SOMALITALK.COM dalsan
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA - CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror | Turkey.News | IRAN.irna 
 MID EAST: IslamTodayArabNews  | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | Middle.east.online | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Abu.Dhabi.News | Albawaba | 
KUNA | IRAQ/QUESTIONS  
VIDEO: AP.TV | ITV | Reuters TV  |  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII
14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | video | Televideo.rai

HADDA.SOCDA:LIVEABU-DHABI.TV  | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA  

WARARKA CIRAAQ: APRIL 11, 2003 

  • Maraykanku Sharciga ayuu jebinayaa: UN
  • Maraykanka oo kusii jeeda Mosul
  • Safiirka Ciraaq u fadhiyey Moscow oo hawshiisa sii wadi doona
  • Baqdaad oo lagu soo rogayo Bandow
  • Guriga Saddam walaalkiis oo la duqeeyey [100km galbeedka Baqdaad]
  • Qusay oo Lagu Arkay bartamaha Baqdaad
  • Maraykanka oo cadaadis Suuriya kusaaraya in ay Xiraan Xadka
  • Hogaamiye Sare oo Maraykanka raacsanaa oo lagu diley An-Najaf: IOL
  • Bush iyo Brail oo Dhambaal TV ah u Diray Reer Ciraaq
  • DAAWO BUSH iyo BLAIR DHAMBAALKII AY U DIREEN CIRAAQ
  • Daawo Kofi Annan oo Ka Hadlaya Arimaha Ciraaq

Maraykanka oo kusii jeeda Mosul
Halkan Dhegeyso warkaan

Magaalada kutaal woqooyiga Ciraaq ee Mosul ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Maraykanka iyo Kurdish-ku ay bilaabeen in ay galaan ayadoo aysan muuqan wax iska caabin ah oo kaga imanaya Ciraaq. Mosul waxay ka mid tahay magaalooyinka aadka hawada looga duqeeyey.

Warar ay werisey warbaahinta Australia ayaa sheegay in Ciidanka Maraykanku ay sheegeen in guutadii 5aad ee Ciidanka Ciraaq ee ku sugnayd magaalada Mosul ay is-dhiibeen. Dhanka kale waxaa warku sheegay in magaalada kale ee kutaal woqooyiga Ciraaq ee Tikrit lagala kulmay cadaadis u dhigma kii Baqdaad lagala kulmay.

Maraykanku Sharciga ayuu jebinayaa: UN

VIDEO: Daawo Kofi Annan oo Ka Hadlaya Arimaha Ciraaq

Sida uu weriyey CBC TV , Qaramada midoobey waxa ay sheegtay in Maraykanku uu jebinayo xeerka caalamiga ah ee loo yaqaan xeerka Geneva [Geneva Conventions] maadaama uu Maraykanku ku guul daraystay in uu joojiyo kuwa wax bililiqaysanaya ee qaatay qalabkii Cisbitaalada. Qaramada Midoobey waxay Baqdaad ku tilmaameen meel aan wax qawaaniin iyo kala dambayn kajirin taas oo ay yiraahdeen xeerka Geneva wuxuu qabaa in xoogaga halkaas haystaa ay sugaan ammaanka.

Baqdaad oo lagu soo rogayo Bandow

Magaalada Baqdaad ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada maraykanka ee halkaas ku sugan ay kusoo roagayaan bandow ka bilaabmaya qorax dhaca ilaa qorax soo baxa si loo xakameeyo bililiqada faraha ka baxday.

2 Carruur ah oo lagu diley meel kontorool ah ah

Waxaa wararka ka imanaya magaalada Nasiriyah ayaa sheegaya in maraykanku ay meel kontorool ah ay ku dileen laba carruur ah kaddib markii dareewalkii gaari noociisu yahay Minivan uu istaagi waayey. Waxaana la sheegay in sagaal qof oo kale ay isla gaarigaas ku dhaawacmeen.

Safiirka Ciraaq u fadhiyey Moscow oo hawshiisa sii wadi doona

Sida ay werisey wakaaladda wararka u faafisa ruushka ee loo yaqaan interfax, safiirka ciraaq u fadhiyey dalka Ruushka oo magaciisa la yiraahdo Cabbaas Khalaf ayaa ku dhawaaqay in uu hawshiisa kasii wadi doono Moscow. "Waxaan metelayaa Ciraaq iyo dadkeeda, waana sii wadayaa hawsha aan u xilsaaraa ilaa xukuumad sharci ah laga dhisayo Ciraaq. Waa in ay ahaataa dawlad ay soo doorteen dadka Ciraaq isla mar ahaantaana ay qaramada midoobey aqoonsantahay" ayuu yiri Cabbaas Khalaf. Waxana uu Cabbaas beeniyey warar sheegayey in uu magangelyo weydiisanayo Ruushka. Waxana uu ku daray in safaarada Ruushka ee Baqdaad ay sideedii u shaqayn doonto.

Guriga Saddam walaalkiis oo la duqeeyey

Warar kale ee maanta ee Ciraaq waxaa ka mid ah in Maraykanku duqeeyey guriga Barzan Ibrahim Hasan al-Tikriti oo ay Saddam walaalo yihiin oo kuyaal magaalada Ramadi oo qiyaastii 100 km galbeed kaga aadan Baqdaad. Waxaa warku ku daray in gurigaas lala beegsaday lix gantaal. Waxaa Barzan lagu sheegay in uu xukuumada saddam ku gacanqabtay sidii lacago gaaraya malaayiin uu dalka dibada loog asaari lahaa.

Daawo Bililqada Ciraq oo Xad-dhaaf noqotay

Qusay oo Lagu Arkay bartamaha Baqdaad

qusay Qusay  [IOL]

Sida ay werisey IOL , Qusay oo ah wiil uu dhalay Saddam ayaa waxaa lagu arkay Baqdaad, gaar ahaan degmada Al-A'azamia. Waxaa warku intaas ku daray in Adel Mourad oo xubin ka ah xisbiga Kurdishka ee loo yaqaan PUK uu IOL u sheegay in Khamiistii la arkay Qusay oo gaari nooca biikaabka [pickup] ah oo midabkiisu yahay madow uu ku dhexwtey Baqdaad. Isla Khamiistii waxaa lagu soo waramay in guryaha Qusay iyo Uday [labada wiil ee saddam] oo kuyaal dhanka baqdaad ay Maraykanku ka joogaan in la bililiqaystay. Waxa kale oo IOL sheegtay in ilo kale ay arbacadii u sheegeen in Saddam iyo labadiisa wiil ay aadeen magaalada Tikrit oo ah meeshii uu Saddam kusoo barbaaray. Qusay waxaa lagu soo waramay in uu yahay kan korka ka eega ciidanka loo yaqaan ilaalada Qaranka.

Maraykanka oo cadaadis Suuriya kusaaraya in ay Xiraan Xadka Ciraaq

War ay werisey IOL ayaa sheegay in Maraykanku uu cadaadis ku saarayo Suuriya in ay xirto xadka ay la leedahay Ciraaq. Waxaa warku intaas ku daray in qaar kamid ah sharci-dejiyayasha Maraykanku laga yaabo in ay soo jeediyaan in lasoo bandhigo xeer dhan ka ah suuriya, xeerkaas oo ah in Suuriya ay mas'uul ka tahay cawaaqibka tageeradeeda argagixisada iyo siiwadideeda hubka nuclear-ka, biological-ka iyo chemical-ka.

Bush iyo Blair oo Dhambaal TV ah u Diray Reer Ciraaq

VIDEO: DAAWO BUSH iyo BLAIR DHAMBAALKII AY U DIREEN CIRAAQ

Madaxweynaha Maraykanka, Bush, iyo Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Blair, ayaa khamiistii khudban horay loo duubay u diray dadka reer Ciraaq taas oo ah Video  ayadoo la adeegsanayo khadkii uu ka hadlijirey TV-ga Ciraaq, Video-ga oo laga lalinayey diyaarad dul mareysey Ciraaq. War ay qortay IOL ayaa sheegay in dhambaalkaasi uusan gaarin reer Ciraaq sababtoo ah ayuu warku yiri Koronto dalkaasi malahan lagu daawado TV.

Hogaamiye Sare oo Maraykanka raacsanaa oo lagu diley An-Najaf: IOL

Abdul Majid al-Khoei [IOL]

Hogaamiye shiicada ee maraykanka raacsanaa oo magaciisa la oran jirey Abdul Majid al-Khoei ayaa Khamiistii lagu diley magaalada An-Najaf oo ah magaalo ay shiicadu qadariyaan. 

Dad caraysan oo mindiyo wata ayaa  galay masjidka Imam Cali ookuyaal Najaf, kadibna halkaas waxay ku dileen Abdul Majid al-Khoei oo dhowaan dalka Ciraaq kusoo laabtay. al-Khoei  waxaa aabe u ahaa Ayatollah al-Khoei oo ahaa hogaamiyihii shiicada waqtigii dagaalka Khaliijka 1991 kaas oo dhintay asagoo kujira xabsi guri. Dilkii Abdul Majid al-Khoei waxaa Cambaareeyey Maraykanka iyo Ingiriiska. 

TAALOOYINKII SADDAM OO LASOO RIDEY: GUJI HALKAN 

<><><>

NAJAF IYO KARBALA IYO MUHIIMADOODA TAARIIKHEED

  • Najaf waxaa ku aasan Cali Bin Abii Daalib oo ka mid ahaa khualfdii Islaamka isla mar ahantaana ay Nebi Muxamaed (SCW) ila adeer ahaayeen
  • Karbala waxaa ku aasan Hussein oo Nebi Muxamed (SCW) awoowe u ahaa iyo Saxaabigii Cabbaas. Dhumashadii Xuseen waxay xiligaas Karbala ka dhalisay dagaal lagu tilmaamo kii dhaliyey tafaraaruqa muslimiinta ee u kala saaray Sunni iyo Shiico. 
  • Ilbaxnimadii Mesopotamia dhulka loo aqoonjirey waa inta u dhexaysa labada webi ee afka carabig lagu yiraahdo Dijla iyo furaat [Tigris & Euphrates], waana dhulka hadda loo yaqaan Ciraaq. 
  • Beerihii lushey: webiga Furaat [Euphrates] dhankiisa bari qiyaastii meel Baqdaad u jirta 50km [gobolka Babylon] waa halkii ay kuyaaleen beerihii lushey oo kamid ah toddoba cajaa'ib ee dunida [Seven Wonders of the World].

WARARKA CIRAAQ: APRIL 10, 2003

  • APRIL 9 IYO BAQDAAD
  • Kurdishka oo galay Kirkuk:  
  • Dadka Maraykanka ah oo aan iibsanayn waxyaabaha laga keeno Faransiiska:
  • Dhamaan Halkan ka akhri 

 WARARKA CIRAAQ: APRIL 9, 2003

  • April 9 iyo Baqdaad
  • Saddaam oo lagayaabo in uu kabadbaaday Duqayntii Shalay
  • Bililiqo Ka Dilaacday Ciraaq
  • Dilkii Weriyayaasha oo adduunka ka abuuray caro
  • 12jir waayey eheladiisii iyo gacmihiisii
  • Diyaarad F-15E oo ka dhacday Maraykanka
  • Shirkadaaha Austalia oo Tartan ugu jira Saliida Ciraaq
  • Dhamaan Halkan ka akhri  

....WARKII SHALAY.... APRIL 8

..... WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ... 

 Tixraac iyo sawirada: AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,

»»VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD