SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


WAR WAX QOROW, ADIGU WAX MA'AKHRIDAA?

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Isniin:  April 3, 2006


Dhaqanka qoraaga waa ka duwan-yahan dadka intiisa kale. Waxaa cilmi baaris lagu ogaaday, dadka inta ugu dabeecada xun iney ugu horeeyaan kuwooda falsafada iyo qoraalka isku hawla, ama hadii siguud loo dhaho, kuwooda danaha guud isku xilsaara.

Qoraagu kolka uu damco inuu Maqaal ama Buug alifo, wuxuu lamid yahay haweeney foolaneysa, oo wuxuu soo majiirtaa hadalka ugu haboon, ugu soo jiidasho wanaagsan, misana ugu quruxda badan.

Maxamed Qudb oo ka waramaya walaalkii Sayid Qudb ayaa tibaaxay in Sayidku uu ka duwanaa qorayaasha kale oo dhan, wuxuu yiri: Annagu kolka aan wax qoreyno, waanu ku noq-noqonaa, waanu sax-saxnaa, laakiin Sayidku wuxuu ahaa mulham, oo halmar ayuu maaxan jiray, kol-kaasuu bad dhan oo cilmi ah xarriiqi jiray, taasi waa xaalad ay dad yeri gaaraan, waa sida gabayga oo kale, oo nina waa ka fakaraa, oo waa u qalab uruursada, ninna halmar ayuu xikmado sii daayaa sida Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo kale.

Kolka aad eegto qorayaashii hore waxay ahaayeen muraayadda laga daawado heerka horumarineed ee ay bulshadu markaas ku dhex noolyihiin, waayo, noloshaas jirta ayey isku dayaan iney daaweeyaan, qaarkoodna iyadaas ayey qoraal ahaan u matalaan, oo maskax hooseysa ayey wax ku qoraan. ( tan danbe waxay ku xusuusineysaa qaar kamid ah qorayaasha Soomaalida).

Waxaan xusuustaa mid kamid ah ragga lagu tiriyo qorayaasha Soomaalida ayaa maqaal uu qoray ii keenay, kolkaas ayaan su'aalay sadax qodob oo kala ahaa.

A: Dabaqadee ugu talagashay iney akhristaan maqaalka?

B: Marka hore maka fakartay inta jumlo ee aad qorayso, adoo iswaafajinaya wakhtiga qofka ku akhrisanaya, iyo fariinta aad dhiibayso?

C: Siday u egtahay qaabka aad ka rabto inuu noqdo qofka akhrisanaya maqaalkaaga?

Inta qoslay ayuu iigu jawaabay, waxaas wali isma aanan weydiin.

Haddii aad eegto taariikhda qorayaashii hore, waxaad ogaaneysaa in mid waliba uu lahaa qaab u gaar ah oo uu wax u qoro, xitaa sida uu u labisanayo, iyo siday u egtahay halka uu wax ku qoranayo.

Maxamuud Cabbaas Al-Caqaad waa qoraagii weynaa ee R/Masar wuxuu wax qori jiray isagoo taagan, laakiin sheeko qorihii R/Faransa Balzaak,  kolka uu wax qorayo tarbuus shaah ayuu isa soo agdhigi jiray, halka Loraansi oo isna suugaan-yahan R/Faransa ahaa uu dharka oo dhan iska dhigi jiray goorta uu wax qorayo.

Waxaa yaab lahaa Gabyaagii Maraykan Idjaar Baw, oo isagu Mukulaal garabka saarta, si uu ugu xaragooda qorista qalinka.

Waxaase qosol leh suugaan-yahankii R/Norwey Ebson oo hortiisa soo dhigan jiray suugaan-yahan kale oo uu necbaa, kolkaasuu qalinka qaadanayey si uu ugu xanaajiyo ninkaa uu colaadda u hayey. Hormuudkii gabyaga carabta Axmed Shawqi, kolka uu damco inuu wax qoro, warqadii u dhaw ayuu ku qoran jiray, xitaa hadii ay u dhawdahay gal taraq.

Cilmiga qaab-qorista qoraalka waxaa lagu dhigtaa, in maqaalka iyo warku ay kala duwanyihiin, oo maqaalku uu ku fiican-yahay in horudhac, dhextaal, iyo gabagabo loo dhigo, fikradaase waxaan lagu fulin-karin akhristayaasha afkan.

Qoraagii Maxmed Carab " Falax-Falax" ayaa ku taliyey in qofka Soomaaliga loo soo hormariyo fariinta ugu muhimsan maqaalka, kadibna lagu xijiyo, sharaxaadda kale, iyo wixii faah-faahin ah.

Fikradaan isagoo sabab u yeelayo wuxuu ku macneeyey in ruuxa Soomaaliga ah kolka uu bilaabo qoraalka, isagoo wax yar akhriyey ayuu xusuusanaya R/hebel dhibkii uu cidooda ku hayey, ama qof kale ayaa hadal u bilaabaya, kol-kaasuu sheekadaas ku wareegayaa isagoon oran ii kaadi aan dhameeyee maqaalkan.

Haddii fikradaas sideeda loo qaato, waxaaba haboon in maqaalka dadkaas loo qorayo lagu soo koobo laba ama sadex jumlo sidii cod bixinta oo kale ah.

Waajibaadka ugu muhimsan ee saaran qoraaga waxay tahay, in akhriskiisa uu ka bato qoraalkiisa, taasi waxay kobcineysaa khaanadiisa aqooneed, si ay ugu suuragasho inuu akhristihiisa ugu gudbiyo hadba xogta ama xikmadda cusub ee uu helay, haddii kale wuxuu qoraalku noqonayaa, sheeko ka heer hooseysa tan suuqa lagu hayo.

Waxaa haboon in qoruhu is baro inuu maalintii ugu yaraan 5. Maqaal akhriyo, ayna ku jiraan ugu yaraan hal maqaal, oo uu qoray qof uu siyaasad ahaan, ama fikrad ahaan uga soo horjeedo, sidoo kale asbuucii ugu yaraan inuu akhriyo 300. oo bog oo buug ah, isagoo isku dayaya inuu xoogga saaro cilmi baarista uu jecelyahay inuu meel wanagsan ka gaaro, iskuna dayo inuu wax ka akhriyo mawaadiicda ay u badanyihiin qoraalladiisa.

Marka aad qorayso fikrad aad leedahay, wey ka duwan-tahay kolka aad cilmi baaris ama warbixin diyaarineyso, saasoo ay tahay, waxaa waajib ah, inaad si hufan, oo fudud u sharaxdo waxa aad rabto, iyo waxa aad diidantahay.

Qorayaasha Soomaalida badankood waxay qoraan waxa ay diidanyihiin, waxaase haboon in sidoo kale xoogga la saaro, waxa la rabo, si bulshadu ay jid u hesho, haddii kale, waxaa akhristaha ku sii badanaya quusta, iyo rajo la'aanta.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@gmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | MAbril 3, 2006

URL: www.SomaliTalk.com/fahad



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD