SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO

W.C.  Inj. Maxamed Cali Cibaar | mohamed_ebar@hotmail.com



Inj. Maxamed Cali Cibaar

                    Murugo: Gabay Cusub

                            Curiye: Inj. Maxamed C. Cibaar

                                    Delft, Holland 

Gabaygaan Waxaan curiyay 25kii May sanadka 2006da. Sida magaca laga dhadhansan karo, gabaygu wuxuu cabbirayaa dareenkayga ku wajahan dagaallada doqonnimo ee ka holcaya caasimaddii waddanka ee Muqdisho. 

Maatidii muddada labaatanka sano ku dhow caasimadda ku madluunsaneyd ayaa mar kale lagu billaabay madaafiic aan loo aabbo yeelin. Burburin iyo barakicin horay waa loo arki jiray, laakiin markaan waxaa cusub in ay Qabqableyaashii qas u joogga ahaa ay la soo indho-cadyihiin in dadka rayidka ahi ay yihiin argagixiso loona baahanyahay in la dabarjaro. 

La yaabe, haddii cunug saddex jir ah  iyo hooyo uur lihi ay ka mid yihiin argagixisada ay Qabqableyaashu la dagaallamayaan oo ay rabaan in ay ciribtiraan. Hadii dowlad ku sheegtii maaweelinta loo dhisay ay maqsuud ku tahay meesha xaal marayo, lana tuhunsanyahay in ayba iyadu miinada hoos ka aasayso. Haddii  dowladihii adduunka ugu itaalka roonaa ay falalka argagixiso ee  Qabqableyaasha calooshooda u shaqeysteyaasha ah taageersanyihiin. Haddii intii gargaarka iyo garabka laga filayay uu arrinkoodii ku soo aruuray; Ishaa macallin ah ! Weydiinta murugada lihi waxay tahay:  Yaa u maqan  shacabka maatida ah ee ku madluunsan  magaalada Muqdisho?

  • Yaa u maqan maatida yaabbanee muruqa loo sheegtay?

  • Yaa u muqan Maxbuuskaa dulmane Mujrimku iibgeeyey?

  • Yaa u maqan agoomaha  la miray maafiyana boobtay?

  • Yaa u maqan masaakiinta iyo muufo kuwan haysan?

  • Yaa umaqan  mariilkaa bukee manfaca loo diiday?

  • Yaa u maqan waayeelkaa muskiyo milic cidlaa yaalla?

  • Yaa u maqan marwada lagu kufsaday minankii reerkooda?

  •  

  • Yaa u maqan dhashaa Miinadiyo Mootar ku ciyaarta?

  • Yaa u maqan marqaan kuwu u diri malaggii gaadaayay?

  • Yaa u maqan hooyada meyd dushii muusannaabaysa?

  • Yaa u maqan majnuun iyo intuu miyirku naafoobay?

  • Yaa u maqan ummaddan maahsanee miririfleyneysa?

  • Yaa u maqan dadkaa maal sidiis cadowgu mooreystay?

  • Yaa u maqan malaayiinta qixi maalin iyo laylba?

  •  

  • Yaa u maqan masaajidka holciyo mowlacyada diinta?

  • Yaa u maqan madaariista ay xiratay Mooryaantu?

  • Yaa u maqan magaaladan ba’ daye madfac u heesaayo?

  • Yaa u maqan mijaha luudayee madax la’aan taagan?

  • Yaa u maqan mataanahan is nacay ee la kala moosay?

  • Yaa u maqan munaafaqu intuu been ku madadaalin?

  •  

  • Dhaqankeenni mucjisuu noqdiyo malo waxaan galine

  • Miriqmirtiqda aan hayno iyo meehannowgeenna

  • Maqaraaruf ceebeedka iyo mahadhadaan taagan

  • Macangagnimo lagu faano iyo maati baan laynay

  • Muqdishaba qofkii minid maqlaa waa matagayaaye

  • Waxa dambi makaankeenna yaal Mushrik ka qiirooye

  • Majuustiina nala yaabtay iyo Mulxidkii gaalaade

  •  

  • Xoolaha macaac lihi gar u leh iney mahmaahaane

  • Geedaha la maagana maxkamad muddac u aadaane

  • Haddaan Mowlahey noo naxeyn midi ma joogeene

  • Yaa ii muslim ahey” haddey maanta maad noqotay

  • Oon qabyaalad moodeyno weli iney macaash keento

  • Quluubtiina ay mirirsantahay waa mashaqo weyne

  • Waa maan gurracan oo wallee dhaarna waan maraye

  •  

  • Marin lagu habaabiyo markaan mugdi ku guureynay

  • Musbaaxii iftiimaba markii madashi loo diiday

  • Maya maya! markey naga muteen maskaxo loo aayo

  • Wada Maacaleesh  iyo markaan malignay kii liitay

  • Maangaab markuu taliyay iyo manaxe haamaan ah

  • Mahadsanid markii aan ku niri maxasta kii laayay

  • Oo waliba mansab loogu daray maamul darajeysan

  • Iyo boqol  mushaaroo gunno ah bangina loo miisay

  •  

  • Nin iimaanku macaluulay baan maaro loo heline

  • Waa kuwaa macallinkii u tagay Dabinno-Meegaare

  • Waa taa dugaag loo martiyay ay mashxaradeene

  • Hororkii Maqsuudyoo waa kaa helay muraadkiiye

  • Masaruuf qadaa iyo markii majinta loo dhiibay

  • Kooxihii musiibada ahaa maraq na siisteene

  •  

  • Maansada haddii aan la faham murtida dhuuxeeda

  • Nabad baa macaan lehe haddaan odayo muuneynin

  • Haddaan wiilal marrasta u naxaa carriga maansheynin

  • Maryamiyo haddii aaney kicin Muxibbo qiireysan

  • Maqrib iyo haddaan mashriq gilgilan meel kastoon joogno

  • Yaa maali jirayey haddey muranka noo doorin

  • Oon mici ku dhiigliyo la didin inta mariid halaq leh

  •  

  • Miciinsiga afmiishaar haddaan saaka laga maarmin

  • Haddaan midigtu bidix muujinnoon talo la maareynin

  • Shacabkuna dhammaantii mintidin midnimo waa guule

  • Mabuudkow haddii aan la dhihin magani waa taada

  • Oon  dardaarankii Muxamed(SCW) iyo muuqan taladiisu

  • Nala muudsayoo marannayoo nala madoobeeye

  • Waa murugee wahe yaa u maqan magaci Soomaali ?!

Curiye: Inj. Maxamed Cali Cibaar         Delft, The Netherlands | Email: mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  May 28, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD