SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY:: DIGNIIN

Maxamuud Axmed Cabdalla
abdall02@email.franklin.edu  


DIGNIIN

Gabay “Digniin” Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
07/08/2004


Maxamuud Axmed Cabdalla


Hordhac:

Dhammaanba ummada soomaaliyeed waan salaamayaa meel kastoo ay joogaan. Tixdan gabayga ah ee ku magac dheer “Digniin” waa mid runta ku jaan go’an. Waxa aad la yaab u leh, maxaa ina ka duway uumiyaha dunidan ku dhaqan? Sow su’aal da’weyn maaha? Waxay aniga ila tahay inay arrini tahay “dukun-daakun, cidi yaanay dareerin, duugannoo magaceen be’.” Si kastaba ha ahaatee, waxan rejeynayaa in ummadda soomaaliyeed ku fikiraan mustaqbalka ubadkooda, kana waantoobaan mugdiga qabyaaladda ee hadheeyey. Waxan ku gebagebeynayaa, ilaahay ha ina dabaqabto kol haddaynu aayadiihii quraanka gees ka marnay.  

Waxa tiriyey: Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) 

Wax dhaaxaan dabuub gabay marshoo aan ku daakiraye
Halka doogtu ay tahay dadow duray ogaalkiine
Dagaal ooge diidaay wax badan daalay aawadine
 
Digiigixanba weydoo qalbigu idin ka diifowye
Dar dulloobey inaa tiin horaa loogu duurxulaye
Diiwaanno taariikhiyaa taa daliil u ahe
 
Darwiishkii ka gabay iyo ragguu daaddahayn jiraye
Dooddii timacaddaa igaga filan damac la’aantiine
Isaguba dakanaduu ogaa dulunka hoos yiile
 
Goortuu dixdhagaxeed tirshuu deyrshey magaciine
Da’roontii kacdaba waxa ku jiray geesiyaal darane
Iyana dacawigoodiyo la maqal iyo digniintoode
 
Doorroonayaal kama dhammaan degelka soomaale
Ubadkiinnii kuwii dooxaybaad daba ordaysaane
Warlord dadqala iyo basaas Xabash dillaalkii ah
 
Duuma idin laysaad samaha ugu dedaashaane
Dalkiinnii burburay iyo dilkii kama diqootaane
Dixri bawga dhigantiin naflaha dunidan guudkeeda
 
Markaadse qola u duushaan la mood dirirtii baarleefe
Ummadyahay derderan ee colaad lagu dul gawriirshey
Dulmiga iyo eexdaad kolley derejo mooddeene
 
Damiirkiinnu ba’anaa shar waa laga ducaystaaye
Bal dayaay darxumadeenna iyo dawlad li’ideenna
Duufaanka caydheenna iyo gaajo dalandoolka
 
Duryaadkaa kaniisadaha iyo daaska laga iibshey
Diihaalka waayeelka iyo dumarka naafoobay
Intaasoo dubaaqooyin iyo weliba daannooyin
 
Nin ka diiri waayaa xumaha waa habeen damahe’
Diin iyo islaamnimo ma aha inuu ku doodaaye
War daa’inkiin ka baqa dunidan waa laysu dacarayne! 

-dhammad-

DARYEEL


Abwaanka waxad kala xidhiidhi kartaan Email: mohamoud@ameritech.net  ama , abdall02@email.franklin.edu 

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2004

 

DOODWANAAG

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD