SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback |Allah Is Great  
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

GABDHAHEENNA WACANOW

                                       W.T.   Yusuf Sheikh Omar (Kawnayn) 

12/11/2002 ayey ahayd markii 4 wiil oo dhallinyaro ah ay isugu yimaadeen aqalkii aan deganaa kaas oo ku yaalay xaafad ka tirsan magaalada ‘Melbourne’ ee wadanka Australia. Ulajeedada kulankaasi waxa uu ahaa sidii urur loogu unki lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee Australia. Gebo-gebodii ayaa la soo jeediyey in gacanta naga maqan –waa gabdhaha’e– la marti qaado waayo gacan kaliya wax ma goyso. Gabdhihii ayaa la marti-qaaday ugu danbayntiina waxaan ku guulaysanay in aan dhidibada u taagno ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee Australia 23/2/2003. Aniga laftayda ayaana la’ii doortay gudoomiyihii koowaad. Imminka ururku waxa uu galay sanad guuradii saddexaad, waxanuna dooranay gudoomiyihii saddexaad. Maalinkii la aas-aasay ururka illaa maantadana waxa aan si wayn mashquul ugu ahaa howlaha dhallinyarada, waxana u kuur gelid ku sameynayey sida gabdhuhu uga qayb qaadanayaan socodsiinta howlaha. Ugu danbayntii waxaa ii soo baxday in ay gabdhuhu aad uga fir-fircoon yihiin wiilasha, inta badanna ay gabdhuhu dhabarka u ritaan howlaha. Taariikhdu markay ahayd 25 Jimce, Maarso, 2005 ayuu salaadda subax kabacdi fikir ila tegay anigoo dib u milicsi ku samaynaya doorkii sharafta lahaa ee gabdhuhu ka ciyaareen wax qabadka iyo taabo gelinta ururka dhallinyarada (inta badan gabayadayda waxaan sameeyaa salaadda subax ka bacdi). Sidoo kale waxaa igu soo duxday meerisyo maskaxdayda ku harsanaa oo kamid ahaa gabay aan 13 sano ka hor ku tir-tirsinayey gabdhaha Soomaaliyeed cinwaankiisuna ahaa “Gabdho Muslimaadkow”. Aqristow ma iga rumaysan haddii aan ku iraahdo isma aanan ogayn goor aan qalinka qaaday, bilaabayna curinta gabaygan? Bilawga gabaygan Waxa aan  ku jalleecayaa dhibaatada iyo dhiillada ay ku jirto ummadda Soomaaliyeed. Qaybta dhexena waxa aan kaga hadlayaa isxilqaanka wayn ee ay gabdhaheenna wacan ka muujiyeen howlaha ururka dhalinta, aniga oo qeexaya in aysan wiilasha keligood waxba qaban karin, tusaalena u soo qaadanaya in shinbir labadiisii garab midkood laga gooyey uusan ku noolaan karin garab keliya halisna uu u yahay ugaarsi cadow, waxana ku soo gebo-gebaynayaa meerisyo caraabin iyo dhiiri gelinba isugu jira. Waxana iri:   

  • Gudcurkii madoobaha markaan gees u yara seexdo

  • Gama’daan iraahdaba waxbaa madaxa guuxaaya

  • Mana garan waxaa iga gubee gogosha ii diiday

  •  

  • Gabdhaheenna wacanow waxaan idin garwaaqsiiyey

  • Xaajaddii gurracantoo wataa laysi soo galaye

  • Gacalkiina kala guuray oo gaabki sii fidaye      

  • Geyigeenni u gubanhayoo nacabku googoyne

  • Glayryada sidoodii wakaa gumucu wiiflayne

  • Galab iyo habeen waayadaa dhiigu galacleyne

  • Galaayuuski uu nagu degiyo geeri iyo hooge

  • Guluf iyo colaad waayadaa guudka loo fidhiye

  • Gidigeen maxaa nala gudboon gebi ahaanteenba?

  • Gabdhow gaar ahaantii ma’ogi waxaydun goyseene

  • Goobtan bal soo dhiga waxaad talo ku gaarteene

  •  

  • Geeskalana hadaan fiiriyoon hadalka guud meero

  • Gorfayn  hadal markii loo kacee arrin la gaaraayo

  • Gebo-gebo la yahayee hadana talo la goyn waayo

  • Gunaanad la wada waafaqoo gudigu soo saaro

  • Go’aankii gabdhaa keena oo hadalka soo gaabsha

  •  

  • Ged kalena haddaan fiiriyoon sharaxa gaarsiiyo

  • Gawawar markuu nagu dhacoo gacanta loo baahdo

  • Ee go’aanki aan gaarnay iyo howshu garab waydo

  • Ee gocosho awgeed maduxu ila gariiraayo

  • Gabdheheenna wacan baa markaas gacanta soo taaga

  • Danta gaar ahaaneed ayey gees isaga tuuri

  • Iyagoo gamaan oo kaliyo faras gablaynaaya

  • Ama Aar la guul-guulayoo geedo dhabanaaya

  • Oo geedka baarkiisa iyo gebi ka duulaaya

  • Ama aad gantaal mooddo iyo gumuc la soo tuuray

  • Eyey howshi gebigeed qabtaan gu iyo jiilaalba

  • Gama’ iyo markaas baa  helaa hurdadii ii goysay

  • Gabdhahana ducaan u aqriyaa jiifka gudahiisa

  • Guulow allahayow adaan gacanta kuu hoorshay

  • Ee gabdhaha wixii fiican ee janada gaynaaya

  • Gedigoodba sii iyo weliba guriga loo aayo

  •  

  • Geeskalana haddaan fiiriyow gogol tusaaleeyo

  • Shinbir garab ka naafoobay oo cadowgi uu gooyey

  • Qayrki gaari waayoo cidlada silac la guuxaaya

  • Oo abeeso gaajaysan ay geedka dhinaciisa

  • Godkeedii ka soo siibatooy gaadmo iyo bootin

  • Giirtiisa qabanayso iyo gebi ahaan tiisba

  • Goortu maagu duul buu kufaa halaqa geestiisa

  • Markaasu garwaaqsani inay garab la’aantiisu

  • Rafadkiyo gal-galadkaa badoo geeri yahay maanta

  •  

  • Waxaan uga gol-leeyahay haddaan guud mar ugu sheego

  • Gabanada hadaydaan walaal adinku gees joogin

  • Shinbir baalalkii laga guroo silac la guuxaaya

  • Oo abeeska gaajaysan uu madaxa gooynaayo

  • Gediisoo kalay gabaxsadaan gebi ahaan toodba

  •  

  • Anoo gocosho kale sheegayoo hadalka soo gaabin

  • Gabdho-yahow  la’aantiin runtii guul ma filaneene

  • Gacantiin haaddaan jirin anagu talo ma gaarneene

  • Garabkayaga midig baad tihiin goor iyo ayaane

  • Gaashaan biraad noo tihiin oon lagoyn karine

  •  

  • Guntiyada adkeeyoo walaal howsha garabsiiya

  • Garta waajibkiinoo walaal gacan libaax yeesha

  • Gabdhihii badbaada noqdoo khayrka nala gooba

  • Garaadkiyo aqoontana dhisoo ummada gaarsiiya

  • Godod baa hortiin laga qodee gees walbaba eega

  • Gacandhi baad maraysaane hooy sabirka gaashaanta

  • Gooni socod ma fiicnee walaal ururka soo gaara

  • Garbahana iswada saara oo nacabka googooya 

  • Go’doonshoo ku rida dowga gododka hoostooda

  •  

  • Anigoo gunaanadi gabdhow waxan ku s oo gooyey

  • Gurmad baynu nahayee walaal gebi ahaan kooye

  • Geedigu ma gaabnee walaal orod ku soo gaara 

  • Goobtaan istaagnaba walaal geesta kala jooga

  • Gacan baannu yeelan walaal idinna gaarkiina

  • Qof waliba wuxuu galabsaduu guushi helayaaye

  • Gool baynu soo dhallin hadaad garab nasiisaane

  •  

Yusuf Sheikh Omar (Kawnayn)

Melbourne-Australia,   Jimce 25/3/2005 

EREY BIXIN 

Gaabki = faraqii ( weedha ‘gap’waa in gelish)

Galayr = shinbir aad u dheereeye

Gumuc = qaybta hore ee maarta ku jirta ee wax disha

Galaclayne = shubmayo, dhoobanyahay hadana bir-birqayo

Galayuuski = musiibadu

Guluf = weerar subaxeed, suxulduub dagaal iwm

Gorfayn = wadatashi, doodid, talo wadaadig

Ged-kalena = dhinac kalena, gees-kalena

Gawawar = howlgab, go’doon iwm

Gocosho = tiiraanyo, wax qalbiga wel-wel iyo canuun kaaga beera

Gamaan = farasa

Gablaynaaya = soconaya si orod ku jiro

Aar = libaax, gaar ahaan kiisa lab ee xooggu isu gaaray

Geedo dhabanaaya = ciyaya una soconaya si dhoollo tus iyo is qaad-qaadin ku jirto Halaq = wax kasta oo sun leh oo wax qaniina isla markaasna xabadka/ ku siqa, gododka iyo dhulka hoostiisana gala sida: abeesada, maska iwm

Gacandhi = qodax, geed aad u yar oo qodxo miiran ah isla markaana dadka reer baadiyaha ah ee kabo la’aanta ah cagaha ka muda ama ka dura xanuur badanna ku reeba   


Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr15, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD