SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

W.T: Siyaad Maxamuud Muuse
Konfur Afrika
Email:
alikhayr@hotmail.com


Miyaydaan ka diirayn?


Siyaad Maxamuud Muuse 

  W.T: Siyaad Maxamuud Muuse

Maansadaan waxaa curiyay Siyaad Maxamuud Muuse oo ku nool Magaalada North Cape ee waddanka South Afrika. Maansadan la magic baxday Miyaydaan ka diirayn? waxay ku soo biirtay taxanaha suugaanta Doodwanaag 05-06-2005ta, waana maansadii 38aad.

Maansadu waxay si kooban uga warramaysaa dhibaatooyinka sii koncaya ee la soo darsay dadkii soomaaliyeed iyo degaankii ay ku noolaayeen intaba. Maansadu waxay ku baraarujinaysaa dadka, sidii loo dareemi lahaa loogana gilgilan lahaa xaalka halista ah ee aan ee manta la soo dersay Soomaalida.

Soomaalaay dagaalkiyo
Colaaddaan ku daartee
Ilamaa dabiyo dacal
Dalkaagii hadhaysee
Dukum daakum ka dhigtee
Kugu dartay dabaylaha

Maxow doorateenoo
Dadkiinnii ku madhiseen
Nabadii ku diideen ?
Danbi aad u jeceshihiin ?
Dulmi oogu dagaashaan ?
Qabiil isoogu dirirtaan ?

Iyadoo dalkiinnii
Afartiisa daafood
Colaaduhu dangiigaan
Dawgeed ku huruddaan ?
Miyaydaan ka diirayn ?
Maxaad isu dilaysaan ?
Isu dabarjaraysaan ?

Inaad gashay habeen dama
Daah igama saarnee
Damiirkiinnu suu yahay ?
Damaneey soomaalaay
Ma inad dawarsataayoo
Qaxooti aad duljoogtoo
Dibadaha wareegtaad
Dalkiinnii u dayacdeen ?
Maxaa kaa dawaafiyay?
Maxaa diifta kugu raray ?
Maxaa nabadda kugu diray?
Daafaha aduunyada
Silicaagii daadiyay ?
Dalanbaabi kaa dhigay ?

Hooggiyo darxumadaan
Umaddiinnii daaddihin
Qaarba meel ku dabarteen
Nabadday dugsanayeen
Dayaxa aad ka saarteen
Dib u eeg soomaalaay
Ubadkiinan dabar go’I
Baaba’ sheen dagaalladu
Dabayluhu curyaansheen
Giddigood nafaqa-daro
Darbiyada la yuurura
Miyaydaan ka diirayn ?

Kuwa kaloo dalkoodii
Dalagay ka beerteen
Mooryaantu ka daftee
Duunyadiina laga dhacay
Dubanaaya haragee
Gaajadu dilootee
Diirka mooska cunayee
Leefaaya dacartana
Miyaydaan ka diirayn ?

Kuwa kaloo dareeree
Dibadaha u yaacee
Colaadaha ka didayee
Gaaladu daldalannee
Diyaaradaha lagu guri
Kolla aan dareemayn
Waxa loo danaynee
Dal shisheeya loogayn
ee Kaniisado wax duufsada
Diiwaankooda galayee
Istallaabtoo dabataal
Dusha looga sawiree
Dawlad la’ aan daraaddeed
Lagu wada dillaalaayo
Miyaydaan ka diirayn ?

Dablaydaan dudaysee

Duullaanka haysee
Waxaan dumiya mooyee
Aan daaya garanayan
Dadkoodiina laayiyo
Bahalaha dugaagga ah

Miyaydnaan ka diirayn?

Kuwa kaloo dadkiinnii
Dhiiggay ka daadsheen
Ku doonaaya deeqoo
Dabaabaadka haystoo
Dalku uu ka dagi karin
Inaad doorataaniyo
Inaad daba ruclaysaan
Idiin kala dilaayee
Isugu kiin diraayee
Nabaddiina diidee
Madaxwayne doonkaa
Miyaydaan ka diirayn ?

Kuwa kaloo degaankii
Duurka iyo kayntii
Daaqaaye xooluhu
Dabar jaray dhirtiiyee
Dab ku daaray geedihii
Damalkii idleeyee
Doomaha ku rarayee
Dubay iyo u iibgayn
Miyaydaan ka diirayn ?

Dad haduu dagaaloo
Daanno kala gaadhoo
Dersikiyo walaaluhu
Durba ay colloobaan
Duqaydiyo wax garadkaa
Damin jiray colaaddee
Ugaas laga danbeeyiyo

Suldaannadii la doortiyo

Aqoonyahan digrii liyo
Aaway culumo-diinkii?


Damaneey soomaalay
Bal-maxaad dan mooddeen ?
Oo daawadiin tahay ?
Dabiibkiinna lagu heli ?
Dalku wuu ragaasoo
Dadku wuu idlaadee?

Sidee baan u doonnaa
Qaran dacadoo wacan

u dhisnaa dalkeennii
Dawlad oogu samaynaa ?
Diinta nagu xukumaysoo
Xaqa noo dilaacisa ?

Dadkeennii rafaadee
Daashadeen colaaduhu
Aan nabad ku deeqnee
Soomaalaay is dabaqabo
Inta aadan dabargo’in
Guumaystaha dagaaggaa
Wadankaaga soo dagin
Dadaal oo heshiis keen
Aan dunida raacnee


-----------------------
W.T: Siyaad Maxamuud Muuse
North Cape,
onfur Afrika
Email:
alikhayr@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Jun 17, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD