SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Sahaminta 2008 ee aagga Ufayn iyo Kobdhexaad maxay kaga duwan tahay tii Qarnigii Hore...?

Sahaminta Macdanta/Shidaalka oo la sheegay in ay ka bilaabaneyso Dooxada Dharoor

Eng. Kaanje, Wasiirka Tamarta ee DFKMG, Goorma ayuu is casili doonaa...

  • Somalitalk.com | May 21, 2008

Subaxnimadii Arbaca (May 21, 2008) waxaa magaalada dekedda ah ee Boosaaso ka ambabaxay gaadiid ay saaran yihiin qalabka lagu dhiso guryaha kaamamka oo loogu talo galay sahaminta macdanta/shidaalka dooxada Dharoor oo ay leedahay shirkadda Africa Oil iyo jaalkeed IMC oo ku raran baabuurta xamuulka oo ay hareeraha ka waardiyaynayaan gaadiidka dagaalka oo xooggan.


Magaalada Ufayn waxaa degmo loo magacaabay 2000 | Sawirka: GoogleEarth

Qalabkaas laga dhisayo kaamka ayaa la geeyey meesha lagu magacaabo Labo Rugleey oo ku taal aagga Ufayn iyo Kobdhexaad oo Bosaaso kaga beegan Koonfur Bari. [Kobdhexaad waxay Boosaaso u jirtaa 90km, halka magaalada Ufayn ay Boosaaso u jirto qiyaastii 115km oo khariidadda ah.]

Sahaminta hadda la samaynayo ayaa ah nooca loo yaqaan "seismic" taas oo hore aaggaas looga sameeyey qarnigii tegey horraantiis. Laakiin shirkadihii hore sahaminta haalkaas uga sameeyey aysan Soomaalida siin wax xog ah oo ku saabsan wixii ay daah-fureen ama ay ku arkeen gaar ahaan aagga Kalabayr, Ufayn, Kobdhexaad, Meeladeen ama Dharoor, Iskushuban iyo guud ahaan dhulka loo yaqaan UUR-CALEED. Dhulkaas oo ilaa maanta lagu arki karo jidadkii ama wadooyinkii ay jeexeen shirkadihii qarnigii 20aad horraantiisii sahaminta ka sameeyey aaggaas.

Sahaminta cusub ee hadda (horraanta qarnigan 21aad) ayaa dadka ku xeel dheer arrimaha Soomaalida iyo dadka la socda qaabka ay arrimahan u maaraynayaan madaxda Puntland, waxay muujiyeen in sidii tii qarnigii hore oo kale xogta laga ogaado sahaminta ay toos gacanta ugu haynayaan shirkadaha sahaminta samaynaya oo aan dadka Soomaaliyeed ama aqoon yahanada Soomaaliyeed wax xog rasmi ah ama nuqullo rasmi ah laga siin doonin ama la tusi doonin, aan ka ahayn marka ay shirkadahaasi dalalkooda ku laabaan warbixinada ay ka qoraan inta ay rabaan in xogtaas la ogaado.

Sahaminta cusub ee aagga Uur-Caleed iyo Dharoor waxaa lagu soo beegay xilli uu Gen. Cadde ku soo laabtay Boosaaso kaddib markii uu safar ku maqnaa muddo 52 maalmood oo waqtiga ugu badan uu joogey Addis Ababa - meelaha kale oo uu tegeyna ay ahaayeen London, Nairobi iyo Jabuuti. Waxa kale oo sahaminta hadda lagu soo beegan xilli ay aad hoos ugu dhaceen saamiyada shirkada Range Resources ee Suuqa ganacsiga Australia.

Waxa kale oo sahaminta xilligan lagu soo beegay xilli laga hor degayo kal fadhiga baarlamaanka DGPL ee furmaya bisha Juune. Waayo, waxaa jira in muran weyn ka dhex taagan yahay baarlamaanka DGPL, murankaas oo ku aadan in ay khalad ahayd qaabka loo maray codbixintii lagu ansixiyey heshiiska lala galay shirkadaha sahaminta shidaalka - waxaa cod bixintaas loo bixiyey 21-21 oo markaas hal-dheeri uu markii koowaad ku ansixiyey guddoomiyaha baarlamaanku halkii laga rabey in cod bixinta lagu celiyo laba jeer. Xubnaha baarlamaanka qaarkoodna ay rumaysan yihiin in hogganka sare ee baarlamaanku uu ku milmay xukuumadda, sidaas daraadeedna ay luntay qaabkii loola xisaabtami laha xukuumadda iyo inwixii la doono laga fushado baarlamaanka.

Dhowaan ayay ahayd markii ay shirkadda Africa Oil ee jaalka la ah Range Resources ay sheegtay in ay joojisey qoditaankii ceelka batroolka loogu tuhunka badan yahay ee Nugaal. Markaasna ay sheegtay inay sahamin doonto dooxada Dharoor.

Nugaal waxay ahayd meeshii ay shirkaddaha Africa Oil iyo Range Resources muddo dheer warbaahinta u sheegi jireen in ay shidaal qodista ka bilaabi doonaan, waa meeshii ay shirkadahaasi ku faani jireen in ay hayaan xog badan oo ay lahayd Conoco oo ceelkaas baari jitey. Laakiin sidii loo sugayey bilowga qoditaanak ceelkaas ayaa Africa Oil sheegtay in ay joojiyeen qorshahaas Nugaal oo ay u weeciyeen sahaminta Dharoor.

Wasiirka uu Gen. Cadde Muuse u xil saaray wasaarada Macdaanta iyo Tamarka DGPL, Xasan Cusmaan Maxamuud 'Aloore' oo la socdey gawaarida galbineysey xubno ka socdey shirkadda Africa Oil/IMC oo May 21, 2008 tegey meesha kaamka laga dhisayo oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri: "Muddadaas dheer ee soo socotey ee maanta aan halkan isugu nimid natiijadeedii haddana mustqabalka socon doonta haddii Ilaahay yiraahdo waxaa ka soo shaqeeyey xukuumadda iyo dadweynaheeda in badan oo taageera iyo warbaahinta iyo dad aqoon yahan ah oo reer Puntland ah si ay u garab galaan ay noqoto wax soo saar natiijo leh ee shaqo isu bedela. Waxaa jirey dhibaatooyin badan oo dadka hawsha wadey ay kasoo mareen taas oo been-abuur leh, taas oo lahayd is hortaagid, taas oo lahayd cid walba mid dad Soomaali ah iyo dad reer Puntland ah, dad aan dooneyn in aan maanta halkaas soo gaarno ay hor istaagnaayeen."

Waxaa kale oo isaguna goobta ka hadlay Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Yaasiin Cartan Maxamed oo ka soo jeeda degaanka kaamka laga dhisayo waxana uu yiri "Dhulkiinii hooyo kusoo dhawaada, oo baara, sheega waxa ku jira, ka soo saara, ha is martiyaynina, ma tihin marti ee soo dhawaada, cid kasta oo timaada haddii ay deegaankan u wado hal sibir ah waanu guddoomeynaa waana qaadaneynaa, waa xabbad sibir ah haddii ay wado, waanu qaadaneynaa waa guddoomeynaa, cid alla iyo cidii wax qabaneysa oo u diyaarsan inay wax ka qabato ama wax ka baartona waanu soo dhaweyneynaa sida maanta oo kaleeto."

Kim Watson oo ka socdey shirkadda Africa Oil/IMC ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in sahamintu ay aaggaas ka socon doonto lix bilood oo ah ilaa laga gaarayo December 2008, kaddibna la bilaabi doono qoditaanka shidaalka ayuu yiri. Hadalkaas waxaa lagu beegay in lix bilood ay ka harsan tahay doorashadii madaxweynaha DGPL.

Waxay ahayd May 3, 2008 markii madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Maxamuud "Afqurac"  isaga oo ku sugan Garoowe uu waraysi siiyey TV reer Minnesota uu sheegay ilaa la soo celiyey Gobolka Sool in aanay suurta gelayn in shidaal la soo saaro, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri: "waa loo baahan yahay in dad wax loo soo saaro oo ay ka baxaan baahida badan weligeedna waa la rajeynayey in Soomaalidu soo saarto khayraadkeeda, laakiin ilaa amniga wax laga qabto lana soo celiyo gobolka Sool ma suurta gelayso in shidaal la soo saarayo."

Waxaa jira warar tibaaxaya in Gen. Cadde Muuse markii uu Boosaaso kusoo laabtay in uu Xasan Daahir degdeg ugu yeeray si ay u kulmayaan.


Ufayn waxay Boosaaso kaga beegan tahay Koonfur bari | | Sawirka: GoogleEarth

Sahaminta dooxada Dharoor waxa la bilaabayaa waqti uu madaxweynaha DFKMG, col. C/laahi Yuusuf Axmed si toos ah u hareer maray taladii uu soo jeediyey wasiirka xukuumadiisa FKMG u xil saartay Macdanta iyo Tamarka, Maxamuud Cali Saalax (Eng. Kaanje).

Eng. Kaanje ayaa hore u soo saaray wareegto uu ku sheegay in heshiisyada Batroolka Dalka Soomaaliya ay geli karto DFKMG, isaga oo cuskaday Dastuurka DFKMG, iskuna halaynayey in uu garab ka heli doono madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, sidaas daraadeedna sheegay in aysan waxba ka jirin heshiiska DGPL la gashay shirkadaha ajnebiga ah. Laakiin waxaa cidla loga dhaqaaqay kaddib markii saxiixiisii uu ganafka ku dhusftay C/laahi Yuusuf oo heshiiskaas London ugu saxiixay Gen. Cadde Muuse.

Eng. Kaanje wax taageero ah kama helin ra'iisul wasaaraha DFKMG, Col. Nuur Cadde.

Waxaa jira warar u dhow wasiirka, Eng. Kaanje, oo tibaaxay in uu niyad jab weyn ka qaaday qaabka ay xukuumadda FKMG u shaqayso, inkasta oo aan la ogeyn in uu is casili doono iyo in kale.

Dhanka kale waxaan la ogeyn in baarlamaanka Puntland marka uu furmo June 2008 ay xildhibaanadii 26-ka ahaa oo hore qoraalka ugu gudbiyey guddoomiyaha Golaha Wakiilada ay xeerka Batroolka dib ugu soo celin doonaan Baarlamaanka.

Akhristaha ayaa u dhaafnay jawaabta su'aasha cinwaanka qormadan ee ah "Sahaminta 2008 ee aagga Ufayn iyo Kobdhexaad maxay kaga duwan tahay tii Qarnigii Hore...?"

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2008
 

BAARID | SEARCH


C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS