SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MAANSADII - DHALANTEED

Dhalanteed !!
Hala-abuurka Maansada
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Fikirka farshaxanka:
Amiin Caamir Maxamed
Aminamir20@hotmail.com


amin amir

amiin
Amiin Caamir

Maansada oo ah PDF kala soo bax halkan...

Hordhac

Maansadan la magac-baxday Dhalanteed waxay curatay bishii Maarso sannadka 2004-ta, xilligaas oo shirka illaa maanta ka socda Kiinya uu ku sugnaa marxalad jihawareer, ammakaag iyo quus ahayd.

Waddammadii abaabulay shirka - Kiinya iyo Itoobiya - oo ahaa kuwo aan isku haysanno dad, dal iyo diin intaba, ayaa xishood-darri si gabbasho la'aan ah adduunka ugu sheegay in aysan raalli ka ahayn, in Soomaalidu ka badbaaddo badweynta musiibo ee ay maanta ku hafanayso. Arrinkan waxaa marqaati cad u ah hadalladii madaxweynihii hore ee Kiinya Daniel Arab Moi, qoraalkii digashada ahaa ee lagu daabacay bogga internetka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo qoraallo iyo hadallo kale oo laga hayo mas'uuliyiin iyo aqoonyahanno u dhashay labadaa waddan. Waa yaabe haddiiba aan raalli laga ahayn in ay Soomaalidu heshiiso, noqoto qaran jira, oo ay yeelato dowlad tayo leh, maxaa loo abaabulay shirka uu maalka iyo muruqa faraha badani ku baxay?!!!

Fadhiidnimadii shirka, faduushii iyo faragelintii qaawanayd ee dowladihii martida loo ahaa, waxaa ka sii yaab badnaaday akhbaarihii yaqyaqsiga lahaa ee ka soo fatahayay goleyaashii ay dadka aan badankoodu miyir-qabka ahayni ku googaalaysanayeen. "Haddaan quraacdeenna meel la saarin maanta shir ma galayno!!". "Meesha cunoow iyo cayil ayaa loo joogaa !!" i.w.m. ayay isugu soo ururtay xigmaddii qabqableyaashii halkaas ku xoonsanaa, iyadoo kuwoodii ugu tunka roonaana uu kaftankoodiiba kabo-kabsi iyo kursi kala riixasho ka dhammaan waayay.

Waxaa xilligaa muuqday Shacab dulman oo aan dareensanayn waxa u danta ah iyo waxa u daran. Shacab aan cidi u maqanayn ceelna u qodnayn oo quus magan u ah. Shacab looma ooye ah!, oo haddii ay badda ku le'daan, haddii uu dugaag saxaraha ku diirto, haddii kun la laayo, kunna la kufsado, kummannaan kalena ayba gaaloobaan, aysan cidina u kurboonayn.

Maansadan Dhalanteed, waxay ka curatay muuqaalkaas madoow, oo ay muuqatay haddii uusan Alle ummadda Soomaaliyeed u soo dirin Duul damiir wanaagsan oo doc kaleeto wax u duwa, in xaalku uu markaa ka sii dari doono, halistuna sii durugsanaan doonto, Alle ayaan badbaado ka rajaynaynaaye.

Dulucda Maansada

Dulucda maansada Dhalanteed waa: in ay doqonnimo tahay in aan badbaado ka filanno cadowgeenna iyo Dagaal-oogeyaal dulmi-ku-naaxyo ah. Maansadu waxay shacabka Soomaaliyeed ee dulman uga digaysaa in ay mustaqbalkooda ku aamminaan gacan-ku-dhiigleyaal! Nacab-u-adeegyo ah. Waxay ku baaqaysaa in uu shacabku tooso, shaqsi kastaana uu dareemo waajibka ka saaran dhowrashada karaamaddiisa, tan ehelkiisa iyo tan ummaddiisaba. Waxaa muhiim ah in lagu dadaalo culaysna la saaro mustaqbalka sidii looga xoroobi lahaa Af-miishaarrada loo af-duubanyahay, oo haddii aanan laga tashan ummadda u horseedi doona halaag adduun iyo mid aakhiraba.

Afeef

Maansadani ma Khusayso shaqsi iyo koox gaar ah, waxayse duullaan ku tahay oo ay ka hadlaysaa habdhaqanka dullinnimada ah. Sidoo kale baaqa maansadu wuxu ku jeedaa indheergaradka Soomaaliyeed ee maanta u damqanaya diintoodii, dadkoodii iyo dalkoodii.

Digniin

Maansadan looma adeegsan karo ujeeddo ka duwan midda kor ku xusan, lamana faafin karo iyadoo aan ogolaansho laga haysan Hal-abuurkii curiyay.

Mahadnaq

Waxaan u mahadnaqayaa Farshaxanka wayn ee Soomaaliyeed, Abwaan Amiin Caamir, oo aan dareenkiisa Soomaalinnimo ka sokoow uga mahadcelinayo ogolaanshaha uu ii oggolaaday in aan dib u soo bandhigo farshaxankiisii laga daba dhacay, inta dareen-wadaagga la ah maansadan Dhalanteed.

MAANSADA DHALANTEED OO DHAMAYSIRAN HALKAN KA AKHRI... GUJI

M.C.Cibaar

------------------------------
Fikirka farshaxanka:
Amiin Caamir Maxamed
Aminamir20@hotmail.com

Hala-abuurka Maansada
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com

Maansada oo ah PDF kal asoo bax halkan...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
 



HTML CD