SOMALITALK.COM DALSAN
SomaliTalk.com
Online Community
 
WEATHER LINKS
 
. AccuWeather
. WeatherNetwork
. WeatherBase
. Weather
. nws.noaa.gov
. IntelliCast
. WeatherOffice
. Environment Canada
 
SCIENCE
 
. NationalGeographic
. Discovery
. Animal Discovery
. Discovery ca.
. Nature Magazine
. Science Magazine
. The Lancet
 
ENGINEERING
 
. Eng. Net Base
. Clearing House
. ASCE Publications
. Eng.Virtual.Library
. Engineering Info.
. Civil Eng. Journals
. Testing&materials
. CSA International
. P. E. Ontario
. N. S. P. E.
 
HEALTH TALK
 
. Asthma Edu. Network
. Asthma Resource
. Asthma & indoor
. Asthma and Immun.
. Asthma and Allergy
. Astham Campain
. Allergy & Asthma

Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | Search
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
KALABEDELKA WAQTIGA

Maalinta oo Lagu daro ama Laga dhimo Saacad

  • 2 a.m. Axada Labaad ee bisha Maarso [waqtigan oo saacada la hormariyo]
  • 2 a.m. Axada ugu horreysa bisha November. [waqtigan oo saacada dib loodhigo]

SomaliTalk | October 27, 2001 | Updated: Maarso 8, 2008

FAA'IIDOOYINKA IYO XIGMADA WAQTIGA

Waxaa meelo badan oo woqoojiyga adduunka kamida la adeegsada nidaamka loo yaqaan "Daylight Saving Time" iyadoo xilliga Gu'ga (ama kulaylaha) soo dhow yahay saacad la hor marinayo waqtiga, iyo in xilliga jiilaalka (ama qabowga) soo dhow yahay hal-saac waqiga dib loosoo celinayo.

Habkaan oo si loo xusuusto waxaa la adeegsado oraahda "Spring forward...Fall back...".

Waa nidaam macne weyn kujiro, kaas oo ujeedada ugu weyn ee loo asaasay ay ahayd in la Tashiilo Tamarta ay adeegsadaan guryaha. Waxaana nidaamkaan adeegsada qiyaastii 70 waddan oo dunida ah.

Waxaa la ogyahay in korontada guryaha ay adeegsadaan qiyaastii 25% ay kubaxdo Nalalka iyo qalabka yaryar ee kale oo la adeegsado sida TV-yada, VCR-ka iyo raadiyayaasha, kabuyuutarada, iwm. Tan oo badanaa la adeegsado marka fiidkii qoysaska oo dhammi ay guryaha joogaan, haddii markaas saacadda hal-saac la hormariyo waxaa la yaraynayaa xadigii korontada ee qoys walba adeegsanayey, taas oo markaas wadanka oo dhan faa'iido u ah.

Marka lagaaro bilaha kulaylaha (March/April) ayaa waqtiga la hormariyaa hal saac, taas oo halsaac did u dhigaaya dhicitaanka qorraxda. Arintani waxay yaraynaysaa waqtiga u dhexeeya qorrax dhaca iyo waqtiga laseexanayo, taas oo markaas sida aan kor ku xusnay yaraynaysa xadigii koronta ee qoyska. Intaas keliya maahee waxaa yaraanaya xilliga qoysku uu guriga joogo maadaama ay qorraxdu waqtibadan maalintii soo jeedo oo markaas guriga dibada looga maqanyahay.

Marka lagaaro xilliga qaboobahana waxaa waqtigii dib loo celinayaa hal saac, taas oo faa'iido u ah in subaxnimada hore la helo iftiin.

Qaabkaas saacada marna la hormarinayo, marna la dib dhigayo, wuxuu sannadka oo dhan faa'iido u yahay yaraynta xadiga tamarta ee guryaha ku baxaya, marka laga reebo afarta bilood ee ugu mugdisan woqooyiga dunida, afartaas bilood oo ah Nofeembar, Diseembar, Janaayo iyo Febraayo, waqtigaas oo inta badan ku beegma baraf iyo hoosiis dhulka hareeya oo lagaba yaabo in qoraxda arageedu ciriiri galo.

GOORMA AYAA KALA BEDELKA SAACADUHU KUBEEGANYIHIIN

Wadamada Woqooyiga Ameerika waqiga saacadaha lakala bedelo:

  • wuxuu bilaabmaa 2 a.m. Axada Labaad ee bisha Maarso [waqtigan oo saacada la hormariyo]
  • wuxuu dhammaada 2 a.m. Axada ugu horreysa bisha November. [waqtigan oo saacada dib loodhigo]

Wadamada Yurub

  • Wuxuu bilaabmaa 1 a.m. GMT Axada ugu dambaysa bisha Maarso.
  • wuxuuna dhammaadaa 1 a.m. GMT Axada ugu dambaysa bisha Octoobar.

Wadamo badan oo dunida ah wuxuu bilaabmaa 30ka Maarso, wuxuuna dhammaada 26ka Octoober.

Dhammaan wadamadaas kore waqtiga hal-saac ayaa lahormariyaa xilliga kulaylaha, hal-saacna dib ayaa loo dhigaa waqtiga qaboobaha, waxaa taas kaduwan dalka Ruusha taas oo waqtiga laba-saacadood la hor mariyo xilliga kulaylaha, hal-saacna dib loo dhigo xilliga qaboobaha.

Xigmad ahaan marka aad u fiirsatid, waxaad arkeysaa wadamada kuyaal woqooyiga dunida in maalintu ay aad uga dheertahay habeenka, taas oo aad siwacan u fahmeysid xigmada quraanka ee ah in Allah habeenka iyo maalinta uu midba midka kale dhexgeliyo.

Waxaad kale oo xusuusnaataa "hadii aad dhaqaalaysid in yar oo tamar (energy), waxaad u faa'iidayneysaa naftaada dhaqaale ahaan oo aad lacag yar bixineysid iyo wadanka oo dhan oo kharashkii uu ku bixin lahaa soo iibsiga waxyaabaha lagu socodsiiyo quwadaas ay yaraaneyso, taas oo weliba u wanaagsan degaanka guud ahaan.

Tixraac: daylightsaving | webexhibits | worldtimezone | worldtimeserver | worldtime | geography | energy


Jadwalka Taariikhda Islaamka

Taariikhda sannadka Islaamka waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa). Waxaana uu ka kooban yahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada bisha. Badanaa sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanndka Islaamka mid 11 maalmood ka tiro yar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan "Gregorian".

Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada "Al-Tawbah" ee macneheedu yahay "Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh...." [9:36].

BILAHA SANNADKA ISLAAMKA

 

1. Muxarram 7. Rajab
2. Safar 8. Shacban
3. Rabi'c al-awwal  9. Ramadan
4. Rabi'c al-thani 10. Shawwal
5. Jumada al-awwal 11. Dhu al-Qic'dah
6. Jumada al-thani        12. Dhu al-Hijjah

Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka bishu soo baxdo, taas oo ah in la arko bisha. [Eeg bogga muujinaya khariida bisha.

Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay kudhamaadaan 30 ama 29 maalmood.

Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Maka oo u haajirey Madiina, taas oo ku beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga , qiyaastii [16 July C.E. 622].

Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama tirada Roomaanka u bedeshid Carabi, Guji halkan

2001-10-27 | Updated: Oct 31, 2004

SOMALITALK.COM

Tixraac: al-islam. | harunyahya | moonsighting


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
 
Allah Is Great
 
KNOWLEDGE.CENTER
 
health
Chemicals and Health
 
kaneeco
Mosquito bytes
 
poluution
Air pollution
 
smookin.gif (16385 bytes)
Still smoking

 
Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved.