliba qaba in aanu Fahad soo wada bandhigin xogaha uu hayo ee ku kaydsan maskaxdiida iyo buugaagtiisa ee uu waxoogaa ka taa taabto, waxaa ka mid ahaa arrimaha uu Fahad aadka uga hadlay Ururka Al-Itixaad Al-Islaami oo ah urur raad weyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed, taas oo dadyowga wax qoraa ee aan sida soomaalida ahayn hadii uu dalalkooda ka hanaqaadi lahaa urur Itixaadka oo kale ahi raadna bulshadooda ku yeesha  in ay ka qori lahaayeen buugaag iyo waliba xusuus qor. 

Soomaalidu waxay u oomantahay in fikirkasta oo ku soo kordha la faaleeyo , la falanqeeyo, si ay wixii u noqdaan wax layska dhaxlo oo hadhow goddaloolooyinka ay ku dhaceen kuwii hore looga Feejignaado, waxay Soomaalidu u ooman tahay saxaafada iyo suxufiyiin ku dhaca leh, oo daaha ka qaada wixii mugsi ku jiro, isla markaana soo bandhiga xaqiiqada jirta. 

Fahad Yaasiin oo aan ogahay in uu aad u guud maro meelaha qaarkood isaga oo aan saafsaafayn ayaan waxa aan aad ugu boogaadinayaa geesinnimadiisa uu u soo bandhigo arrimaha ay dadka qaarkood jecel yihiin in aan laba soo hadal qaadin. 

Waxaadna moodaa aqoonta macrifadeed (THaqaafadu) in ay ku yartay kooxaha qaarkood oo aad moodid in ay u arkaan arrin muqadas ah oo aan la taaban Karin, marka laga hadlo wax iyaga si toos ah u taabanaya oo aan curshi lahayn, hasa yeshee markay arkaan ama akhriyaan ay aad u cadhoodaan, Fahad wuxuu ka hadlay Itixaadka, waxaa aad uga xumaaday xubno ay aqoontoodu thaqaafadeed ay aad u hoosayso oo aad moodidba in ay koronto ku dhagayso haddii magaca Itixaadka la soo qaado, taas waxaan qabaa in ururada badankoodu ka si man yihiin in laba soo qaado in kasta oo ay ka xag jiraan xubnihii hore uga mid ka ahaan jiray ururka Itixaadka ama ilaa hada taageerada iyaga oo aan  ku dhici Karin in ay muujistaan taageerada ay u hayaan ururka al-itixaad al-islaami. 

Weedha wahaabiya markii uu Fahad adeegsaday run ahaantii aad ayaan u soo dhaweeyey waayo Wahaabiyadu maaha wax ciladi ku jirto, oo Ururka al-itixaad iyo salafiyiintuba waxay ka soo waarideen mad-habkan dhinaca caqiidada ah Cariga Sucuudiga iyaga oo waliba isku dayey in ay Mad-habta Fiqiga ah ee Al-Xanbaliya ay Dadka reer Soomaaliya ku hirgaliyaan, hasa yeeshee ay la kulmeen gidaar adag oo ay shaaficiyadu kala hortimi, waxayna kooxda Al-Wahaabiya ku guulaysatay in ay bulshada Soomaalida ay aad uga badbaadiyaan khuraafaadka iyo tasawufka, arrintaasna ay aad ugu ammaanan yihiin, laakiinse waxay balo kaga dhacday halkii ay ku faani lahaayeen in ay Wahaabiya yihiin ayaa markii la soo qaadaba ay wajiga dadbayaan, qofkii ka hadlana ama magacaas soo qaadana ay isku dayeyaan in ay ka jeediyaan, si aanu u sii wad wadin. 

Shiikh Maxamed C/wahaab ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee oo ahaa Shiikhii kaalinta libaax ka qaaday sidii uu Jasiirada Carabta shirkiga iyo khuraafaadka uga sifeyn lahaa, maaha manta marka magaciisa la soo qaado in ay kooxaha hirgaliyey halkankiisii in ay xanaaqaan ama ay isku dayaan in ay dadka ka indha saabaan xaqiiqada. 

Waxaana jirta in ay dadku ku kala geesisan yihiin odhaahda ku dhawaaqideed ama fikirka soo bandhigiisa, Fahad maqaalkii uu ka qoray Abshir Bacadle ee uu ku tilmaamay Gabyaaga Wahaabiyada wuxuu ahaa maqaal uu dhigay Fahad meeshii  ku haboonayd aadna wuu ugu mahadsan yahay Fahad Yassiin Xaaji Daahir. 

Asad Caddaani Ibraahim
Laascaanood . Puntland
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
assadlaska@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lhe qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2005

FAALLO::: WAXAAN QOONSADAY QORMADA FAHAD | Xoday

ABSHIR BACADLE: GABYAAGII WAHAABIYADA MAXAA HADAL LOOGA WAAYEY
Waxaad tahay gabyaa ay dadbadani sugayaan ee intaanoo dhacdo wax ka dheh... Guji... | Fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD