SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MADAXWEYNE

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad



C/RAXMAAN JAAMAC BARRE
IYO TARTANKA  MADAXTI-NIMADA .

           Waa qormadii aan ku qiimeyneynay tartama-yaasha

                      IDOORO AAN KA DAREE.  

HORUDHAC:


C/Raxmaan Jaamac Barre

Bilo kahor shirkii Eldoret ayuu C/Raxmaan Jaamac yimid magaalada Nairobi, maalmo kadib ayaa la’ogaaday in safarkiisu uusan booqasho kaliya ahayn ee uu yahay safar Siyaasadeed. Wuxuu bilaabay inuu saaxibo uruursado, dad badanna waa ku soo yaaceen. Talaabadii ugu horeysay ee uu qaado waxay noqotay inuu lakulmo waxgaradka beeshuu ka dhashay isagoo u akhriyey khudbad u ekayd muxaadaro kusaabsan taariikhda Soomaalida. Kadib wuxuu safar ku tagay degmada B/Dheere, taasuu si buuxda loogu soo dhaweeyey, waxayna u ahayd isku daygii ugu horeeyey ee uu ku tijaabinayey in dalka Soomaali laga rabo iyo inkale, waxaana isaga usoo baxday mar hadii B/Dheere laga soo dhaweeyey in dalka intiisa kalana laga rabo. 

MUXUU AHAA:

Wuxuu kamid ahaa raggii iyagoo dhalinta-yaraa waxbartay, wuxuuna dhigtay iskuuladii ugu aqoonta sareeyey dalka,  da’diisii wuxuu kamid ahaa dadkii aqoonta lahaa ee farta lagu fiiqayey. Wuxuuna koorsyo aqooneed u aaday dalka Talyaaniga. Wuxuu muddo ka soo shaqeeyey Wasaaraddii waxbarasha isaga macalin ka noqday iskuullada qaarkood iyadoo aysan da’diisa gaarin 20.sano. Iskiis ayuu u muuqday intii uusan walaalkiis dalka la wareegin, walow uu korintiisa qayb libaax ka soo qaatay walaalkii.

Wuxuu shaqaale ka noqday waaxo kamid ah Wasaarada Arimaha dibadda, kahor intii uusan inqilaabku dhicin, jagooyin kala duwan ayuu ka sooqabtay Wasaaradaas. Goortii uu M/S/Barre dalka sidii xoogga ahayd kula wareegay muddo kadib wuxuu u dalacay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda, intii ay jirtay dowladii milatariga wuxuu u dhaxeeyey Wasaaradda Maaliyada iyo tan Dibadda walow uu tan danbe u badnaa. 

SHAKHSIYAD AHAAN:

Dadkii yaqaanay waxay ku sheegeen inuu yahay nin jilicsan oo hadana isla weyn, ma’ahan aftahan hadal aqood ah oo wuxuu rabo kaa dharjin kara, waa nin garasho yar, mararka qaarkoodna aad mood ilma caruur ah. Wuxuu ku fakarayo kuuma sharxi karo, illeen isaguba mayaqaanee, xaalladda Soomaaliya markuu ka hadlayo sidii nimaan dalka u dhalan ayuu uga waramayaa. Oday Soomaaliyeed oo isaga yaqaan ayaa igu yiri, waxaan u malaynayaa inaan danbigiisaba laqorayn.

Wuxuu ku barbaaray nolol raaxo leh, oo dhibtu siday u taal mabayaqaan. Waa nin iloowsho badan, in sheekadiisa un la dhagaystana jecel, intabadanna isagaa is amaana oo iska sheekeeya. Intuu wasiirka ahaa, wuxuu ku caanbaxay shaqo xumo, iyo anshax xumo, haseyeeshee siduu halkan u yimid dadka hadda aadka ugu dhaw dhaw, waxay ii shegeen inuu aad u akhriyo Quraanka Kariimka ah, cibaadada iyo xiriirka Allana uu ku fiicanyahay.


M/S/Barre

Raggii ay isku loodka iyo isku waayaha ahaayeen xiriir sheeko madhexmarto, waayo wuxuu yahay wey ogyihiin, wuxuu jecelyahay inuu la saaxiibo qof aysan u dhaafsiisneyn aqoonta uu u leeyahay inuu yahay oo kaliya C/Raxmaan Jaamac. Waana bakhayl gacan adag, oo waxaa la ogyahay in qoyskii uu walaalkiis ka geeryooday Madaxweyne M/S/Barre qaarkood ay ku noolyihiin nolol hoose, isaguna uu haysto hanti farabadan. Waxaase la sheegaa in danihiisa Siyaadasdee uu si xad dhaaf ah wax ugu baxsho. 

INTUU WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA AHAA:

Wakhti baas baa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda, waxaa la yiri qoonkii jabaya taladaa eebahay ka lunshaa. Waxaa isku soo aaday Soomaaliya oo ku jirta dagaalkii 77. iyo C/Raxmaan oo ay talo meel daran ka timid u magacawday Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda. Labadaas balo ayaa halmar Soomaali kuwada dhacday, waxaa faallo qurxan ka bixiyey isku soo beegista labadan shil, Qoraha Buugga ( Dhacdooyinka Madaganyaasha) Mudane “Cabdi Xasan Jimcaale” wuxuuna yiri { Haddii laqiimeeyo dagaal-kaas iyo weeeraradaas, waxaa la oran karaa, Soomaaliya waa ay ku guuleysatay dhanka farsamada, aqoonta dagaalka ee weerar qaadista, iyo difaaca wajigiisa hore. Waxayse inkaari kaga dhacday oo dhaawac aan laga soo kabsan karin kasoo gaaray dhanka Diblomaasiyada, taasoo uu sabab u ahaa, Wasiirkii Wasaaradda Arimaha Dibadda C/Raxmaan Jaamac Barre, oo asagu mudaba ahaa nin kasoo shaqeeyey dhanka Diblomaasiyadda, haseyeeshee kuliitay qaabka gorgortanka Diblomaasiyadda, laxiriirka, iyo ka qancinta dowlada kale mowqifka dowladiisa, iyo asagoo ku liitay luuqadaha qalaad, marka laga reebo luqadda Talyaaniga, wuxuu ahaa shakhsi had iyo jeer ka carooda shirarka marka ay foodda isdaraan.}  

Waxaa taas marag fur u ah, xafladdii ugu horeysay ee ay dowladda Itoobiya ku aqoonsanaysay mucaaradkii dowladdii M/S/Barre, ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya, goortii ay khudbadihii rasmiga ahaa dhamaadeen, ayuu Wasiirkii si gooni ah miis ugula qadeeyey 3.kamid ah xubnihii mucaaradka ahaa, wuxuuna ku yiri. Soomaaliya waxay si weyn nooga adkaatay dhankii milatariga, waxayna na horkeentay awood iyo aqoon aan u bareeri weynay, waxaa taas garab socotay culays dhanka Siyaasadda ah oo ay nagaga adkaan rabtay, anagoo banaan cidla ah nala soo dhigi rabay ayuu ilaahay gargaar degdeg ah noo keenay, waana arin aan mahadeeda ilaahay siineyno, taasoo ah in dowladdii Soomaaliya ay Wasiirkeedii Dibadda umagacawday C/Raxmaan Jaamac Barre, oo ah nin dhinac walba kaga liitay xiriirka arimaha dibadda. Tusaalahaani waa mid kamid ah dhancoodiyka lama ilaawaanka ah ee laga xusuusto Musharaxa aan maanta u taagan in dalka oo dhan loo dhiibo. Wuxuu caan ku ahaa marka uu ka qaybgalo shirarka caalamiga ah ee Wasiiradda Arimaha Dibadda inuu khudbad ka akhriyo goobta shirka kadibna isaga soo tago, wuxuuna u dhaqmi jiray sidii wasiir ka socda dalalka khaliijka ama dowladaha horumaray qabweynidii haysay awgeed. 

ILA QOSOL SIYAASADEED:

Uma aan qaadan dhab markii iigu horeysay ee la ii sheegay in C/Raxmaan ay ku soo dhacday inuu isu sharaxo tartanka jagada madax-tinimda Soomaaliya, ee cayaar iyo kaftan baan mooday, maxaa yeelay, wax fog ayey igu ahayd in maanta uu C/Raxmaan damacaas yeesho, anoo isleh tolow C/Raxmaan isma uuyaqaan miyaa? Haddeyse dhacday inuu is ilaaway, malla-waayey cid xusuusisa dadka ninkuu ka’ahaa?  Sikastaba haku dhacdee akhritow maanta waa dhab ay mudan tahay inaad iga rumaysato in  C/Raxmaan uu kamid yahay Musharaxiinta jagada Madaxweyne. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo xaq u leh inuu iska dhaho wixii ku soo dhaca, waxaase layaab iyo lama ilaawaanna ah, ninkii shalay wixii la’ogaa dhigay inuu noqdo isla isagii kan hadana wax raba. Xildhibaan kamid ah Barlamaankan ayaan ku iri C/Raxmaan miyaad dooraneysaan? Wuxuu igu yiri: oo haddii isaga la dooranayo maxay dowladii u burburtay.

Xasan Xaaji Maxamuud oo ah qoraa Soomaaliyeed ayaa sida uu ku sheegay horudhaca buug uu ka qoray Soomaaliya, wuxuu yiri, in muddo ah ayaan is weydiin jiray dal dhan iyo umad dhan maxay ku dhacday iney dowlad la’aan noqdaan? Anoo taas cid iga qanciso la’, ayaan waxaan bartay buu yiri ilaa 28.qof oo kamid ah raggii ka soo shaqeeyey dowladdii M/S/Barre, barashadaydii raggaas wixii kadanbeeyey ilaa iyo hadda, waxaan isweydiiyaa buu yiir, dalkan ay kuwan hormuudka u ahaayeen maxay ku dhacday inuu wakhtigan soo gaaro? Muxuu goor hore u burburi waayey? Maxay ku dhisneyd dowladda ay raggan hogaanka u hayeen? Waa su’aalo larabo in laga qanciyo Xasan Xaaji iyo ragga badan oo fikradaas laqaba. Sow ila qosol Siyaasadeed ma’ahan in ninkii loo haystay inuu dalka siduu hadda u yaal ka dhigay, hadana inuu yiraahdo anaa maali jiray. 

LAXWALIBA SHILINKEY ISDHIGTAA LAGU QALAA:

Umaddi iyadaa horumar isgaarsiisa ama meel daran iska tuurta. Soomaalidu haddey 14.sano kahor iska riday dowladii uu hormuuka ka’ahaa C/Raxmaan Jaamac iyo raggii lamidka ahaa, misana ay ilaa iyo hadda isbadal keeni waayeen, sow gar ma’ahan in kii shalay la eryey uu is dhaho war malaha Soomaali wax adiga ku dhaamaba waa la’dahayee bal u gargaar, ugu yaraan armaad ku celisaan siday ahaayeen waagii kuugu danbaysay, adiguna aad wali sidaadii  tahay, iyadoo ayba kuu dheertahay duqniimo. Wuxuu is dhihi karaa wax xun, wax la’aan ayey dhaantaa, kaba soo qaad adigu inaad nin xun ahayd hadde Soomaali sidaad ku ogayd ka sii xumaatay, allaylahay yaa maali jiray ayey maraysaa ee tabtaan uga tagtay Soomaali ku soo celi. 

DALXIIS SIYAASADEED:

C/Raxmaan Jaamac Barre wuxuu kamid ahaa raggii hantida badan ka tabcay intii uu xilka hayey, waxaana la sheegaa in dhaqaale xoogan ay u yaalaan dibadaha, 14.Sano ayaa u dhamaatay intii uu shaqo la’aanta Siyaasadeed noqday, dadka qaarkiis waxay qabaan in odayga musharaxnimda uu ku dhawaaqay ay tahay un dalxiis Siyaasadeed oo uu rabo bal inuu waayo waayo soo xusuusto. Waxaa la leeyahay waa ogyahay inuusan halkan Madaxweyne ka noqoneyn ee wuxuu ka rabaa oo kaliya inuu ka dhigto dhaqdhaqaaq Siyaasadeed oo uu nafta ku maaweelinayo. 

KADARE HANAGU DOORAN:

Haddii la uruuriyo ceebihii M/S/Barre iyo khaladaadkii ay dowladiisii gashay, waxaa qayb libaax ka qaadanaya C/Raxmaan jaamac. M/S/Barre dhaawacii ugu weynaa ee ku dhacay wuxuu ahaa inuu qoyskii R/Barre midkan kala soo dhexbaxay, wuxuu ahaa ninkii inta badan haadanta ka tuuri jiray. Xilli dalkii uu dhaqaale-xumo iyo sicir barar ka dhacay ayuu Madaxweynihii u magacaabay C/Raxmaan Wasiirkii Maaliyadda, waatii qisadii lama ilaawaanka noqotay uu ku kacay, bulshadii Soomaaliyeedna meel kasta oo ay joogtayba halmar ku wada dhawaaqday KANI WAABA KADARE. Waxaa yaab leh meeshii uu soo qabtaba dharbaaxo weyn ayaa umadda Soomaaliyeed kaga soo dhacda. Xildhibaanka Soomaaliyeed ayey u taalaa inuu maanta ku fakaro codkaaga sii, ninkii goortii Arimaha Dibadda loo dhiibay sidii la ogaa falay dagaalkii 77.  iyo ninkii markii loo dhiibay Wasaaradda Maaliyadda ay Soomaalidu u bixisay KADARE. Hadaba bal aan sugno waxay Mudanayaa-sheenna sameeyaan 10.ka bisha 10.naad ee sanadkan. 

MAXAAN WAX UGA QORAY:

Akhyaar badan oo saaxiibaday ah ayaa igula taliyey kadib markaan u sheegay inaan ninkan wax ka qorayo, inaan iska daayo qoraalkaas, iyagoo I leh ma istaahilaa inaad wakhtigaaga intaas le’eg siiso wax ka qorista C/Raxmaan Jaamac? Waxaan ugu jawaabay. Ugu yaraan, bal anna dalxiis qoraal ha ii ahaado. Waxaase jira sabab igu kaliftay inaan wax ka qoro, taasoo ah. Waxaa la yiri: Nin waalan ayaa aabihii oo dhintay ka dhaxlay lacag farabadan, markaasuu  lacagtii isaga cayaaray, ehelkiisii ayaa ku yiri, war maxaad lacagta ugu dheeleysaa? Wuxuu ugu jawaabay. Hadde sideen yeelaa hadaan waalanahay, lacagtana aan anigu leeyahay? Hadaba xaalkeygu wuxuu yahay, hadde sideen yeelaa anna, hadaan rabo inaan dadkayga wax uqoro, C/Raxmaan Jaamac Barrana uu nasiib darro kamid noqday Musharaxiinta lahadal hayo. 

FILASHO:

Uma’aan qorin qoraalkan sidii nin malaynaya iney Soomaali doorato C/Raxmaan jaamac oo waan ogahay inuusan guuleysaneyn, waxaanse guul weyn u qirayaa haddii uu codod la sheego ka dhexhelo xubnaha Barlamaanka, taasoo iisi cadayn doonta in qaar Soomaalida kamid ah aysan wali gaarin hammi dowladeed. Haddiise ay noqoto sidaan rabo, oo ah inuu hal codna heli waayo, waxaan ku qaboobayaa in Soomaali ay hadda diyaar u tahay iney isweydiiso yaa dalka dan u ah? Iyo dowladnimo hadeer marabnaa?

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Sept 29, 2004

URL: www.SomaliTalk.com/fahad


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

Qaar kamid ah sawirada: Google Search

KHATARTA INTERNETKA: www.somalitalk.com/qiso/dahabo.html
© www.SomaliTalk.com
Allah Is Great



HTML CD