SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AMMAANKA
Daabaco Boggan | Print

"Mooryaanta" internetka!

C/risaaq "Gaalkacyo"

Helsini, Finland

rcabdi@hotmail.com

 

Janaayo 2004

Intii dhowr sano ah, waxaa guriga ii yaalay computer. Laga soo bilaabo maalinkii aan  internet soo gashaday, waxaa si aan naxariis leheeyn computer-keyga weerar looga soo qaadayay dhinacaas iyo internetka  ha ahaato qaab virus ama qaab hacker/crakckers  ,"mooryaaanta" netka. Waxaa laga yaabaa inaad maqasheen waxaa lagu magacaabo virus-ka. ama qaarkiin ey khabiir ku yihiin sheekadiisa, hadeysanba ayagu sameyn.

Dadka computer-da aan aqoon saas ah u sii laheen, waaba la yaaban yihiin meesha sheekadu ka socoto iyo virus-ku waxa uu yahay. Waxay yaqaaneen virus ku dhaca noolaha, laakin midkaan computer-kaa, mmm, waa sheeko cajiib leh, eebow naga qabo kkkkkk.

Waa maxay virus-ku?

Hadaan ka hadalno dhinaca computer-da, virus-ku ma aha, kii noolaha ku dhici jiray, ee jirada keeni jiray Virus-ka computer-du waa program wax yeeleyna programyada kale ee computer-kaaga ku jira. taas oo sababta in ugu danbeystii aadan progamyadii kale aadan isticmaali karin. waxaaba laga yaabaa in ey khasab kugu noqoto in prograyadaas mar labaad computerka dib loogu duubo.

Yaa virus-ka sameeya?

Waa su'aal in laysweydiiyo mudan. Fikrad ahaan ani waxay ila tahay, dadkaan sameynaya virus-ka labo koox ayay noqon karaa. koox ficilkaan xun ku dhaqaaqay si ay ummada muslim iyo gaalaba u dhibaan,  dadka lugooyadiisa shaqo ka dhigtay, ayagoon wax dhaqaalo ah aanan ka heleen, laakin ku raaxeysanaya dhibkaas iyo jahwareerka ay dadka u geesanayaan.

Kooxda kale, waxaan filayaa waa koox rabta iney isa soo bandhigaan oo aduunka u soo gudbiyaan iney wax ka yaqaanaa cilmigaan programming-ka. laakin ayagana dhibka heysta wuxuu yahay, ayagoon si toos ah aanan isku soo bandhigi karin, sababtoo ah maxkamad ayaa lasoo taagi lahaa dhibka ay dadka u geysteen owgiis. Danbtu waxay ku khasabtaa iney isticmaalaan magac-u-yaal, lagu garto, laakin magacoodii runta ahaa, iyo cidda ay yihiin ay qariyaan. Runtii waa adagtahay sida loo fahmo, faa'iidada ey ka helayaan dadkaan virus-ka sameeya, howshaas ey ku dhexjiraan. Waxaa laga yaabaa in sameynta program-kaas virus ah ey ku qaadatay bilo!!

Maxaa ku dhacaya computer-keyga hadii uu virus asiibo?

Dad-ka badankiis waxaa cabsi galisa khasaaraha uu keeni karo virus-ku. Waxaa laga yaabaa in qofku uu is leeyahay : amaa laguu soo diraa virus computer-ka kaa guba, ama qarxiya. :-)

Virus-ku waa program kaa kharibaya programyada kale ee computerka kuugu jira. Dhismo ahaan, computer-ka waxba u geysan maayo. Haduu u bato wuxuu kaa kharibayaa operating-systemka, oo ah programyada computerka maamulaya, sida windows-yada( win 95/98/2000 XP). Marka hadii virus computer-ka kaa galo, oo computer-kii xumaado, macneheedu ma aha in computer-kii ey u dhamatay, oo la tuurayo, ee waa in program-kaas virus ah laga saaro, kadib dhib loogu dhuubo prograyadii kuugu jiray ee aad isticmaalaysey

waa maxay hackers : mooryaanta netka

Dadka virus-ka sameeya waxaaba ka darnaaday kuwo kale oo isku magacaaba hackers. Mar walba waxaan maqalnaa: mooryaan ayaa xamar dad ku dhacday, mooryaan ayaa saas sameeysay, mooryaan ayaa, moor yaan ...  hackers-ka waxaay oran karnaa waa mooryaan casri ah. hacher oo mar mar lagu magacaabo crackers, waxaa lagu qeexaa qof si amar la'aan ah u maamulanyaa computer qof kale,  asagoo adeegsanaya khatka internetka.

Qofkaan wuxuu yaqaanaa qaabka uu ula soo xariiri lahaa computer-kaaga asagoo isticmlaaya computer-kiisa iyo khatka internetka. Mar kuu u soo dhoco comper-kaaga wuxu awood u leeyahay in uu compterkaaga faylasha kuugu jiray akhristo ama uu tirtiro. Waxaan filayaa inaad waayahaan  danbe  maqashay dadka oo ku sheekeesanaya ama aad joornaalada ka akhrisay : " wiil 15-jira ah ayaa banki hebel computer-kiisa u dhacay, oo lagac badan akoonkiisa ku soo wareegsaday".

Sidoo kale, waxaa jira programyo ey adeegsadaan hackers-ku, oo intey adiga ogaan-la'aantaa computerkaaga program-kaas ku duubaan, ey halkaas kaala socdaan waxa aad computerkaaga ku sameyneyso. xataa waxay laga yaabaa iney wax yaalo badan oo sirartaada ah ey isla markaas kaa helaan.

Maxaa xal u ah virus-ka, sideese mashiinkeyga u difaaacan karaaa?

Waxaa la yiri, nin dhimashadiis nin kale ayaa ku farxa. Dhibka iyo khasaarah ey ummada u geysanayaan ninmankaan virus-ka  niman kale ayey farxad u tahay.

 kuwii virus-ka sameeynayay markey sameeyaan program virus ah,  waxaa jira shirkado ayagu aad moodo iney la shaqeeyaan, oo suuqa keena program-yo kuwaas virus.ka lid ku ah, anti-virus. Shirkadahaan dhaqaalohoodu wuxuu ku xiran yahayba, in kuwa virus-ka sameynayay ay virus sameeyaan, kadib,ayey ayaguna suuqa keenaan anti-virus. Marka saad aragtid, dadkii waxay dhex galeen labo libaax, oo midba geeskiisa ka ruqsanayo.

Hadii virus computer-kaaga kaa soo galo, labo si'ba waad sameyn kartaa:

1 inaad computer-ka gabi'ahaanba tirtirtid, oo wixii program ku jiray oo dhan ka  tir tirtid, ama

2. inaad raadsato program- anti-virus ah, oo viruskaas kaa saara.

Progamyada ani-virus-ku waa badan yihiin waxaa ka mid ah: f-prot, f-secure, McAfee, norton anti-virus....

Koleyba netka hadaad ka raadiso anti-virus, waad helin, inkastoo ey ku kala duwan yihin tayo ahaan iyo qiimahaba.

Arintaan virus-ka garanay, laakin arinta hackers-kana?

 Sidoo kale, nimankaan hacker-ka waxay hor mariyaan programyo u saamaxaya iney dadka islaameed computer-dooda u dhacaan, ogolaansho la'aan.

sheekadaan laftigeeda shirkado kale ayaa ka faa'iideysta. Maadaama qofna uusan u adkeysaneyn in computer-kiisa layska maamusho, dadki waxay u baahan yihin qof arintaas ka xaliya.: waxaa   soo baxay shirkado sameeya software, firewall,  ka hortaga mooryaantaas netka, oo kaa difaaceysa ineyn computer-kaaga soo galaan. sidoo kale waxaa jira hardwre(qalab elektroonig ah) oo computerla lagu xariiryo oo kaa difaacaya  in aan comptuer.kaaga gadaal laga soo galin.

VIRUS-YADII HORE
Halkan ka qooraanso qaar kamid ah Virus-yadii hore... Guji....

Hadaad xoogaa computer-rada wax kala socotid, waxaa jira, programyo qaarkood lacagla'aan yihiin, oo loo isticmaalo ilaanlinta taraafiga/dhaq-dhaqaaqa internetka. si kale hadaan u iraahdo, programyadaa waxay kuu saamaxaayaan iney kuu sheegaan dhamaan programyda computer-kaaga ku jira ee internetka isticmaalaya. Tusaale, markaad computer-ka shidid, adigoon internetkii furin, hadii program uu iskiis u bilaabo inuu interka xariir la sameeyo, oo compter kale la xariiro, isla markiiba waxaaad o'gaaneysaa in ay wax jiraan.  Sida runta ah, faaladaan aad hada akhrineysid, qoraalkeeda waxaa igu dhaliyay arintaan oo kale 27.12.2003. Computerka ayaa waxaa iigu jira program lagu magacaaabo Zonealarm, oo loo adeegsado in uu ilaaliyo programyada internetka la  xariiraya, si eysan hachkers-ku eysan iigu soo saqajaamin. Zonelarm programyadii aan u sheego maahane, progam kale hadii uu isku dayo inuu internetka la xariiro, wuu u diidayaa, taas oo khasaaro dhabar jabis ah ku noqoneysa program walba oo isku daya in anigoo aan ogeyn uu iska maamusho computer-ka, oo war bixin u gudbiyo internetka,

Sheekadii aan faaladaan u qoray ayaan kuu wadaye, maalinkii 27.12.2003, ayaaa anigoo internetka iskaga jira, ayaa zonealarm iigaga digay in program magaciisu ayahy dust.exe uu isku dayayo inuu xariir la sameeyo internetka, anna xataa war uma haayo in programkaan gabi'ahaanba ku jiro computerkeyga iyo waxa uu yahay. Xataa war uma haayo goorta uu soo galay iyo sida uu u soo galay. Isla maalinkaas ayaan internetka programyo iyo cayaaro ka soo koobiyeeyey, waxaana filayaa in uu  si qarsoodi ah ula sodcay program-yadaas! Nasiib wanaag, isla maalinkiiba waa la qabtay wasakhii  dust.exe waana tirtiray  thanks to Zonealarm! Internetka ayaan ka raadiyay waxa uu yahay dust.exe, waxaana ogaaday inuu yahay virus! Meel xun ayaan uga soo haray!!!!:-)

Hadaad rabtid Zonealarm, waxaad ka heli kartaa halkaan

akhbaartiisuna waa sidatan:

Protect your Internet connection from hackers.  : wuxuu ka hortagayaa hackers-ka
OS: Windows 98/NT/2000/XP   : waxaa loogu tala galay windows-yada  98/NT/2000/XP
File Size: 4.77MB                      : weyninkuusu waa 4.77 Mega Byte
License: Free                             : isticmaalkiisu waa lacag la'aan!   
 


C/risaaq "Gaalkacyo"

Helsini, Finland

rcabdi@hotmail.com

SomaliTalk.com | Janaayo 2004

Barnaamijyo ku Anfacaya [C. Gaalkacyo]

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

. IP Address Check.


BOGGA HORE

BOGGA XIGA