SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA BAYID

Cismaan Cabdi Bayid
London, UK
Obayid@hotmail.com



Cismaan Cabdi Bayid

Gabaygii geedi socodka Nabadda:
Cismaan C. Bayid

Asalaamucaleykum

Tixdan gabayga ah waxay soo baxday 10/09/04 , waxayna la hadlaysaa guud ahaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan kuwa aaminsan in aan shirka la taageerin maadaama ay kujiraan kuwii dalka burburiyey oo ah kuwa loo yaqaan dagaal oogayaasha, waxayna tusaale ahaan usoo qaadnaysaa dhaqanka reer guuraaga soomaalidu haddii awrka ama ratiga loo yaqaan gurgurshaaga ka iinto ama ka noqdo hawlgab in ay isticmaalaan xeelad kale oo ay ku guuraan oo loo yaqaan gaadiid celis.soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (hadii sida aad jeceshahay aad weydo sida aad ka badin weydo ayaa la yeelaa) waxaa haboon intii ay soomaaliya ka jiri lahaayeen 50 dagaal ooge aynu isku dayno inay soo koobmaan si ay u sahlanaato in ay shacabku iska qabtaan iyadoo aan dhiig badani ku daadan. Haddaba si ay soomaalidu u hesho qaranimaddeedii waxaa haboon in loo maro wado kasta oo macquul ah oo lagu soo celinkaro sharaftii iyo qaranimaddii umadda soomaaliyeed. Gabagabaddii tixdu waxay tilmaamaysaa in layska daayo in qofku hadduu jeebkiisu madho dagaal kiciyo sida beryahan danbe caadada ka noqotay dalkeenii ama dagaal oogayaasha ay ku caanbaxeen.


Guyaal iyo guyaal gabay waxaan, gawda la hayaaba
Gadhkaygii wakaa hamashka dhigay,oo gawaan baxaye
Goomarkaan idhaahdaba waxbaan, soogocanayaaye
Geeska afrikaadoow adaan, kuu goleeyahayee
Gaajiyo haraadiyo waxaan , gorofla meernaaba
Geesaha aduunyada waxaan, geeswalba u foofnay
Gobonimo nin sheegtaba wuxuu, gacanta hoorshaaba
Gashi maleh gumaysina wuxuu, gudhiyo mooyaane
Waa kaa gugii noo onkoday galabta,maandhooyin
Ugargaara nabaddiyo wax garad, guul Allaa imane
Gurgursha ratigu maalinkuu, garabka naafoobo
Oo geesigii lahaa kolkaa, guuri kari waayo
Oo gumaro wixi uu lahaa gegida, loo tuunsho
Gaadiid celisku maantaa ninraga, laba gudboonaaye
Inaguna gedeed bay nahay ,garasho waayeele
Ugargaara nabaddiyo waxgarad, guul Allaa imane


Gargaarkii Ilaahiyo haddii guul inoo dhalatay
Garan weyney goorhore wixii, nala gudboonaaye
Geedi socodka nabadiyo hadaan , garanay xaajooda
Guurti iyo garaad waxaynu layn, gees isugu geynay
Gudi loo xilsaaroo la yidhi, godobta faaleeya.
Garmaqaatayaal yaynu noqon, aan wax garanayne
Gobolaysi laga fiican iyo, soo gadaalnoqode
Geesina ma iishee fulaha, giiraygaa darane
Gidigeedba soomaali waa, loo gudboonyahaye
U gargaara nabadiyo wax garad, guul Allaa imane.

Geyigeena oo idil hadder waa , gawaan madhane
Gasiinkii ma haystaan hablihi, gaarida ahaaye
Garba weynta nimankii ahaa, geelmasoo hore`e
Ganacsiga raggii lagu yiqiin, girish ma haystaane
Geedi socodka nabadiyo haddaan, garanay xaajooda
Galaydhyaynta laga fiican iyo, giirlakiciyaaye
Guntigeenu maantuu madhee, aan is garan weyno
Waa inoo garaad li`inaan gulufka heensayno
Gibisha iska rida ceebta waa, laga gadoodaaye

Cismaan Cabdi Bayid
London, UK
Obayid@hotmail.com




Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004

 

BAYID

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
 



HTML CD