
Waa casharadii ugu horreeyey ee HTML oo kuqoran afka-Soomaaliga ee
ka faa'iideyso. |
Qaybtaan aan u bixinay "HTML" waxaan insha Allah si
tallaabo-tallabo ah ugu barandoonaa sida iyo habka loo dhiso ama loo
naqshadeeyo bog Internet ah.
Kaddib markii aan cilmi baaris ku samaynay baahida ay Soomaalidu u qabaan
sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen casrigan aan u bixin karro "WAAGII
XAWAARAHA & XAWLIGA INTERNETKA" ayaan waxaan aragnay in ay aad lagamaar
maan u tahay in lahelo habkaan oo ku sharraxan afkeena Soomaaliga. Taas oo
markaas u sahleysa Soomaali aad u farabadan in ay dhisi karaan BOG
INTERNET si markaas afkaartooda iyo talooyinka iyo cilmiyada dadkeena
looga faa'iidaysto.
Qoybtaan waxaa soo diyaarinaya Eng. Maxamed Cali Aaden oo ah
asaasaha bogga
SomaliTalk.com |
Waxaa bini aadamka caqabad kunoqonkara in cilmi jira aysan kaa faa'iidaysan
sababta oo ah luqada cilmigaasi ku qoranyahay oo lagayaabo in aan dad badani
garanayn, waa taas midda lagayaabo in ay Soomaali badan kahor istaagto in
cilmigooda laga faa'iidaysto. Taas ayaan shakhsiyan u dareemay waqtigii aan
internetka akhriyayey in ay tahay baahi ay mujtamaca Soomaalida u baahan
yihiin iyo in lahelo xal. Arrintaas ayaana sabatay in qaybtaan aan kusoo
tebino afka Soomaaliga.
Waxaan kabilaabi doonaa heerka BILOWGA ee naqshadaynta iyo
samaynta bog internet ah. Taas oo aan kusharxi doono luqada Af-Soomaaliga.
iyada oo aan XEERARKA samaynta Bog-Internt ah aan u soo daabici doono
hab uu qofkii akhristaa uu si fudud ugu fahmi karo, iyada oo aan kudari
doono tusaalayaal qaybkasta oo aan samayno, Insha Allah.
Waxaan wada dhisi doonaa bog aad u qiimo badan oo bilicsan haddii
aan raacno xeerka naqshadaynta ee Internet-ka.
[Insha Allah] |
Sida aan ognahay waxaa internetka laga helaa kumayaal iyo kumayaal bog
oo sharxaya habka iyo xeerarka naqshadaynta internetka kuwaas oo
kuqoran luqado aan ahayn Afka Soomaaliga, kuwaas oo si sahala loo heli karo
haddii lagabaaro Internet-ka. Waxaana, insha Allah, tixraac ahaan usoo qori
doonaa qaybo kamida bogga kuqoran luqadda ingiriiska si markaas qofkii
garanayaa luqadaas u usii kobciyo aqoontiisa samaynta bog internet
ah.
Sida aan wada ogsoonahay Internet-ku waa goob lagutebinkaro wanaag
iyo xumaan. Waxaase kacodsanyaa qofkii kaqalin-jebiya qaybtaan [www.html.somalitalk.com]
in cilmigaas uu u adeegsado wanaag. Waxaana xusuusinayaa dhammaan
akhristayaasha qaybtaan in ujeedada guud ee qaybtaan ay tahay horumarinta
akhristayaasha. Waana faa'iido aad u weyn marka dadbadani ay ka
faa'iidaystaan qoraalkaan.
Waxaan [Insha Allah] qoraaladan u ratibi doonaa hab u sahla
akhristayaasha in ay sifudud ula socon karaan. |
Mahad waxaa leh Ilaah oo noosahlay in qoraaladaan aan soo tebino. Waxaan
umahadnaqayaa oo kale dhammaan akhristayaasha
SomaliTalk.com kuwaas oo talooyin iyo
tusaale si joogta ah noogu soo tebiya.
Si ay u sahlanaato in qoraaladaan aad lasocotid waxaa haboon in aad
Bog kasamaysatid Shabakadda Internet-ka [haddii aadan horay u lahayn
bog]. Waqtigaan waxaad Bog Bilaash ah kasamaysan kartaa
http://www.tripod.lycos.com/ kaas
ayaana wada dhisi doonaa hadii Ilaah idmo. Marka aad samaysatid baal bilash
ah,
kaddib kusoo laabo hordhaca casharrada HTML ee kuqoran bogga kan xiga.
Hadaba aan isweydiino su'aalahan:
- Diiwaanka ma kudartay bog aad leedahay?
- Diyaar ma u tahay hordhaca casharradan?
- Diyaar ma u tahay in aan si tallaabo-tallaabo ah u wada bilowno
samaynta bog-internet ah?
- Diyaar ma u tahay in aan bilawno isku-xirkii ugu weynaa ee Soomalida
internetka?
- Diyaar ma u tahay HTML?
Jawaabaha su'aalaha kore mayihiin haa? Akhri hordhaca qoraalka... GUJI..