SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

Tub-Raaca Aminga Puntland

(June 7,2008) - Qoraal dheer oo kasoo baxay maamul Goboleedka Puntland ayaa looga hadlay qodobo ku saabsan amniga DGPL. Qoraalka oo uu faafiyey Xafiiska madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, waxa uu u qoraa sidan:

TUB-RAACA AMNIGA PUNTLAND

Sabti, Juun 7, 2008

HOR-DHAC

• Puntland waxa ay Soomaaliya inteeda kale la qabtey cawaaqib-darrooyinkii ka dhashay la’aanta dawlad dhexe 18kii sano oo la soo dhaafay. Waxase ay markiiba xasilisay nabaddii iyo ammaankii dhulkeeda, kamana dhex-dhicin colaad sokeeye, hase yeeshee inkastoo aaney weli u taabba-qaadin sidii la rabey, waxa ay kasabtay nabad iyo xasillooni ay ka wada shaqeeyeen intiisii hore odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku, Maamulkuna 10kii sano oo uu dhisnaa sii xoojiyey.

• Ciidammada Booliiska iyo Asluubta Puntland 50% in ka badan markii la qorayey laguma qaadan mabda’ booliis ama mid asluubta ah oo ah in ay u adeegaan bulshada. Markii la ciidamaynayey lama siin tababbarradii aasaasiga u ahaa askariyeynta qofka, mana helin marna agab iyo daryeel ku dhow heer ay xil-waajibaadkooda ku gudan karaan. Ciidanka Booliiska iyo kan Asluubta Puntland waxay u baahan yihiin gurmad deg-deg ah si ay u gutaan waajibaadkooda nabadda iyo amniga dalka oo la saaray.

• Bishii Mey 2007 ilaa Maarso 2008 Puntland waxa ka dhacay falal argagixiso oo lagu laayey dad rayad ah oo magan ah iyo xubno ka tirsan ciidammada ammaanka, afduub, halis-gelin iyo hanjabaad lagula kacay hawl-wadeennada hey’adaha samafalka ee caalamiga ah, qafaal maraakiib iyo doonyo marayey badaha Soomaaliya oo madax-furasho lagu doonayey, dhac hanti deeq ah iyo geerida dadka biimada ah oo sharci-darrada looga tallaabiyo Khaliijka Cadmeed oo korodhay. Dhacdooyinkaasu waxa ay si laxaad leh wax ugu dhimeen aragtidii nabadda oo ay gobollada Puntland ku soo caana-maaleen muddadii burburka Soomaaliya.

• Dhiilladii ka dhalatay carqaladaynta nabadda darteed, waxaa Garoowe lagu qabtay Aqoon-Is-Weydaarsi Ammaanka Puntland ku saabsan (Puntland Joint Security Workshop) 29kii – 31kii Agost 2007. Waxa wadajir u qabanqaabiyey hey’adaha beesha caalamka oo Puntland ka shaqeeya iyo Maamulka Puntland, waxana ka soo baxay talooyin fulintoodu waxtar loo aayo u noqon lahayd ka-hortagga ifafaalaha nabad-weerarka cusub, hase yeeshee aan waqtigoodii la fulin.

• Dawladda Puntland waxay wasaarad cusub u aasaastay arrimaha Amniga Gudaha bishii Disembar 2007 taas oo u xil-saaran ka-hortegidda fal-dembiyeedyada iyo gacan-ku-dhigidda dembi-falayaasha. Waxa xukuumaddu u hurtay amniga gudaha 5% miisaaniyad ka baxsan saamigii ay hey’adaha ammaanka guduhu ku lahaayeen miisaaniyadda caadiga ah. Dawladda Puntland waxay kaloo fiira gaar ah u yeelaneysaa xoojinta Garsoorka iyo Ciidanka Asluubta oo lama huraan u ah u-hoggaansanaanta sharciga iyo helitaanka caddaaladda.

• Madaxweynaha DGPL, Md. Maxamuud Muuse Xirsi, wuxuu kulammo ku saabsan amniga Puntland kula yeeshay Nairobi wakiillo ka tirsan beesha caalamka [deeq-bixiyayaasha, hey’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa Samafalka Caalamiga ah (INGOs)] 12kii iyo 16kii Maarso 2008. Madaxweynaha iyo beesha caalamku waxa ay isla qaateen cawaaqibka ka imaan kara haddii xaaladdu sidaas ku sii socoto, sidii Maamulka iyo dadweynuhu ugu mintidi lahaayeen xasilinta nabadda iyo ammaanka, beesha caalamkuna u taageeri lahayd, una sii wadi lahayd barnaamijyada iyo mashaariicda ay u hayaan dadka reer Puntland. Madaxweynuhu wuxuu aqbalay talooyin wakiillada beesha caalamku u soo jeediyeen oo ah: in la hirgeliyo talooyinkii Aqoon-Is-Weydaarsigii Wadajirka ee Amniga Puntland oo lagu qabtay Garoowe bishii Agost 2007 iyo in labada dhinac hawl-fulinta ka yeeshaan “Bar-Iskaashi” (Focal Point).

Iyagoo ka duulaya qodobbada Hordhaca kor ku xusan ayaa Golaha Xukuumadda Puntland oo uu guddoominayey Madaxweynuhu waxa ay maanta (Khamiis, 05/06/2008) Garoowe ku yeesheen shir ay kaga doodeen kagana arrinsadeen arrimaha amniga, kuna go’aansadeen ansixinta Tub-Raaca Amniga Puntland ee soo socda kana kooban shanta qaybood oo kala ah:

  1. Taabba-Gelinta Sharciga
  2. Tayaynta Hey’adaha Sharci-Fulinta
  3. Wacyi-Gelinta Arrimaha Amniga
  4. Qaab-Hawleedka Iskaashiga iyo
  5. Tub-Raaca Cusub ee Amniga Puntland.Yoolka:

Muwaadiniinta Puntland iyo qof kasta oo si sharci ah ku jooga geyiga Puntland waa in ay helaan xaqa ay u leeyihiin in ay ka noolaadaan ammaan naftooda, hantidooda, xorriyaddooda, sharaftooda iyo karaamadooda.

1. Taabba-Gelinta Sharciga

Hawlaha sugitaanka amnigu waxay leeyihiin wajiya badan, waxaana ugu muhiimsan:

• Ka-hortegidda dembiyada, gacan-ku-dhigidda, hor-geynta sharciga iyo ku-fulinta ciqaabta ay mutaystaan dembi-falayaashu;

• Suulinta in dad rayad ah ama askar aan shaqo hayn ay hub la dhexmaraan dadweynaha;

• La-dagaallanka ka-ganacsiga hubka iyo

• Dabar-goynta jid-gooyooyinka aan sharciga ahayn.

Helitaanka arrimahaasu waa waajib saaran maamulka oo dadweynuhu u egmadey in ay ka badbaadiyaan dembi-falayaasha si loo gaaro heer cabsi la’aan loogu noolaan karo Puntland dhexdeeda. Maamulka Puntland waxaa waajib ku ah in uu dammaanad qaado xuquuqda mushahar iyo daryeel ee ay mudan yihiin hawlaha amni-sugidda iyo helitaanka agab ay ku gudan karaan waajibkooda, lana siiyo dammaanad dawladeed oo sharci ah marka ay gudanayaan waajibaadyada qaran. Dadweynuhu dhinacooda waa in ay u hoggaansanaadaan in sugitaanka ammaanku sidaas awgeedna ay gacan ku siiyaan waxa kasta oo u suurta gelinya gudashada waajibaadkaas isla markaasna aaney dhicin in ay u hiiliyaan amaba gabbaad siiyaan dembi-falayaal.

2. Tayaynta Hey’adaha Sharci-Fulinta

Si Maamulka Puntland u guto waajibka ka saaran sugitaanka amniga waxaa lama huraan ah in ay jiraan hey’ado u xilsaaran oo leh waajibaadyo kala qeexan isla markaasna isku ujeeddo u wada adeegaya. Hey’adahaasu waxa ay yeelanayaan awood xil-gudasho. Maadaama heerka dakhliga Puntland ee wakhtigan uu aad uga hooseeyo haqab-tiridda kharajyada ay u baahan yihiin adeegyda aasaasiga ah, waxaa lagama maarmaan ah in la helo taageero caalami ah oo ku jahaysan dhinacyada tababbarrada, agabka taakulaynta (sida gaadiid, is-gaarsiin, iwm) iyo maamulka (xafiisyo, qalab iyo xabsiyo). Maadaama aaney wakhtigan suurta-gal ahayn in la helo taageero ay dawlado toos u bixiyaan waxaa hey’adaha caalamiga ah, oo taageeradooda xagga amnigu koobnayd, laga filayaa in ay gacan ka geystaan kor-u-qaadidda tayada hey’adaha sugitaanka ammaanka.

3. Wacyi-Gelinta Arrimaha Amniga

Waxaa lagama maarmaan ah in dadweynaha Puntland ku baraarugsan yahay in sugitaanka ammaanku yahay dan guud oo ay tahay in meel looga soo wada jeedo, kana baxsan ku-kala-qaybsanaan siyaasadeed iyo dano kooxeedyo. Hey’adaha iyo hawl-wadeenka sugitaanka ammaanku waa in ay u muuqdaan kuwo dhex-dhexaad ka ah loollanka siyaasadda iyo dano kooxeedyada, una adeegayaan dadweynaha. Mas’uuliyiinta dalku waa in ay si joogta ah dadka ugu wacyi-geliyaan muhiimadda nabadda iyo xasillonida. Kor-u-qaadidda wacyiga ammaanka waxaa kaalin muhiim ah ku leh bulshada rayadka ah.

4. Qaab-Hawleedka Iskaashiga

Sugidda ammaanka waa in ay iska kaashadaan Maamulka Puntland, bulshada iyo hey’adaha caalamiga ah. Iskaashiga saddexda qaybood wuxuu ku suurta geli karaa marka la helo qaab wada-shaqayn oo kala qeexaya kaalinta iyo xilalka ay kala leeyihiin iyo kuwa ay wada leeyihiin. Waa in uu jiraa xog-wadaag joogtaysan oo ay yeeshaan saddexda dhinac, barnaamij-hawleed ay wada dejistaan iyo hab ay u wada hubsadaan hirgelintiisa.

5. Tub-Raaca Cusub ee Amniga Puntland

Tub-raaca sugitaanka amniga Puntland wuxuu u degsan yahay laba marxaladood oo kala ah: (1) marxaladda 6da bolood ee ku-meel-gaarka ah iyo (2) joogtaynta sugnaanta amniga.

5.1 Marxaladda 6da Bilood ee Ku-Meel-Gaarka Ah

Bartilmaameedka marxaladda ku-meel-gaarka ahi waxa weeye suulinta dhaqanka ah in qof dembi-fala ahi caadaysto in uu ku noolaado geyiga Puntland isagoo aan lagu fulin ciqaabta uu mudan yahay. Taasu waxay keeneysaa in la aamino fulinta sharciga, lagana badbaado halista ka timaadda in ciddii lagu gabood-falaa ciirsato aargoosi toos ah oo inta badan isu-beddela isku-dhac beeleed. Tallaabooyinka lama huraanka ah ee ay tahay in la qaado waxaa ugu muhiimsan:

• Sii-wadidda tallabooyinkii la ambaqaaday bilawgii sannadkan. Tan iyo inti la sameeyey Wasaaradda Amniga, iyadoo ay gacan ka geysteen dadweynuhu, waxaa lagu guulaystey in ilaa xad la soo celiyo ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland, in gacanta lagu dhigo dembiilayaal fara badan, la badbaadiyo gaadiid badeed oo ay burcad afduubeen iyo nafta hawl-wadeenno ajnebi ah oo u shaqaynayey Qarammada Midoobey. In kastoo dadaalkaasu abuuray nayaayiro weyn haddana waxaa jira dembiilayaal aan weli gacanta lagu dhigin. Hey’adaha amnigu waxay ururinayaan xogta, tafaasiisha, dhaqdhaqaaqa iyo meelaha lagu tuhunsan yahay dhammaan dembiilayaasha maqan si loo soo qabto;

• Hirgelinta talooyinkii Aqoon-Is-Weydaarsigii Amniga Puntland oo bishii Agost 2007 lagu qabtay Garoowe;

• Xoojinta barnaamijka sugitaanka amniga magaalooyinka waaweyn iyo meelaynta cutubyo gurmad deg-deg ah kaga hawl-geli kara degaannada fog-fog;

• Dammanad-qaadidda xuquuqda mushaharooyinka iyo daryeelka hawl-wadeennada amniga;

• Dib-u-habaynta iyo tira-koobka ciidammada booliiska iyo kuwa asluubta gaar ahaan dhinacyada dhismaha ciidan, isku-dhafka cutubyada, tababbarrada, derejooyinka, agabka iyo diyaarinta saraakiil iyo saraakiil-xigeen gudan kara xil-waajibaadka amniga;

• Joogtaynta qiimaynta xaaladaha amni dhammaadka bil kasta muddada marxaladda 6da bilood ee ku-meel-gaarka ah (Juun ilaa Nofembar 2008);

• Soo-celinta kasloonida hey’adaha caalamiga ah iyo qaabaynta hab ay ku wada shaqeyaan hey’adaha amniga Puntland iyo

• Diyaarinta barnaamijka joogtaynta sugnaanta ammanka Puntland wakhtiga fog.

5.2 Joogtaynta Sugnaanta Amniga

Ku-tala-galka Maamulka Puntland waxa weeye in marka ay fulaan bartilmaameedyada marxaladda 6da bilood oo ku-meel-gaarka ahi uu Puntland ka hirgeli doono ku-dhaqanka sharcigu, kaasoo lagama maarmaan u ah higsashada horumar dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeedba.

Gabagabo

Dawladda Puntland waxa ay halkan ku caddayneysaa in ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo ku-dhaqanka sharcigu.

###

Qormadan waxaa faafiyey Xafiiska Gen. Cadde Muuse

June 7, 2008
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS