SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::



URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE.

Maalmahan waxaa Soomaaliya ku soo fool-leh duulaan gumaysi qaawan ah oo uu wado, dalkii ay Soomaalidu 77.kii Harar agteeda u fariisatay. Dhulkii uu Axmed Guray Jahaadkii dheeraa ka galay. Qoladii  Sayidku khatartooda arkay ee uu Jahaadka ku kiciyey. Waa gubays-tihii madoobaa ee G/Afrika wax ka daganaa. Inaan magaciisa kuu sheego uma baah-nidee adigubaa garo.


Xubno ka tirsan maxkamada Islaamiga ah oo dhegeysanayey xubno ka tirsan baarlamaanka FKMG, Feb. 5, 2005, Mogadishu, Somalia. | Sawirka: AP.

Ururada Islaamiga ah ee Soomaaliyeed waa kuwa matala Culimada. Hadaba haddii dalkii 14.Sano dowlad la’aan ahaa. Shirkii caajiska badnaa ee Nairobi-na ay dowladi ka dhalatay. Taladii ugu horeysay ee ay madaxdii dowladda keeneen ay noqotay in Soomaaliya gumaysi hor-leh gacanta loo galiyo. Maxay tahay talaabada u taal Ururada Islaamiga ah.

Wadankeenna waxaa ka jira ururro tiro badan oo wada leh Islaamka ayaan u taaganahay, dalalka islaamkana inaan difaacno waa nagu waajib. Waxaan rabaa in madaxda ururadaas iyo shacabka Soomaaliyeed isbarto, si loo hubiyo waxa ka jira dhanbaallada qurxoon ee ay dadka u sheegeen, sidoo kale in umadu ogaato in dowrkii culimada qaarkood maqan-yahay.

Hadaan si faah-faahsan uqaadaa-dhigo oo aan ka bilaabo midkoodii hubaysaa, uguna shacbiyadda badnaa waa ururkii Al-Itaxaad Al-Islaami. Ilaa iyo hadda lama hayo  warmurtiyeed cod ah ama qoraal ah oo ay uga hadlayaan khatarta ciidamada shisheeye.

Waagii ay Gado soo galeen askartii Itoobiyaanka waxaa la’arki jiray rag Idaacadaha ka hadla oo magacaas matala oo leh, hadaannu nahay Itaxaadka waanu jahaadaynaa, umadana waa iney isdifaacdo. Su’aashu waxay tahay maxaa hadda aamusiiyey? Goobihii ay ciidan ahaan iyagu u xukumeen markii la soo weerarayba wey qaylinayeenee, haddeer oo dalkii loo soo socdo muxuu yahay mawqifkoodu?

Mise macnuhu waaba “Muraad aadan joogin aqbal ma’ahan” oo ah haddii aynan anagu dalka xukumin hawl noo taallo ma’ahan? Dadka qaar ayaa qaba in ururkaasi uu warqadiisii geeriida waa hore qaatay, firxadkiisiina uu qaarba meel ku dhacay. Waxaanse laga qanci karin  ururku wuxuu lahaa Culimo waaweyn oo ay bulshadu ka warsugto, haddii uusan ururkii wali jirin maxa xanibaya Culimadaas iney hadlaan?

Al-Islaax waa midka ku abtirsata dallada weyn ee dunida ka jirta ee Al-Ikhwaan Al-Muslimiin, laantooda Soomaaliya ayaa la yiraahdaa Al-Islaax. Waa niman Siyaasadda aad u xiiseeya, hankooduna uu yahay sidii ay dowladda u gaari lahaayen, wadaado masaajidda fadhiya iney noqdaan waxay ka jecelyihiin iney ka qayb-galaan golayaasha bulshada looga arrimiyo. Sidii ay u bilaabatay hadal-haynta ciidamada shisheeye wax warkooda ah lama maqal. Goortii ay dowlada Soomaaliyeed ku dhalatay Kenya waxay soo saaren war-saxaafadeed ay ku taagerayaan dowladaas, taasoo marag u ah in ururku uu wali nool-yahay, kahadalka arimaha Siyaasdana uu wali danaynayo. Hadaba maxay tahay sababta ilaa iyo hadeer ay uga hadli la’yihiin khatarta ay leedahay Itoobiya oo soo gasha gudaha Soomaaliya si ay dadka hubka gacanta uga dhigta? Ma dhexdooda ayaan wali isku qancin sidii ay hal’aragti uga qaadan-lahaayeen khatartaas? Mise sidani waaba ka aragti Siyaasadeed oo ah adinku dadka ha horboodina, wuxuu xaalka noqdana wax ku darsada?

Sida taariikhda dhaw lagu hayo, intii jeer ee ay ciidamada Itoobiya soo galeen gudaha Soomaaliya ma’aysan soo saarin warmurtiyeed cad oo ay arintaas uga xunyihiin, waliba xiliyada qaar waxay ku diganayeen dad ay ku tilmaameen iney iyagu sabab u yihin soo galista Itoobiya ee dhulka Soomaalida. marka hadeerna ma sidaasoo kale ayey yeeli doonaan?

Jamaacatu-Tabliig waa niman ahlu-khayr ah. Sidoodaba Siyaasad lama tuso, meeley gashana madamaaciyaan, qaamuuskooda shaqana kamaba mid ahan, iyaga hadeerna laga sugi maayo iney shir jaraa’id qabtaan oo ay arimahaas ka faalloodaan. Waagii uu socday Jahaadkii Afgaanistaan ayey khuruuj u aadi jireen jiidda hore ee furinta dagaalka iyagoo isleh dacwada ku dhexfaafiya xeryaha Mujaahidiinta.

Niman-kalaa jira oo ay dadku magac u yaqaanaan iyaguse magac kale isu yaqaan. Dadku waxay ugu yeeraan Salafiya Jaddiida ( Salafiyada cusub) laakiin iyagu Jadiidiyada ayey iska reebaan oo Salafiyadey laharaan.  Asalkoodu wuxuu ka soo jeedaa firxadkii Itaxaadka oo ragga hada maskaxda u ah Salafiyadan cusub waa isla raggii hogaanka u hayey Itaxaadka oo xer cusub iyo xiriirro cusub samaystay.

Dabcan malahan afhayeen, umana shaqeeyaan sida lagu yaqaan ururada dunida ka jira, waxayse leeyihin wadaado hadalkooda loo qabto oo cabira fikradaha ay Salafiyadu qabto. Ma’ahan niman Siyaasadda gala, mana ay ogola in wadaad iyagoo kala ah uu Siyaasada matalo. Waxayse u daayaan hadba madaxda dalkaas ka jirta iney lahaato jeexidda hanaanka Siyaasadeed, warkoodana waxay ku soo koobaan hala raaco Amiiru-Mu’miniinka.

Faragalinta cusub ee Soomaali lala damacsan-yahay wali kama aysan hadal, waxaana suurowda ineysanba kaba mid ahayn hawlaha hadeer u yaalla.

Sooyaalka dhaw waxaan ku haynaa dhawrkii jeer ee ay Itoobiya soo gashay gudaha Soomaaliya wey ka aamus-naayeen. Waxayse mar kahadleen soo galistii gado, laakiin hadalkoodu wuxuu ahaa. Haddii Itoobiya ay Afgooye soo gaarto waanu ku jahaadeynaa. Waa su’aalee Itoobiya hadeer ayey Afgooye usoo socotaayee maxaa u tala ah Salafiyadan?

Aqoonta loo leeyahay Salafiyadan haddii la kaashado waxaan laga sugi doonin iney ka hadlaan mustaqbalkan Soomaali ku soo socda. Waxaan sidaas u leenahay dunida Islaamka oo ay waxyaabo waaweyn ka dhacaan ayeysan wakhti siinin sidii ay bulshada u tusi-lahaayeen dhibaatada haysata.

Hadaan tusaale ku siiyo shacabka Ciraaq waxay kula taliyaan iney hogaan-samaan oo ay aqbalaan in laga adkaaday, waxay fatwoodaan in Iyaad Callaawi uu yahay Xaakim sharci ah maadama uu adkaaday, sidaas awgeedna ay waajib tahay in la’adeeco oo qalalaasaha laga daayo. Warkoo kooban Salafiyadan waa iney ugu yaraan noo cadeeyaan haddii ay qabaan in laraaco talada uu Amiirul-Mu’miniinka Soomaaliya soo jeediyey oo ah in ciidanka Itoobiya lacaawiyo.

Majamac Al-Culamaa waa xertii Aabihii Baraaruga Islaamiga ah ee Soomaaliya. Sh. Maxamed Macalin Allaha-u-naxariistee. Waa rag aan dayacin mas’uuliyadda diineed ee saran. Waagii Maxamed Siyaad dhaxalka ku gafay xerta Sheekh Maxamed bey ahaayeen kuwii yiri diinta yaan meel looga dhicin, hadalkaas awgiisna waatay u god-galeen. Intii jeer ee Soomaaliya la soo faragaliyeyna diidmo cad ayey kala horyimaadeen. Duulaankan cusubna shir jaraa’id oo ay qabteen ayey kaga digeen khatarta uu leeyahay. Allaylahay Culimo ku dayasho mudan iga dheh.

Ururadan kala duwan ee aan ka soo hadalnay waa qayb kamid ah Culimada Soomaalida, qaybo kale oo iyaguna muhim ah ayaa jira, haddii eebe noo oglaado wakhtigeeda ayaan falan-qayn-doonnaa

Waxaad dhihi kartaa maxaa wadaadada Soomaaliyeed laga rabaa sow iyaga mudaaharaadyada waaweyn xamar ka’abaabulay, sow iyaga magacyo kala duwan ku hadla sida Maxkamadaha iyo Dallada Culimada. Si’aadan khalad u fahmin aan hal qodob kuu sheego. Culimadaas aad sheegtay waa niman ka tarjumaya mas’uuliyada sida gaar ah u saaran ee ma’ahan kuwa ku hadlaya magac urur islaami ah, waxayse muujiyeen sida ay u dhibayso haadaanta bulshada Soomaaliyeed laga sii tuurayo.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Feb 21, 2005

MUQDISHO SOO DHAWAYNTA WAA KA DAACAD, LAAKIIN MAXAA KU XIGA?


URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD