SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.10aad

(Siraha Qarsoon )


W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

cobol319@gmail.com

Qormo Taxane ah...



Cutubka Shanaad.

Ismuujintii Awoodda Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Tobnaad..

Sanadkii 1991-kii horaantiisii kolkii dawaldii dhexe Soomaaliya dhidibada  u siibeen  kooxihii hubaysnaa ee ay horboodaysay USC-du. Ayaa waxaa soo baxay marnaansho awoodii dawladnimo ee dalka. Iyadoo kooxihii meesha ka saaray dawladu aysan karti u yeelan inay buuxiyaan kaalintii dawladnimada, saxaanna khaladdaadkii kacaankii Oktoobar ee wadanka xukunkiisa hayey  21 Sano.

  Islaamiyiinta ayaa ahaa kooxaha keliya ee diyaarsan,lahaa istaraatijiyad fog. Kolkay burburtay dawladii dhexe ee isku haysay Soomaaliya. Wax walba oo lahaa astaanta dawladinmada ayaa la waayey gebi ahaanba. Markale ayey ka faa’iidaysteen Islaamiyiintu marnaansha dawladnimo. Iyagoo si qunyar socodnimo ah u bilaabay inay buuxiyaan kaalintii dawladnimo. Marka laga eego dhinaca u adeegida bulshada.

  Islaamiyiinta ayaa waxay badbaadinaayey dadka la beegsanayey,waxayna ahaayeen kooxaha keliya ee qabiilooyinka dhexmari kara  wax u kala gudbinkara maadaama dalkii Soomaaliya la oran jiray dagaal sokeeyey hareeyey. Dhaqaalaha dalka ayey raad ku yeesheen Islaamiyiintu weliba si xawli ah. Iyaga ayaa noqday kuwa la aamini karo dhan ganacsi  iyo dhaqaale-ba. Waxaa bilaabantay inay si  fudud u noqdaan ganacsadayaal cusub oo buuxiya doorkii ay baneeyeen ganacsatadii hore maadaama wadanku dhinac walba ka burburay. Waxay gacan ku qabteen dhinaca Waxbarashada oo durba asaaseen Tacliin ku salaysan aqoonta maadiga ah iyo mida diineedba. Iyaga ayaa noqday u heelanayaasha keliya ee ku hawlan  Waxbarshada dalkaas burburay.

  Arrimahaas aadka isku milaa ayaa  Islaamiyiinta aad iyo aad ugu sahleen inay hantaan quluubta shacabka Soomaliyeed intooda badan, sumcadoodana kor u qaaday. Waxaa iska cadayd waxqabadkoodaas muuqanayey inuu lahaa koboc siyaasadeed oo qorshaysan, kuna jihaysan meel la higsanayey. Waxaa kaloo soo ifbaxayey in dacwadii diinta ee baraaruga laga feer bilaabay dhaqdhaqaaq abuuritaan cudud ciidan oo ku jihaysan jihaad.

  Hogaamiyihii Al-itixaad Shiikh Cali Warsame waxaa uu ka soo noqday isaga iyo taageerayaashiisiba xeryaha Qaxootiga ee Bariga Itoobiya. Kolkii la riday dawladii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale xubnihii ururkaas ee Al-itaxaad, kana soo jeeday qabiilka Daaroodka ayaa iyaguna saldhig ka dhigtay Kismaayo. Qabiilooyinka kale wadadii ahaa waxay ku negaadeen Muqdisho. Waxaa halkaas laga dareemi karay kala miiransho ku timid Islaamiyiinta oo qudhooda uu saameeyey qabiilku. Hase ahaatee waxay Islaamiyiintu ahaayeen kuwa diidayey inay kala miiransho ku timid iyaga. Waxay waqtigaas Islaamiyiinta uu horboodo ururka Al-itixaad ku fekerayen in meel ka mid ah Soomaaliya ay ka dhisaan nidaam Islaami ah oo waqtiga dambe ku baaha Soomaaliya oo dhan.

  Kolkii Soomaalidu faraha kula jirtay dagaalkii sokeeyey ee dhiiga badan ku daatay. Islaamiyiintu gaar ayey u taagnaayen iyagoon qabiilna la safan. Kama maqnayn inay  abuurayeen cudud ciidan oo dhinac walba kaga wanaagsan maleeshiyaadka qabaa’ilka ee sida waxshnimadda ah u dagaalamay.

  14 Aprile 1991-dii ayey Islaamiyiin si sibiq ah  waxay u galeen dagaalay kaga horimanayeen maleeshiyaadkii USC-da una hogaaminayeey Gen.MFCaydiid Buundada Araare una dhow magaaladda Jamaame gobolka Jubadda Hoose. Warqad ay Islaamiyiintu u gudbiyeen Gen.MFCaydiid, uguna sheegayaan inuu ka laabto duulanka uu ku yahay magaaladda Kismaayo. Waxaa warqadaas Gen.MFCaydiid u gudbiyey xubno ay isku beel ahaayeen oo ka tirsanaa kooxaha Islaamiyiinta. Waa uu ku gacan sayray baqoodaas. Waxaa la sheegaa inuu warqadaas gaarsiiyey Shiikh Xasan Dahir hogaamiyaha USC-da Gen.MFCaydiid  . Waxaa la isweydiin karayey sida Shiikh Xasan Dahir Aweys ku tegey magaaladda Kismaayo?

  Sida dad xogogaal ahi ii sheegeen Shiikh Xasan Dahir Aweys waxaa uu ku sugnaa magaaladda Qoryooley. Kolkii ciidamadda Daroodku qabsadeen dagaamadda Shabeeladda Hoose bishii Maarsi 1991-dii dagaalkii loo yaqaanay rogaal celinta. Lama aqoon Shiikh Xasan Daahir. Waxaase laga baqay inay dad aan xil kas ahayn farta ku fiiqaan xilli Soomaalidu isu ugaarsanaysay qabiil qabiil. Xubno ay saxiib ahaayeen una badnaa Al-itixaad ayaa si hufan uga soo saaray Shiikh Xasan Dahir Qoryooleey, una soo gudbiyey Kismaayo. Inta uu joogay Kismaayo waxaa uu ku sugnaa Xeradda Ciidamadda ee Guulwade. Halkaas ayaa waxay saldhig u ahayd Dagaalyahanada Al-itixaad. Waxaa uu isku dubariday hawshii ciidamadda ee halkaas ka socotay. Uma dhegjalaq siin xaalada kolkaas ku sugnayd Kismaayo oo ahayd halka laga soo duulayey Muqdisho. Waxaa Shiikh Xasan Dahir ahaa mid ku hawlanaa hawlihiisa uu hayey ee ku aadanaa Maktabka Jihaad ee Al-itixaad. Ma ahayn waqtigaas nin caan ah oo si weyn loo wada yaqaano.

  Islaamiyiinta Al-itixaad waxaa saldhigyadooda Kismaayo kala ahaayeen Saddexda meelood ee ahaa xeradda Guulwade,Dekadda Kismaayo,Xarunta Keydka Shidaalka Kismaayo. Waxaa  lagu qiyaasi karay xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugnaa magaaladda Kismaayo ugu yaraan Sideed Boqol oo dagaal yahan oo tababaran , diyaarna u ahaa inay dagaal galaan.

  Gen.Maxamed Faarax Caydiid  wuxuu ku gacan sayray baaq Islaamiyiintu u doreen.. Waxaa uu dhinaciisa u soo jeediyey talo ah inay xeryahooda ciidankoodu ku ekaado. USC Waxay ka helayaan amaan ah inaanay faragashan dooni hawlahooda u gaarka ah. Shiikh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ahaa xubnaha qoraalka soo gaarsiiyey Gen.MFCaydiid isagu dib uguma noqon Kismaayo ee waxaa uu u soo kicitimay dhinaca magaaladda Muqdisho.

  Sidoo klae ayaa Al-itixaad waxay isku khilaafsanayd dagaalka laga bar bar dagaalamayo qabiilooyinka. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa kula taliyey hogaamiyayaasha ciidamada Al-itixaad ee tira ahaan u badnaa qabiilka Daroodka inay faaruqiyaan xeryaha Ciidan ee ay ku leeyihiin Kismaayo, loona raro ciidamadda  Dhooblay. Sidan waxaa ii sheegay xubin ka tirsanan jiray Al-itixaad oo aan ku waraystay Bosaaso, igana codsaday inaan xusin magaciisa. Waxaa kaloo uu intaas iigu daray garabkii ciidamadda ee Al-itixaadkii Kismaayo joogay inay ahaayeen koox si gaar ah u doonaysay inay awood helaan. Waxa kaloo  uu yiri:-

  ’’ Muqdisho waxaa nooga yimid xilligaas aan joognay Kismaayo 1991-kii Wafdi  ka socday Al-itixaad. Waxay noogu caqli celiyeen inaan la gelin dagaal lala safto qabiilooyinka. Iyagoo ka digay hadii lala safto qabiilooyinka ururka Al-itixaad ku yeelan doono raad. Taladaas waxaa diiday hogaankii dagaalyahanadda Al-itixaad ee Kismaayo iyagoo qiil ka dhigtay inay naftooda daafacayaan.’’

  Dagaalkii ka dhacay Araare waxaa uu ahaa mid u dhexeeyey kooxaha Islaamiyiinta iyo USC-da uu hogaaminayey Gen.MFCaydiid.  waxaan goobjoog u ahaa Aniga Cabdishakuur ahi in dagaalkaasii ahaa mid faraha laga gubtay. Iyadoo dharbaaxo culusi ku dhacday maleeshiyaadkii USC-da. Halis ayuu galay hogaamiyihii Gen.MFCaydiid inuu u gacan galo kooxihii Islaamiyiinta ee ka dagaalamayey  goobta Araare.

  Waxaa xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugnaa xeradda Guulwade ee magaaladda Kismaayo dagaal gelinaayey xubno afar ahaa oo ka soo dagaalamay wadanka Afganistaan, uuna ka mid ahaa ninka lagu magcaabo Ibraahim Afqaan iyo Sheikh. Col.Maxamuud Ciise (Abuu Muxsin), intaanu dhinaca Muqdisha  u safrin  Xasan Dahir waxuu masuul ka ahaa Maktabka Jihaadka iyo weliba isagoo ahaa ku xigeenka hogaamiyha ururka Al-itixaad. Hogaamiyaayaasha Al-itixaad ee dagaalka lagaga hortagayey Gen.MFCaydiid waxay u arkayeen fursad qaali ah gelitaanka dagaalka iyo inay degaankaas ka abuuri karaan awood Islaamiya oo waqtiga dambe hanata wadanka Soomaaliya oo xilligaas ku jiray biloowgii dagaalka sokeeye iyo abuuris dawlad Islaami ahba. Sida uu ii sheegay mid ka mid ahaa dagaalyahanadii Al-itixaad waxaa jiray khilaaf aan soo shaac bixin ee u dhexeeyey rag dagaalka Islaamiyiinta Hogaaminayey gaar ahaan labada nin ee ciidamadda Al-itixaad goobta dagaalka masuulka uga ahaa  Faarax Xasan (Waji Xun) iyo  Cabdulaahi Raabi Kaahin.

  Dagaalkii Araare waxaa ku gacan sareeyey Islaamiyiinta oo si adag isaga caabiyey duulaanka xoogagii USC-da. Islaamiyiinta ayaa waxaa  dhabar wareemay xoogagii ka soo horjeeday USC-da  ee uu hogaaminayeey Gen.MSMorgan  oo iyagu is tusay  hadii Islaamiyiintu guulaystaan inaan gacani wax ugu jireyn laga saari doono degaanka si isku mid ah iyaga iyo USC-daba. Waxay ka doorbideen guusha Islaamiyiinta  inay magaalda Kismaayo gacanta u gasho Gen.MFCaydiid.

Akhri... Qaybta 11aad....

mireW.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2008

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS