SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab ku Saabsan Khudbadii Madaxweynaha


Abdul Raxmaan Xariiri | Saudi Arabia
Xariri@hotmail.com  | Agoosto 1, 2005

abdullahi Yusuf
C/LAAHI YUUSUF AXMED , MDFKMG
:::DUULIYE: XAAJI DHAGAX:::
Dhambaal ku socda C/Risaaq Xaaji Xuseen oo uu qoray Duuliye Sare Xaaji Dhagax ayaa ku bilowday sidan: Bal Garwaaqso, Warankaad Gantiyo Gadaha Aad Joogto.. ka Akhri halkan... Guji...
:::ASAD CADDAANI:::
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka C/laahi oo wafti Balaadhan Oo Uu Horkacayo Bush Ku Soo Dhaweeyey Garoonka Muqdisho.. Caddaani
:::ABSHIR BACADLE:::
Muxuu Abwaan Abshir Bacadle ka yiri Maqaalkii "Khudbaddii Madaxweynaha" Soomaaliya ka akhri halkan... Guji...
:::FAHAD & ISNIINTA:::
ISBAARADA BADDA IYO TAN CIRKA GORMAA LAQAADAYAA? ... Maqaalkii Isniinta ee Fahad... Guji...
Shaki kuma jiro in Soomaalidu u baahantahay inay hesho dib u heshiisiin buuxda ayna tahay Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha cida ay la gudboontahay tahay ee laa doonayo inay bilaabaan hawshaas af iyo adinba laakiin, waxaa is waydiin mudan Qabqablayaasha iyo Ra’iisul Barlamaanka ay ka “dhex-hadlayaan” ma yihiin qaar doonaya in soomaaliya dowlad noqoto oo lahelo amaan iyo kala dambayn, dhibaatada jirtana la soo afjaro oo shacabka soomaaliyeed xuquuqdooda bini’aadminimo ugu yaraan helaan, mudp 15sano oo dagaal sokeya ah ka gadaal? Jawaabta arintaa waxaa u daayeey walaalkay Fahad Yaasiisn Xaaji Daahir.. qoraaga maqaalkii Khudabdii Madaxweynaha.

Marka aan ka soo qaadno in madaxweynu khudbadaa tanaasulka iyo toobad keenka ahayd ee aad u diyaarisay akhriyo, waxaa la hubaa in qab-qablayaasha Gurracan ee dhiiga umada ku mamamay ay markiiba u akhrisanayaan si khalad ah ayana u qaadaan doonaan in madaxweynahu Niyad jabay, oo isa soo dhiibay waxa hadalkaas ka yeersiiyeyna uu yahay baqdin uu malayshiyadooda ka baqayo.. iyo tanaasul loo sameeyey inay fal dambiyadoodii halkii ka sii wadaan.

Isku soo duuboo, yaasiinoow Khudbadaadii mala awaalka ahayd waa la xafidayaa ilaa laga helayo cidii ku haboonayd ee loo akhriyi lahaa, mana aha cidii la maqashiin doonaa …..Qabqablayaal dagaal, Isbaaroolayaal ah oo Dekado iyo ayrboodho ay ummada ku gumaystaan u furanyihii, Xaafado iyo Degmooyin masaakiini degan tahayna cashuuro sharci daro ah ka qaada, Aqonyahanada, culuma’uudiinta iyo Saraakiisha ummadana ugaadhsi ku laynaya hantidii dadweynaha iyo dowladana xoog ku haysta oo doonaya in sidaa lagu sii jiro oo aan weligeedba dowlada Soomaaliya layiraahdo oo asaageed is garab taagta la helin.

Ugu dambayn Fahad waad mahadsanid, wanaaga aad Soomaliya la jeceshayna waa mid cid waliba aragto laakiin ogoow sidii Raisul wasaare Geedi ku maahmaahay Hashu haday maqaarka diidayso meelo dal daloolay ka eegtaa….waxaana oran lahaa ”Qabqable Qaran ma doonayee Haku qasaarin Qowlka kii Qurxoon”

Abdul Raxmaan Xariiri
Saudi Arabia
Xariri@hotmail.com 

wiilSomaliTalk.com | Saudi Arabia  | August 1, 2005



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD