SOMALITALK.COM
 
S o m a l i T a l k . c o m
GABDHA MINNESOTA
Copyright StarTribune.com

.Home | SAXAABADA | SALAT | ZAKAT | Search | Feedback | RAMADAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK.COM/MINNESOTA

Gabdhaha Soomaaliyeed oo Gelaya Waqti Dagaal Dhaqameed oo Dhexdooda ah

Allie Shah / Star Tribune, June 25, 2000

Qoraalkaan waxaan kasoo tarjumney Strar Tribune oo kasoo baxa Minnesota. Waxaana isku daynay in aan usoo meerino sidii uu qoraagu usoo qoray.


Waqtiga jirdhiska ama jimicsiga, gabdhaha dhawr-iyo-toganjirka ah waxay qolka dharbedelka iskaga xayuubiyaan funaanadaha iyo surweelada "jiiniska" ah iyaga oo markaas iskucirrinaya dhar aad ugudhegan iyo surweello dabagaabyo ah. Laakiin Fartun Nur, 17 jir, waxa ay iska qaadaa maro kasamaysan dun iftiimaysa taas oo u ah xijaab.

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida.
Marka hore waxay xirataa maro-dheer oo dhulka joogta. Kaddibna shaati gacmo-dheere ah. Xijaabka iskama bixiso, wayna isku hagaajisaa (khimaarka) si ay u xaqiijiso in uu weli asturayo timaheeda. Kaddib, waxay gashataa surweel u jooga ruugagga, waxayna ku carartaa fasalka jirdhiska ee gabdhaha keliya u gaarka ah.

Nimco Ahmed, 18 jir, waxay si tamashlayn ah kugashaa qolka dharbedelka, raadiyaha dhegaha ugujira waxa uu dhamaystirayaa muuqaalkeeda reer-galbeedka. Waxay surweelka jiiniska ah ee looyaqaan 'boot-cut' kubedelataa kan looyaqaan 'rack pants', iyadoo aan kalajeclayn (ama dan kalahayn), halka gabdhaha kale ee soomaalida ah ay kalajecelyihiin, haddii ay aad u muujinayaan (qaybaha dahsoon). Inta ay muraayadda jalleecdo ayey u ruclaysaa fasalka jimicsiga nooca looyaqaan iskudhafka.

Fartun iyo Nimco, noloshu waa tijaabo maalmeed. Meel aad ugafog waddankoodii hooyo, gabdhaha Soomaaliyeed waxa ka hor-imanaya dagaal dhaqan iyaga oo kusugan waddan aad ugaduwan waddankoodii.

Nimco Ahmed
Iyada oo kaduwan gabdho badan oo Soomaali ah kuwaas oo kulebista dharka dhaqanka. Nimco Ahmed waxay xirataa surweel lugo-halaf ah iyo labis reergalbeed
Mareykanka, oo ay lajirto dad meelo kaladuwan kayim oo isku-qasmay (isdhexgalay), sinaanta, iyo maan-kuhaynta dhallinta iyo gogosha, ayaa uga gacan-haadiyey meelkasta. Arimahaan cusub (dhaqamada) waxay duqaynayaan ama ka hor imanayaan dhaqanka Soomaalida kaas oo ay ku caddahay kaalinta ragga iyo dumarka, tixgelinta xukunka iyo aqoonsiga kusalaysan qoyska, ee aan ahany mid qof ahaaneed (shakhsi ahaaneed).

Meesha uguweyn ee dagaalkaan (dhaqameed) uu kamuuqdo waa dugsiga sare ee lagu magcaabo "Roosevelt High School" ee Minneapolis. Iyada oo aad uga for waagii ama waqtigii "Gov. Jesse Ventura" (waa madaxa gobolka Minnesota) iyo caddaanka kale ee dabaqadda-shaqaysa ay ugubadnaayeen (marinada dugsiga), maanta Roosevelt waxa uu ku faanaa in ay dhigtaan ardada Soomaalida ah ee ugu badan ee magaaladan -- iyo lagaba yaabee wadanka oo dhan.

Ugudhowaan saddex-meelood oo meel kamida 1,550 arday ee isu diiwaangeliyey bilowgii sannad-dugsiyeedka waxay ahaayeen Soomaali, iyada oo ay qayb katahay (arintaas) dugisga Roosevelt oo kudeeqa adeegyo luqadda ah.

Roosevelt, iyo dawankiisa iyo dareenkii-waayadii hore, waxa uu gabdhaha Soomaaliyeed u yahay gabbaad. Dugsi (skool) waa meesha keliya oo ay war-wareegi karaan si xor ah oo qoysaskoodu aysan u fiirinayn (ama ulasocon) si xeel dheer.

Fartun, Nimco
Nimco, bidix, iyo Fartun, midig, oo ku kulmay qolka dhar-bedelka ee gabdhaha. Nimco fasalkeeda jirdhiska wuxuu ahaa iskudhaf halka Fartun uu ka ahaa mid u gaara gabdhaha oo qura.
Qoysaska Soomaaliyeed waxa ay kafilyaan ama karajeynayaan dumarku in ay xafidaan dhaqanka iyo in ay siiwadaan sharafta (maamuuska) qoyska. Marka Fartuun walaalkeed uu dhexgelikaro ragga ay isku fasalka yihiin oo uu xirankaro surweel holof-holof ah (ka-yarehe-weyn) iyo funaanad, iyadu waxay ka dhex muuqataa dadka iyada oo gashan dharkeeda Soomaaliga.

Wiilasha waxay booqan karaan makhaayadaha ama waqtigooda kuqaadankaraan garoomada kubadda kolayga, laakiin gabdhaha waxaa laga filayaa in ay gurga joogaan, meel ka qarsoon dadweynaha, xafitaanna dhex-dhexaad nimadooda (wanaagooda iyo asluubtooda).

Waa dugsiga, marinka-skoolka dhexmara, fasallada iyo makhaayadda skoolka, halka Fartun iyo Nimco ay ku wajahaan Mareykanka. Waxay ku dhex darsamaan carruur ka kalayimid Iran, Vietnam, Mexico, Somalia iyo United States, waxay majaraha u hayaan mawjadaha wada Ameerikaanka.

Nimco: Nolosha labada duni (Adduun)

Sida qubada (diinka badda) oo kale, Nimco waxay baratay sida loogu noolaado biyaha iyo berriga labadaba. Guriga iyo Roosevelt.

Dukaanka dharka iyo barafuunka ee hooyadeed oo kuyaala xaafadda "Phillips" ee Minneapolis, waxay ku hadashaa Af-Soomaali deg-deg ah, qosol iyo kaftan ayay layeelataa qaraabadeeda. "Galab Wanaagsan. Seetahay?". Dugsiga (Skoolka), waxay saaxibadeed oo ka kalayimid adduunka oo dhan ugu dhawaaqdaa "Whassup?" = (Maxaa-cusub). Waxaan ahay nooc-caalami ah oo dadka oodhammi yaqaan ("I'm kinda international") ayey tiri.

nimco
Marka dawanku dhaco, Nimco, dhexda, waxay dhexgashaa gabdho badan oo maraya marinka dhexe ee Roosevelt. "Muhiimad maleh habka aad u lebisan tahay, waxaase muhiim ah waxa qalbigaaga kujira" Nimco ayaa tiri.

Ahmed (Nimco), oo wadata telefoonka gacanta iyo saxanka (cajladaha), waxay kudhex socotaa marinka dhexe ee dugsiga iyada oo u gacan haadinesa una qosleysa dadka, kuwaas oo iyada ugu yeera magacyo qallafsan. 'Waan kahelaa wiilkan. Waa mid maad leh sida dabka', ayey tiri iyaga oo markaas dhaafaya wiill "Asian" ah oo leh timo nooca "frosted hair".

Waxay lakulantay koox gabdho soomaliyeed ah (oo ay aqoonshatay), si ciyaar ah ayey isugu tuurtay, dib ayey isaga riixeen, waana qosleen, waana ay katagtay iyada oo ilkacaddaynaysa. Markii ay lugaynayeen ayna wada-hadlayeen, waxay boorsadeeda kasoo bixisay xanjo iyada oo u dhiibtey jaalkeed oo gacanta soo taagaya.

Laakiin maro yar oo khafiif ah oo kuduuban timaheeda waxa uu Nimco u ekaysiinayaa sida ardada kale Ameerikaanka ah. Surweel Jiinis ah, kabo dhaareer, timaha oo laguxiro qalab soo raariciya. Dhegaha oo midwalba ay ka durantahay meelo badan. Iyadu aad ayey u jeceshahay hab lebiska Ameerikaanka.

Markii ugu horreysey ee ay timid Roosevelt sannadkii 1998, kaddib markii ay siddeed sano joogtey Germany, Nimco kuma lebisnayn xijaab. Xijaab waa kelmed Carabi ah oo dumarka Muslim-ka ah ay isku asturaan, timohoodana ugu daboolaan si ay u dhawrsadaan. Markii caruurta kale ay arkeen iyada oo madax qaawan waxa ay kasoo qaadeen ama u maleeyeen in ay ahad Ethiopian.

"Waxaa igu bilaabmay in aan dareemo niyad-xumaan" ayey tiri.

Maalmahaan waxay xirataa xijaab, marka ay rabto. Waxay ay sidaas u samaysay in ay cidwalba ogeysiiso in ay tahay Soomaali, waxay la qabsatay marada madexeeda saaran, taas oo xusuusineysa cidda ay tahay, iyo waxa ay tahay. oo ah Soomaali. Muslim. Dumar.

Maali uun (mar-uun), marka ay aqal yeelato iyo carruur, waxay heer kale kudaridoontaa sharfteeda, ayey tiri. Waxay xiran doontaa Jalaabiib, waa maro weyn oo la isku asturayo kaas oo ay isku muunad yihiin kan soorooyinka. Waa kan hooyadeed iyo Fartun ay xirtaan. Waqtigaas Nimco waxay joojindoontaa in ay xirato ama ku lebisato surweelada, ayey kudhaaratay.

Isbedeladaas waxay u samayn doontaa si ay carruurteeda ugu horseedo tusaale wanaagsan iyo in ay u koriso carruurteeda sida saxda ah ee diinta Muslim ka. "Waxaan u hayaa xushmad badan diinta." ayey u tiri si adag.

Xeerarkee la raacaa?

Iyada oo fadhida sariirta qolkeeda hurdada, oo raso khimaarro (jalaabiib) ah ay kujiraan armajada oo ay agtaal koofiyadda kooxda "Minnesota Vikings", Nimco waxa ay kafekereysaa (ka baaraan degeysaa) arimaha adag ee horyaalla ee kunoolaanta labada dhaqan. Dugsiga waxay kula kulantaa dagaal iyo foorjayn taas oo caadi ka ah ciyaalka Soomaalida iyo kuwa Ameerikaanka dhexdooda. "Qayb kamida waxa ay yiraahdaan, 'wax xun ayaa kaa soo uraya,'" Nimco ayaa tiri. Qayb carruurta ah ma fahamsana, ama aan si qayax u iraahdee majecla caadada (dhaqanka) Soomaalida, sida gacmaha iyo lugaha oo lagu dhaqo musqulaha skoolka salaadda ka hor.

Good friends
Mid ay isku fasal yihiin Nimco ayaa si cayaar ah isugu soo tuuray mar ay kujireen fasalaka jimicsiga

Booqashada makhaayada skoolka Roosevelt waxay ku tuseysaa midab-takood dhaqan. Gabdhaha Soomaalida oo hal dhinac oo qolka ah isugu taga, oo gooni ka ah wiilasha Soomaalida, Ciyaalka Asian ka, Caddaanka iyo African-Americans.

Immanuel Huggins, oo ah African-American jaalna la ah Nimco, waxa uu tiriyey gabdhaha Soomaalida saaxibadiis dhexdiisa. "Qayb badan oo kamida waa bilic san yihiin," ayuu yiri.

Badanaa xiisadda ka dhexaysa Soomaalida iyo carruurta kale waxay ka asaasantaa khalad ufahmidda diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida, ayuu yiri.

"Marka aad aragtid gabar madaxa maro uguxirantahay, iyo iyada oo lagayaabo in ay ku hadleyso luqad kale, kaddib waxay u malaynayaan in aad iyaga ka hadleysida, waxaa bilaabma kala qaybsanaanta.

"Dhaqankoodu waa qiyaastii midka aad uga xagjira ama ka fog dhaqankanaga."

Guriga (marka lajoogo), Nimco marmarka qaarkood way is celisaa si ay u xafidato dhaqankeeda Soomaliga kaas oo ah kii lagu soo barbaariyey. Waxay iska ilaalisaa in ay wax ka cunto makhaayadaha Soomaalida iyo meelaha kafeega, iyadoo og in dhaqankaasi gabar ahaan uu keenayo in lagu xanto, (wax lagasheego).

Nimco's shirt
Nimco, oo kulebisan funaanadda "Randy Moss" waxay macallinkeeda farshaxanka kala hadleysaa arin kusaabsan "Valentines Day"

Intaas oo dhan kadib, waxa ay haysataa waa sumcaddii gabarnimada, waqti dheerna qaadanmeyso in jaaliyadda Soomalida ah ee magaaladaan looyaqaan "Twin Cities" (Minneapolis iyo St. Paul) ay waxa adiga kukhuseeyaa noqon doonaan kuwo khuseeya qof walba. "Haddii aad wax xun ku samaysid guriga bannaankiisa, waxay kunoqoneysaa guriga gudihiisa. Qof uun ayaa sheegi doona". Nimco ayaa sharaxday (arrintaa). "Hooyaday - ma ah in ay wax i yeeleyso aniga, laakiin waxay dareemeysaa niyad xumo. Ma rabo in ay dareento niyad xumo. Waxaan rabaa hooyaday in ay ahaato mid ku faraxsan waxa aan samaynayo.

Halkaas weeye meesha ay Nimco labalabaynteedu kajiro. Sidee ugu noolaataa xeerarka Ameerikaanka ee skoolka iyada oo aan ka caraysiin dadkeeda?, Mararka qaarkood waxay sheegtaa been.

Waa xubin katirsan Kooxda "Roosevelt track team", waxay ku orodaa dabagaab, iyada oo lugeheeda muujineysa si caam ah. Marka tartanku dhammaado, waxay xiraataaa surweelkeeda loogu talagalay cayaarta ka hor (warm-up pants). Laakiin haddii hooyadeed ogaan lahayd in ay xirato dabagaab, way caaradi lahayd (diidi lahad). Sidoo kale ayey u caaradi lahaayeen kuwakale ee katirsan jaaliyadda Soomaalida.

Mar ay tababaranayeen, ayaa koox rag Soomaali ah soo qaabileen, markaas ayey argagaxday iyada iyo gabdhihii kale ee skoolka. "Maxay kuwaas Soomaalida ah meeshatan ka qabanayaan? Ma arkeen iyada oo ku ordeysa dabagaab?" ayey isweydiiyeen. Waxay arrintii noqotay in nimankani ay rabeen in ay Nimco kala hadlaan koox cayaar fudud oo ay asaasayeen.

Laba-labowga Shukaansiga (DATING)

Meesha saxda ah ee adduunka Soomalida, wiilasha iyo gabdhuhu maleh shukaansiga nooca "DATING". Waa is aroosaan. Gabdho Soomaali ah ayaa dhawr maalmood skoolka ka maqnaanaya, waxayna soo noqdaan iyaga oo ay is-qabaan rag labajeer ka da' weyn.

Nimco at play
Waji farxaan ah oo kamuuqda Nimco iyada oo ay lajiraan gabdho Soomaaliyeed oo daawanaya qoobkacayaar dabaaldeg ay qabaan Jaaliyadda Soomaalida.

Shukaansiga iyo qoob-kacayaarka Skoolka waa arin ku adag oo aan la-ogolayn dhaqan mamnuucaya ragga iyo dumarkaa aan is-qabin xataa in ay is taab taan. Qayb gabdhaha Nimco skoolkeeda ah waxay leeyihiin saaxiibo (boyfriends) kuwaas oo ulasoo lugeeya fasalka oo telefoon usoo dira, laakiin waxay sidaas usameeyaan hab dhagar badan. Qayb gabdhaha ah waxaa qoobkacayaar lasameeyaan saaxibadood, laakiin inyar ayaa ku dhiirada in ay u sheegaan waalidkood.

Sannadkaan xafladdii dhallinyaradu isugu imanayeen Nimco wuxuu u keenay dhib. Waxaay qorshasatay in ay raacdo saaxiib, wiil soomaali ah. Ma ahan shukaansi (date) ayey ku adkaysatay.

Toddobaad kahor qoobkacayaarkii, saaxibadeed waxa ay uga digeen in aysan ku haboonayn in sawirkeeda lagaqaado, iyaga oo lebisan, oo lajirta wiil Soomali ah. Ayadu ma aysan rabin in dadku kawada hadlaan in ay yihiin lammaanayaan isku xeeldheer, markaas arintii wey kabaxday (ama wey iska dhaaftay).

Maalintii qoob-kacayaarka, Nimco waxay istaagtey iyadoo caga-cad oo gacan ku haysata makiinada timaha lagu fooneeyo, gacanta kalena ku haysata buufinka timaha oo hor, waxayna is hor taagtey koox yar oo gabdho ah oo kujira qolka alaabta lagu xafito ee Skoolka. Halkii ay ka aadi lahayd bartii kulanka ee dhallinta, waxay u hagaajisey timaha gabdhihii kale oo aadayey goobtaas.

Nimco saaxiibadeed oo layiraahdo Ifrah Mohamed, oo ah gabar aad u reer-galbeedowdey oo aan madaxa daboolin sida gabdha kale ee Soomaalida, inta ay kursiga wareejisey oo fiirisay koox xijaab qabta ayey tiri: "Ma aamini karo sida waalidkiin idiinku ogolaanwaayey inaad aadaan,. "Meelkasta oo aan aado, aniga keligay ayaa gabar Soomaali ka ah." (sidaas waxaa yiri Ifrah).

Xataa Ifrah been ayey sheegi jirtey si ay guriga uga baxdo.

Ugu dambayntii waxay usheegtay aabeheed. "Aabbe, halkani waa America. Keliya ii ogolow hal habeen." (si ay xafladda u aado).

Nimco way dhoolacadaysay iyada oo wareejineysa makiinadii timaha-fooneeyaha. "mararka qaarkood waa adagtahay in sida saxda ah lasameeyo." ayay tir mardambe. "Anagu waa ka duwanahay. Waxaan rabnaa in aan samayno wax kasta oo dadka da'danada ah ay sameeyaan. Badankooda [Duqayda Soomaalida], iyagu xaqiiqada ma fahmin ama ma aqbali karaan.

Fartun: Soomaali Toosan (sida ay go'aansatay)

Dhanka Fartun, xooggu ama dagaalku wuxuu kaga imanayaa dhan kale, waa Africa. Kenya oo ah meeshii ay ku kusoo kortay, waxay samaysay go'aan miyir leh si ay midabkeeda kafeega madowxigeenka ah (dark-brown) uga qariso fiirada dadweynaha. Waxay jirtey 14, waa da'da marka gabdhaha Soomaalida ay bilaabaan in ay xirtaan xijaabka.

Fartun shops
Fartun oo dhoolacadayneysa markii ugu horreysey ee ay aragtay tuubada marka lawareejiyo midabbo indha sarcaad ah leh, (kaleidoscope)
Waxay ahad ciid, oo muhiimad weyn u leh Muslim-ka, hooyadeed waxa ay usoo bandhigtay khimaaro kala nooc-nooc ah oo aad u wacan, kuwaas oo ay mid kadooratay. Waxay u qushuucday ama u bogtey aragtida cusub ee ay yeelatay markii ay isku fiirisay muraayadda. Waxay markaas go'aansatay in xijaabku uu ka mid noqdo aqoonsigeeda abadiyan (weligeed). Waxa keliya oo ay iska bixisaa marka ay lajoogto qaraabadeeda iyo dumarka dhexdiisa.

Dugsiga Roosevelt, waxa ay soo xirataa jalaabiib dhammaystiran oo midabo kaladuwan leh sida qaansaroobaadda: (turquoise, eggplant, mint green, lemon.) Waxaa kamuuqda xarago (qurux) taas oo kasoo raacday Kenya. Qoyskeedu waxay u guureen halkaas (Kenya) bilowgii 1990, intii aan dagaalka Soomaaliya ka qarxin. halkaas waxa ay lahayd haween xannaanaysa iyo qol aad u waasac ah. Weligeed kuma noolaan xero qaxooti, taas oo Soomaali badani soo mareen qaxooti.

Hooyadeed, oo lagu magcaabo Geni Nur, waa lagayaabaa in ay ku hadasho Soomaali, laakiin Fartun xusuusteeda wadamadii ay kasoo baxeen waqtigii ay yarayd aad ayey u yartahay.

Wadankeedii iyo noloshii Kenya waa waxa ay tebeyso, waxayna qorsheyneysaa in ay maalin uun halkaas ku laabato. Buugeeda suugaanta (gabayada) waxa ay ku diiwaan gelisaa sida ay u tebeyso, iyada oo qoreysa sida "wadankii aanan weligay ilaawayn".

"Kenya wadankii aan kusoo koray... isku mid ma aha marka aad bilowdid nolol kale oo kaduwan."

"Waxyaabo ayaa isbedeley".

Skoolka meesha dhexe ee lamaro ee sawaxanka badan leh, Fartun oo aan bulshayn (aan dadka dhexgelin), waxa ay toos u abbaartaa fasalka, iyada oo wajigeeda aan waxba laga akhrisan karin. Shaqadeeda Skoolka aad ayey u tixgelisaa, waxay raacdaa dariiqooyinka, iyada oo u shaqayneysa si hawlkar ah hanoqo marka ay xallineyso mas'alo fasalka xisaabta ama ay qaadeyso culays fasalka jimicsiga. Fasalka taariikhda meesha ay ardada kale ladoodayaan macalinkooda, Fartun waxay u dhegeysataa si aamusnaan ah.

Fartun, her mother
Fartun hooyadeed waxa ay u muujineysaa debecsanaan gabasheeda uguwey.

Had iyo jeer ma ahaan jirin qof xishood badan.

Xaggaa iyo gurigii hooyo, waxay ahaan jirtid "midyar oo kulul". Waxay jeclaan jirtey in ay dhibto qoftii xanaanany jirtey iyo iyada oo ku cayaarijirtey saaxibadeed. Qofkasta wuu yaqaaney waagaas.

Dhowaantan, mid adeeradeeda kamida ayaa yiri: "Taasi ma adigiibaa, Fartun? Aad ayaad u aamusan tahay. Maxaa kudhacay Fartun-tii weyneyd.

"Wax badan ayaa isbedeley," ayey ku jawaabtey.

Hase yeeshee mararka qaarkood marka ay la qosleyso saaxibadeeda Skoolka ama ay lasocoto oo ay joogaan "Mall of America" waxa ay dareentaa (in ay tahay) Ameerikaan, Fartun ayaa qirtay. Laakiin marka ay guriga lajoogto walaalaheed, ayna la cayaareyso cayaarta "Xusuuso markii..." waxa ay dareentaa waadiga ama gacanka u dhexeeya iyada iyo ardada fasalkeeda in uu kaweyn yahay (ama ka ballaaran yahay) qaaraddii ay kasoo tagtay.

"Wey dhuntay naftaydu-e, xagee bey ahaatay? ayey ku qortay gabay ay ku muujineysey dhibaatadeeda xanuunka badan.

Marka dawanka ama gambaleelku dhawaaqo dhammaadka maalinta skoolka, waxa ay si degdega uga soo baxdaa dhismaha dugsiga. Ilaa ay kasoo gaarto irrida dukaan Soomaali ah oo kuyaal "Lake Street", halkaas oo ay ku xeeranyihiin Soomaali kale, markaas ayey bilowdaa in ay nasato (ama is degiso).

"Marka aan imaado halkaan, aad ayaan u hadal bataa. Ma garanaayo sababta," ayey tiri, iyadoo dhoola cadayneysa.

Fartun decorates
Fartun oo qurxineysa qolka jaaliyaada ee kuyaal Minneapolis oo laguqabanayo xafladda qalin jebinta walaaleheed iyo maalinta dhalasha ina-adeer

Fartun iyo hooyadeed waxa ay iska bed-bedelaan (miilaystaan) macdaar kuyaal qol (10 x 12 foot) oo ay ku gadaan khimaarada, goonooyin dhaadheer, dharka waaraadka ah, kabaha, kaararka telefoonada debedaha lagulahadlo iyo alaabooyin kale. Fartun waxa ay bariidisaa macaamiisha iyada oo kala agaasimeysa waxyaabaha dukaanka yaala. Marka dadku kalayaraado waxa ay ka shaqaysaa shaqadii-guriga ee skoolka (homework) ama waxa ay la hadashaa (sheekaysataa) saaxibadeeda soo booqda.

Marka hooyadeed kashaqayneyso dukaanka, Fartun waxa ay joogtaa guriga oo ay mas'uul katahay toddoba kamida siddeeda walaalaheed ah, oo da'doodu u dhexayso 16 ilaa saddex jir. 'Waxaan ahay sidii horjooge oo kale. Iyadu waa maamulihii' Fartun ayaa tiri. Waxay seexisaa kuwa yaryar, waxay nadiifisaa guriga iyada oo karisa hadba wixii casho loo heli karo. Maalin waxa ay ahayd baasto & ukun iyo hilibka kuuskuusan.

Qolka dabaqa saddexaad ee guriga ku agyaal wadada 'Abbott Northwestern Hospital ee Minneapolis' waxaad ka dareemeysaa dhaqanka Soomaalida. Roog wey oo beershiyaan (persian) ah oo dhulka yaal. Daah midabka kafeega iyo guduud isugu jira oo kuxiran saqafka ilaa sagxadda. Udgoon aad u macaan ee fooxa. Koox ubaxyo xariir ah oo derbiga ka laadlaada.

Saas oo ay tahay, dhaqankii Ameerika waa dhexgalay. Carruurtu waxa ay fadhiyaan qolka fadhiga iyaga oo kusoo xoomaya TV-ga. Waxaa soo jiitey filimka musalsalka ah oo soo banshigaya jinsi iyo rabsho. Laakiin marka uu soo galo xayasiiska "Victoria's Secret" oo muujinaya moodada lugaha dhaadheer iyo dharka hoosgashiga, Fartun markiiba waxay bedeshaa kanaalka. Iyada oo hal il ku fiirineysa TV, waxay kaqarineysaa carruurta. 'Waxaan ugu yeeraa "Maggie", sida Maggie Simpson" ee kujirta "Showga TV-ga ee Simpsons" , ayey tiri, iyadoo dhoola cadaynesa, qancineysana carruurta.

Waxaa soo dhacay telefoon, Fartun canugii ayey dhinac u leexisey oo waxay qaaday telefoonka. 'Waa Aaabbe!" ayey si farxad leh ugu dhawaaqday, hadda iyadoo ku hadleysa Ksawahili. Waxay kamid tahay kuwa nasiibka helay. Kuwo badan oo Soomali shawr-iyo-toban jirro ah ayaa jooga halkan oo aan waalidkood lajirin (lajoogin). Waxaa waalidkood iyo iyaga kala geeyey gaajo ama dagaal. Markii Fartun qoyskeedu u soo guureen Minneapolis si ay ugu soo biiraan qaybta kale ee qoyskooda, aabeheed waa uu ka haray isaga iyo canug yar oo walaasheed ah. Fartun waxa ay tiri kama uusan soo tegi karin ganacsigiisa (truck delivery business). Waxana uu rabey in canugiisa ugu yar u joogo Afrika, si markaas ay u ogaato meesha ay leedahay. Ilaa iyo Oktoobar 1998 ma aysan arag aabeheed (Fartun), laakiin waxay qorsheyneysaa in ay soo aragto xagaagan.

Labaduba: Waxay iskudeyeyaan in ay halkaas kuwadaan

Sidee Nimco mustaqbalkeedu u ekaanayaa ama ahaanayaa?

Hooyadeed ma oga.

Laakiin waa welwelsan tahay.

Nimco, mother
Nimco hooyadeed, Mohobo Hashi, waxay shucuur xanaaq u muujisay gabadheeda oo isku deyeysa in ay xaliso dhibaato lacay shidaal. 'Soomaaliya adiga wax usheegaya. Halkan America gabdhaha ayaa wax kuusheegaya" Hashi ayaa tiri

Mohobo Hashi, 51, waxa ay fadhidaa dukaankeeda dharka iyo barafuunka ee Minneapolis xaafadda 'phillips', waxa ay derseysaa gabadheeda. Nimco, oo ku lebisan shaati iyo surweel iyo xijaab (khimaar), agteeda ayey kabaloodsatay si ay ugu tarjumto fikradeheeda.

"Halkan America, in lagu koriyo gabdho waa adagtahay. Soomaaliya, waxaad u sheegeysaa waxa lagudboon in ay sameeyaan.... Halkan America, gabdhaha ayaa kuusheegaya waxa kula gudboon in aad samaysid!" Halkaas gacmaha ayey kor u tuurtay, iyada oo garabka nuuxisay si rajola'aan ah.

Bilowgii sannadkan, nin Soomaali ah ayaa yiri waxaa aan rabaa in aan la aqalgalo gabasheeda. Hashi waa qososhay. Nimco fikradeeda gaarka ah ayey lahayd, sidaas ayey u sheegtay isaga (ninkii).

Meelo baadan Hashi waxay shaabahdaa Nimco. Waxay leedahay dhabanno iyo dhoolacadayn isku mida. Labaduba waxay xirtaan kabo saandal ah oo suulku kamuuqdo. Kuwa Hashi waa midabka madow oo ay xirtaan haween-dhaqameedka Soomaalida; kuwa Nimco waa guduud khafiif ah oo ay xirtaan in badan oo ah dhawr iyo tobanjirada Ameerikaanka.

Markii ay dhalinta yarayd, Hashi nolosheedu lamid ma ahayn tan gabadheeda. Markii ay Nimco da'deeda leekayd, waxay lahayd labo carruur ah. Waxa keliya oo ay baratayna waxa uu ahaa dugsiga Carabi ah halkaas oo ay ka baratay Qur'aanka, kitaabka muqaddaska ah ee Muslim ka. Majirin xaflado ay wiilal iyo gabdho ku kulmaan, majirin in lagasoo adeegto dukaamada loo yaqaan "MALL" (suuq-weyn. iyo xaqiiqadii ma jirin shukaansiga nooca looyaqaan "DATING". Islaam-ka ayaa mamnuucay.

Mararka qaarkood waxay layaabtaa imaanshaha Ameerika in uu ahaa mid u wanaagsan qoyskeeda.

"Xaqiiqadii arintaas aad ayaan uga welwelsanahay -- in carruurtayadu is bedelaan" ayey tiri. 'Iyagu xaqiiqadii waa da'yar waxayna had iyo jeer ku dhex jiraan kuwo aan Soomaali ahayn. Maalin walba ma arkayaan dhaqankoodii." ayey tiri.

La legdanka isbedelka

Qaar ayaa yiri wanaag ayaa kasoo baxaya isbedelka gabdhaha Soomalaiyeed. Skoolka Roosevelt gabdhaha si aad u adag ayay waxbarashadooda uga shaqeeyaan, si ka adag tan wiilasha, sidaas waxaa sheegay Abdirahman Mukhtar, waa jaal kale oo ay Nimco leedahay. "Soomaaliya gabdho badani ma aadaan jaamacadaaha: waxaa laga filayey in ay aqalgalaan," ayuu yiri. 'Hadda lajoogo, markii ay heleen fursadan, waxa ay rabaan in ay si xoog leh u shaqeeyaan. Wexey rabaan in ay waddo cusub u ankumaan dumarka Soomaaliya."

Nimco and male friend
Nimco Ahmed iyo Yusuf Kahin wey isku soo dhowaadeen, laakiin midna kan kale gacmihiisa ma taaban markii ay kujireen fasalka jirdhiska .

Dhammaantood waa isku mid, isaga iyo kuwokaleba waxay laqabaan Hashi oo kawelwelsan in qayb gabdho iyo wiilal ah ay iskubedelayaan si dhaqso ah, iyaga oo soo naqlinayaa dhaqan kale iyo iyaga oo tuuray koodii ay lahaayeen.

Gabdhaha sida dhaqsaha muuqaalka sare u bedela waa qiyaastii kuwo aan xoogbadan lahan marka la eego nafsadooda hoos ahaaneed, waxaa arintaas usoo fiirsday Muse Mohamed, oo ahaa madaxii hore ee ururka "Roosevelt Somali Student Association." Ma'uusan dhexgelijirin gabdhaha sababtoo ah uma uu arkeyn arintaas (dhexgelidda) in ay tahay mid quman, Laakiin waxa uu arkay in qaar ay bilaabeen in ay xirtaan surweello.

Aad ayey ugu adagtahay Soomaalida soo barakacay (immigrants) in ay kudabaashaan mawjad iyaga ka hortegaya (ka hor imaneysa), Mohamed ayaa yiri. "Waxay lamid tahay sidii galaas biyo ah oo aad kudaadisid badweyn".

Hashi waxa ay Nimco la rabtaa in ay hesho waxbarasho wanaagsan iyo in ay noqoto qof wanaagsan, oo Muslim ah, oo hooyo ah. Dumarka waxbarashada waa u wanaagsan tahay, laakiin, "sheyga ugu wanaagsan ee gabadha waa in ay yeelato carruur iyada dhiigeeda ah," ayey tiri.

Gabadheedu ma xafideysaa dhaarteedii ahayd in ay xiraneyso xijaab, la aqalgeleyso nin Soomaali ah, carruurteeda u korineyso sida qumman ee Islam-ka?

"Ilaah ayaa og," Hashi ayaa tiri, iyada oo farta kufiiqaysa saqafka sare.

Nimco waxa ay ogtahay in duqeyda Soomaalida ay ka welwelayaan in gabdhuhu ay illaawayaan dhaqankoodii oo ay qaadanayaan kuwo cusub, laakiin waxay ku adkaysaneysaa in taasi iyada aysan ku dhacayn.

"Marabo ama madoonayo in aan lakulmo dhibaato qoyskayga ah. Ma rabo in aan ahaado mid kaduwan," ayey tiri.

Marka uu yimaado waqtiga guurku, kaas oo hadda soo siqaya ama soo dhowaanaya, waxa ay tiri waxaan dooran doonaa ninkayga, oo ah Soomaali kaas oo maqsuud ku ah xorriyada shaqsiyadayda.

Fartun wey ka aamustay in ay ka hadasho guurka,. Sida Nimco oo kale, iyadu waxay laqabtaa xiisaha iyo xaraaradda cilmiga (aqoonta). Labaduba waxa ay qorsheynayaan in mac-had (koleejo) aadaan kadib marka ay dhameeyaan dugsiga sare sannad ama labo kaddib.

Meesha ay ahaandoonaan, cidda ay la noolaan doonaan, midkoodna ma oga. 'Waa arin wareer leh", Fartun aya tiri.

Waxyar kahor intii aan Skoolka sanadkaan laxirin (sannadkan), Fartun iyo Nimco waxa ay kubiireen ardada kasoo jeeda Afrika ee dhigta Skoolka Roosevelt si ay ugu dabaaldegaan hiddohooda. Markii lagaraacay durbaanka Afrikaanka, waxa ay galeen masraxa halka dadka daawadayaasha ah fariistaan. Aad ayey u adkayd in lakala garto (yacni way isu egyihiin), iyaga iskadaaye xataa kuwooda la eyniga ah ee kudhashay Ameerika.

Goono dheer iyo xijaab ayey iskudabooshay Nimco. Fartun agteeda ayey istaagtey iyada oo dhoola cadaayneysa. Durbaankii ayaa sii xoogeysey. Mid ayaa isbaray (magiciisa usheegay).

Waqtiyar; Fartun iyo Nimco waxay noqdeen isku mid. Somalis iyo Americans, sidoo kale. Somali-Americans.

June 26, 2000

Copyright Stra Tribune Minnesota, USA

Waxaa soo tarjumey bahda SomaliTalk.com

. Madax Meel ka sareeya oo la masaxaa ma jirto


Kor / Up

Back to Front Page

Posted by SomaliTalk Team
June 26, 2000


More
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
 
Allah Is Great
MINNESOTA
Minnesota waxay kamid tahay magaalooyinka ay kunoolyihiin Soomaalida kudhaqan Woqooyiga Ameerika kuwa ugu tirada badan.

Minneapolis oo kamida labada magaalo ee mataanaha ah (Minneapolis/St.Paul) waxaa kuyaal Suuqa ama Mall-ka ay Soomaalidu kuleedahay qurbaha kan ugu weyn.

Soomaalida halkaas kudhaqan waxay isugujiraan kuwo shaqayta iyo kuwo waxbarta, inkasta oo ay jiraan dad da'weyn oo aan labadaas kooxood midna kamid ahayn, balse iyagu intabadan guryaha jooga.

Minnesota cimiladeedu waxay lamidtahay tan Canada, taas oo ah mid xiliga looyaqaan "Winter"-ka aad u qabow, marka lagaaro xilliga kulaylaha ah ee looyaqaan "summer"-kana aad u kulul.

 
tugofwar


Copyright 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy