SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print

Muqdisho: Dugsiga Primier Education School









Amiin Yuusuf oo waraysanaya Safiyo Xiirey

Dugsiga Primier Education School oo caruurta wax lagu barayo Technology-yada casriga ah..

Safiyo "Manhajkeenu wuxuu ku xiran yahay kan Canada...."

Waxaa dhawaan dugsiga Primier Education School ee ku yaala degmda Hodan ee magaalada Muqdisho ayna dhigtaan carruur da’ a yar lagu soo kordhiyay Barnaamij carruurta wax lagu barayo kaasoo ah Technology-yada casriga ah ee dhinaca Computer-ka iyo iyadoo ardayda dhinaca waxbarashda ay wax ka daalacan karaan maktabad iyana lagu soo kordhiyay dugsigaasi.

Dugsigaan oo furan muddo sannad iyo saddex bilood ah ayaa noqday dugsigii ugu horeeyay ee carruur wax lagu baro aaladda Computer-ka waxayna noo sheegtay mar aanu wareysanay maamulaha dugsigaasi Safiyo Xiirey Qaasim in sababaha ay ugu soo kodhisay dugsiga Technology-yada casriga ah in ay tahay in ardayda la jaan qaadaan ardada kale ee caalamka ee iyana wax ku barta aaladda Computer-ka. "Waxaa ii farxad ah in Carruur da’doodu gaarayso 5 ilaa 6 sano oo wax ka fahmaya aaladda Computer-ka, waxaan filayaa in marka ay carruurtu gaarto 12 sano ilaa 15 sano i in ay fursad u helaan xirfad ay ku shaqeysan karaan ama ay wax kala soo bixi karaan Computerka" ayay tiri Safiyo Xiirey Qaasim oo sheegtay in dugsiga uu ku lamaansan yahay dugisi kale oo isna ku yaala dalka Canada oo lagu magacaabo Rose Thorn Junior (Etobicoke-Torronto-On tario) waxayna sheegtay in dhawaan ardayda dhigata dugsiga Primier Education School iyo kan ku yaala dalka Canada inay is weydaarsadaan wixii macluumaad ah ee dhinaca waxbarashada ah iyagoo adeegsanaya aaladda Internet-ka.

Safiyo Xiirey Qaasim waxay sheegtay in carruurta soomaaliyeed ay yihiin kuwo caqli badan waxbarashdana aad u jecel sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in horomar kasta ay la jaan qaadaan gaar ahaan Technology-yada casriga ah si waxbarashadoodu ay u noqoto mid dhameystiran. "Haddii la helo nabadgelyo buuxda Carruurta soomaaliyeed waxay heli doonaa fursado badan oo waxbarashadoodu ku hormarin karaan ayay tiri" Safiyo Xiirey Qaasim oo sheegtay in dugsiga ku bilaabeen ardey aad u yar maantanna ay maryaan ilaa boqol arday oo isugu jirta gabdho iyo wiilal waxay kalloo Safiyo sheegtay in dugsiga dhigtaan arday laga keenay dalka dibadadiisa kuwaasoo Iskuulkaan ka helay mid la mid ah waxbarashadii ay ka helayeen dalka dibadiisa.

"Ardayda waxaan ka qaadnaa 13 doola bishii r marka la fiiriyo lacagtaan waa mid aad u yar waayo ardayga waxa uu helayaa tasiilaad fara badan oo dhinaca Computer-ka" ah ayay tiri Safiyo Xiirey Qaasim oo intaa raacisay "markii aan Iskuulka fureynay aad baan ugu dhibtoonay hase yeeshee waayo aragnimada aan u leeyahay dhinaca waxbarashada ayaa keentay in wax badan ii hagaagaan".

Safiyo waxay sheegtay in Iskuulkoodu uu ku Manhaj yahay Manhajka wadanka Canada waxaa kalloo oo ay sheegtay in iskuulka carruurta wax lagu baro luuqadda Ingiriiska Hase yeeshee waxaa kalloo ay sheegtay in Carruurta ay baraan maadooyin fara badan oo ay ku jirto barashada diinta Islaamka, waxaa kalloo intaa ku dartay in dugsiga ay wax ka dhigaan macallimiin laga keenay wadanka Kenya gaar ahaan Goboladda Woqooyi Bari. Safiyo waxay ugu baaqday dadka soomaaliyeed ee ku nool dibadaha in dalkoodu ay dib ugu soo laabtaan isla markaana maalgashadaan si dalka u gaaro horomar iyo barwaaqo.

"Dad ku nool dibadaha ayaa waxay igula taliyeen in aan ku laaban dalka hase yeeshee markaan imid oo aan wax badan ogaaday ayaa waxaa ii soo baxday in dadka qaarkood laga dhaadhicay fikrado qaladan oo ku saabsan imaanshaha dalka " ayay tiri Maamulaha Iskuulka Safiyo Xiirey Qaasim.

Waxay kalloo oo ay sheegtay in Iskuulka uu haatan ku eg yahay heerka shanaad balse waxay sheegtay in mustaqbalka dhow heerarka waxbarasho ee dugsiga la kordhin doono waxyaabo badan oo ku saabsan waxbarashadda ay ku soo kordhin doonaan.

Mar aanu ku soo wareeganay Iskuulka qaybihiisa kala duwan ardayda waxaa ka muuqatay farax iyo raynrayn iyaga oo ku qanacsan waxabarashada qaarkood waxay ku mashquulsanaayeen Computer-ka kuwo kale waxay ka mashquulsanaayeen maktabada oo ay ay helaan Buugaag ay kala rog rogayeen iyagoo ka baaranayeen cilmi farabadan ,, qaarkoodna waxay ku jireen fasalo, sidaa darteed waa dugsi markaa aad fiiriso uu dhameystiran yihiin dhamaan waxyaalihii looga baahnaa dhinaca waxbarashada.

Safiyo oo iyadu wax ku soo baratay wadanka Canada ayaa waxaa iyana ka muuqatay farxad ku aadan howsheeda dhinaca waxbarashada ah ,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2005

MUQDISHO:::: Qisadii Madhoodhow::::

Hay’adda Samafalka Cossob iyo wax qabadkeeda

Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Siminaar kusaabsan xallinta khilaafaadka oo uu qabtay Machadka SPI...
Guji...


Muqdisho: Hay’adda Samafalka Cossob iyo wax qabadkeeda Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD