SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

"QUL WAXAAD DHAHDAA NEBI MAXAMEDOOW(SCW) DUMARKA QOYSKAAGA IYO KUWA QARAABADA KALE AH EE ADIGA QAYRKAAYA QAATOO XIJAABADA XIRTOO QARIYA JIIRKIINA:

waxaa waayahaan dambe soo ifbaxaysa naceybka iyo cadaadiska ay gaalada iyo gaalo raacyadu ku hayaan diinta Islaamka, taasi waxay horseeday in waxkasta oo waanaag ah loo rogo shirki ay gaalo soo dhooba-dhoobaysay.

Hadaba waxaa Somalitalk.com la soo xiriiray Abwaan Maxamuud Warsame Faarax oo ah abwaan caan ah kuna nool Gobolada Puntland.

Abwaanku wuxuu soo bandhigay erayo/xarfo (Terms) uu leeyahay dhegahayga bay ku cusub yihiin waxaana ka duulaya gaalada si loo marin habaabiyo Islaamka iyo ciddii u nugul in ay dhegaystaanba waxa ay u mariyaan gaaladu.

Erayadaan oo Af-Soomaali ku qornaa ayaan sidaan u turjunay:-

" Abwaanku wuxuu yiri, waxaan saxaafada ka maqlaa erayadaan soo socda:-

Democracy, War on Terrorism, Fundamentalism, Al-Qaeda Network, Political changes and Dictatorship, Technology, Information Technology(IT) Globalisation, Human Rights, such as Women Rights and Child Rights, Expression of Speech to abuse our Prophet Mohamed(NNKH), Intercultural communication, Gender Balance, Equal Employment Opportunity, Minority and Majority Groups, moderate , Workshops and Seminars, Developed Countries and Developing countries , G8 or Group Eight, veto Powers, Veto, Nuclear Power oo looga soo duulo wadamada Islaamka ah , iyagoo aan haysana dusha looga tuuro si loo wareeraro(Coalition Attacks), iyo Kuwa kale oo aad u fara badan, marka waxaa iga yaabiyey erayadaan oo saxaafada aad ugu badan.

Waxaan arrintaan uga socday inagu hadaynu nahay Muslim miyeynaan samaysan karin erayo diinteena iyo dhaqankeena ku haboon oo aan kaga hortagno kuwa Gaalada.

Hadda, waa la inoo bareeray waxaana lagu adeeganayaa Gaalo Raacayaal damiir laawayaal ah oo dadkoodii iyo diintoodii iyo dalkoodiiba siistay shilimaan lacag ah iyo kursi xun oo ay habeenkasta ku seexdaan booyoow berri nabad ma ku fariisan doontaa ama beryo ma kugu simi karaa inta magacaaga si fiican looga wada maqlaayo Aduunka oo dhan.

Abwaan. Maxamuud Warsame Faarax, wuxuu sharaxaad ka bixinayaa tixda gabayga ah ee aan cinwaanka uga dhignay sheekadaan.

MWF: Walaal, waxay u taagan tahay ninkii garanaya baa garanayee aayad quraan ah oo la turjumay weeye, waayo xijaabku waa waajib, tixdaana waxaan ka soo xigtay nin iiga cilmi roon diinta Islaamka balse ana aan ku biirin karo dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah.

Abwaanku wuxuu la dardaarmayaa dumarka Islaamka ah gaar ahaan gabdhaha Soomaaliyeed, hada waxaan maqlayey Muqdisho oo gabdhaha xijaabka laga fiiqayo, marka waxaan leeyahay sharciga ku dhinta waa waajib xijaabku waxba yaan lagu marmarsiyoon wey indho dadnaayeen.

MWF: (Maxamuud Warsame Faarax), walaal, waxaan leeyahay meelkasta oo ay joogaan ku dhinta diintiina cid kale oo wax idin yeeli kartaa ma jirto Eebe mooyaane, Allaah ayaa xaqa idin ku hiilinaya, waxaa gaar ahaan leeyahay Soomaalida, walalaalayaal, laaca aragtaye laaga ma ogtahay , aragtay sida ay u dhaqmayaan gabdhaha gaalada ah ee aad iska dhigdhigaysaane waxa ka dameeya ma ogtihiin, wale idinkaa Muslim ah oo qaali ah hadadaan ee is daba qabta, maahan oo kaliya dumarka ee xataa ragga waan u soo jeedinayaa.

Abwaanku wuxuu sidoo kale yiri, war iminka dhalinyaradii waxaa ku dhacay dhaqan dooris ,balse waxaa yaab badan kuwii dibada laga soo celinayey ee dalka lagu dhaqan celinayey waxay u yimaadeen kuwa iyana u baahan dhaqan celis aana la garaneyn meel lagu dhaqan celiyo , anigu ma sheegin miyiga, yeelina maayaan, waxaa yaab ah, hadaad u sheegtid wanaaga, waxay ku leeyihiin(Xor baan ahay, waxaa la gaaray horumar).

Khadro Daahir Cige oo la hadlaysa dadka qurbaha jooga waxay tiri; qofkii dhega qaboow maqal dalku waa dalkaagii, waa kaad ku dhalateen , waa kaad ku dhisateen waa kaad ku dhaqanteen waa kaad ku dhimateen, balse Khadro maxay oran lahayd kuwa dalka laftigiisa jooga ee dhaqan doorisku ku dhacay, Xabada Gumeystaha iyo Faqriga iyo Cuduradu isugu darsameen???.

Isku soo wada duuboo Abwaan. Maxamuud Warsame Faarax ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay Ilaahay ka cabsadaan.

Maxamuud Cumar Bille
Somalitalk, Garoowe-Puntland
mcbille@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD