SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Xukuumada Puntland ma mid Gaalada u adeegtabaa mise waa mid Muslim.

  • A/rizak aadan
    Puntland somalia

Tan iyo markii la qaaday cuna qabataynta hubka saaran Somalia  waxaa inta badan madaxda puntland ay la soo baxeen  qaab cusub oo aan horay looga baran iyaga oo ugaarsanaya wadaadada afkooda waxa ka soobaxay waxaana todobaadyadii ugu danbeeyay si isdaba joog ah uga soo baxayay madax badan oo ka tirsan DGPL waraaqo iyo hanjabaadyo loogu hanjabayo wadaadada in aysan sheegin wax ay dhibsanayaan xukuumadu iyada oo taas ay dad badan ula muuqatay in ay xukuumadu u adeegto gaalo oo aysan ba ahayn mid maamusha dal islaam ah iyo dadal islaam ah waxaadna moodaa in hadaladii dhawaan ka soo yeeray  wasaarada diinta iyo awqaaftu uu ahaa hadaladii ay ku hadli jireen dadka gaalada ah hadalkaasi oo ahaa in aan masaajidada puntland guud ahaantood laga baahin karin wax lidi ku ah dadka aan islaamka ahayn islamarkaana khudbadaha jimacaha laga sii daynayo masaajidada la soo mariyo wasaarada cadaalada  arintaasi oo ka baxsan wax ay ku dhaqmaan dad islaam sheeganaya.

Khaladkii ugu weynaa ee Soomaalida:
Dad badan oo ku xeel dheer culuunta kala duwan ayaa rumaysan in khaladkii ugu weynaa ee ay mujtamaca Soomaaliyeed galeen in uu ahaa markii ay u hoggaansameen xukuumadii siyaad Barre markii ay dileysey culimadii xukuumada kaga hor yimid gafkeedii ay xukuumadu ku sheegtay in aayado ka mid ah Quraanka in la nasakhay oo markaas culimadii arrintaas ka hortimid meel fagaare ah lagu toogtey shacabkiina ay taas aqbaleen. Dad badan ayaana rumaysan in halkaas uu ka soo bilowday burburka Soomaalida ku dhacay ee ilaa hadda taagan, waxaana lagaga bixi karaa burbrukaas in loo laabto Diinta oo la quweeyo diinta Islaamka, wixii diinta wax u dhimayana aan inaba loo dul qaadan.

TOOGASHADII CULIMADA 23/1/1975

MUQDISHO:: Bishii Janaayo ee sannadkii 1975 ayaa culimo Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana la toogtey 23/1/1975. Magacyada culimada la toogteyna waa:

  1. Yaasiin Cilmi Cawl
  2. Sh. Axmed Sh. Maxamed
  3. Suleemaan Jaamac maxamed
  4. Cali Axmed Warsame
  5. Aaden Cali Xirsi
  6. Xasan Cabsiiye Diiriye
  7. Cali Jaamac Xirsi
  8. Sh. Axmed Iimaan
  9. Sh. Muuse Yuusuf
  10. Maxamuud Siyaad Xirsi

Sikastaba, xaalka ayaa hada u muuqda mid murugo galay maadaama madaxda puntland ay galeen wax aan dantooda ahayn oo ah danta gaalada.

Nin gaalo u adeegow adi un baa ku guban ee maxaa gaalada ku daba dhigay maa dantaada islaanimo raacato dadkaagana u naxdo inta aad quud gaalo ka raadinayso shacabkaaga daryeel isaga ayaa xil wayni kaa saaran yahay diintoodana quwee.

Sidda laga wada warqabana waxaa ay xukuumadu ku dhaqaaqday gaf ay ka gashay muslimiinta aduunka kadib markii masaajid ku yaala magaalada Bosaso loogu awood sheegtay in uusan khadiibku akhrin karin khudbada jimcada iyada oo aysan soo marin wasaarada cadaalada.

Waa su'aale wasaarada diinta iyo awqaaftu maxay iyadu u taagan tahay diinta iyo cadaalada ay sheeegaysaa horta waa tee ma tan gaaladaa mise waa tan islaamka.

Haday tan islaamka tahay maxay u faragalisay masaajidada puntland.

Haday tan gaalada tahayna waxaan su'aashaas jawaabteeda u daynayaa dadka islaamka ah guud ahaan, gaar ahaana soomaalida ka sii gaar ahaan reer Puntland waayo iyaga ayay haystaa in ay wax ka yiraahdaan oo hadaysan hadda wax ka orana berri waxaa xigi doonta hatukanina, salaanta islaamka ha isku salaamina, gaalada yaan wax laga sheegin, yaan la adimin, ama sidii amsar halmasaajid halaga adimo khudbadahana halaga jeediyo, arintaasi oo markaa u baahnaandoonta hawl culus oo kale.

Hadaba dadka reer Puntland ee lagula kacay gafka iyo khudbad ha akhrina maxaa la gudboon ma in ay sidan u fiirsadaan khaladaadka xukuumada Puntland mise in ay ka jawaabaan xumaanta ay wadaan qaar ka mid ah madaxda Puntland.

Waxaan anigu talo ku soo jeedinayaa sidan dan maahane in meesha la iska qaado oo la quweeyo diinta xoogna looga hortago, wadaado iyo dhaman mushtamaca puntland oo isku duuban inay iska daafacaan gafka islamarkaana ay sameeyaan kacdoon ka dhan ah xukumada khaladaadka badan.

Hadda ayaa waxaa loo soo dhigtay diintii Alle intii dalkii intii kale la soo cunay waxaa xiliyada soo socda la oran doonaa dhulkan waabaa muslim dagi jiray hadaan hada laga hortagin gaalada adeegsanaysa inta badan madaxda puntland oo ayaga qaarkood aan la qiyaasi karin waxa ay ku sugan yihiin maadaama ay ka soo yeertay hadal gaf ku ah diinta islaama iyo muslimiintaba.

A/rizak aadan
Puntland somalia

Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD