SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback |Allah Is Great  
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

                         GUUBAABO

W.T.  Cali Cumar Cismaan ( Cali-Qeyr)

E-mail:      Caliqeyr72@hotmail.com 

Gabaygan taariikhiga ah ee la magacbacay Guubaabo, wuxuu soo baxay dhammaadkii bishii Maanso sanadka 2005ta, waxaa curiyay abwaan Cali Cumar Cismaan oo ku nool Magaalada London ee Waddanka Ingiriiska. 

Gabaygu wuxuu ka warramayaa galdaloolooyinkii ummadda Soomaaliyeed kala soo gudboonaaday in ay cagaha u taagaan qaran caddaalad iyo garasho suuban ku taagan. Wuxuu aad uga dayriyay danaysiga ku salaysan qabyaaladda , kaasoo horseed u ah burburka lixaadka leh ee maanta ku yimid bulsho wayntii Soomaaliyeed.

  • Guullaa mahad leh, Eebbaa gallada, gaaliyo Islaame

  • Gargaar iyo asaan gacan ka sugi, labada gooroode

  • salaan gaar ah baan Maxamed ( NNKH) iyo, nabiga gaarsiine

  • Gabigood saxaabaduna, waa gacaladeenniiye 

  • U gargaar Ilaahoow dadkii, diinta garabsiiyay.
  •  

  • Afartaa ga’dii gabay bilaaw, gogoldhigeedii dheh

  • Goobaha murtida laga galoo, laga gurfeeyaa dheh

  • Garyaqaan taloow gooyay iyo, garasha waayeel dheh

  • Ga’ kalena haddaan kuu galoon, kuu geddiyo baasha

  • Haddaan gaabin geegaarku waa, ila gudbaayaahe

  • Gunta iyo ujeeddada  ayaan, idin guddoonsiine

  • Bal gorfeeya waxaan soo gudbino, galiya laabtiinna.

  •  

  • Gumeeysigii dhulkeenaa galee, gees walbaba joogay

  • Kala gooyay gayigeenniyoo, goballada u yeelay

  • Kala geeyay gacalkiye qabiil, nagu garaafeeyay

  • Geeddi socodkii  gaalnimo ayay, nagu guraayeene

  • Guulwadiyo rag dabagaardiyeey, nagu garaaceene

  • Garaaddaha raggii loo galshee, daba gucleeynaayey

  • Gorof iyo nin diin garabmareey, gacanti siiyeene

  • Garaadkiisi goortuu galeey, niman gadoodeene

  • Gumeeysigi ha guuree ayagaa, goobti joogsadaye.

  •  

  • Gobannimo guddoon wacan ma galin, labada gooroode

  • Gargaarkaan sugeeyniyo xurnimo, nama guddoonsiine

  • Gunjadiyo waxeey garanayeen ,garab ku maalkiiye

  • Go'aankoow gumeeystuhu watiyo taladey  gaareeni

  • Waa'uun go’ labadiisa gees waa lakala gooyne

  • Gurmadkii qabiil baa batiyo, jago i gaarsiiye

  • Ayagaa is-gariifee shacbiga, uma gargaareeyne

  • Gadood iyo ninkaa kuma go'eey, wali guraayeene

  • Haddeey is garabsanlahaayeen waxbeey, gali lahaayeene

  • Gacmaheey iska gooyeen markeey, tala gudbooneeyde

  • Cid ka gaarto oo daba gasheey, garani waayeene

  • Weeyska daba gurguurteen sidii, goosan weer galaye.

  •  

  • Golahii odaga lagu galee, lagu gariifaayay

  • Galaaskuu garoor ugu shubeey, gororsanaayeene

  • Waxeey goobayaan ineey galaan, gogoshi waagiiye

  • Garaad yarida nimankaa gashiyo, garasha laantooda

  • Gumuc iyo dagaal lagu gablamay, guushi lagu goobye

  • Hubkii gudaha yiil goortuu sii , gabagaboobaayo

  • Gaal shisheeyoo godob  hore qabeey, gacan u doonteene

  • Gabigood waxeey daba galeen, gani nin siiyaaye

  • Goobaha xaraashkeey gorgoro, ina gadaayeene

  • Lafaheenna gaabanne hadeey, gaas ku gubayaane

  • Idinna kama go'eysaan inaad dabagucleeysaane

  • kuwii geeriyoodee go'aa, inaga goorroone

  • Garashiyo is daba gaar rag , kii go'aansadaye.

  •  

  • Gogol-xaaryo tala gudubto gacal, kuma garsooraane

  • Gocoshiyo xin iyo godob qabiil, kama gaboobaane

  • garaad-ragannimana  goor horeey, kala gaddoomeene

  • Gumeeystaha raggaa nagu garwado, goor iyo ayaanba

  • Inuu gobalka soo galo raggaa, nagu gunjeeynaayo

  • Gallad iyo abaal kama guntamo, goowsa mirireeye

  • Gaalmadoow ragaa garabsanoow, waadan garaneeyne

  • Goor aadan gacan qaadi karin, yaad ka soo go'iye.

  •  

  • Gabigeedba soomaali waa, gacal walaaleede

  • Gun ha noqon, gol eey lagu sahniyay, gaasir la adeejin

  • U guntada Allaha noo gartee, nabad la gaaraahe

  • Guyaal toban ah iyo goo-go’ sano, leeyska daba guurye

  • Gabbal dhaciyo waagii galaba, la'isgaraafeeye

  • Gaadiid la gubay iyo waxii meeyd, is garabyiilay

  • Yaad gashaa waxii goowrac iyo, madaxyo loo gooyay

  • Gaaridii haween iyo gabdhihi, waxi gaf loo geeystay

  • Garaash iyo waxii guri la galay, gurashadii maalka

  • Gafkii dhacay ma daba gali karee, waan ka gaabsaniye

  • Godobtaa raggii geeystay, buu Guulaheey garane

  • Gooreeyse gaartaba mar waa, loo gar-soor faliye.

  •  

  • Reer guuleedyo waa reer gureey, yaa nakala geeyne

  • Gabigeenna waan kala galnaa, guulaheey magane

  • Garcastiyo garaaddadi markeey, gogol fariisteenna

  • Guubaabiyo hub inaan gadanno beey, talo ku gaareene

  • Gargar iyo maxaa kaago'eey, lacag guraayeene.

  •  

  • Culumadu hadeey gooni iyo, gaar ka tahay guuxan

  • Gacan beey ka geeysani kareen, nabad la gaaraaye

  • Markeey gabi dhacleeyeense, waa leeyska gaarmaraye

  • Ayagaa is gaadgaad galiyo, kaa maxuu garane

  • Gow wali intuu garanayuu, gaar u leexsadaye

  • Guruub iyo waxeey nala galeen, kala go’ diineede

  • Gabigeen haddaan nahay gurracan, yaa na kala gaari?

  • Garmadoowgi tala gooyi jiray, haatan garanwaaye

  • Cid ka guban gaboodkii dhacaan, goobta soo galine

  • Wax galaaftay mooyee xumuha, kama gadoodaane

  • Miyaan gacaladaydii qarnigan, geesi kaca joogin?

  •  

  • Neef guran gunjiyo gacan salaax, caano kuma gaaxdo

  • Weelka dabada go'an caano galo, kuma garooraane

  • Gabiib roob kastoo galo cagaar, neefna  kama gooyo

  • Gaddigoodba soomaali waa, garasha beeleene

  • Guubaabadiyo gabaygu waa, garab maraayaahe

  • Waanadu halkeey gali laheed, yaa dadkaan gubane!

  •  

  • Ga’da gabay sidii gu'iyo deeyr, meeyska daba geeyay

  • Gurxankeeda sidi gabiya dhacay, ma u gariirsiiyay

  • Goof iyo gal iyo meeshi godan, biyo ma gaarsiiyey.

  •  

  • Ga’da kalane waa gaba-gabiyo ,hadalka gooyntiise

  • Gacal wada dhashoo guursigiyo, gacani kala gaarto

  • Gabigood islaannimo guntaday, oo is afgaranaayo

  • Gayigana hal meel wada galoo, goobna wada yaalla

  • Goorteey is gariifaan gartane, geed ku kala goosto

  • Gudahood heshiis gaari kara ,oo gobaan nahaye

  • Gaar daaqa kaligii gurracan, yaan la garab siine

  • U guntada Alnaha noo gartee, nabad la gaaraaye.

------------------


Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr15, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD