SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAYGII SHAAFICI

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

 


Toogaysi


Sannadihii kontonaadkii qarnigii dhammaaday oo hadda laga joogo konton sannadood ku dhawaad ayaa waxaa rajo laga qabey madaxbannaani soomaaliyeed, waxaana dadkii hawlaha rajadaas loogu gudbayey u guntanaa ka mid ahaa Cismaan Keenaddiid.

Gabaygaan ”Toogaysi” oo nus qarniga jira waxaa la moodaa in maanta la tiriyey marka laga eego dabeecadaha bulshada uu ka hadlayo iyo dhaqdhaqaaqooda, waxaana yaab leh in uu canaantiisa kowaad ku bilaabay dad badan oo maansada tirinteeda ku yaaca, kuwaas oo uu ku yar yahay mid hibo u leh in uu maansoodo. Sida uu gabaygaan Cismaan Yuusuf-Keenadiid ugaga hadlay maansada iyo siyaasaddu waa si dadka aan ku fiicnayn labadaas hawlood waano ugu filan. Labada arrimood oo uu gabaygaani ku saabsan yahay midda hore maaddaama ay farshaxan ka faalloonayso wuxuu u bilaabay qaab farshaxan ah, arrinta danbase wuxuu uga hadlay si qayaxan, maxaa yeelay waxay ku wajahan tahay bulshada caadiga ah.


Sangood aad u tabaraystay oo, tamashle loo haysto
Dhallinyaro tilmaamani hadday, talo ku soo fuusho
Tijaabada ayaantaas wax baa, la istusaayaaye

Mar hadday isugu tookhayaan, tabaha fuullaanka
Nin waliba baxdow uu tabcuu, toocinahayaaye
Tawalna kama hayoo waa wax ay, hor u tacliimeene

Ducaqabe tallaabsiga fudayd, togaya caynaanka
Tiigsiga kobtiyo jeenyuhuu, tarantarsiinaayo
Tumashada kul iyo xawli buu, taransanaayaaye

Tinhawleedka guudkiyo kolkuu, tiirsho madaxiisa
Tartarradiyo feeraha hadduu, tahan ka reemaayo
Aburkuu tufaa suuncalyaha, qaar tif leeyahaye

Tafta marada iyo jeedalkuu, tuhunsanaayaaye
Toogaysigii nadiga iyo, tirinta geeraarka
Tabaalahakan salawgay dheguhu, taraddamaayaane

Magaankaan tamcaarnayn haddii, looga tago boorka
Timihii qanoodiyo kolkuu, togayo haalqooqa
Sida taarka duuluu hawada, sii tafahayaaye

Taagsiga butaacada kolkuu, tahanti boobaayo
In kastuu wadaagaha tudcoo, tuumiyaha haysto
Ninkaan taabi karahayn inuu, tuuro waw halise

Gabayguna haddaan tii la marin, waa tabtoo kale’e
Tusmaduu lahaa iyo haddaad, tubaha dhaafsiisid
Ama aadan ta’wiishiis aqoon, tacaddi kaa raacye

Taftar uu ku yaal baa jiroo, loo tammadiyaaye
Temmin haddii aan loo yeelin wuu, turunturroodaaye
Toolmoonidiis waa naxwaha, inaad taqaannaaye

Xikmad lagu tebaayaan darteed, ugu tacjiilnaaye
Fahmuu nagu tallaallaa cilmina, wuu na tarayaaye
Taariikhna waw yahay raggii, tegey xusuustoode

Tif waxaan dhammayn oo yar bay, tawsi ka heshaaye
In kaskoo togguu ku habbanaa, laga tallawsiiyo
Inuu taabbaggalay buu ninkii, tiriyey moodaaye

Ninbana taagti hadalkiisa wuu, toosinahayaaye
Nimanyow turaabtaa wax la eg, tuumiyaa jira’e
Tuduc yar baa ka roon waxakan ay, tira badneeyeene

Aniguna ma tahandhaafiyee, waan tukubiyaaye
Rag goortuu taraarsiiyo baan, yara tashiilaaye
Tigimo aan u aasa jiriyo, tiirar xoog badane

Waan tabaabushayn jirey halkiyo, tabargalkaygiiye
Waxsaan taaban jirey dani kolkay, igu tahbiibtaaye
Marna waygu tiixaa anoon, kuba tashoonayne

Intii toban casho ah baan kolkaan, taxo u kaadshaaye
Sida talmiid ardaya baan laxniga, uga tiraayaaye
Goortaan tartiibshaan wax uun, kaga tiraabaaye

Laguma taago meel jiir ah iyo, taallo dhaladeede
Dhabbo uu ku tiixayn karaa, lagu taxaabaaye
Sidaydaa tastuuraha maddada, lagu tilmaamaaye

Tooraha jidkiisa ah hadduu, taako ka habaabo
In uu tacabkhasaar noqonayoo, tegayo qaabkiisu
Waatan la isku wada taxallujaye, taa ha la ogaado

Afartaa ta’da intaan ka deyey, maysku wada tiirshey
Ma tuurtuuro maansada ninkii, tirin yaqaannaaye
Ma isku taaray teelteel ma galo, tayda weligeede

Toobiyaha jidkeediyo waddada, togan ma qaadsiiyey
Ma takhtariyey soomaali waad, igu tuhmayseene
Tanna waa dhexdeenniyo rabshada, taalla gudeheenna

Istiqlaalkii lagu taami jirey, tiinki soo durugye
Haddaan tabar u leennahay xornimo timi waraaqdeede
Waakaa talyaannigu sallimay, tacabbadii qaare

Taxkuumadi ma fududee haddaan, taag u heli wayno
Tiiraayo iyo ciil hadday, taawo nagu reebto
Tagbiir xumo darteed xaal hadduu, toosi kari waayo

Toobadda iyo diintii haddii, tiginka loo qaaday
Tiirrida cad qaarkeen hadduu, taabac u ahaaday
Ajnebi aan turaynini hadduu, ina tabaaleeyey

Tabcada iyo sirtoodii haddii, taxaddar loo waayey
Sidee lacag ku tacabtaa hadday, toogadeen noqotay
Nin waliba tawaan yara hadduu, tiisa ku ekaaday

Xurmaa taqaddum keentee haddii, la istixgelin waayey
Toltol iyo qabiilnimo haddii, la ina taabsiiyey
Teersana rag baran haddii, taladii loo dhiibey

Taageerkii leegada haddii, laysku tuhumaystey
Dadkii tuunsanaan jirey hadduu, kalataggii joogo
Tallaahidiyo dhaartii haddii, la iska wada tuuray

Tafarruqa kuwii inagu ridey, toodii suubsada’e
Tacluus aan baxayn iyo bugtay, nagu tallaaleene
Tubtii inaga leexshiyo jidkii, inagu toosnaaye

Tashigiiba sida loo gafaan, weli tebaayaaye
Tawfiiq ma noqon wiilashii, taajka loo xiraye
Tahluukiyo wareer baa ka iman, tay ku kacayaane

Ninkii tiro yar maalkiisa waa, lagu takooraaye
Marakaniga nagu taagan baa, taabay jahadiiye
Amxaarana tahdiid iyo waxay, tiri na loo sheegye

Cadow soo tashaday oo cabsida, loo tawalay ruuxa
Laye tororog uun bay hayaan, tiilka madaxdiiye
Dawladnimo tabtaa lagu dhaqaa, taddi sow ma aha?!



Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se


Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 15, 2004

SHAAFICI 1

SHAFICI 3

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
 



HTML CD