SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO

W.C.  Inj. Maxamed Cali Cibaar | mohamed_ebar@hotmail.com



Inj. Maxamed Cali Cibaar

                                                        Waajib

                                                   W.C.  Inj. Maxamed Cali Cibaar 

Gabaygan la magacbaxay Waajib wuxuu soo baxay dhammaadkii bishii Juun, 2005ta. Qaybta hore ee gabaygu waxay ka hadlaysaa sida ay ummadii Soomaaliyeed u dabamartay marinkii suubbanaa ee uu noo tilmaamayay dhaqankeennii sharafta lahaa ee ku salaysnaa diinteenna Islaamku. Waxa kale oo ay qaybtani ka warramaysaa dhibaatooyinkii ay ummaddu kala kulantay baadinnimadaas iyo jihowareerka la soo gudboonaaday. 

Qaybta dhexe ee gabaygu waxay tilmaamaysaa sida ay lama huraan u tahay in naf, maal iyo waqtiba loo huro sidii wanaaggii iyo sharaftii ay ummaddu lahayd dib loogu soo celin lahaa, iyadoo  gargaar laga dalbanayo Alle wayne. 

Qaybta saddexaad waxay saadaalinaysaa in dadaal iyo samir badan kadib uu mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed ku dambayn doono wanaag iyo sharaf, ayna gacanta sare yeelan doonaan inta same ka taliska ahi.  

Wuxuu gabaygu ku billaabmayaa; 

  • Wiiwaaw haddii aanan maqal waa kastaba saaxib

  • Ama aan waxyeelladu I damaq  wahan caloolyowgu

  • Wowga gabayga kuumaan tirsheen waana la hubaaye

  • La wareeri Soomaaliyoo waaw  ayay tiriye

  • Waddadeedi waa laga duwoo Weer ayaa cuniye

  • Aan kuu warramo Maxamadow samihii weydowye.

  •  

  • Waa yaabe wax kastoo u dana ummaddan waydaaran

  • Ummad ay wajahaddeedu tahay wixi dhibaalkeed ah

  • Ummad uu waxdarankii qabiil waabab ku xaraystay

  • Ummad tuugga wada  aamintoo uu u yahay waali

  • Ummad caaqilkeedii wid loo wadata maangaabka

  • Ummad kii waxtara weerartoo waraf ku tuuryaysa.

  •  

  • Ummad uu wadaadkeedu yahay kii waliimaysta

  • Ummad weysoqaad mid aan aqoon wali ku sheegaysa

  • Ummad wuxu sunnuhu reebay iyo walamsan xaaraanta

  • Ummad aan wallaahiday maraan waxba ka soo qaadin

  • Ummad khayrka iska weecinnoo ka warwareegaysa

  • Ummad uu wanaagguba dhiboo xume walaaqaysa.

  •  

  • Ummad uu saqiir aan waxgaran waalidki amraayo

  • Ummad uu wasiirkeedu yahay ruuxi wiiqaaya

  • Ummad uu waayeel kii ahaa sii walaanjinayo

  • Ummad uu waxgaradkeedu yahay kii werwerinaaya

  • Ummad uu wafdiga door u yahay kii wadeeceeya

  • Ummad uu wakiilkeedu yahay wacad ma oofshaanku.

  •  

  • Ummad uu warfidiyeen u yahay been waldaaminaye

  • Ummad aan wax hubinayninoo waa la yiri haysa

  • Ummad uu jahligu wabaxshayoo weelal uga buuxo

  • Ummad waawarey i colaad ka jecel waanwaanta

  • Ummad uu widaaygeedu yahay nacab wareemaaya

  • Ummaddaan wadiiqay ku go'i looga dhigay waasac.

  •  

  • Nukliyeerka wasakhdiisa iyo walax kastoo hoog leh

  • Ummad qashinka lagu waaridoo aanan u warhaynin

  • Warshadaha suntoodii ummaddan waqaf cuntaa moodda

  • Waxmagarato ummad ay heshiyo burcad wareegaysa

  • Waxbayahayda ummaddaan ahoo waaqle ku abaadday

  • Wax u naxaba ummaddaan an helin walad daneynaaya.

  •  

  • Waddankey ku noolayd abido waaqeed  ay joogtay

  • Ummad waaraad loo qaybsadoon kaba walaacaynin

  • Ummad aan ka waababa aqoon dabinka weegaaran

  • Ummad wadajirkii diiddanoo kala waswaasaysa

  • Ummad waddici gobonimadiyoo wacan  gumaystiina

  • Ummad uu wadkeedii galoo waalo tumanaysa !!

  •  

  • Wadahadalba  ummad aanan karin, wiwirtan mooyaane

  • Wacdigiyo xaqii ummad ka jecel baadil warintiisa

  • Waxyigii quraankiyo ninyahow waa wax jira mooge

  • Walcankoodu sharaftuu lahaa waa wax aan garanne

  • Waa wuxu Iblays duufsadoo wiish ku sii raraye

  • Waqlalkeedi waa wixii fitnada wiilal loo qalaye.

  •  

  • Culimada wardiyi waa waxii goobti loo waraye

  • Waywayeyda waa waxa badshiyo weer islaan xirane

  • Warsan wiilasheed waa waxay isku warmeeyeene

  • Warmoogane billaawaha u daray duqi walaashiise

  • Inan wacana waa wixi dharaar loo wadaajiyaye

  • Waa waxaan agoon weyd ahayd looga tagin weyle.

  •  

  • Waagii baryaba waa wuxuu welwel u joogaaye

  • Wirwir waa waxay ugu haqdeen wabigoo hoos yaalle

  • Waa waxa waxsoosaar ba’ shoon wuqiyad loo hayne

  • Wiifwiifid waa waxa badooy  la walhanaysaaye

  • Waji gabaxa waa waxay u mudan dibad wareeggaane

  • Wada liidka waa waxa ka dhigay iyo watiiq baase.

  •  

  • Mar hadday is wada waydayoo wiririflaynayso

  • Mar hadduu wahsigu tabar ka yahay iyo walaahowgu

  • Mar hadduu waraabiyo dugaag ku ag wareegaayo

  • Wan dhaylaa sidiisii haddii weerar lala maagay

  • Oo waaxyaheed lagu  murmoo  la wasladeynaayo

  • Iyaduna walaalba u qabtiyo ehel wanaag doon ah.

  •  

  • Waabay hadday fuuqsatoo biyo wareed mooddo 

  • Wuxuushnimo ka daran oo wallee xaalku waa halise

  • Waa waalli bulsho ay heshoo cadow ku wiirsadaye

  • Inaan waano waligeen wadnoon waafi ugu sheegno

  • Oon hororka  widinnoon walaal waardiyaha hayno

  • Ducadana an Waynow niraa waajib weeyaane.

  •  

  • Waa waajib wir inaan niraa waxarta qooqaysa

  • Waa waajib maatida inaan nacas ka weetayno

  • Waa waajib waxan haysanniyo waqti inaan quurno

  • Waa waajib wiilasha cartami inuu wacaal gaaro

  • Waa waajib inan warasadeen dhaxal u weelayno

  • Waa wixii dardaarana in aan warqad ku muunayno.

  •  

  • Intaas waa warbixintii dhabtiyo, waayahaan jiraye

  • Wadnahaagi saafiga ahaa waaxid inu dhowro

  • Suugaantii wacdaraha dhigtiyo waxaad hibaynaysay

  • Wadaantii harraadtira ahayd reerka ku waraabi

  • Waswaasiye khannaasaa jiree yuu ku waabwaabin

  • Ogow samuhu inuu waarayuu walalaclayn doono!

  •  

  • Ruuxii wanaag badan faloo waynaha rumeeya

  • Samirkuna u wehelkiisa yahay wuu aflaxayaaye

  • Waa tii Walcasri lagu xusiyo weer kaloo badane

  • Ha welwelin waxbarashaa imaan waa la doogaaye

  • Ha welwelin marbay waqali curan walac hillaac siinne

  • Ha welwelin marbuu waayo arag waraca noo kiciye.

  •  

  • Ha welwelin marbay wayrax noqon wadar halyeeyaaye

  • Ha welwelin mar baa lays warsannoon waaqsan doonnaaye

  • Ha welwelin wargaysyadu mar bay  fidin wixii roone

  • Ha welwelin marbay wasakhda taal raaci waadigaye

  • Ha welwelin wariiriga kibriyo dullinka waynaaday

  • Walbahaar ku naaxyada mar baad waayi gabigoode ( Insha-Allaah).

            

                       Dhammaad

  F.g: Gabaygu wuxuu ku halqabsanayaa suugaanyahanka MaxamedYuusuf X.Cabdi “Kayse” oo ah  halabuurihii barnaamijka Dareenka Nabadda, barnaamijkaas oo dadka uga digayay dhibaatooyinka ay leeyihiin colaaduhu, uguna baaqayay nabad iyo nolol.  

Curiye: Inj. Maxamed Cali Cibaar         Delft, The Netherlands | Email: mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 9, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD