SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.
omarabdinur@hotmail.com 


TALADA WAX NAGA SIIYA!!


Inj. Cumar C/nur Nuux (Nabaddoon)
  • Hadmaan daadkaan i wada…

  • Dabeylaha jaan ka harin?

  • Hadmaa beledkaan dayacan

  • Hadmaa ummaddaan deldelan

  • Tolow laga deyn sidaan? 

Heshiiskii Cadan!!

Maxaa lagu heshiiyey?...In khilaafka u dhexeeya labada garab la soo afjaro! Hadal wanaagsan iyo fikrad wacan weeye….laakiin sidee loo soo afjarayaa? In Baarlamaanka kala irdhoobey meel la isugu keeno si ay qaraarro mideysan u qaataan! Hadal wanaagsan iyo fikrad fiican weeye…laakiin sidee la isugu keenayaa? In magaalo labada hoggaamiye ku soo heshiiyeen la isugu tago! Ma xuma laakiin magaaladee?

Maxaa kaloo lagu heshiiyey?  In khilaafka u dhexeeya labada garab la soo afjaro! Hadal wanaagsan iyo fikrad wacan weeye….laakiin sidee loo soo afjarayaa? In xukuumadda lakala diro oo mid mideysan lagu baddelo(government of national unity)! Hadal wanaagsan iyo fikrad wacan weeye… laakiin sidee bay ku imaaneysaa xukuumad mideysan? In Wasiirka 1aad la baddelo oo mid raggii mucaaradka ahaa lagu beddelo si labada garab u midoobaan!! Hadal wanaagsan iyo fikrad wacan weeye… laakiin ma midoobayaan labada garab haddii sidaas la yeelo? 

Laga soo bilaabo maalintii la soo sheegay in Afhayeenka Baarlamaanka Kumeelgaarka Federaalka Soomaaliyeed mudane Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Madaxweynaha DFKS mudane Col C/laahi Yuusuf Axmed ku heshiiyeen magaalada Cadan ee dalka Yemen, waxaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba rajo ka qabtay in heshiisakaasi jawi iyo yididiillo cusub u furi doono DFKM Soomaaliyeed ee khilaafka iyo ismaandhaafku hareeyey muddadii ay jirtay ee sannadka iyo barka ku sii dhow. Ummaddu waxay islahayd mar haddii labadii oday ee meesha hormuudka ka ahaa heshiiyeen way u sahlanaan doontaa in mushkiladaha ay soo afjaraan oo xubnaha dawladdooda meel isugu keenaan!! 

Qofkastoo indheeradgarad ah oo akhriyey shantii qodob ee labada hoggaamiye ku heshiiyeen waxaa u muuqatay in heshiiska intii ugu muhiimsaneyd aan la soo bandhigin! Balse labada hoggaamiye ay dhegta isugu sheegeen iskuna dhaarsadeen in hawsha sidaas loo soo afjaro!! 

Waxaa dhici karta in lagu heshiiyey (waa malo awaal) in magaalo la isla ogyahay loo raro golaha Baarlamaanka iyo xukuumaddaba. In awoodda maamulka xukuumadda la qaybsado oo sida hadda ay tahay wax laga beddelo. Iyo in dhaqaalaha kooxda Jawahar ay gacanta ku hayso ee iyadu isku koobtay lawada intifaacsado. Heshiisyadaan oo si fafaftiran la isula lafaguray ayaa dhegta la isugu sheegay lana isku dhaarsaday. Intaa waxaa dheer in wixii dawladaha deriska ah ku xiran la isla xalliyo oo ninkii buuggiisa xoogaa madmadow ahi ku qoran yahay lagala hadlo saaxiibbada dawladda kumeelgaarka ah 

Shariif iyo C/laahi su’aashu waxay tahay ma dantiinnaad u heshiiseen? Mise danta ummadda aad madaxda u tihiin? Odayaal madaxdii Soomaalida ee maantaay, haddii aad dantiinna u heshiiseen ogaada in dantiinnu ku jirto tan ummadda aad madaxda u tihiin. Haddiise aad danta ummadda u heshiiseen iyo sidii dhibka, khilaafka iyo jaahwareerka jira looga bixi lahaa ka fiirsada go’aamada aad qaadannaysaan. Talada wax ka siiya kana qaata dadkiinna wanaagdoonka ah, gaar ahaan aqoonyahanka qurbojoogga ah ee aan mansab iyo maamul midna idinku haysan.  Magaalada Baarlamaanka lagu shirinayo yeysan noqon mid labadiinnu aad dhegta isugu sheegteen, ee ha noqoto mid lagu doortay faa’iidooyin ay kuwa kale dheertahay, xag nebedgelyo, xag dhaqaale (waa in Baarlamaanka iyo madaxda dawladdu meel ay degaan oo aan qarash badan ku bixin laga helayaa), mideyn ay mideyn karto fikradaha isdiiddan ee qolo walba danaheeda  gaarka ah eeganayso. Ogaada minjo dhiiqo midba mar baa la saaraa.. ee yeysan hawshu idinka noqon jajuub iyo anigaa iri. Haddii taasi soconeyso intaanba layslama soo gaareen. 

Waqtiga hadda lagu jiro looma baahna in khilaaf cusub la abuuro. Gaar ahaan waa in aan intii hore dawladda iyo Madaxweynaha heshiiska ula ahayd khilaaf cusub soo kala dhexgelin. Waa in khilaafkii hore la dhammeeyaa, ama la yareeyaa sidaas baa meeshii la joogay horay looga sii socon karaa. Haddiise intii horay heshiiska u ahayd kala jabto, wixii wax qabad ah oo lagu tillaabsaday burburo, dee lama dhihi karo heshiiskiinnu faa’iiduu soo kordhiyey. 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “raad orooryaad dib looma raaco”. Waxaa idinla gudboon in aydaan dib ugu noqon murankii iyo khilaafkii aad Kenya ku kala jabteen.  Laba magaallo ayaad hadda degantihiin (intiinna badan). Waxaa habboon in aad labadaas magaalo mid uun isugu wareegtaan, kadib markaad xallisaan wixii wiiqaya ama ka hor imaanaya wadajirka iyo horumarka dawladdu higsanayso. Ma habboona, mana aha munaasab in waqtigaan kala guurka ah la sameeyo isbeddel culus (sida Wasiirka 1aad oo la baddelo iwm) waayo waxaa ka dhalan kara mashaakilaad hor leh iyo caqabado kale oo xallintoodu muddo dheer qaadato. Haddii ay lagama maarmaan tahay in isbeddello waaweyn la sameeyo, waa in ay noqotaa  kadib marka mashaakilaadka jira la xalliyo, Baarlmaanka iyo dawladduna muddo wada shaqeeyaan, danta guud iyo danta gaarna kala caddaato.

Waanadu waxay waxtartaa dhagtii wax weelaysa..

Nimay meeli u caddahay meeli ka madow..

Talo walaal diide turunturro ma waayo..

Wadajir bay laba gacmood wax ku gooyaan… 

Qoraalkii waa iga intaas, haddana aan idiin daba dhigo mid ka mid ah suugaantii Nabaddoon, waa maansadii BAAQ ee aan tiriyey mar aad labadiinnu laba doon kala saarnaydeen laba badood oo kala fogna ku kala sugnaydeen: 

BAAQ

Maansadaan BAAQ waxaa tiriyey Inj Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon. Waxay maansadu soo baxday 18/07/2005. Inj. Nabaddoon oo ka maansooda xaaladda dalka gaar ahaan dhanka nabadgelyada iyo jiritaanka qarannimo. Gabaygaan oo tusaaleyn, baaq iyo bayaan isugu jira wuxuu leeyahay:

  1. Haddaan baahi qurgooyo

  2. Laga baaqsan karaynin

  3. Baqtigu wayska xalaaloo

  4. Naftu way ku badbaadi

  5. Waxa taa u banneeyana

  6. Rabbi baariya weeye!!

  7.  

  8. Beryaan aammusanaayoo

  9. Dagaal ooge bahoobiyo

  10. Dawladdii Em-bagaati (Mbagathi)

  11. Aan ka qaaday bannaanka

  12.  

  13. Mar haddii baddankoodi

  14. Maamulkii laga buuxshay

  15. Bog cad bay furayaan iyo

  16. Beryaan taas islahaaye

  17. Bal aan maanta u baaqoo

  18. Bayaankaan u hibeeyo.

  19.  

  20. Ilmaheenna bacaadka

  21. Iyo boodhka dhex jiifa

  22. Ka basaasay tacliinta

  23. Madaxdii barritoole

  24. Haddii aan la barbaarin

  25. Burburkii ina gaaray

  26. Saw kasii badan maayo?

  27.  

  28. Ruux bukaan la il liita

  29. Misna beerka u yaalla

  30. Dhakhtar baaniya haysan

  31. Haddaad baacugga laaddo

  32. Saw bestiis noqon maayo?

  33.  

  34. Haddii Beebbe xalkeeno

  35. Ama Baalcas ka rayso

  36. Dhaaxaa laysku basbeelay

  37. Hargeysaba burburkeedi

  38. Barre saw ma tijaabin

  39. Janankii barbarriiqday

  40. Halkee Baydhabo geeyey?

  41.  

  42. Kan haddeer bururaaya

  43. Balcad saw gubimaayo

  44. Nin balaaya hurshaaba

  45. Kolley waa ku baxaaye

  46. Boqolaal kun dadkeenna

  47. Oo badbaado sugeysay

  48. Baylah saw noqon mayso?

  49.  

  50. Intaad boobe cabbeys iyo

  51. Buntukh aad la ordeysid

  52. Baladweyn u fariiso

  53. Bari koox uga yeero

  54. Kooxda Baydhabo joogtiyo

  55. Bakool hayska horkeenin

  56. Baladxaawiyo Luuqna

  57. Barre Hiire ha keeno

  58.  

  59. Beeraleyda Afgooyiyo

  60. Reer Baraawe xusuuso

  61. Boholyow qaran bay

  62. Dhammaantood la bukaane

  63. Dadkaas waa birlabtiiye

  64. Ka badbaadi wax yeelloo

  65. Hal barkiis ha ku sheegine

  66. U bannee dhinacooda.

  67.  

  68. Ha go’doomin Banaadir

  69. Waa bu’dii waddankeenna

  70. Balaayaa habsatoo

  71. Muddo soo barkaneyde

  72. U bidhaami jaceylkoo

  73. Ugu baaq nabad buuxda

  74.  

  75. Hadal bootiyo faan iyo

  76. Badda baan ku shab siinin

  77. Waxba soo badin mayso

  78. Haysku baabi’in reerkee

  79. U bidhaami jacaylkoo

  80. Ugu baaq nabad buuxda

  81.  

  82. Dadku waa u bislaaday

  83. Dawlad bay u bukaane

  84. Colaad baase dilootay

  85. Burcadna waw talisaaye

  86. Ha ku biirinnin hooge

  87. Ugu baaq nabad buuxda.

  88.  

  89.  

  90. Ninna Beebbe dushiisa

  91. Balad soo halakoobay

  92. Dadku uu bahalloobay

  93. Kuma baanan karaayee

  94. U bayaani dastuurka

  95. Barnaamij dawlo horkeen

  96. Inta joogta baxnaani

  97. Waxna baadi ku doon.

  98.  

  99. Kaligaa ha la boodin

  100. Xogta waa la badshaaye

  101. Isku biiri aqoonta

  102. Baarlamaanka u yeero

  103. Dhanka loo bato fiiri

  104. Hana boobin codeynta

  105. Sumcadday bi’iyaane

  106. Baqshiish eex ha dulsaarin

  107.  

  108. Baladkii Xamarweyne

  109. Iyo suuqa Bakaaro

  110. Barbarkaad ka istaagto

  111. Burcad baa miraneysa

  112. Cidna aan bixineynin

  113. Buulo-xuubey dhexdeeda

  114. Iyagoon baqaneynin

  115. Waa kuwii u bareeroo

  116. Yaxye beerka ka toogtay

  117.  

  118. Isbaaraa iska buuxda

  119. Baabuurtaan soconeynin

  120. Dadku waa u Buskeeti

  121. Barqadii la cunaayo

  122. Waxba yaan la biqlayne

  123. Qorshe baahsan u keena

  124. Baarlamaan ha heshiiyo

  125. Dalku maahan Bakaaree

  126. Buqco maamul ka doonta

  127. U bareera go’aankaas

  128. Berri aad aflaxdeene.

  129.  

  130. Intaas wayga bayaan iyo

  131. Baaqii aan u diraayey

  132. Kuwa beebbaha saaran iyo

  133. Kuwa baadda ku haysta

  134. Xaruntii baladkeenna

  135.  

  136. Bulshoy wayga xasuusin

  137. Waxa baabu’u haysto

  138. Ubadkeenna basbeelay

  139. Bukaan aan cidi eegin

  140. Qaran baylah ku raagay

  141. Birta loo tumanaayo

  142. Waxa laysku baduugay

  143. Burburee kala yaacay

  144. Ba’ee saw adi maaha?

  145.  

  146. Badgariirkiyo roobka

  147. Waxa aan ka badbaadin

  148. Birmad aan cidi siinin

  149. Badda loogu xabaalo

  150. Suntii Boon iyo Rooma

  151. Cidna looga baqaynin

  152. Burburtee kala yaacday

  153. Ba’ee saw adi maaha?

  154.  

  155. Aqoon loo baxsadaa iyo

  156. Cilmi baa dad badbaadshee

  157. Saraakiil billanayd iyo

  158. Duqii beesha hagaayey

  159. Waxa  booca jaraaya

  160. Ba’ee saw adi maaha?

  161.  

  162. Dib u baadh ficilkaaga

  163. Bil dhacdaad u egtee

  164. Iska baacso qabyaalad

  165. Waad barooran hadhow’e

  166. Ama boodhka ka qaado

  167. Baluugleey calankaaga

  168. Dulli aad ka baxdoo

  169. Aad badhaadhe heshee

  170. Bulshoy taas kala dooro.

 

   ===Dhammaad====

W. T.  Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2006

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD