SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Inj. Cumar C/nuur Nuux (Nabaddoon)
Omarabdinur@hotmail.com 



Inj. Cumar C/nur Nuux (Nabaddoon)

…DAACADNIMO…

Maansadaan DAACADNIMO waxaa tiriyey Inj. Cumar C/nuur Nuux (Nabaddoon).

Maansadaan oo inteeda badan laga soo minguuriyey kitaabka Quraanka, waxay ka hadlaysaa faraqa u dhexeeya daacadnimada iyo dulmiga iyo mid walba miraha iyo natiijada laga dhaxlo.

Waxay si dadban balse qofkii caqli iyo cilmi u saaxiib ahi fahmi karo ula hadlaysaa shacabka Soomaaliyeed ee markii daacadnimadu ku yaraatay dulmiguna ku batay danahoodii la kala dhantaalay, dalkoodii iyo dadkoodiina asaagood u tashaday! Maansadu waa tii shanaad ee ka mid ah silsilad maanseed lamagac baxday “Doodwanaag” ee indheergarad suugaan adeegsanayaa ay ku lafogurayeen sooyaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa tan maansadii Daacadnimo:


Qarni waliba dooddii
Dugsi iyo aqoontii
Ummad iyo damiirkeed
Indheergarad dareenkiis
Dhallinyaro dadaalkeed
Anigana digniintiyo
Dulman baaqiddeedii
Danyar hiilladeedii
Waajibkii dushaydiyo
Daabacaadda waanada
Khayr dardaarankiisiyo
Danta guud ka hadalkeed
Docdii aan ka howlgalay
Diritaanki maansada
Sii diirid mooyee
Kama aanan daaline
Darmaantaydi khayrqaba
Aan mar kale ku soo dego

Diihaalka waariyo
Dawarsiga shisheeyiyo
Diiftiyo dhibaatada
Cudurada na dabarjaray
Colaadaha na daashaday
Dayowgiyo wareerkiyo
Iska dabawareeggaan
Markii aan daraaseyn
Qorshe naga dabaaliyo
Xalka doonistiisii
Ka fakaray wixii dana
Daalacaadda buugtiyo
Diiwaan walbana rogay
Runtii baan u daadegay
Daaha inaan ka qaadoo
Dadku wada ogaadoo
Digniin iyo xusuus iyo
Xikmad laga dabqaatiyo
Dihin aan dhammaan iyo
Cilmi laga darsanayiyo
Dawo iyo maslaxo iyo
Dersi culusna noqotaan
Deelleydaan u qorayaa.

Markuu doonay Khaaliqu
Inuu keeno dunidaan
Duqii aadanaha dhalay
Duul malaa’igaa tiri
Daa’inkeen Ilaahow
Dadku waa dhib badan yahay
Dhiigna daadin badan yahay
Annagaase daahira
Dulqaadkeennu badan yahay
Waxaad adigu doontiyo
Aan ka daalin samahee
Iska daa insaankaan
Danbigiisu badan yahay!!

Daa’ inkeen wuxuu yiri
Dan kalaan ka leeyahay
Duniduu cammirayaa
Cibaadana ku darayaa
Waadinka degdegayee
Iidoona magacyada
Dadka iyo dugaaggiyo
Inta duurka joogtiyo
Inta duusha samadiyo
Inta dulundulceysiyo
Inta daakhilkiyo hoos
Ku dakeysa badihiyo
Dirkastiyo da’day tahay
Haddii kale duqaas baan
Ugu deeqay hawshee
U dulqaata waanada

Ilaahow dadaal baan
Uga jeednay dooddee
Dacwo iyo afeef iyo
Digashiyo dhaliil iyo
Rabbow maahan deelqaaf
Daacadi wanaag lehe
Durba waxay bilaabeen
Inay doodda gaabshaan
Dantii loo abuurana
Deg deg ugu jihaystaan.

Darkii naga horeeyiyo
Quruumihii la dabarjaray
Dad kamida ayaa waa
Ka dugsaday qaxaab wayn
Dabaylihiyo roobkiyo
Dadcunkiyo wax yeelada
Dabadeed saqdii dhexe
Dandaan dhagaxa oo wayn
Iyo darbi baa ku soo jabay
Si ay uga dabaashaan
Midkastaba docdiisuu
Duco ugu dhaqaaqoo
U dansheegtay Mawlaha,
Ilaahow daraaddaa
Baan u daayey taas iyo
Ilaahow daraaddaa
Baan ku deeqay ehelkay
Dulqaad iyo xannaaniyo
Wax kastoo dadaalee
Durki dhaxa Eebbow,
Daacadi wanaag lehe
Ducaduna cajiib lehe
Codsigeey direen iyo
Dalabkoodi loo yeel
Wuxuu dacal ka faydmoo
Hadba daaqad furantana
Dabadeed kasoo baxe!

Ibraahiim da’weyn baa
Loogu deeqay wiil yara
Wuxuu daadaheeyoo
Hadba dibad wareejaba
Maalintuu durduradiyo
Dabci iyo wanaag iyo
Dockastaba ka baaluqay
Lagu yiri dil inankaad
Dad ka haysay keligiis,
Rabbi amarki diidmiyo
Doodo kama hor keenine
Duqii waa hogaansamay
Dabadeedna wiilkii
Duceysane wuxuu yiri
Ilaahii na daabacay
Hadduu doonay xaalkaas
Dulqaad yeelo mooyee
Dacwo kama bannaanee
Dalabkii Ilaah fuli
Daacadi wanaag lehe
Rabbaa daalacanayoo
Kolkii dacalka loo dhigay
Durbadii wan wayn baa
Loogu doorshay inankii

Dunta nolosha aadmigu
Rabboo laga danbeeyiyo
Daacadnimo inay tahay
Daryeel iyo xaqdhowr tahay
Kibir layska daayiyo
Duco iyo akhlaaq tahay
Dadku inuu ogaadaan
Deelleydaan u qorayaa.

Rabbi doonistiisii
Markii duul malaa ’iga
Aadan waan diyaarshaye
Darajeeya lagu yiri
Ooy sujuud la daateen
Dable oday Ibliis baa
Diiday amarkii Eebihi
Dabadeed la sarakacay
Dabbaad iga abuurtoo
Asna dhooba duugiyo
Dac baa laga asteeyoo
Derajiyo makaan baan
Duqa Aadan dheerahay,
Dood dheer gadaasheed
Digniintiiyo waanada
Dockastaba tusaalaha
Dawo iyo qaneecaad
Markuu diiday khayrkii
Darbaa looga soo ganay
Daartii jannada iyo
Durduurtiiyo dheregtii,
Waxaa loogu sii daray
Dayro lagu xukumay iyo
Dadka oo lacnada iyo
Danbi aan la dhaafayn
Illaa yawmu diinkoo
Halaag uga dambeeyoo
Dambaaburada naartiyo
Darka Jahannamee kulul.

Dulmigii Fircoon iyo
Wuxuu dilay dad maataa
Dadabadeed ku doobiyey
Dayaxiyo cadceeddiyo
Durdurrada biyaha iyo
Inuu dunida leeyahay
Wuxuu doono qaban karo
Dili karo qofkuu rabo
Ninkuu doono deyn karo
Dumarkoo dhan leeyahay
Daciif weeye ma ogee
Waxa loogu dowgalay
Muusoo dirnaayoo
Degaankuu ku noolaa
Ku barbaaray daartiis
Oo xaqii dillaacshoo
Duhur yiri war hooy joog
Anaa dunida uumiyo
Digdigtaan an soconeyn
Ciqaab baa dambeeysee
Daallinnimo ka soo noqo
Ma rumayn digniintee
Durduriyo colaad iyo
Dafiraad ka qaadyoo
U cid diray raggiisii
Dabadeed ballame oo
Duxaa laysu soo baxay

Sixir duugeyaashii
Xargo daadintii iyo
Isku daye sharqool weyn
Daalucul quluubbaa
Dusha kala soconayoo
Muusana u digayoo
Yiri duulka soo shiray
Markay masaska daadshaan
Dadna wada daraandaro
Hal mar daa ushaadaas
Iyadaa dafaysoo
Kulli dalaqsan doontee

Dadka wixii wax garadiyo
Duqeydii tartamayiyo
Ninkastoo damiir furan
Sukuud bay la daateen
Waxaa diiday oo qura
Fircoon iyo darkiisii
Dabadeed caroodoo
Digniin siiyey Muusiyo
Dadkii raacay Haaruun,

Intii doontay samihiyo
Intii diidday amarkiyo
Dulmigiyo dhibkiisaas
Daalucul quluubbaa
Dusha kala soconayoo
Dadka dheelmi buu yiri
Daaquudkii Fircoon iyo
Doqomadii addeecaa
Kusoo dabagalaayee
Badda dalaq dheh Muusow
Ha ka baqin darxumo iyo
Inay kula degtaayoo
Aad dabaalan weydee
Gaal dila ushaadii
Dusha uga dhufuu yiri
Waddaa kuu dillaciye
Dabadeed Fircoon iyo
Inta daba ordaysaa
Lagu wada dabooliye.
Ka danayso buu yiri

Inuu dilo Rasuul iyo
Dadkii wada rumeeyiyo
Ninkii doonay kibirkaas
Waa dambiile waalane
Intuu ciidan soo dumay
Duullaannaduu waday
Damdamtiiyo faankii
Mowjado ku soo dume
Dukun daakun laga yeel

Dulucdiyo ujeeddada
Waxaan uga danleeyahay
Daaquud iyo afmiinshaar
Wixii dunida soo maray
Dadku waa ogsoon yahay
Deeqdiyo xannaanada
Inuu Daa’in bixiyoo
Cidkastaba debberi karo
Dadku waa ogsoon yahay
Hayeeshee digniintiyo
Inta qoon la dabar jaray
Lagu sheegay diintoo
Diiwaannada ku qoranoo
Dadku wada akhrinayaan
Qaar dabeylo qaadeen
Qaar daadad lagu furay
Ama dabada loo rogay
Danbigey galeen iyo
Wixii loogu duurxulay
Ayaad dabada haysaan
Kuna sii durkaysaan

Sow shalay nin doonyaha
Dekedaha ka rarayoo
Dalanbaabay lama arag
Rabbaa deeqda bixiyee
Sow dahab adoo sida
Daasado ma noqon karo
Danyarana ma taajiro
Maxaa dalabka khayrkiyo
Idiin diiday samihii?
Maxaa loo deldelayaa
Muslim diinta kula mida?
Dadku waa walaalee
Dakanada colaadiyo
Dabka nacabku wada iyo
Deris deris ku duuliyo
Waxaan labada daarood
Midna aan dux ku lahayn
Maxaad ugu danseegteen?

Waxaan dooddi uga baxay
Oo iga dardaarana
Doqonniimo waa cudur
Dafiraaddu waa ceeb
Dambi aayatiin ma leh
Dow lagu halaagmiyo
Dulmi waa musiiboo
Nabsuu dabada ku hayaa
Nin walboow digtoonoow!

Rabboo laga dambeeyiyo
Daacadnimana waa sheey
Duni kugu anfacayoo
Iimaan ku deeqiyo
Khayr loo dadaaliyo
Ajar laga darduurtoo
Aakhirana doc rooniyo
Hadduu daa’ in kuu qoray
Janno lagu dabaashee
Ducadiyo cibaadadu
Iyagaa na deeqee
Yaan la deynin gacaloow
Shirki yaan la dalaq oran
Shaydaan la daba gelin
Dadka lagu adeegtiyo
Dhallaanruug la door bidin!

Dhammaad…….

Inj. Cumar C/nuur Nuux (Nabaddoon)
Omarabdinur@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD