SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DURRUJAA

Durrujaa 

Ururka indheergaradka Soomaaliyeed
Email:
ururka@hotmail.com

Annagoo ah ”Ururka indheergaradka soomaaliyeed” ayaannu ummadda soomaaliyeed u soo gudbinaynaa gabay uu waa hore tiriyey suldaan Caweer Xirsi Maxamed. Gabaygani waa gabay xul ah oo aannu ka soo doornay ilaa 1600 oo maansooyin soomaaliyeed ah. Ilaa 70 ka mid ah indheergarad isugu jira xubno ka tirsan UIS (Ururka indheergaradka soomaaliyeed) iyo abwaanno dunida daafeheeda ku kala firiqsan ayaa gabaygan u aqoonsaday in uu kaalinta kowaad gelayo maansooyinkaas faraha badan. 

Baadhitaan xeeldheer oo lagu kala duwey 1600 oo maanso oo la tiriyey kontonkii sannadood ee ugu danbeeyey ayuu gabaygan suldaan Caweer wuxuu ku guulaystey inuu kaalinta kowaad galo.  

Dhammaan xubnaha ururka indheergaradka soomaaliyeed iyo abwaannada baadhitaankan qaaliga ah ka soo qaybqaatay waxaannu u hanbalyaynaynaa suldaan Caweer Xirsi Maxamed. Suldaanku ma uu oga in uu gabaygiisani fiiro cilmiyaysan ka dib ku guulaystey inay aqoonyahan iyo indheergarad door ahi qireen in uu heerka ugu sarreeya gelay maansooyinkii nus qarnigii dhawaa. ”Hanbalyo” ayaannu suldaanka leennahay. Gabayga waxaa magaciisa la yidhaadaa ”Durrujaa”. Magacan waxaa u bixiyey suldaanka, balse dadweynaha dhexdooda wuxuu gabaygu ku magac dheer yahay ”Gabaygii gabayada”. 

  • Ahmedow dabuub gabay ninkii, qooq leh baw boga’e

  • Ma daryeelo liitaaga iyo, kii damiin ahiye
  • Damiir laawihiyo tuugtu way, saga dullaashaane
  • Waa waxaan duryaadkiyo ilmuhu, dhab u dareemayne
  • Maxkasdoo la daashiyo fahmaa, lagu daliishaaye
  • Waa deeq ilaahay baxshiyo, doorad taani ahe
  •  
  • Dubaaqiyo qalbiga waa ciyoon, shay u daadega’e
  • Afkaar durugsan waa qalab naxwaha, lagaga doodaaye
  • Duruus la akhristiyo waa sidii, buugag daabacane
  • Dhaqan duug ah iyo waa xasuus, lagu duggaalaaye
  •  
  • Dawliga walwaaleed ka dheer, dawda maansaduye
  • Dajimaale iyo waa sidii, doh iyo haadaane
  • Doojimada iyo qaabintaa, doqon ka xeel wayne
  • Nin adoogi daadihin jiriyo, daahigaa shuba’e
  •  
  • Daynkii maqnaa iyo xaqaa, lagu diwaanshaaye
  • Dakaniyo abaal buu midkood, debedda keenaaye
  • Dacar iyo macaan kaad rabtaa, laga durduurtaaye
  • Daawo iyo colaad buu sidii, dixille fooshaaye
  •  
  • ”Doogkiciye” goortay Khaliif, dani ka gayn waydey
  • ”Darbadaaley” iyo wuxuu cuskaday, dakhalkii waagiiye
  • Duug iyo rag aakhiro jiraa, laga dabqaataaye
  • Dadkuna uma sinnee waa u gaar, daan cirroolaha’e
  •  
  • Dunta laga sameeyiyo facaan, kala duwoonayne
  • Dimcad lagama nooleeyo iyo, dhuuxdaloolaha’e
  • Durrujaa salkiis baa hurshiyo, dogobbo waa weyne
  • Dalanbaabi iyo wiilshuu, deri ka yeeshaaye
  • Nin aan madaxu deebta u ekayn, sooma daahkilo’e
  •  
  • Daruur curatay iyo waa gugoo, hooray duhurkiiye
  • Waa daalalida oo ximruhu, soo duljoogsadaye
  • Danbarsamaha iyo waa sidii, dirirka Cawleede
  • Waa danab hillaacoo saq dhexe, daadka soo rogaye
  •  
  • Waa doog barwaaqoo abaar, looga soo degaye
  • Waa jeexyadii Dacarrey iyo, dalaqyadii Hawde
  • Dul ugbaad leh iyo waa sidii, xamashka dayreede
  • Barqodihinta waa xoolohoo, reebay dacaskiiye
  •  
  • Waa dabaqyo geedaysan iyo, xeeryo daalibane
  • Dulbaax kurusa iyo waa xilkoo, loo dayaafadaye
  • Waa sidigta dahab oo dhashiyo, dararta caanoode
  • Waa darib bislaatiyo sidii, malabkii doocaane
  •  
  • Waa dakhanwaliilaaga oo, daaray ubaxiiye
  • Dabqaad uunsi iyo waa sidii, daarka maydiga’e
  • Dabayl saxansaxiyo waa sunbaax, lagu dawoobaaye
  • Waa Kiristiyaandoorka iyo, daawiska udgoone
  •  
  • Dun xariir ah iyo waa sidii, daalam lacageede
  • Daawali cas iyo waa hub iyo, shay dallaayad ahe
  • Daabaca dharkiyo waa wilkii, daaqadda lahaaye
  • Waa doollarkiyo luulka iyo, dahab sidiisiiye
  •  
  • Darmo iyo firaash lagu gam’iyo, waa dallaalimo’e
  • Waa labo isdoortiyo aroos, daaha loo rogaye
  • Darmaan gabar ah waa qalanjadoo, lala dekeeyaaye
  • Xiisha durbaba waa cayaar, laysku deensadaye
  •  
  • Duddo nabad ah iyo waa bulshada, daqaqankeediiye
  • Durbaan iyo cayaar waa sidii, luuq danaani ahe
  • Dugsileyda iyo waa ardada, dalamalkeediiye
  • Digri sumuca iyo waa khudbiyo, duciyo liilaafe
  •  
  • Waa damal har weyn oo ku yaal, banankii deexeede
  • Waa Harodigeed iyo jiqdii, darista weynayde
  • Waa cadar dugsoon iyo hawada, dalalacdeediiye
  • Waa darac qabowoon sayaxa, marin dabayshiiye
  •  
  • Waa diiradlaha rayfalkiyo, dabofur maadhiine
  • Madfac dananay iyo waa rasaas, dininigteediiye
  • Waa miig hawada duulayoo, soo dabbaaldegaye
  • Waa dawladaha Naato iyo, Waarso dirirtoode
  •  
  • Waa sida Dannood oo cirkiyo, daafahaa maraye
  • Durdur buuxa iyo waa sidii, ceelkii Dabarowe
  • Waa dooxa iyo webiyadoo, loo dabaaltegaye
  • Waa laaf dabayshanahayiyo, duubka xaaxiga’e
  •  
  • Hayin duruf ah iyo waa sidii, daabbad kuu rarane
  • Waa laash kalluun dabanayiyo, doon la shaaximaye
  • Shiraacoo dibbiray waa xayuun, dakhalku buuxaaye
  • Markab daahan iyo waa xammuul, deegta yuurura’e
  •  
  • Degmo geeddiyiyo waa horseed, daw ku soo hiraye
  • Rasto durugsan iyo waa sidii, laami diirad ahe
  • Dalluugaha cirkiyo waa dhabaha dooxan oogada’e
  • Naakhuude diritaynayiyo, waa dulbaa’igae
  •  
  • Waa sida musbaax daaran iyo, layr aan damahayne
  • Dab la shidiyo waa korontadoon, damin allaylkiiye
  • Dayax nuuray iyo waa ifkoo, gaarey dunidiiye
  • Shamso daalacdiyo waa alleyl, dabamarkiisiiye
  •  
  • Waa duubcadduu boqor Cismaan, daaddahayn jiraye
  • Dooyada fardaha waa gammaan, laysu soo dumaye
  • Dullaanbaxiyo waa colkoo, niman dareersheene
  • Daleel iyo bannaan waa dharaar, foodda la isdaraye
  • Waa Miinanloo degel fadhiya, qoon dareersadaye
  •  
  • Wuxuu yiri nin door ahi mar uu, madal ka doodaayey
  • Dareenka iyo dhiillada hadday, nabadi duugowdo
  • Ergo dirasho iyo sulux haddii, daawo lagu waayo
  • Afkoo lagu dagaaliyo gacmuhu, wax isma doorshaane
  •  
  • Dugta jaraha dalab jeexan iyo, doorad la cayaaro
  • Shax la degey kataan deeddama ah, duuban haluyaal ah
  • Saddexleyda darandoorriga ah, doorranka halqaadka
  • Dadban labojaraale ah irmaan, deyran iyo xoog leh
  • Doqow hadashay waayeel dacwiyey, doocintiyo maagga
  • Rag isdaaray odayaal da’ weyn, ereyo deelqaaf ah
  • Sidii darayga duudduub u laqa, wax isdareensiinta
  • Duubgiringir iyo sheybeyaal, hadalka daaweystey
  • Il la dabay danniga uurka iyo, aano dabajoogga
  • Daaraanta godob taabashada, dayn isugu baanka
  • Dirgalegedka dibirseexatada, heellodebedeedda
  • Danaanada qarsoon sheekadoo, laga dabaaqaayo
  • Iskudeyidda duudlaabashada, daymo ku hilbaynta
  • Kaftan dalab leh haasaawe dedan, diigashada maadda
  • Murti duugan iyo xaajo aan, diirka laga qaadin
  • Diric iyo abwaan baa fahmee, doqoni waa mooge
  •  
  • Waxba gabaygu yuu ila durkine, waxaan ku soo daayey
  • Haasaawahaagii dorraad, waan ku diirsadaye
  • Daftar lagu qoriyo naastaraa, loo diyaarsadaye
  • Dumar iyo rag waatuu khalqigu, kuu durbaan tumaye
  • Xasadku ha darooryee xabiib, kuma darraabayne
  • Duco iyo in aad waartid baan, kuu durraansadaye
  • Ha ka daalin tirintiisu waa, hawl daruuri ahe

Ururka indheergaradka Soomaaliyeed
Email: ururka@hotmail.com

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD