SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab "MADAXWEYNE C/LAAHI: LAGU DOORAYEE  HA DILIN "

Abdi Kacaandiid
kacaandiid@hotmail.com

Sida meelo badan hore loogu qoray burburka somalida ku habsaday saxaafaddu kama nabadgalin, waxaadna is dhihi kartaa haddii warlords-ka iyo malleeshiyaadka u dagaalamma yihiin kuwa dabka shida, in saxaafadda tayada xun ee Somalidu-na tahay gaas-kii lagu sii shidayay dhibka. Badana, iyagaa dadka ku kiciya qoraallo iyo guubaabo, iskuna sii dira bulshada somaliyeed ee dhibku ku habsaday.  

Haddaad iswaydiiso waxa ugu wacan dhibkaas inay gaystaan dadkii ay ahayd inay umadda wacyi galiyaan ama tusaaleeyaan sida adduunka kale, waxaad ogaanaysaa in waxa nimanka wax ku qora websites-ka somalida iyo meelaha kale, ay magac ahaan uun u sheegtaan warirayaaal, laakiin aysan lahayn aqoon wariyanimo iyo mid kale oo ay wax ku kala gartaan, arrintuse ka noqotay meesha oraahda somaliyeed ka tiraahdo “Ficil baa isoo qaadayaye, ma fil sacab tumaan ahaye”. Mar haddii uusan wariya ku sheegga Somaliyeed uusan qori qaadanayn oo reerkiisa ula duullaan tagayn reero kale, waa inuu dagaalka afka ah ugu hagar baxaa oo wax jira iyo waxaan jirinba sheegaa.

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

Haddaan usoo noqdo faalladii uu Fahad hore uga qoray madaxweynaha, iyo tan hadda uu kula talinayo, waxaad mooddaa inaan dhib kale oo aan ahayn tayo xumada wariyanimo ee somalida aysan meesha ka muuqan. Waxaa gunaanadkii Fahad ee faaladdiise hore ku jirtay mar uu madaxeynaha talo ah tanaasul siinayey “Haddiise aad taladaas diido oo aad ku adkeysato musharax-nimadaada, waxaad ogaataa ifafaalaha hadeer muuqda inuusan kuu tilmaameyn dabeyl wanaagsan, murugo aan hadda ku haynna aad lakulmi doonto kadib marka ay Soomaali ku tiraahdo wakhtigaagii adaa cunay. Wax kasta waa la fishaaye haddii nasiib-kaagu wanagsanaado oo aad noqoto Madaxweynaha Soomaaliyeed, waxaan ku qanci doonaa in Soomaali ay maanta meel xun ka dhacday. Aniguna nasiib xumo aan lakulmay.”.

Haddaad eegto  adduunka kale, saxaafaddu badanaa waxay isku daydaa inay muujiso dhexdhexaadnimo, haddiise ay rabaan inay taageeraan murashax, ama mid ka horyimaadaan badanaa waa ka fogaadaan inay saadaaliyaan cidda guulaysanaysa iyo cidda laga guulaysanayo. They have reservations.

Fahad iyo intii kale ee waagu ku baryay oo aan filayn doorashada Abdullahi Yusuf, amase filayey asii ay ka ahayd Qorrax-sacab-saar iyo qancin dano beelo kale ama shakhsiyo kale, mar haddii madaxweynihii uusan guulaysan kaliyee uu ku guulaystay aqlibayadda intaa le’eg ( landslide), sow lama oran karo wax ma cabbiri karaan qoraalkooduna waa qalin qaado meelaad wax ku qortana ha waayin, waxaad qortana ha waayin.

Haddii aan madaxweyne Abdullahi Yusuf la taliye u ahaan lahaa, oo warqaddaadii hore aan akhrin lahaa, middaadan danbe 5 seconds kuma lumiyeen, mar haddii cabbirkaagii horeba sidaa xaqiiqda u hareer maray sow lama dhihi karo, talooyinkaga danbena inay rumoobayaan uma badna.

Haddii aad is hayn wayday inaad wax qortana damacday, waxaa habboonayd inaad waqti badan ku sharraxdo waxa aad kuu hareer mariyay dhacdadii doorashada, iyo siyaabahaha uu Abdullahi u guulaystay oo aadan filayn, markaas bay suuragal kuu ahaan lahayd in qoraalkaaga iyo talooyinkaaga la akhriyo.

Aan ku xusuusiyee haddii Abdullahi Yusuf uu taladii aad hore u siisay  oo ahayd ha tartamin oo tanaasul, uu raaci lahaa miyuu maanta gaari lahaa hadafkiisa Somaliyi ugu aammintay qaranka. Sow gar uma leh inuusan waxba kasoo qaadin talooyinkaagan danbe, mar haddii cabbirkaagii hore la arkay. Waxaa habboonayd inaad sida yarka la yiraahdo hebel Ingiriis oo meelahaas isna wax ku qora, aad iska bareerto, illeyn ugu danbayntii wuxuu ka hadlay mar haddii Abdullahi la doortay oo uusan reerkayaga ahayn, dowladdiisu shaqayn maysee. Haddii aadan reer ahaan uga soo horjeedin Abdullahi, ee ay talo meesha kula martayna waxaa qummanayd inaad intii muddo ah qoraalada ka maqnaato, inkastoo wixii la qoraa ay maanta kaydsamaan oo adduunku sidii hore ka duwan yahay.

Abdi Kacaandiid
kacaandiid@hotmail.com

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

KHATARTA INTERNETKA: www.somalitalk.com/qiso/dahabo.html
© www.SomaliTalk.com
Allah Is Great



HTML CD