SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG
Aden-gaas
Washington D.C.

LUQADAHA ADDUUNKA
Iyo Heerarka ay Soo mareen

  • maxaa luqadaha qaarkoodna hoos udhigay oo u noqdeen wax dunida ka suulay,kuwana ka dhigay luqadda ummadaha addunkoo dhan isku fahmaan.
In ka badan 9000-luqadood ayaa adduunka maanta looga hadlaa,laakiin wax ka yar 15 hab qoraaleed ayaa ilaa hadda hanaqaaday.Afaf cusub ayaa wali laga helayaa cirifyada koonkaan aan ku noolnahay.Ilaa 1000-luqadood sida kii Masaaridii hore ayaa baa'ba,ay oo tirmay wax ku hadlaana ayan jirin.
 
AFSOOMAALIGA OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
usheeg waraabow baa igu dhacaye waxaa loo tarjumey...
 
Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? [Cibaar]
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil
Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Sunta ku duugan Soomaaliya

Macdanta ku duugan Soomaaliya

 
XASILLOONIDARRADA AFSOMALIGA
Qore Cabdiraxmaan "Barwaaqo" Guji
Dunida maanta luqadda ugu balaaran ee lagu hadlo waa luqadda Chineska,oo ay ku hadlaan Qoomiyad ka badan 1 bilyan oo qof:balse dadka Shiinuhu waxay leeyihiin ilaa 10 Lahjadood,waxaanse ku magacaabaynaa hal luqad.Lahjadda Mandariin waxaa ku hadla in ka badan 500 milyan oo qof;sidaas awgeed waxay ku faaftay dacalada wadanka Shiinaha oo waxay noqotay Lahjadda lagu dhigo Iskuulada,laguna maamulo wadankoo idil.
 
Afka Ingiriiska oo maanta noqday luqadda kaliya ee aduunku isku fahmaan,waxaa ku hadla oo afkoodii hooyo yahay in ka badan 400 milyan oo qof;tiro intaa udhigantana(400 milyan),waxuu u yahay afkoodii labaad.In ka badan 60 boqolkiiba buugagta adduunka la qoray waxay ku daabacan yihiin afka ingiriiska, Compuyuutarada la isticmaalo 85 boqolkiiba waxay ku qoran yihiin luqada Ingiriiska.

Haddaba waxay iswaydiintu tahay, maxaa luqadaha qaarkoodna hoos udhigay oo u noqdeen wax dunida ka suulay,kuwana ka dhigay luqadda ummadaha addunkoo dhan isku fahmaan.
 
Si aynu u helno jawaab na qancisa, aan bal yare xusno taariikhihii ay soo mareen qoraalka luqadaha iyo waliba akhriskaba.
 
Culimada Saynisku waxay ku qiyaasaan fartii Nabi Muuse inay soo ifbaxday 3250 sano ka hor,kaasoo ay ku tilmaameen markii horumarka qoraalka banii-aadamku bilowday;sidoo kale ka hor soo bixitaankii diintii Masiixiga Qoomiyadihii waagaas waxay lahaayeen qoraalo ay isku afgartaan,waxaana lagu magacaabi jiray'Runes'_Runes oo macnaheedu ahaa "Sir". Runes waxay u samaysnayd alphabetka giriigga.Oraahda Alphabet,waxay ka timmid oo ka soo jeedaa Luqadda Hebrewga,Xarfaha hore ee dadka Semetigu waxay u qornayd:Aleph- macnaheedu ahaa "Dibi" iyo Beth- oo iyana ah "Guri". 
 
Far qoriddu banii-aadamku waxay u ahayd isgaarsiinta iyo fariimaha ugu muhiimsan ee ay ku maareeyaan waayahooda.waxyaalhii ugu horeeyay ee fariimaha qoraalka la isku gudbin jiray waxay ahayd sawiro sida:Xayawaan,alaabo,dad,biyo,qalab geedo iwm,maalinba maalinta ka dambeysa dadku waxay ku dhiiranayeen inay horumariyaan qoraalka ay iskugu gudbiyaan fariimahooda.Sababaha ugu waaweyn ee looga maarmi waayay qoraalka,waxaa kow ka ahaa Ganacsiga.tusaale ahaan ganacsadihii ka beecmushtari jiray Qamadi,waxaa qasab noqotay inuu helo waxuu ku rikoodhgareeyo ama ku xafito xisaabaadka dadka dhexmara. 
 
Dadkii u horeeyay ee sameeya far qoraala oo shaqaysa waxay ahaayeen dadkii sumerians,ee dalkii loo yiqiin Mesobotaamiya,qiyaastii 3000 B.C.E.qoraalkaas waxuu ahaa erayo iyo sawiro wada socda.Habqoraalkaasi waxuu ahaa dhoobo,waxaana laga helay qaybo ka mida bariga dhexe iyo koofur bari yurub,sawirada la helay waxay u samaysnaayeen dhoobo qoyan ayaa intii cagta la saaro dabadeedna milicda qoraxda lagu qalajin jiray,waxayna habqoraalkaasi dadku ku xisaaban jireen canshuuraha, dhul kala gadashada,iyo becsharadaha kaleba.. 
 
Adduunka maalinba waayaheed leh,wax joogta ah majirto(ilaahay ka sakow) oo wax walba way is bedeleyeen, laakiin banii-aadam intuu jiray waxay deris ahaayeen Geeri iyo Canshuur!
 
100 sano ka dib xiligii sumeriyiinta,masaaridii hore waxay horumariyeen habqoraalkii,sidoo kale deegaanadii loo yiqiin aegeen,anatolis,dooxada Indus,iyo china ayaa ku tilaabsaday qoralka socodsiintiisa.Balse qoraalka aynu maanta naqaan wali ma hirgelin tan iyo intii la sameeyay alphabetiga,Waana shay banii-aadamka muhiim u ahayd helidda alphabetiga ,waayo farsawireedkii dhibaaytadiisuu lahaa sida taariikhdaan soo socota oo inoo cadeynaysa farsawiredku khaladaadkuu lahaa. 
 
"Boqorkii xukumi jiray dhulkii loo yiqiin Persia,oo la gu magacaabi jiray Dariuskuu waynaa,ayuu waxuu ka helay fariin qoraala cadowgiisii la oran jiray Scythian.Fariintoodu waxay u sawirnayd oo ka koobnayd:jiir,rah,shimbir,iyo falaar.Boqor Darius waxuu u fasirtay in cadowgiisii Scythian is dhiibiyaan beri-subax;oo falaarta waxuu u qaatay in hubkooda dhiibiyaan,jiirka waxuu u fasirtay in dhulkooda soo wareejinayaan oo xukunka boqorka ka mid noqonayaan,raha macnahiisu waa inay u dhiibiyaan biyahooda,shimbirtana waxuu u tarjuntay inay si dhaqso leh uga duulayaan furinta dagaalka.Waxuuna boqor Darius si farxad leh oo kalsooni ku jirto u seexday  qasrigiisii.
 
Laakiin habeen barkii ayaa inta loo yimmid qoorta laga jaray,isla habeenkaas ayaa ciidankii Scythiansku qabsadeen dhulkii uu ka talin jiray boqor Darius,ciidankiisiina wax la qabtay iyo wax la dilay bay noqden.Rer Scythians waxay ku fasireen qoraalkoodii:Shimbirta macnaheedu waxuu ahaa reer bershiya inayan fakan doonin inay duulaan mooyaan(waa ma suuroowdo--ilayn diyaarad lama aqoone),jiirka iyo raha waxay ku macneyeen rer Bershiya sida kaliya oo ay ku fakan karaan wa iyagoo dhulka hoostiisa gala ama isku qariya biyaha , falaartana waxay yiraahdeen waligayo ma cararayno hubkastuu haysto boqor Darius."
 
Garanay qoraalka sawirka lagu gudbiyo khatarteeda inay leedahay,waxaa hadba qoraal la soo gudbiyaba 800--900 sano B.C.E.Dadkii Giriigga waxay isticmaaleen inay wax uqoraan Phoenician (waa dhawaaqa hadalka),alphabetka maanta la isticmaalo;Giriigu waxay kaloo dejiyeen in wax loo akhriyo bidix--midig, Carabiga iyo Hebrewga wali waxaa loo akhriyaa midig--bidix; farta Shiinaha iyada waxay u habeysantahay taagtaag halkii bacbac ahaan lahayd,waxaana loo akhriya kor--hoos,iyo midig--bidix.alphabeetiga maanta la yaqaan waxaa la dejiyay oo la isku raacay 800 B.C.E.
 
Romankii waxay ogaadeen inay fartaan tahay mid hagaagsan ,waxayna go,aamiyeen inay isticmaalaan alphabetkaas sanadkii 700 C.E. Alphabetadii Romankii hore waxuu ahaa Ingiriiskii hore ee gaboobay,Waxaana sii bilay alphabetadii loo yiqiin cyrillic alphabet. waxaana keenay labo baadiri oo  Giriiga, lakalana oran jiray St.Cyrill,iyo St.Methodius, waxayna ku aadantahay qarnigii 9aad C,E.Alphabetadan wali waxaa laga isticmaalaa bariga Yurub iyo Ruushka.Sidoo kale alphabetadii loo yaqaan waqooyiga Semitic,waxaa iyana sii bilay alphabetadii Aramaic,kaasoo ku fiday ilaa aasiya sida hindiga. 
 
Inkastoo qoraal kaliya uu u muuqan karo alphabeeto kala gedisa,midna walibana waxay leedahy alphabeto ay ku abirtsato sida:Phoenician,Old hebrew, Early greek, Early latin ,Cyrillic, Arabic,Hindi, English.Walxaha ku jira qalin qoraha(Pencils) aynu maanta isticmaalno ee Grahite,waxaa isticmaali jiray oo wax ku sumadaysan jiray dadkii la oran jiray Aztec,ayagoo wax ku xardhan jiay qarniyaal ka hor intuuna imaan Cortes dhulka Mexico sanadkii 1519 kii. Laakiin qalin qoraha (Pencils)waxaa si rasmiya loo siticmaalay sanadkii 1564 tii,ka dib markii la helay ka ganacsgii godka macdanta Cumbeland ee dalka Ingiriiska,macadntaa Graphite waxaa laga shaqaynayay 250 sano.Walxaha uu ka samaysan yahay qalin qoraha maanta waxaa ikhtiraacay Nicolas Jacqus Conte,sanadkii 1795tii. 
 
Luqadda halagu hadlo ama hala qoro waa hab bulshada iskula xiriirto.badi dadku waxay ku hadlaan luqadda hooyada,amase aabaha,lnkastoo hadba dhulka aad joogtid luqadda looga hadlo ay ku jiidan karto,hadaan taxadarkeeda la lahaan. Badi akhriska waxaa lagu bartaa guriga, laakiin qoraalka waxaa aasaas uh rugaha wax lagu barto sida iskuulada.haddaadanse nasiib u helin fursadda iskuul helidda,siyaabo kale ayaad ku kasban kartaa qoraalnimada sida:shaqada,guriga,asxaabaha ,iyo meelaha bulshad iskugu timaado.ogowna qoraalyahano caan noqday ayaan iskuul sidaasa aadin oo ay ka mid yihiin Charles,Dickens,oo ingiriis ahaa.Mark Tawain,oo maraykan ahaa,Maxim Gorky,iyo Sean Ocasey oo irish kuligood ma hamaysan Dugisiga hoose(Elementry). Jack londor.Will Roges,iyo Wulliam Soroyan oo reer Maraykan ahaa iyana Dugsiga sare (Secondry School) may dhamaysan.. 
 
Xeel dheerayaashu waxay ku qiyaasaan 80 ilaa 90 boqolkiiba macluumaadka aynu u baahannayahay waxay ka yimaadaan wax akhriska,sida awgeed waxaa lagama maarmaana ugu yaraan maalintii hal saac wax akhriso, taasoo haddii la helo qorayaal wacan wax wayn ka taraya himilada aynu higsanayn.Akhirska ama qoranimdu waxay ka mid tahay waxyaalaha lagu wacyi geliyo ummadda oo haddii aad soo bandhigtid qoraal ka nadiifa waxa loo yaqaan Bias,oo aad markaad wax ku gudbinayso qoraal aad ka ilaaliso dhinac u xaglin amase dhinac ka jir ,qoraalkagu wuxuu noqon mid kobcaa oo waxaad yeelan dad kugu xiran xitaa ha liito hab qoraalkaagu ;tartiib tartiib ayaad ku saxanaysa wixii waayo aragnimo la,aan kaaga qaldama. 
 
Marba haddaad qalin iyo warqad aad soo qaadatid oo aad u diyaar garowdo inaad wax qortid ,qoraalkaagu waxuu isugu biyo shuban afar qaybood oo kala ah:
 
1) Warin (exposition) sida---Warqadaha lasu diro,wararka,warsaxaafadeed,Cilmiga sayniska,qoraalka ganacsiga.
 
2) Dood ama ra,yi(Persuades;Argumentation) sida arji qoridda,qiimaynta shaqada,waxay ila tahay,bareeraha qoraaga,khibradaada shaqo.
 
3) Sheeko(Narratoin) sida--qoridda sheeko xariir ,Shaqsiyadda qofka,Novels,Waxaa jiri jiray
 
4) Sharaxaad (description) sida-- Wargayso,iyo suugaan. 
 
dhammaan afartaa qaybood ee qoraalkaagu geliyo waxay kulli wadaagaan inayan u dulqaadan qoraalka liita ee biaska ah,iska jir waligaa qoraalkaaga ka ilaali inaad qod ummad amase cibaado aad ku aflagaadayso- Ogow waad qoro kartaa dareenkaaga shaksiyadeed oo waad soo bandhigi kartaa waxaad u aragto inayan qaban hadba meeshaad ka hadlayso balse waxaa qoranimada ka mamnuuc ah inaad dad isku dirto inaad qof caydo xitaa haddaad qofka magaciisa qalad u qorto waa inaad raali gelin ka bixisaa,waayo waxaa suurowda khaladka higaadaas inuu wax xun noqdo.
  
Haddi waqtiga inoo saamaxo waxaan qorma kale kusoo qaadanaynaa maraxaldihii ay soo martay afkeena hooyo ee Soomaaliga- iyo sababaha aynu nasiibka ugu helnay inayan luqadeenu suulin sida tii masaaridii hore:waliba iyadoo afkeena aan waligiis la qorin oo dadkeenu ahaa wax- maqore,waxna ma-akhriye. 
 
xarfihii alphabetigii hore ka eeg dhanka midig ee bogga
 

Aden-gaas

Washington D.C.

Faafin: SomaliTalk.com | August 3, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD