SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::



REER JABUUTI: SHANTAAN QODOB HAKU DOORTEEN GEELLE.  

Ismaciil Cumar Geelle waa Madxweynaha Jabuuti. Waa nin dhalinyaro ah, aqoonna u leh dalkiisa wuxuu u baahanyahay. Dalkiisa oo dal yar ah ayaa hortaagan han badan oo ku jira inuu gaaro. Waxaan shaki iiga jirin haddii xilka Madaxtinimada mar’un uu ka dago in dunidu aysan ka maarmi karin oo loo dhiiban-doono xilal caalami ah.

Wa markii iigu horeysay Taariikhdayda oo aan qoraal ku taageero mid kamid ah tartamayaasha wadankey rabto ha’ahaatee. Maantase waxaa igu khasbay hogaamiye Geelle oo ah nin dadka waxgaradka ahi ay xurmeeyaan. Ma’oranayo Mudane Geelle ayaa ah ninka ugu fiican Siyaasiyiinta Jabuuti. Waxaanse leeyahay waa ninka ugu mudan maanta inuu hogaamiye dalka Jabuuti.

Muddo haantan laga joogo 4.Sanadood ayaan ku sheegay maqaal aan ku qoray Jariidda Asharq-Alawsat in Ismaaciil Cumar Geelle uu mudanyahay in lasiiyo Shahaadada Caalamiga ah ee nabadda. Soomaalida dhexdeeda waa nin xurmo ku dhex leh. Wuxuu u qabtay shirkii Carta ayaa ah mid lagu dhigan doono taariikhda maguurtada ah ee Soomaalida.

Aw-Jaamac Cumar Ciise Taariikh-yahankii Soomaaliyeed ayaa yiri: Ismaaciil Cumar Geelle waa hogaamiye muhim u ah G/Afrika, lehna han qawmiyadeed. Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa igu yiri: Hadduu jira Siyaasi Soomaali u dhashay oo aan qalbiga ka jeclahay waa Ismaaciil Cumar Geelle. Suldaan Siciid ayaa shirkii Carta ka yiri: Haddii Dastuurka Soomaalidu ogolaanayo waxaan dhihi lahaa Geelle Madaxweyne ha u noqdo Soomaaliya.

Umadda Soomaaliyeed wuxuu u qabtay ma’ahan wax la soo koobi karo. Dowr muuqda ayuu ka qaatay din-u-heshiistooda, wuxuu u fidiyey gogoshii taariikhiga ahayd ee ay dowladda ku soo dhisteen. Wuxuu u ahaa walaal kala dhexgalay walaalihiis. Marka uu xaalku adkaado wuxuu muujinayey in mustaqbalka Soomaalida ay murugo ku hayso. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu helo garabka haddeer ka maqan ee ay la’aantiisa wax badani usuuroobi la’yihiin.


Farshaxankii Amiin Caamir
(C) www.aminarts.com

Aqoon shakhsi ah uma lihi Madaxweynaha waxaanse ku ixtaaraama dhawr qodob oo ay kamid yihiin.

1.   Soomaali-nimada oo agtiisa macno weyn ugu fadhida. Xoog iyo xoolo wuxuu awooday wuxuu ku bixiyey sidii Soomaalidu ay dal dowlad leh u noqon lahaayeen. Waxaase nasiib darro ah fursadii uu wax waliba ku beelay in isla Soomaalidii ay iska khasaariyeen, taasna ay tiiraanyo ku noqotay Geelle.

2.   Wuxuu ka fakaray in dalkii Soomaalida haddii ay dowladnimadii degdeg ku soo noqon weysay in loo xifdiyo dhaqankoodii iyo afkoodii. Jabuuti ayaa laga furay xarun cilmi baaris oo lagu uruuriyey intii haysay dhaqankii iyo afkii Soomaaliga ahaa. Dhawr shir oo muhim ah ayaa Jabuuti lagu qabtay, wuxuuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu yahay nin Qawmiyadda Soomaalinimada ay ku weyntahay.

3.   Wuxuu wax weyn ka qabtay dhinaca diinta Islaamka. Dalkiisa ayuu ku martiqaaday qaar kamid ah Culimaddii Soomaalida si ay diinta u xoojiyaan bulshada Jabuutina ay ugu hagaan diinta Islaamka. Waxaa dalkiisa dagan Sh.Cumar Faaruuq. Madaxweyne Geelle dadka yaqaanna waxay sheegeen inuu yahay nin Islaamnimada ku dhagan kuna dadaala.

4.   Dalkiisa dhawr mashruuc oo wax ku ool ah ayuu ka qabtay. Wuxuu gaarsiiyey meel sare. Mashaariic badan oo tayo leh ayuu dalkiisa u fuliyey intii yarayd ee uu xilka hayey.

5.   Waa nin Siyaasadda u basil oo fahmaya sida uu ula jaanqaadi karo hadba marxaladda jirta. Wuxuu la’yahay siyaasi Soomaali ah oo sidiisa oo kale u fakara. Haddii taas laheli lahaa Qawmiyadda Soomaalidu waxay noqon lahaayeen kuwa hogaamiya  Siyaasadda Qaarada Afrika.

Waxaan isleeyahay R /Jabuuti iyagaa dantooda sifiican u garanaya, laakiin hadaanu isla nahay dad hal meel kuwada abtirsada, waxaan ka codsan lahaa iney u codeeyaan Geelle. Qofkasta oo Soomaali ah mayaqaanno wuxuu ku abaal marin lahaa shacabka Jabuuti iyo Madaxweynahoodaba. Waxaanse leeyahay Geelle oo markan doorasha ku guuleysta waxay qayb libaax ka qaadan doontaa Soomaaliya oo dowlad waarta yeelata.

Haddii aan ahaan lahaa Muwaadin haysta Aqoonsiga R/Jabuuti waxaan codkayga siin lahaa Musharaxa Geelle. Xildhibaan Ismaacil Hurre Buubaa ayaa ahaa ninkii u horeeyey ee sii sheega inuu C/Laahi Yuusuf u codayn doono marka lagaaro doorashada. Sidaas awgeed haddiiba Buubaa sii sheegay ninkuu u codayn doono, anna inaan sii sheego wax laaxin ah kuma jiro.

Ismaaciil Cumar Geelle oo laga waraystay arimaha Soomaaliya

QAYBAHAAN AYAA DALKII DAYACAY

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | April 4, 2005


URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD