SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA

Puntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka

"....sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah..."

  • Tarjumadii iyo Faalladii SomaliTalk.com | Aug 22, 2008

alooreQoraal uu soo saaray wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee DGPL, uuna faafiyey Xafiiska Gen. Cadde Muuse, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiis ay dhawaan DFKMF la gashay shirkado ajnebi ah, kaas oo ku saabsanaa cidda maamuleysa Batroolak Soomaaliya.

Xasan Cusmaan Maxamuud (Aloore) qoraalkiisa waxa uu ku sheegay qodobbo ay kamid yihiin:

  • DGPL waxay cadayneysaa in aysan la socon wax heshiis oo dhex maray Soomaaliya iyo ajaaniib.
  • Maaraynta iyo sharci u samaynta Khayraadka Dabiiciga ee Puntland waxaa la keli ah DGPL oo uu hoos yimaaado.
  • Puntland waxaa si buuxda uga go'an heshiiska Africa Oil iyo Range Resources, heshiiskaas waxaa soo hoos gelaya Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal
  • Inta laga helayo dastuur federaal ah..... taageerada Dawladda Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah.

KaanjeErayadaasi waxay si toos jawaab ugu yihiin heshiiskii Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee DFKMH, Eng. Kaanje uu la galay shirkadaha Kuwait Energy iyo Medco Indonesia. Heshiiskaas, sida ay sheegtay jariidadda Al Watan, waxa uu DFKMG siinayey 51% saamiga hay'adda Batroolka Soomaaliya, halka ay labada shirkadood helayaan samiga 49%. Heshiiskaas oo ah in batroolka Soomaaliya ay shirkadahaasi maamulaan.

Qoraalka Wasiirka Tamarta & Macdanta Puntland, Xasan Aloore, oo ku taariikhaysnaa August 20, 2008, (Laakiin xafiiska Gen. Cadde Muuse faafiyey Aug 21, 2008),  kuna astaysan lambarka (Mem/os/Garowe/808), waxa uu ku qornaa Af-ka Ingriisiga. Haddaba qormadii aan Af-Soomaali ku soo tarjumney waatan:

puntland

Dawladda Puntland ee Soomaaliya, Xafiiska Wasiirka:

War-saxaafadeed

Waxaa jirta warbixin ay warbaahintu (faafisay) oo sheegaya in heshiis batrool ay kala saxiixdeen Dawladda Federaalka Kumeelgaarka (DFKMG) ee Soomaaliya iyo laba shirkadood oo shisheeye ah, kaas oo u gogol dhigaya in la asaaso shirkad wadaag ah oo sahamisa khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Warbixintaasi waxa kale oo ay shaaca ka qaaday in Shirkadda Batroolka Soomaaliya ay maamuleyso dalka batroolkiisa, gaaskiisa iyo khayraadka macdanta.

(Anagoo) jawaab ka bixineyna akhbarta warka sare, Dawlad Goboleedka Puntland waxay halkan ku cadayneysaa in aysan la socon wax heshiis oo dhex maray Soomaaliya iyo ajaaniib. Khayraadka dabiiciga ah ee ku jira Puntland waxa uu gebi ahaanba hoos yimaadaa maamulka Dawladda Puntland, waxaana dawladani la keli tahay lahaanshada xuquuqda in ay maareyso, islamarkaana shirci u samayso (khayraadka dabiiciga). Sidaas daraadeed heshiiskaas lagu soo waramay waxba kama khuseeyo Dawlad Goboleedka Puntland.

Dawladda Puntland waxaa si buuxda uga go'an heshiiska hadda jira ee ay la leedahay Shirkadad Africa Oil iyo Range Resources, heshiiskaas waxaa soo hoos gelaya Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal ee Puntland. Heshiiska ku saabsan dhulkaas waa mid jira, waxaana si buuxda u taageersan sharciga Puntland.

Inkasta oo aysan cadayn sharci ahaanta heshiiska lagu soo waramay, (hadana) warsaxaafadeedkan degdega ah ee ay soo saartay Dawladda Puntland waxaa loola jeedaa in lagu-weeciyo (lagu-buriyo) arrinta aan la hubin (mugdiga ku jira) ee ku xeeran cidda leh awoodda xukumidda khayraadka dabiiciga ah ee Puntland. Dawladda Puntland waxay si adag ugu difaaceysaa xuquuqda lahaanshada khayraadkeeda dabiiciga ah ee dadkeeda Puntland.

Qoraalkii Tub-raaca Siyaasadda Dawladda Puntland (Eeg halkan) ee 19-kii Maarso 2008 waxaa si qayaxan ugu qeexan in: "Inta laga helayo dastuur federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad goboleedyo ku qanacsan qaybsiga awoodaha iyo khayraadka, taageerada Dawladda Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah - Puntland waa u madax bannaan tahay shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo daneheeda."

Mahadsanidin.

Waxaa ku saxiixnaa:
Mr. Xasan Cusmaan Maxamuud
Wasiirka Tamarta iyo Macaadanta
Garoowe, Puntland

DFKMG weli jawaab kama bixin hadallada kulul ee ka soo yeeray Puntland wasiirkeeda Batroolka.

Abdullaahi Yuusuf AhmedMa aha markii ugu horeysey ee DGPL ay ganafka ku dhufato hadallada iyo qoraalada Wasiirka Tamarta ee DFKMG, Eng. Kaanje. Hore ayay DGPL waxba kama jiraan ugu tilmaantay hadallada Wasiirka.

Su'aasha hadda taagan waxay tahay, madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf cidda uu markaan gacanta siin doono.

Waxa arrinta sii cakiraya waxaa kamid ah, in wasiirka Tamarta ee DFKMG uu heshiis la saxiixday shirkadihii (KEC iyo Medco) sharciga batroolka Malindi ugu dhiibey Ra'iisul wasaarihii hore ee DFKMG, Geeddi, sharcigaas oo markii hore uu diidanaa madaxweynaha DFKMG. Laakiin waxaa hadda lagu soo waramay in C/laahi Yuusuf uu August 7, 2008 ansixiyey sharcigaas uu hore u diidanaa iyo in wasiirkiisa batroolku uu saxiixay heshiiska cusub.

Haddaba mar haddii wasiirka Batroolka Puntland, Aloore, uu ganafka ku dhuftay heshiiska uu ansixiyey C/laahi Yuusuf, waa maxay jawaabta uu ka bixin doono?. Jawaabta kale oo laga sugayo Yuusuf waxay tahay in uu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan midnimada Soomaaliya, kana jawaabo hadalka ay soo celcelisey Puntland oo ah "sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah".

Ethiopian FM blasts Somalia’s leaders
Financial Times- August 21 2008

Ethiopia has blasted Somalia’s political leaders for getting bogged down in ”internal squabbles” while millions of Somalis live on the brink of a humanitarian disaster in a country that remains violent and ungoverned.

Seyoum Mesfin, Ethiopia’s foreign minister, told the Financial Times that a rift between the president and prime minister Nur Hassan Hussein, appointed eight months ago after his predecessor fell out with Mr Yusuf, was the biggest obstacle to peace...

The main challenge now is not what they call the enemy. It’s an intra-government crisis that is preventing them from focusing on the tasks they need to get done,” said Mr Mesfin. “There has been a lack of vigour and, if I may say so, a lack of commitment.” Read More: Ethiopian FM blasts Somalia’s leaders.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo August 21, 2008 waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka, isagoo joogey Addis Ababa, ayaa  sheegay in ay waajib muqaddas ah ku tahay in uu ilaaliyo sharciga Dastuurka ee u yaal dalka (Dhegsyo-mp3). Haddaba qodobo ka mid ah Dastuurta Federaalka ayaa dhigaya in DFKMG ay masuul ka tahay khayraadka dabiiciga ee dalka. Sharcigaas oo laga filayo DFKMG in ay ilaaliso. C/Laahi Yuusuf waxa uu Itoobiya u tegey dhex-dhexaadin isaga iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG Nuur Cadde oo isuguna halkaas tegey, oo uu dhaxeeyo khilaaf lagu sheegay in uu la xiriiro Dastuurka.

DFKMG weli si rasmi ah uma soo bandhigin qodobada ay kula heshiisyeen shirkadaha Reer Kuwait iyo reer Indonesiya. Lamana oga xaqiiqo ahaan waxa ku qoran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Canaan Dusha uga Tuuray Yuusuf iyo Nuur Cadde:

Seyoum Mesfin oo waraysi siiyey jariidadda Financial Times (Aug 21, 2008) ayaa sheegay madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf iyo ra'iisul wasaaraha Nuur Cadde khilaafka u dhexeeya uu yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan nabadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxa uu intaas ku daray "Caqabadda hadda ugu weyni ma aha waxa ay ugu yeeraan cadowga. Waa dhibaatada ka dhex jirta dawladda taas oo ka hor taagan in ay jaaha saaraan hawsha ay u baahan yihiin in ay qabtaan" waxana uu taas raaciyey "arrimahaasi waa ballan qaad la'aan." Itoobiyaanku canaantaas waji-gabaxa ku ah DFKMG waxay jeediyeen xilli ay Yuusuf iyo Nuur Cadde ku sugan yihiin Addis Ababa si Itoobiyaanku u dhex dhexaadiyaan.

Jariidaddu waxay sheegtay in ay jirto xurguf DFKMG dhexdeeda xilli ay malaayiin Soomaali ah qarka u saaran yihiin masiibo bini'aadamino, waddan rabshado ka jiraaan oo aan la xakumin.

Waxaa aad u cajaa'ib badan in wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya uu madaxda DFKMG u adeegsadey oraahda "Caqabadda hadda ugu weyni ma aha waxa ay ugu yeeraan cadowga". (Eeg http://www.ft.com).

Kooxo Taageersan Maxaakiimta Islaamiga oo La Wareegey Gacan ku haynta Kismaayo:

Magaalada dekeda ah ee Kismaayo ayaa (Jimce August 22, 2008) waxaa la wareegey kooxo ka mid ah ama taabacsan maxaakiimta Islaamiga, kaddib markii uu magaaladaas dagaal ka socdey muddo saddex maalmood ah (Wararkii Dagaalka Kismaayo).

Hayadda batroolka SoomaaliyaAkhri: DFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...: Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

READ: Kuwait’s KEC signs illegitimate agreement with Somali Warlord

Faalladii iyo Tarjumadii SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2008

BAARID | SEARCH


Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS